Wararkii:: Jan 23, 2007
- Canada oo aad uga
Carootay Kenya oo Nin Somali-Canadian ah u Dhoofisey
Soomaaliya, Lagana Cabsi in Itoobiya loo gacan geliyey....
- Garoonka
Diyaaradaha oo shalay laga duuliyey 22 Qofood oo u
dhashey Qowmiyadda Oromada..
- Sheekh Shariif oo
la xaqiijiyey in uu ku sugan yahay Nairobi
- Ciidamada Itoobiya
oo Suuqa Xoolaha ku dilay 4 qofood..
- Ciidamada Itoobiya
oo gebi ahaanba ka baxay Degamada Dhuuso Mareeb.
- Axmed Kiimiko oo
loo doortay guddoomiyaha Golaha Madaxbanaanida Fikirka
- Garowe:180 macalin
oo ay haayada Adra ay siminaar uga furmay garowe ku
saabsan khatarka cudurka AIDS-ka.
Shuftada badda oo Soo
Laabatay Maxkamadihii Ka Dib...
Sida uu sheegay raadiyaha
Maraykanka ee VOA, xilligii ay maxkamadaha Islaamku ka
talinayeen koonfurta Soomaaliya waxaa hoos u dhacay
shuftadii Badda, laakiin shuftadaasi hadda ayey soo laba
kacleeyeen...
Dhegeyso Halkan... ama
Halkan Dhegeyso...
ama
Akhri Halkan....
Midowga
Yurub oo Shuruud Ku Xiray Taageerada Soomaaliya....
- Midowga Yurub ayaa
Taageero Dhaqaale oo ay Siiyaan Ciidamada Afrikaanka ee
Nabad Ilaalinta Soomaaliya waxay ku Xireen in DFKMG ay
wadahadal la furto Maxkamadaha Islaamiga iyo Qaybaha
Kale ee Soomaalida....
Brussels: Midowga Yurub ayaa sheegay in taageero
dhaqaale oo lasiiyo ciidamada Nabad Ilaalinta
ee Afrikaanka ay ku xiran tahay oo keliya haddii ay Dawladda KMG ay la xiriirta
Maxkamada Islaamiga
iyo qaybaha kale ee Soomaalida si loo gaaro nabad, sidaas waxaa Isniintii yiri madaxa Midowga Yurub.
"Xaaladda Soomaaliya waa mid aad uga fog deganaansho. Weerarkii lagu qaaday Villa Soomaaliya oo ah halka uu madaxweyne Cabdullaahi Yusuuf
joogey waa arrin muujineysa halis in dagaalkii ahliga ah soo laabto" Sidaas waxaa yiri Louis Michel oo ah madaxa ururka reer Yurub oo warfidiyeenada la hadlayey Isniintii.
Dawlad loo dhanyahay "waa habka keliya oo lagu gari karo Soomaaliya oo siyaasad ahaan u deggan, sidaas daraaded waxaan isku xiray xiriirka u dhexeeya caawinaada
dhaqaale ee ciidamada nadab-ilaalinta iyo in la furo wadahadal iyo nidaamka dib u heshiisiinta" ayuu yiri
Mr. Michel.
15 million euros ($19 million) oo ay Midowga Yurub (EU) si khaas ah gooni ugu
qoondeeyeen in lagu caawiyo maalgelinta ciidamada Nabad ilaalinta ee Afrikaanka, oo lagu bedelo Ciidanka Itoobiya ee jooga Soomaaliya, waxaa lacagtaas la dhiibayaa oo keliya
haddii ay jirto nidaam dib u heshiisiin oo dhab ah, ayuu ku adkaystay Michel.
"Waxaa aad iyo aad muhiim u ah in la xaqiijiyo in dhammaan dhinacayada ay ka mid yihiin hoggaamiyayaasha beelaha, hoggaamiyayaasha Islaamiga,
ganacsatada, bulshada rayadka ah iyo dumarka in laga qayb geliyo siyaasad loo dhanyahay iyo nidaam dhiska," sidaas waxaa yiri wareegto ka soo baxday wasiirada arrimaha dibada ee Midowga Yurub.
[Isha warka Reuters:
Eeg Halkan...].
