SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii: Jan 22, 2007

  • Suudaan oo Diidey in ay Ciidamo Nabad Ilaalin ah u Dirto Soomaaliya
  • Xuseen Bullaale: Ciidamada Itoobiya waxay ku baxayaan laba toddobaad
  • Ciidamada Itoobiya oo Fakad ahaan uga Baxaya Soomaaliya
  • Dowladda Kenya oo la sheegey In ay dusha u ridan doonto wixii dhib ah ee loo geysta..
  • Ciidamo itoobiyaan ah oo qarax loogu geystay meel ku dhow....
  • Urur la magacbaxay SYL oo sheegtay weerarkii lagu qaadey Vila Soomaaliya..
  • Shacabka Adis-Ababa oo ku farxay markii ay ay rkeen Askar Itoobiyaan ah oo ku qubeysaneysa.

Suudaan oo Diidey in ay Ciidamo Nabad Ilaalin ah u Dirto Soomaaliya


Madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan al-Bashir oo la kulmay ra'iisul wasaaraha DFKMG Cali Maxamed Geeddii. Khartoum, January 21, 2007. (Reuters)

Wararka ka imanaya magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa shaaca ka qaaday in dawladda Suudaan ay diidey in ay Ciidamo Nabad ilaalin ah u dirto dalka Soomaaliya, ayadoo sheegtay in ay muhiimada Siineyso nabadaynta dalka.

Axadii kulan ay Khartuum ku yeesheen madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG Cali Maxamed Geeddi, kaddib ayaa wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan, Ali Kerti, waxa uu warbaahinta u sheegay in ciidan kasta oo shisheeye oo loo diro Soomaaliya uu weerar kaga iman doono Maxkamadaha Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, waxana uu intaas raaciyey in Suudaan ay danayneysa xaqiiqsiga nabadda Soomaaliya.

Sarkaalka reer Suudaan waxa uu intaas ku daray in Dawladda Soomaaliya ay bedeshey weydiisashadeedii ahayd ka qaybqaadashada ciidamada Midowga Afrika ee Nabad ilaalinta oo ay ku bedeshey in ciidamada loo diro si ay tababar siiyaan militariga Soomaliya, booliska, ciidanka ammaanka iyo maamulka madaniga ah.

Madaxweyne Al-Bashiir waxa uu Ra'iisuwasaare Geeddi u caddeeyey sida ay Suudaan ugu taagan tahay wada jirta, nabada iyo deganaanshaha Soomaaliya. Waxa kale oo uu u caddeeyey sida ay muhiimada u leedahay in miiska wadahadalka ay isugu yimaadaan garabyada Soomaaliya si loo gaaro nabadgeliyo.

Markii uu weydiistey Cali Maxamed Geeddi, ayaa Al-Bashiir waxa uu u xaqiijiyey sida uu diyaarka ugu yahay in uu sii wado sidii meel la isugu keeni lahaa dhammaan qaybaha Soomaaliya si ay u wada hadlaan, sidaas waxaa weridey SUNA oo ah warbaahinta ay gacanta ku hayso xukuumada Suudaan.

Waxaa warku intaas raaciyey in Janaayo 19keedii markii uu Cali Maxamed Geeddi yimid Suudaan in laga soo weriyey in uu ku gacan sayray wax wada hadal ah oo dhex mara Dawladiisa iyo Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah.

Wasiiru-Dowlaha Suudaan waxa uu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay aqabashay in Suudaan ay sii wado dhexdhexaadintii iyo soo noolaynta wadahadaladii.

Xuseen Bullaale: Ciidamada Itoobiya waxay ku baxayaan laba toddobaad


Xuseen Bullaale. Sawirka: GulfNews

Safiirka Soomaalida u fadhiya imaaradka Carabta (UAE), Hussain Bullaleh, waxa uu Gulf News u sheegay in "Xaaladda ammaan ee Soomaaliya faraha lagu qabtay iyo in Ciidamada Itoobiya ay kaga bixi karaan dalka muddo ka yar laba toddonbaad" Waxana uu intaas ku daray "Ciidamada Afrikaanka ayaa la filayaa in ay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ku bedelaan in ka yar laba todobaad"

Waxa uu intaas ku daray in: Siddeed kun oo ah ciidamada Afrikaanka ay aay imanaya Soomaaliya, Itoobiyana markaas boos ay ku joogto dalka uma furna.


Sawrada Mudahraadkii UK iyo Norway Halkanka daawo

sandiego
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee San Diego, USA.. Akhri

swiss
Banaanbixii Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Switzerland Akhri
finland
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida ee Helsinki Finland.... Akhri

minneapolis
Bannaanbaxii Jaaliyada Soomaalida MPLS, Minnesota.. Akhri

Safiirku waxa uu yiri: Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah "Qaar ahaan waa la burburiyey", inta ka hartayna waa wax dalka ka baxay ama in ku dhuumaalaysanaya baadiyaha.

