- Mucaaridka Kenya Oo
Cambaarayn Dusha Kaga Tuuray Xukumada Kenya Oo ciidamada
Ethiopia ku Wareejisay Maxaabiista Maxaakiimta Islaamka
- Gaashaan ;Shaqaalaha
Dowlada Loo Qaadanayo Laguma Qaybsan Doono Waxa Loo
Yaqaano 4.5 Ee waxay Noqon Doontaa Aqoon.
- Dowlada Suudaan Iyo
Dowlada KMG ah oo Isku Afgartay in dib loo Bilaabo
Wadahadaladii Maxaakiimta islaamka iyo DFKMG
- War Murtiyeed ka
soo baxay Kulan Suxufiyiin uga Socda Magaalada Muqdisho
Mucaaridka Kenya Oo
Cambaarayn Dusha Kaga Tuuray Xukumada Kenya Oo ciidamada
Ethiopia ku Wareejisay Maxaabiista Maxaakiimta Islaamka
Qore: yaasiin maxamed cali
(faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Mas’uul sare oo ka tirsan Mucaaradka Wadanka Kenya ayaa
cambaareeyey Talaabada Xukuumada Kenya ay ugu gacan gelisayn
Dowladda KMG ah ee ay ku hareeraysan yihiin ciidamada
Ethiopia Xubno looga shakisan yahay inay ka mid ahaayeen
Gollaha Maxaakiimta Islaamka oo shalay gelinkii dambe laga
soo dejiyey garoonka diyaaradaha ee Muqdishu.
Mr.Faarax Macalim oo ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee
Kenyan People’s Party (KPP), ayaa ku tilmaamay xadgudub
arrinta ah in dad aan wax dembi aan galabsan in lagu eedeeyo
inay ka tirsanaayeen Mujaahidiinta Dagaalyahanada ee
Gollihii Maxaakiimta Islaamka soomaaliyeed .
Mud,Faarax Macalin oo la hadalayey Saxaafada Kenya ayaa
sharaxaad ka bixiyey sida loola dhaqmay 34-ta nin oo Dowlada
Kenya u xirnaa, kuwasoo uu sheegay inay ku socotay Dacwad
markii lagu tuhmay inay ka tirsanaayeen GMIS dagaal la galay
Dowlada Federaalka KMG iyo Ciidamada Ethiopia
Faarax Macalin ayaa carabka ku adkeeyey sida naxariis darada
ah ee loola dhaqmay maxaabiistaas oo uu sheegay inay Indhaha,
Gacmaha iyo Lugaha ay ka xirnaayeen markii Ragaasi shalay
laga dhoofinayey Garoonka Jomma Kenyatta ee Magaaladda
Nairobi ee Dalka Kenya, isagaoona intaa raaciyay in gardaro
aheyd waxyaabaha iminka Raggaasi lagu heysto, Islamarkaana
talaabada xukuumada Kenya ay qaaday ay xadgudub ku tahay
sharciga caalamiga ah.
Dhinaca kale Afahayeenka Dowlada Federaalka KMG Soomaaliya
C/raxmaan Diinaari ayaa xaqiijiyey warkan isagoo sheegay in
Dowlada kmg ah ee soomaaliya loo soo gacan geliyey in ka
badan 30 Ragg oo ka tirsanaa Gollaha Maxaakiimta Islaamka ee
Dagaalka lagalay Dowlada,waa siduu hadalka u dhigaye isagoo
intaa sii raaciyay in xubnahan ay ku jiraan Ragg sar sare oo
kamid ahaa saraakiisha maxaakiimta.
Afahayeenka Dowlada waxa uu sidoo kale sheegay in talaabadan
loogu soo wareejiyay Xubnahaasi Dowlada ay ku timid dalab ay
Dowlada Federaalka KMG ee Soomaaliya u gudbisay Dowladda
Kenya, si loogu soo gacan geliyo dhamaan Maxaabiistii ka
tirsaneyd GMIS, isagoona Afahayeenka xusay inay warcad ka
soo saari doonaan Dowladu kmg ahi xubnahan ay usoo gacan
gelisay xukuumada kenya.
Gaashaan ;Shaqaalaha
Dowlada Loo Qaadanayo Laguma Qaybsan Doono Waxa Loo Yaqaano
4.5 Ee waxay Noqon Doontaa Aqoon.
Maxamed Faarax Ciise Gaashaan oo ah Gudoomiyaha Gudiga
qaranka Ee shaqaalaha rayidka ah ee dowlada ayaa ka war
bixiyey sida ay shaqaalaha dowlada loo habayn doono
islamarkaana loogu salayn lahaa aqoontooda ,isagoo sheegay
inaysan sida soomaalidu hada dabeecad ka dhigatay oo ah in
wax kasta loo qaybsado waxa loo yaqano 4.5 ay gudigooda ka
xaaraansan tahay .
Gaashaan ayaa intaas ku daray heerka gudigu soo jiray
islamarkaana carabka ku adkeeyey inuu gudigani samaysmay
waqtigii 1960 kii iyadoo xiligaasna uu ku salaysnaa xata
hadii dwoladan federaalka ee hada jirta ay waqtigeedu
dhamaado ay jiri doonaan howlahoodana sii wadan doonaan .
''ma jiri doonto waxa loo yaqaano soomaalidu hada ku
dhaqanto ee inaadeeroow islamarkaana waxanu tix gelin doonaa
aqoonta iyo heerka uu qofkani garsiisan yahay ,sidoo kalena
waxaanu ku dhaqmi jiray weligayo xiliaydii aan kasoo
shaqeeyey shaqada iyo shaqaalaha haweenka ka shaqeeya
shaqada shaqalaha hadii ay Uur yeelato ilaa laga gaaro bisha
8aad ee Uurkeda waa la fasixi jiray ilaa iyo inta cunuga ay
dhashay ka gaarayo 3bilood taasina waa xaqdhowrka qofka
haweenka ah ees shaqaalaha ahi leeyahay '' ayuu yiri mr
gashaan .
Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa sheegay inay xiliaydii dowladii
milatariga ee siyaad barre ay la tartameen dhowr jeer
wadamada carabta ee ciraaq ,masar iyo wadamo kale
islamarkana ay iyagu soomaali ahaan ku gulaysteen abaal
marinta Tix gelinta iyo xaquuqda shaqaalaha soomaaliyeed .
Mud; maxamed faarax ciise gashaan oo kasoo qayb galay
kulanka Ergooyinka saxaafadeed ee jamhuuriyada jabuuti ,som-land,punt-land
iyo dhamaan gobolada dalka badankooda ee ka socda hotel
saxafi ayaa dhamaan ku booriyey warbaahinta soomaaliya inay
ka howl galaan dalka sidii loo gaarsiin lahaa horumar iyo
weliba sida xaqiiqda looga sheegi lahaa dhacdooyinka
islamarkana dib u dhiska dalka ay warbaahintu uga qayb qadan
lahayd ,isagoo xusay inay saxaafadu tahay seef labo af leh
oo dhinacna wax ku goysa dhinacna wax ku dhista taasina ay
ku tusayso in ay ka qayb qaadan karaan dib u dhiska dalkooda
.
Dowlada Suudaan Iyo Dowlada KMG ah oo Isku Afgartay in
dib loo Bilaabo Wadahadaladii Maxaakiimta islaamka iyo DFKMG
Xukuumadda FKMG ah ee Soomaaliya iyo Dowladda Suudaan Ayaa
isku Afgartyay In Ay Suudaan Dib u billowdo Dhexdhexaadintii
Ay ka Dhex wadday Dowladda Soomaaliya iyo Golaha maxaakimta
islaamka.
Sida Ay qortay wakaaladda wararka Khaliijka Ayaa Dowladda
Soomaaliya waxa ay ka dalbatay Suudaan In Ay Soo
Cusbooneysiiso dadaalladii Ay ugu Jirtay Is waafajinta
Aragtida kala Fog ee Dhinacyada Soomaalida Dib usoo celinta
Diblomaasiyadeed iyo ka taakuleynta Dowladda Soomaaliya
Dhinacyada caafimaadka waxbarashada iyo Kaqeyb qaadashada
Ciidamada Nabad Ilaalinta ee la keenayo Soomaaliya .
Hadalkan Ayaa Yimid kadib kulan uu raysal wasaare Geedi la
qaatay Habeenkii Xalay ahaa Madaxweyne Ku xigeenka Suudaan
Cali Cismaan Maxamed Daaha .
Cali karti Waziiru dowlaha wazaaradda Arrimaha Dibadda dalka
Suudaan oo saxaafadda la hadlayay kulanka kadib Ayaa sheegay
In Madaxweyne Ku xigeenka Suudaan Uu muujiyay Intii kulanka
lagu Guda Jiray Sida ay suudaan uga Go’antahay in ay sii
waddo Xal u Raadinta Dhibaatada Soomaaliya iyo Kaalmeynta
Shacabka Soomaaliyeed .
Waxaa kaloo Uu Madaxweyne ku Xigeenku Tilmaamay In Suudaan
ay Goosatay In ay mar kale dib u bilaabo Howlihii
Dhexdhexaadinta ee ay ka Dhex wadday Soomaalida Taasoo uu
sheegay In La billaabi Doono Xilliga ugu Dhaqsiyaha badan ee
leysku Afgarto..
Raysal Wasaare cali maxamed Geeddi Ayaa ku Tilmaamay kulanka
uu la qaatay Madaxweyne ku Xigeenka Suudaan Cali Cismaan
Maxamed Daaha Mid Miro Dhal ah isla markaaana Looga hadlay
Arrimaha la xiriira Dib u heshiisiinta Dhinacyada Soomaalida
iyo sidii Dowladda Suudaan Ay Shacabka Soomaaliyeed garab
Uga Siin Laheyd Sugidda Amaanka iyo Soo Celinta xasiloonida
Soomaaliya.
War Murtiyeed ka
soo baxay Kulan Suxufiyiin uga Socda Magaalada Muqdisho
Maanta oo ah 21-ka January oo ku beegan maalinta loo
asteeyay maalinta Saxaafadda Soomaaliyeed ayaa haddii aan
nahay ergada Kullanka Madax-Banaanida Fekerka ee ka socdo
Muqdisho, go’aansanay in anu soo saarno war-murtiyeedkan.
Saxaafaddu waxaa lagu tilmaamaa in ay tahay awoodda afaraad
ee uu qaran waliba leeyahay. Sidoo kale waxaa la sheegaa in
ay hormuud ka tahay horumarka ay ummad waliba gaarto.
Waxaan cadeyneynaa in nabad waarto iyo nidaam dimuqradi ah
ey ku xiran tahay xurmado loo hayo madax-banaanida fikirka,
gaar ahaan Xoriyadda Saxaafadda, sida ku cad qodobka 19aad
ee Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadanaha. Sidaas darteed,
waxaa xusid mudan dadaalku ay saxaafaddu muujisay u dhabar
adeeg hawlaheeda ay ugu adeegto ummadda. Waxaan, sidoo kale,
si wada jir ah u dhaleeceyneynaa xadgudubyada ka dhanka ah
xoriyadda saxaafadda sida xariga sharci darada ah, dilka,
handadaada iyo xanibaada loo geysto dadka ka shaqeeya
saxaafadda iyo xiritaanka, faafreebka iyo hakinta xarumaha
warbaahineed.
Waa laga maarmaan ah in la xaqiijiyo in xarumaha warbaahintu
ay ka madax-banaanadaan faragelinta siyaasadeed ama dhaqaale
si ummadda Soomaaliyeed ee u oomaan xoggo madax-banaan oo la
isku haleyn karo ay helaan.
Waxaan dhaleeceyneynaa xariga aan sharciga ku dhisnayn ee
suxufiyiinta wargeyska Haatuf ee magaalada Hargeysa. Waxaan
ka walwalsan nahay xirnaanshaha Idaacadaha Warsan iyo
Baydhabo. Waxaan ugu baaqayna dhamaan dhinacyada ku
xadgudbaya xoriyadda saxaafadda in ay ka joogsadaan
xadgudubyada ay sameynayaan.
Inkastoo kicinta fowdada iyo abuurista naceyb ay tahay in
laga soo horjeesto, haddana waxaa laga doonayaa in
nidaamyada siyaasadeed aysan isaga darsoomin madax-banaanida
saxaafadda iyo wararka khaldan ee dacaayadda ah
(propaganda). Jiritaanka Ummad Xor u ah masiirkeeda waxaa uu
ku xiran yahay jiritaanka saxaafad xor ah.
Saxaafaddu waxaa ay qeyb muhiim ah ka qaadan kartaa dib u
dhiska qaranka iyo horumarka dalka. Saxaafadu waxaa ay door
muhiim ah ka ciyaari kartaa sidii loo xasilin lahaa dalka si
loo gaaro nabad, sharci iyo kala dambeyn. Haddaba, ficil
kasta oo saameyn ku leh shaqada saxaafadda waxaa loo baahan
yahay in si buuxda lagala tashado saxaafadda ka hor inta aan
talaabo la qaadin.
Saxaafad fircoon waxaa ay bulaali kartaa marka ay jirto
saxaafad mas’uul ah oo xurmeyneysa nidaamka caalamiga ah ee
saxaafadda. Si loogu gudbiyo xoggo tayaysan ummada waxaa
laga maarmaan ah in saxaafadu ku dadaasho anshax, kana
dhowrsato ficilada wax u dhimi kara sharafta suxufiga sida
eexda, danaysiga, qabyaalada, iyo IWM, waana in ay muujiyaan
midnimo iyo xirfad wanaag si ay ugu gudbaan waqtigan adag.
Waxaa ansixiyay Kullanka Madax-Banaanida Fekerka ee
Muqidisho
Qore: yaasiin maxamed
cali (faytin)
yaasiin2006@hotmail.com
Faafin: Jan 22, 2007
Madaafiic
Xalay Lala Beegsaday Villa Soomaaliya..
Madaafiic ayaa lala beegsaday aqalka madaxtooyada,
warkaas iyo Maxkamadaha Islaamiga ah oo si kulul u Beeniyey in Shiikh
Shariif uu isu dhiibey dalka Kenya, waxaa kale oo wararku sheegeen in aan la
dhaawicin A. Cayrow..
Akhri... 20/1
Xisbiga RPP oo Maamulka Puntland uga digey in ay xukunka kororsadaan...
waxa kale oo xisbiga RPP uu digniin u xiray maamulka Somaliland....
Akhri...
20/1
Eritrea
oo ka Digtey Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya
Waxa kale oo arrimaha Soomaaliya ka hadlay Dr. Ken
Menkhaus oo..
Akhri...
19/1