Wasiirada Midowga Yurub waxa ay cambarayn dusha
uga tuureen xilkaqaadistii ay Baarlamaanka DFKMG sheegeen in ay xilka kaga
qaadeen Guddoomiaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sh. Aaden. Waxaa warku sheegay in
27 dawladood oo reer Yurub iyo Maraykanku ay sheegeen in xil ka qaadistaasi ay
dhaawac gaarsiisey dib u heshiisiinta Soomaaliya. EU waxay DFKMG ugu baaqday in
way wada hadal la furaan maxaakiimta [Eeg
Halkan...]
Dhanka kale waxaa wararkaka imanay Kenya ay
xaqiijiyeen in Guddoomiyaha Maxkamada Islaamiga Sh. Shariif uu ku sugan yahay
Nairobi.
Farih Muallim oo ah hoggaamiyaha xisbiga Sake Of Kenyan
People's Party waxa uu meesha ka saaray in Sheikh
Shariif uu xiran yahay, waxan uu yiri :Waxaan u
malaynayaa in Sheikh Shariif Axmed uu Kenya ku joogo
casumaad uu ka helay Safaaradda Maraykanka, sida uu
Safiirka Kenya dawr beri ka hor u yiri waxaan jecelahay
in aan la kulano xubno ka tirsan maxkamadaha Islaamiga
ah ee aan xag jirin, sidaas waxaa werisey Aljazeera.
Canada oo aad uga Carootay
Kenya oo Nin Somali-Canadian ah u Dhoofisey Soomaaliya,
Lagana Cabsi in Itoobiya loo gacan geliyey....
Dalka Canada ayaa aad uga
carooday in dalka Kenya laga dhoofiyey
Bashir Ahmed Makhtal oo ah nin
Soomaali ah oo haysta dhalashada dalka Canada, loona
dhoofiyey Soomaaliya oo loo malaynayo in gacanta loo geliyey
Itoobiya, waxaana laga casbi qabaa in durbadiiba loo
gudbiyey magaalada Addis Ababa.
Waxaa aad loogu cabsi qabaa
ammaanka Bashir Ahmed Makhtal, maadaama awoowihiis uu ka mid
ahaa raggii asaasay jabhadda Xoraynta dhulka ay xabashidu
gumaysato ee Soomaali Galbeed.
Bashiir Makhtal waxa uu ka
ganacsan jirey dharka oo uu ganacsigiisu ahaa Kenya iyo
Soomaaliya. Xaaskiisa oo magaceeda la yiraado
Aziza Osman waxay telefishanka
Canada ee CBC u sheegtay in Bashiir Makhtal uusan wax shaqo
ah ku lahayn wax haba yaratee ah urur xag-jir ah. Waxayna
tiri waxa uu ahaa ganacsade.
Sabtidii ayaa Kenya waxay
Bashiir Makhtal iyo 29 qof oo kale u dhoofisey Soomaaliya,
halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo aad u farabadan oo
Itoobiyaan ah. CBC TV waxa uu yiri: Itoobiya aad ayey u
joogtaa Soomaaliya kaddib markii ay muruq siiyey dawladda
taagta daran ee ah secular-ka (Secular = aan diin iyo
aakhiro toona shaqo ku lahayn), waa sida warku u dhigay'e,
si ay awood ugu hesho ka itaal roonaanshada ciidamadii
Islaamiyiinta.
Canada waxay aad ug
carootay sababta ay dawladda Kenya qof haysta Dhalashada iyo
Baasaboor Canadian ah ugu dhoofisey dalka Soomaaliya oo ay
ugu soo dhoofin weydey Canada.
Afhayeen u hadlayey
wasaaradda Arrimaha dibada ee Canada ayaa Isniintii waxa uu
magaalada Ottawa ka sheegay in Canada ay aad uga soo
horjeedo go'aanka ay Kenya qaadatay ee ahaa in ay Bashir
Ahmed Makhtal ugu dhoofisey Soomaaliya, sababtoo ah
wasaarada Arrimaha dibada ee Canada waxay Soomaaliya u
tixgelisaa meel halis ah oo ay dadkeeda kula talisay in oo
aan loo safri karin oo ay dhammaan dadka Canadian-ka kula
talisay in ay dalka Soomaaliya ka baxaan.
Afhayeenka,
Réjean Beaulieu, waxa uu
sheegay in arrintaas ay Canada gaarsiisey meesha ugu saraysa
oo ay kala hadashay saraakiil Kenyan ah oo kusugan Ottawa oo
ah Caasimaada Canada iyo Nairobi oo ah caasimada Kenya.
Dalka Canada waa dal aad
looga tixgeliyo xuquuqda aadamiga, isla mar ahaantaana waa
dal tixgelin aad u weyn siiya muwaadiniintiisa ama dadka
haysta dhalashada dalkaas.
Ehelka Bashiir Makhtal, oo
da'diisa lagu qiyaasay 40-jir, waxay aad uga walaacsan
yihiin gacanta uu u galay dal ka tirsan dunida saddexaad oo
wax kasta laga filan karo, waa Itoobiya'e.
Qoraal dheer oo
Telefishanka Dalka Canada ee CBC uu arrintaas ka qoray ka
ka akhri halkan..... . Sidoo kale akhri Jariidada kasoo
baxda Toronto ee
The Toronto Star....
Bannaanbax
Ballaaran oo Looga Soo Horjeedo Itoobiya oo ka Dhacay
Canada...
Banaan baxan ayaa waxa uu
ka dhacay Bartamaha magaalada Windsor, Ontario, ee dalka
Canada gaar ahaan xafiiska laga xukuma magaalada Windsor ee
City Hall maalintii Jimcada oo tariikhdu aheyd January 19,
2007. Banaan baxan oo ay soo qaban qaabiyeen ururka Midowga
Jaaliyad Soomaaliyeed ee dalka dibadiisa ku dhaqan United
Somali Diaspora. Waxaana taageero u fidiyay banaan baxan
kana soo qeybgalay ururada Bulshada ee magaalada Winsdor oo
ay ka mid yihiin: Windsor Peace Coalition oo ah urur mar
walba u taagan kana soo horjeeda dagaalada lagu qaado dadka
iyo dalalka laga awooda badan yahay ee xaq darada ah. Warka
oo dhan akhri....
Garoonka Diyaaradaha oo
shalay laga duuliyey 22 Qofood oo u dhashey Qowmiyadda
Oromada..
Shalay
galabnimadii ayaa garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho
waxaa laga duuliyey 22 qofood oo oromo aha oo intooda badan
ahaa dad mudo deganaa magaalada Muqdisho.
Oromadaan ayaa loo qaaday sida ay noo sheegeen dad ku sugnaa
garoonka Diyaaradaha dalka Itoobiya, waxaana la sheegay in
raggaasi ay indhaha ka xirnaayeen oo ay gacmahana ka
xirnaayeen.
Oromadaan ayaan qaarkood laga soo qabtay gobalka Sh/dhexe,
kuwana waxaa laga qabtay magaalada Muqdisho, halka kuwo
kalana laga keenay xuduuda u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya.
Dadka Oromada ah ee ku sugan Gudaha Soomaaliya ayaa dhibaato
ku qabay soo gelitaankii Ciidamada Itoobiya ee gudaha dalka
Soomaaliya, qaarkoodna waxaa lagula kacay dil iyo dhac, waxa
uuna sheegay Guddoomiyaha Oromada in dadka Oromada ah aysan
ilaabi doonin waxyaabihii lagula kacay.
Sheekh Shariif oo la
xaqiijiyey in uu ku sugan yahay Nairobi
-
Farih Muallim: "Sheekh Shariif Waxa uu Kenya ku joogaa
Casumaada Maraykanka..."
Saxaafadda qaar ka mid ah
ayaa shalay oo dhan faafinayey warar sheegaya in Shiikh
Shariif uu ku sugan ayahay oo ilaalo ka hayaan Ciidamo
Maraykanka iyo kuwa Kenyaati ah ka dib markii uu
Guddoomiyaha Golaha Fulinta la sheegay in uu ka gudbay
xuduuda u dhexeysa Kenaya iyo Soomaaliya hase yeeshee ma
aysan faafaahin in Shiikh Shariif uu isu dhiibay Ciidamada
Waddanka Kenya.
Mar aanu la xiriiray Dad ku
sugan Waddankaasi ayaa waxa ay noo sheegeen in Shiikh
Shariif aan laga soo deyn Telefishinka Waddankaasi,
balse waxa ay noo sheegeen inay maqlayeen maaalmahaan in
Shiikh Shariif uu ku sugan yahay Dalka Kenya tagista Shiikh
Shariif ee Dalka Kenya uu tagay warar kala duwan ayaa ka soo
baxaya qaar waxa ay sheegayaan in Shiikh Shariif uu halkaa
uu u tagay sidii wada xoojood uu ula yeelan lahaa Dowladda
fedaraalka, isla markaana loo dhamayn lahaa khilaafyada ka
jira gudaha Waddanka Soomaaliya maadaama ay sii kordheen
weerarada lagu hayo Ciimada itoobiya iyo kuwa Dowladda
fedaraalka ka dib markii dhawaan la weeraray Xarunta
Madaxtooyada Dowladda fedaraalka oo uu fadhiyo Madaxwayne C/laahi
Yuusuf Axmed Dowladda.
Kenya ayaa waxay maalintii
shalay ahayd shaaca ka qaaday in Shiikh Shariif uu ku sugan
Magaalada Neroobi ee Dalka Kenya balse Dowladda Kenya
xaqiiqda dhabta ah kama hadlin ee uu Shiikh Shariif ku
gaaray Waddanka Kenay taageerayaasha Shiikh Shariif Shiikh
Axmed ayaa aad u soo dhweeyey markii ay mqaleen in Shiikh
Shariif uu sii wadi doono wadahadaladii u dhexeeyey
Maxaakiimt islaamiga ah iyo Dowladda fedaraalka dhanka kale
Ra’iisul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa shalay aqbalay in uu
wadahadal la galayo Maxaakiimta islaamiga ah lamana garanayo
sababaha uu Geedi u aqbalay inuu wadahadal la galo
Maxaakiimta islaamiga ah,waxaa lagu wadaa in maalmaha soo
socda Dalka Suudaan wadahadal ay isugu yimaadaan maxakiimta
islaamiga ah iyo Dowladda Fedaraalka.
-
Farih Muallim oo ah hoggaamiyaha xisbiga Sake Of Kenyan
People's Party waxa uu meesha ka saaray in Sheikh
Shariif uu xiran yahay, waxan uu yiri :Waxaan u
malaynayaa in Sheikh Shariif Axmed uu Kenya ku joogo
casumaad uu ka helay Safaaradda Maraykanka, sida uu
Safiirka Kenya dawr beri ka hor u yiri waxaan jecelahay
in aan la kulano xubno ka tirsan maxkamadaha Islaamiga
ah ee aan xag jirin, sidaas waxaa werisey Aljazeera.
Ciidamada Itoobiya oo Suuqa
Xoolaha ku dilay 4 qofood..
Ciidamada Itoobiya ee ku suga Dalka isla markaana
Gacansiinaya Dowladda Federaalka ayaa shalay howlgal ay ka
fuliyeen ku dilay 4 qofood, isla markaana ay ku dhaawacmeen
ila iyo lix qofoodoo dhamaantood ahaa dad rayid ah.
Dilkaan ayaa yimid markii dadweynaha deegaanka ay ka
caroodeen labo qofood oo ku sugnaa deegaankaasi oo ay la
baxeen ciidamada Dowladda Federaalka ah oo uu ku jiray nin
ganacsade ahaa.
Dadweynuhu waxay sameeyeen banaanbax rabshado watay, oo ay
ku muujinayaan caradooda, hase yeeshee waxaa goobtii ka
dhacday iska hor imaadyo khasaaro sababaxay.
Suuqa xoolaha oo ah meesha ay ka dhacaan rabshadaha ugu
badan ee looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya ayaa waxay
qaar ka mid ah dadweynuhu noo sheegeen in ay sii wadi
doonaan dagaalada ay kaga soo horjeedaan Ciidamada Itoobiya,
iyagoo sheegay in Ciidamada Itoobiya ay yihiin kuwo soo
duulay dalka Soomaaliya.
Ciidamada Itoobiya oo
gebi ahaanba ka baxay Degamada Dhuuso Mareeb.
Kaddib markii dhowr jeer weeraro lagu soo qaaday Ciidamada
Itoobiya eek u sugan Magaalada Dhuusa-Mareeb uuna ugu
dambeeyey taliyihii Ciidamada Aagaasi ayaa shalay
subaxnimadii dhamaan ciidamadii itoobiya eek u sugnaa
magaaladaasi ay isaga baxeen.
Dad loo xirxiray qaraxyadaasi ayaa la sii daayey oo ay
tiradadoodu gaareysay 11 qofood, waxayna bixitaanka
ciidamadani qayb ka yihiin kaddib markii Ra’isul Wasaaraha
dalka Itoobiya eek u dhawaaqay in Ciidamada Itoobiya ay si
tartartiib ah ugabixin doonaan dalka Soomaaliya oo aysan
sugi doonin ciidmada Nabad ilaalinta ee Midowga Afrika.
Ciidamada Itoobiya ee soo galay dalka Soomaaliya ayaa
weeraro ay waxa kaga imaanayeen dadka ka soo horjeeda soo
gelitaankooda, waxana dhowr meelood oo dalka ah ka dhacay
weeraro looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya gaar ahan
Magalada Muqdisho oo shalay ay ka dhaceen iska hor imaadyo.
Axmed Kiimiko oo loo
doortay guddoomiyaha Golaha Madaxbanaanida Fikirka
Afar maalmood ayaa Hotel Saxafi waxaa ka socday kulan loogu
magacdaray (Kulanka Madax-banaanida Fikirka), waxaana soo
qaban-qaabiyey Hay’adda NOSOJ oo gacan ka heleysa Hay’adda
UNESCO, waxaana ka qaybgalay saxafiyiiin ka kala socotay
qaybaha Warbaahinta oo ka kala yimid Somaliland, Puntland,
Gobalada Dhexe, Koonfurta Soomaaliya iyo Waliba Gobalka
Banaadir. ,Bulshada Rayidka iyo Hayadaha Xaquuqda Aadanaha
Gebagabadii kulankaasi ayaa waxaa lagu doortay Gole la
magacbaxay Golaha Madax-banaanida Fikirka, waxaana
guddoomiye loogu doortay Cumar Max’ed Cali (Kiimiko),
Xubnihiisa waxay ka kooban yihiin Mawliid Xaaji Cabdi, C/llaahi
Xasan Shiikhaalow, Max’ed Cabdi Afgooye, Max’ed Shiil Xasan,
Sahra Cabdi Axmed, Cabdi Aadan Guuleed, Hilaal Sheekh
Shuceyb, Max’ed C/llaahi Gaas, Cumar Faaruuq, AVV. Sakariye,
Malyuun Sheekh Xaydar, Siidow Xasan Mahdi iyo Faadumo Sheekh.
Axmed Kiimiko oo ka hadlay halkaasi doorashadii kadib waxa
uu sheegay in uu xilkaasi u gudan doono si cadaalad ah, isla
markaana Golaha uu u doodi doono dhamaan qaybaha kala duwan
ee Bulshada marka ay timaado madax banaanida fikirka
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Jan 23, 2007
Garowe:180 macalin oo ay
haayada Adra ay maanta siminaar uga furmay garowe ku saabsan
khatarka cudurka AIDS-ka.
Siminaarkan oo ay maal galisay midowga yurub ayna fulinayso
Hayadda Adra ayaa maanta uga furmay 180 macalin oo ka kala
yimid guud ahaan Gobalka Nugaal dagmooyinkiisa iyo
tuulooyinkiisa kala duwan ayaa maanta si rasmi ah uga furmay
Dusiga Dhexe ee Magaalada Garowe.
Siminaarkan oo uu maanta furay wasiirku xigeenka wasaarada
waxbarashada Cabdi goobe ayaa ugu horaynaba mahadnaq u soo
jeediyay waaxyihii kala duwanaa ee isku hawlo habsami u
qabsoomida Siminaarkan isaga oo ku tilmaamay mid loo baahnaa
islamarkaana ugu baaqay dhamaan ka soo qayb galayaasha
siminaarkan in ay ka faa iidaystaan islamarkaana ay uga
faa'iideeyaan shacabka intiisa kale ee ay ka yimaadeen iyaga
oo ay masuuliyadi ka saarantahay maadaama intooda laga
sooqaatay ayuu yiri wasiir kuxigeenku.
Wasiirka ayaa sidoo kale codsi ku saabsan lama laabida
shaqada u jeediyay Hayadda Addra oo uu goobtii furitaanka
shirka uga jeediyay hadalkaasi islamrkaana ay garawsadeen
masuuliyiintii ka socoday Hayadda Adra.
Siminaarka oo socon doona 5maalmood ayaa waxaa sidoo kale ka
soo qayb galau masuuliyiin badan oo uu ka mid yahay Elly
Nyandiga oo ah kuxigeenka mashruuca (Deputy Project
Coordinator Basic) iyo Maxamuud Axmed Oday (Assistant
Education Officer).
Sikastaba maahan markii ugu horaysay oo Siminaar ku saabsan
Ka hortaga ama ka wacyi galinta loo qabto macalimiin ka kala
socota gobalka waxaase jiray marar badan oo loo qabtay
simnaar noocaan oo kale ah.
A/rizak koronto
Garowe Puntland
Wararkii: Jan 22, 2007
Suudaan
oo Diidey in ay Ciidamo Nabad Ilaalin ah u Dirto Soomaaliya

Madaxweynaha Suudaan, Cumar Xasan al-Bashir oo la
kulmay ra'iisul wasaaraha DFKMG Cali Maxamed
Geeddii. Khartoum, January 21, 2007. (Reuters) |
Wararka ka imanaya
magaalada Khartuum ee dalka Suudaan ayaa shaaca ka qaaday in
dawladda Suudaan ay diidey in ay Ciidamo Nabad ilaalin ah u
dirto dalka Soomaaliya, ayadoo sheegtay in ay muhiimada
Siineyso nabadaynta dalka.
Axadii kulan ay Khartuum ku
yeesheen madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir
iyo Ra'iisul wasaaraha DFKMG Cali Maxamed Geeddi, kaddib
ayaa wasiirka Arrimaha Dibadda ee Suudaan, Ali Kerti, waxa
uu warbaahinta u sheegay in ciidan kasta oo shisheeye oo loo
diro Soomaaliya uu weerar kaga iman doono Maxkamadaha
Islaamiga ah ee Soomaaliyeed, waxana uu intaas raaciyey in
Suudaan ay danayneysa xaqiiqsiga nabadda Soomaaliya.
Sarkaalka reer Suudaan waxa
uu intaas ku daray in Dawladda Soomaaliya ay bedeshey
weydiisashadeedii ahayd ka qaybqaadashada ciidamada Midowga
Afrika ee Nabad ilaalinta oo ay ku bedeshey in ciidamada loo
diro si ay tababar siiyaan militariga Soomaliya, booliska,
ciidanka ammaanka iyo maamulka madaniga ah.
Madaxweyne Al-Bashiir waxa
uu Ra'iisuwasaare Geeddi u caddeeyey sida ay Suudaan ugu
taagan tahay wada jirta, nabada iyo deganaanshaha Soomaaliya.
Waxa kale oo uu u caddeeyey sida ay muhiimada u leedahay in
miiska wadahadalka ay isugu yimaadaan garabyada Soomaaliya
si loo gaaro nabadgeliyo.
Markii uu weydiistey Cali
Maxamed Geeddi, ayaa Al-Bashiir waxa uu u xaqiijiyey sida uu
diyaarka ugu yahay in uu sii wado sidii meel la isugu keeni
lahaa dhammaan qaybaha Soomaaliya si ay u wada hadlaan,
sidaas waxaa weridey SUNA oo ah warbaahinta ay gacanta ku
hayso xukuumada Suudaan.
Waxaa warku intaas raaciyey
in Janaayo 19keedii markii uu Cali Maxamed Geeddi yimid
Suudaan in laga soo weriyey in uu ku gacan sayray wax wada
hadal ah oo dhex mara Dawladiisa iyo Midowga Maxkamadaha
Islaamiga ah.
Wasiiru-Dowlaha Suudaan
waxa uu sheegay in Dawladda Soomaaliya ay aqabashay in
Suudaan ay sii wado dhexdhexaadintii iyo soo noolaynta
wadahadaladii.
Xuseen
Bullaale: Ciidamada Itoobiya waxay ku baxayaan laba
toddobaad

Xuseen
Bullaale. Sawirka: GulfNews |
Safiirka Soomaalida u
fadhiya imaaradka Carabta (UAE),
Hussain
Bullaleh, waxa uu Gulf News u sheegay in "Xaaladda ammaan ee
Soomaaliya faraha lagu qabtay iyo in Ciidamada Itoobiya ay
kaga bixi karaan dalka muddo ka yar laba toddonbaad" Waxana
uu intaas ku daray "Ciidamada Afrikaanka ayaa la filayaa in
ay Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ku
bedelaan in ka yar laba todobaad"
Waxa uu intaas ku daray in:
Siddeed kun oo ah ciidamada Afrikaanka ay aay imanaya
Soomaaliya, Itoobiyana markaas boos ay ku joogto dalka uma
furna.
Safiirku waxa uu yiri:
Midowga Maxkamadaha Islaamiga ah "Qaar ahaan waa la
burburiyey", inta ka hartayna waa wax dalka ka baxay ama in
ku dhuumaalaysanaya baadiyaha.
Waxa uu wax kama jiraan ka
soo qaaday dagaalka ku-dhifo-oo-ka-dhaqaaq ee ay maxkamaduhu
sheegeen in ay ku qaadayaan dawladda KMG. Waxana uu yiri:
Maxkamaduhu Soomaaliya waxay ku haystaan taageero aad u
laciif ah, gaar ahaan Muqidho. Dawladda Kumeeglaarka aad
ayaa dadku u taabacsan yihiin. Ayuu yiri Xuseen Bullaale.
Isha warka: GulfNews.
Ciidamada Itoobiya oo Fakad
ahaan uga Baxaya Soomaaliya
Sida laga soo xigtey
shabakada Shabait.com ee dawladda Eritrea, Ciidamada
xukuumada TPLF, waxay awoodi kari waayeen in ay u adkaystaan
cadaadiska aadka u xoogga weyn ee ka soo hor jeeda
joogitaankooda Soomaaliya, waxaana khasab looga dhigay in ay
dib si degdeg ah uga baxaan iyagoo carar ah, kaddib markii
la soo gaarsiiyey khasaare aad u farabadan oo laga diley
kumanaan askari oo ay kamid yihiin saraakiil.
Waxaa warku intaas raaciyey ilaa markii ay ciidamda TPLF
cagta dhigeen ciidda Soomaaliya waxaa ka yaabiyey oo ay la
fajaceen sida xoogga weyn ee dadka Soomaaliyeed ay uga soo
hor jeedaan.
- Mudaharaadyo aad u
xoogbadan ayaa maalmahan waxaa dhigayey jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee ku nool qurbaha, mudaharaadyadas oo
looga soo horjeedo ciidamada Itoobiya ee ku sugan
Soomaaliya. Mudaharaadyadii ugu dambeeyey waxay ka
dhaceen Canada, Ingiriiska iyo Norway... [Sawrada
Mudahraadkii UK iyo Norway Halkanka daawo]
Isbahaysiga Qaran ee Daafacaadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed : Baaq Culus #2
unugga horseedka u ah abaabulka iyo mideynta xoogagga
wadaniyiinta Soomaaliyeed ayaa magaalada Ottawa, Canada waxa uu
Akhri...
Suudaan oo Diidey
in ay Ciidamo Nabad Ilaalin ah u Dirto Soomaaliya
"ciidan kasta oo shisheeye oo loo diro
Soomaaliya waxaa weerar kaga iman doono Maxkamadaha Islaamiga ah ee
Soomaaliyeed," sidaas waxaa yiri wasiirka A/D..
Akhri...
22/1
"Dowladda
Kenya ay jabisay sharciyada Maxaabiista"....
Sidaas waxaa yiri garyaqaannada kenya oo
intaas ku daray in "Kenya ay Dusha u ridan doonta Dhibka ah ee loo geysto
dadkii iyaga soo magan galay ee ay gacanta u Gelisey Ciidanka Itoobiya ee ku
sugan Soomaaliya ..
Akhri...
22/1