Waxa uu wax kama jiraan ka soo qaaday dagaalka ku-dhifo-oo-ka-dhaqaaq ee ay maxkamaduhu sheegeen in ay ku qaadayaan dawladda KMG. Waxana uu yiri: Maxkamaduhu Soomaaliya waxay ku haystaan taageero aad u laciif ah, gaar ahaan Muqidho. Dawladda Kumeeglaarka aad ayaa dadku u taabacsan yihiin. Ayuu yiri Xuseen Bullaale. Isha warka: GulfNews.

Ciidamada Itoobiya oo Fakad ahaan uga Baxaya Soomaaliya

Sida laga soo xigtey shabakada Shabait.com ee dawladda Eritrea, Ciidamada xukuumada TPLF, waxay awoodi kari waayeen in ay u adkaystaan cadaadiska aadka u xoogga weyn ee ka soo hor jeeda joogitaankooda Soomaaliya, waxaana khasab looga dhigay in ay dib si degdeg ah uga baxaan iyagoo carar ah, kaddib markii la soo gaarsiiyey khasaare aad u farabadan oo laga diley kumanaan askari oo ay kamid yihiin saraakiil.

Waxaa warku intaas raaciyey ilaa markii ay ciidamda TPLF cagta dhigeen ciidda Soomaaliya waxaa ka yaabiyey oo ay la fajaceen sida xoogga weyn ee dadka Soomaaliyeed ay uga soo hor jeedaan.

  • Mudaharaadyo aad u xoogbadan ayaa maalmahan waxaa dhigayey jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha, mudaharaadyadas oo looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya. Mudaharaadyadii ugu dambeeyey waxay ka dhaceen Canada, Ingiriiska iyo Norway... [Sawrada Mudahraadkii UK iyo Norway Halkanka daawo]

RaabehIsbahaysiga Qaran ee Daafacaadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed : Baaq Culus #2
unugga horseedka u ah abaabulka iyo mideynta xoogagga wadaniyiinta Soomaaliyeed ayaa magaalada Ottawa, Canada waxa uu Akhri...


Dowladda Kenya oo la sheegey In ay dusha u ridan doonto wixii dhib ah ee loo geysta..

  • "Kenya ayaa Dusha u ridan doonta wixii Dhibaato ah ee loo geysto dadkii soo magan galay ee ay gacanta u Gelisey Ciidanka Itoobiya" Garyaqaannada Kenya, Waayo, ayey yiraahdeen "Dowladda Kenya ay jabisay sharciyada Maxaabiista"....

Wararka naga soo gaaraya magaalada Nayroobi ee dlka Kenya waay sheegayaan in Dowladda Kenya ay soo gaareen eedeeymo fara badan oo kaga imaanaya dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalkeeda iyo waliba siyaasiyiin caan ah oo iyana u dhashay dalkaasi, kaddib markii dad maxaabiis ah oo la sheegay in ay isu dhiibay Kenya loo gacan geliyey Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha dalka Soomaaliya, waxayna falkaasi ku tilmaameen mid sharciga ka baxsan, waxay kaloo sheegeen in Dowladda Kenya aysan dhex dhexaad ka aheyn arrimaha Soomaaliya, iyagoo sheegay inay la safatay Mareykan iyo Itoobiya.

Garyaqaanada wadanka Kenya ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay jabisay sharciyada Maxaabiista iyagoo sheegay in wixii dhibaato ah oo loo gaysto dadkaasi ay dusha u ridan doonto dowladda Kenya, waayo ayay yiraahdeen waxay ahaayeen dad soo magangalay dalka Kenya.

Ilaa iyo 40 maxaabiis ah ayaa doraad waxaa laga soo dejiyey Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada muqdisho, kuwaas oo aan la garaneyn ilaa iyo hadda meel lala aaday, uyadoo dadkii ehelada u ahaa dadkaasi ay aad u walwalsan yihiin waxa ay ku dambeyn doonto nolosha dadkaasi maxaabiista ah.

Ciidamo itoobiyaan ah oo qarax loogu geystay meel ku dhow....

Wararka naga soo gaaraya Dhuusa Mareeb ee Gobolka Gal-Gaduud waxa ay sheegayaan in Ciidamo itoobiyaan ah lagu weeraray meel ku dhow Magaalada Dhuusa Mareeb ka dib markii Jidka loo galiyey Miino.

Ilaa iyo haatan lama oga Khasaaraha ka dhashay Qaraxaasi hase yeeshee warar ayaa sheegay in Qaraxaasi Gabi ahaamba Bur-Buriyey Gaari ee leeyihiin Ciidamda itoobiya sidoo kale Ciidamada itoobiya kama hadlin Qaraxaasi.

Ciidamo oo ku haray Magaalada Dhuusa Mareeb ayaa bilaabay inay baaraan Guryaha waxaana la sheegay in soo qabteen ilaa iyo 12-Qafood oo la sheegay inay ahaayeen Dad Rayid ah oo qaarkood la sheegay inay Ganacsi ku laahaayeen Magaalada Dhuusa Mareeb.

Ciidamo itoobiya oo degan Xarada 21-aad ayaa la sheegay inay kulan la sheegay Odayaasha deegaanka ee ka codsadeen inay kala shaqeeyeen dhinac Nabadda sidoo kale Odayaasha deegaanka waaxa ay ka codsadeen Ciidamada itoobiyaank inaysan soo dhaafin Xaradooda ayagoo sheegay inay kala shaqayn doonaan dhinaca Nabadda sidoo kale waxay dalbadeen inay la soo xareeyo wixii Hub ah ee yeela Magaalada Dhuusa Mareeb iyo Tuulooyinka ku Xeeran, waxa socda maalmahaan weeraro lagu hayo Ciidamada itoobiya ee soo galay Dalka.

Urur la magacbaxay SYL oo sheegtay weerarkii lagu qaadey Vila Soomaaliya..

Sida aan ka soo xiganay Web-Site-ka Baidao.com waxa uu sheegay in qaraxyadii maalmahan lala beegsanayey goobo ku yaala magaalada Muqdisho, gaar ahaan kii ugu dambeeyey ee ka dhacay Xarunta Madaxtoonyada ee Villa Somalia ay ka dambeeyeen urur la magacbaxay SYL.

Ururku waxa uu sheegay in ay sii wadi doonaan qaraxyada inta ay ka baxayaan ciidamada Itoobiya gudaha dalka Soomaaliya, hase yeeshee, web-Site-ku ma sheegin cidda madaxda u ah ururkaasi iyo sababaha loogu bixiyey SYL, iyado la og yahay in ururka SYL uu ahaa ururkii Xornimada gaarsiiyey shacabka Soomaaliyeed, dagaal xoog lehna la galay gumeysigii Talyaaniga.

Ururkaan Dhallinyarada ah ayaan la ogeyn halka fariisin u ah, iyadoo dhawaan waraaqo lagu daayey magaalada Muqdisho ay daadiyeen urur la magacbaxay Mujaahidin Wal-Qitaal.

Shacabka Adis-Ababa oo ku farxay markii ay ay rkeen Askar Itoobiyaan ah oo ku qubeysaneysa.

Taleefishinka Wadanka Itoobiya ayaa dhawaan soo bandhigay sawiro laga soo qaaday dalka Soomaaliya gaar ahaan Magaalada Muqdisho, waxana sawiradaasi ku jiray markii Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku qubeysanaya Xeebta Muqdisho ay si aad ah ugu farxeen dadweynihii daawanayey, gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Adis-Ababa.

Askari Itoobiyaan ah oo la wareystay ayaa waxa u yiri “Weligey ma arkin bad, maanta waxaana arkay bad” waxaana arrintaani sahlay dad Soomaaliyeed.

Sidoo kale waxaa taleefi-shinka laga daawaday askar Itoobiyaan ah oo raashin siinaya dad Soomaaliyeed, hase yeeshee waxaa arrimahan oo dhan aad uga carooday dadka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha dalka Itoobiya oo sheegay in Itoobiya oo faqri ah ay Soomaaliya wax siiso.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Isbahaysiga Qaran ee Daafacaadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed
RaabehBaaq Culus # 2: unugga horseedka u ah abaabulka iyo mideynta xoogagga wadaniyiinta Soomaaliyeed ayaa magaalada Ottawa ee dalaka Canada waxa uu k asoo saaray baaq uu... Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 22, 2007

shariifMadaafiic Xalay Lala Beegsaday Villa Soomaaliya..
Madaafiic ayaa lala beegsaday aqalka madaxtooyada, warkaas iyo Maxkamadaha Islaamiga ah oo si kulul u Beeniyey in Shiikh Shariif uu isu dhiibey dalka Kenya, waxaa kale oo wararku sheegeen in aan la dhaawicin A. Cayrow.. Akhri... 20/1
Xisbiga RPP oo Maamulka Puntland uga digey in ay xukunka kororsadaan...
waxa kale oo xisbiga RPP uu digniin u xiray maamulka Somaliland....
Akhri... 20/1

Eritrea oo ka Digtey Xaaladda Cakiran ee Soomaaliya
Waxa kale oo arrimaha Soomaaliya ka hadlay Dr. Ken Menkhaus oo.. Akhri... 19/1
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH