SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Wararkii:: Jan 24, 2007

  • Maxaakiimta oo sheegay in ay aqoonsigii kala laabteen Dowlada Federaalka...
  • Magaalada Muqdisho oo ay shalay ka baxeen Cutubkii ug horeeyey ee Ciidamada..
  • Cali Maxamed Geeddi oo sheegay in Ciidamada qaar ka mid ay joogi...
  • Dowladda Yemen oo shalay safaarad ka furatey Magaaladda Muqdisho..

US launches new airstrike on Somalia: report Reuters - Jan 24, 2007
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo lagu weeraray Hoobiyeyaal

Jan 24, 2007: Garoonka caalamiga ah diyaaradaha Muqdisho ayaa Maanta, Arbaca, lagu weeraray hoobiyahaal iyadoo aan la garanayn goob laga soo tuuray hoobiyeyaasha iyo cidda ka dambeysan midna.

Goobjoogayaal ku sugan goob ku dhow garoonka ayaa sheegay inay arkeen dad dhawacyo qaba oo la saarayo gaariyo, waxaana ay sheegeen in dhowr hoobiye ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.

Agaasimaha garoonka diyaaradaha ee Garoonka Muqdisho ayaa sheegay in dhowr ruux ay ku dhaawacmee hoobiyeyaasha lagu garaacay garoonka, waxaase uu ka gaabsaday inuu warar dheeraad ah ka bixiyo weerar lagu soo qaaday garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Waa markii ugu horreysay oo la weeraro Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho tan iyo intii ay la wareegtay gacan ku hayntiisa muddo bil ka hor ah garoonka diyaaradaha ee Muqdisho oo haatan u shaqeeya si caadi ah.

Shalay ayaa waxaa ka baxay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ciidammo ka tirsan kuwa Ethiopia oo halkaas ku sugnaa, waxaana ay ahaayeen dufcaddii ugu horreysay oo ka tirsan Ciidammada Ethiopia oo isaga baxa gudaha Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321


Weerar Qoryaha Hoobiyeyaasha Iyo Madaafiicda Kasoo Dhacayey Oo Lagu Soo Weeraray Garoonka Diyaaradaha Ee Muqdisho.

Jan 24, 2007: Madaafiicda ka dhacda qoryaha waaweyn ayaa maanta oo Arbaca ah lagu soo weeraray garoonka weyn ee diyaaradaha magaalada muqdisho islamrakaana waxaa ku dhaawacmay in ka badan 4 Qof inta la ogyahay , xilli halkaasi ay ka soo dageen diyaarado siday dad iyo wafuudo caalami ah.

Ilaa iyo 4 madfac ayaa lagu soo tuuray garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiicdaasi ay ahaayeen hoobiyeyaal sida uu sheegay Agaasimaha Airaporka Max'ed Axmed Siyaad oo saxaafada u waramay xiligii ay madaafiicdu dhacaday kadib.

Madaafiicdan ayaa mid kamid ahi waxa uu ku dhacay iridda weyn ee laga soo galo garoonka isagoo waxyeelo u geeystay 4 qofood oo la sheegay in ay ku jiraan caruur iyo dad waaweyn oo sida la sheegay sagootinayay dad ka duulayay garoonkaasi, halka mid kalena uu ku dhacay gudaha Garoonka, iyadoo midka labo madfacna ay u gudbeen dhinaca badda oo uu ku qarxay biyaha dhexdooda .

Dadkii ku dhaawacmay madaafiicdaasi ayaa waxaa loola cararay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, Lama Oga wax dhimasho ah oo Halkaasi ka dhacay.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
002521-5580916


Cali Maxamed Geeddi oo Kenya Weydiistey in ay Kusoo Wareejiso Sheikh Shariif

Sida uu Talaadadii weriyey Raadiya Kenya ee KBC, Ra'iisul wasaaraha DFKMG waxa uu rabaa in dawlada Kenya ay kusoo wareejiso Sheikh Sharif Sh. Axmed.

Inkastoo, ayuu warku yiri, ay DFKMG sheegtay waxa keliya ay rabtaa uu yahay in ay wadahadal la yeshaan xubnaha MMI oo uu ka mid yahay Sheikh Shariif Axmed.

Cali Maxamed Geeddi oo warsaxaafadeed ku qabtay Magaalada Nairobi waxa uu sheegay in DFKMG ay hadda dalka oo dhan gebi ahaantiis gacanta ku dhigtay.

Waxaa warku intaas ku daray, in Geeddi uu carrabka ku adkeeyey in aysan ku talo jirin in ay raadsadaan hoggaanka xag-jira ee Maxkamadaha ee dhowaanta uu Maraykanku duqeeyey, waa sida warka KBC u dhigay'e. [Warka oo Ingiriisi ah KBC: Somalia's Premier calls for repatriation of Ahmed].

Sidoo kale, sida ay werisey jariidada East African Standard, Cali Maxamed Geeddi waxa uu yiri "Waxaan rabnaa in Dhammaan Midowga Maxkamadaha Islaamiga iyo taageerayaashoodu ay yimaadaan Muqidisho si ay uga qayb qaataan wadahadalka Soomaaliya."

 Waxa kale oo uu Geeddi Kenya ka rabaa in ay ku soo wareejiso dhammaan dadka (Soomaalida) ee lagu xir-xiray Kenya, oo uu yiri, si ay uga qayb qaataan wada hadalka. Waxa kale oo uu Geeddi sheegay in dhowaan la soo magacaabo doono guddoomiye uu yeesho baarlamaanka DFKMG.  [Warkan oo Ingiriisi ah: Somalia: Islamists Invited Back for Dialogue].


Cali Max?ed Geeddi oo sheegay in Ciidamada qaar ka mid ay joogi doonaan Soomaaliya...

Cali Max?ed Geeddi oo shalay soo gaaray Magaalada Nayroobi ayaa waxa uu ka hadlay bixitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya, waxa uuna sheegay in Ciidamada Itoobiya dhamaantood aysan bixi doonin, balse ay bixi doonaan tiro Kooban, iyadoo kuwa harayna ay sugi doonaan Ciidamada Ka socda Midowga Afrika.

Geeddi waxa uu u mahadceliyey Dowladda Itoobiya oo uu shegay inay garab siisay Dowladda Federaalka, la?aanteedna Dowladdu aysan cago xoogan ku istaagi laheyn.

Ra?isul Wasaaruhu waxa uu sheegay in Dowladda Suudaan ay isku afgarteen sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Suudaan, hase yeeshee Dowladda Suudaan waa ay diiday inay wax ciidamo ah u dirto Soomaaliya, balse waxa ay sheegtay in ay ka shaqeyn doonto sidii ay isugu keeni lahayd dhamaan Kooxaha soomaalida ah ee ku loolamaya Siyaasadda.

Maxaakiimta oo sheegay in ay aqoonsigii kala laabteen Dowlada Federaalka ..

Somalia at the Crossroads
Ciidanka Itoobiya ee ku sugan Muqdisho oo Jan 23, 2007 soo bandhigan Calankii hore ee Itoobiya. Eeg Askariga sawirka sare oo kor u sida calankii hore ee Itoobiya


Calankii hore ee Itoobiya oo ah kan ay Muqdisho kusoo bandhigeen ciidamada Itoobiya dhexda kuma lahaan jirin xiddig, sida ka muuqata calanka hoose oo ay Itoobiya samaysatay 1996


adopted 6 February 1996
Calanka Cusub ee Itoobiya oo lasameeyey 1996


Taariikhda Calanka Soomaalida

Qoraal ka soo baxay Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa waxaa lagu sheegay in Dowladaha Mareykanka, Itoobiya iyo Kenya ay qayb ka qaateen sidii loo burburin lahaa loona dhibaateyn lahaa shacabka Soomaaliyed, waxayna sheegeen in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in uu ogaado in uu haatan ku dhacay gaca gumeysi, iyagoo sheegay in ay bilaabi doonaan sidii ay Shacabka uga xoreyn lahaayeen waxa uu ugu yeeray caddowga Soomaaliyeed ee Tikreega.

Qoraalkaas waxaa kaloo lagu sheegay in ay beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeedba ogeysiinayaan in ay Maxaakiimtu aqoonsigii kala laabteen Dowladda Federaalka oo ay sheegeen in ay madiidin u tahay Caddowga Ummadda Soomaaliyeed.

Qoraalkaas waxaa kaloo lagu sheegay in ay bilowdeen, hawlgaladii jihaadka iyo xoreynta Ummadda Soomaaliyeed lagana hortagayey Caddowga Ummadda Soomaaliyeed, waxaa loo soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed in ay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin Ciidamada Itoobiya.

Ugu dambeyntii waxa ay mahadcelin u jeediyeen Jaamacadda Carabta, Ururka Islaamka iyo Ururka Midowga Yurub oo ay sheegeen in ay garab istaageen shacabka Soomaaliyeed.

Magaalada Muqdisho oo ay shalay ka baxeen Cutubkii ug horeeyey ee Ciidamada..

Ciidamada Itoobiya ee ku sugnaa Daafaha magaalada Muqdisho ayaa shalay isugu yimid Garoonka Afisyooni, waxaana halkaasi loogu sameeyey xaflad ay kaga baxayaan Magaalada Muqdisho, waxaana halkaasi hadalo ka soo jeediyey General-kii hogaaminayey Ciidamada, waxa uuna sheegay in ciidamda Itoobya ay guteen waajibaadkii ay u yimaadeen Itoobiya, maanta ay bilaabayaan in ay ka baxaan Soomaaliya.

Waxaa ka qaybgalay xafladdaasi Max?ed Cumar Dhalxa, Xuseen Caydiid oo sheegay in aysan hilmaami doonin waxyaabihii ay u qabteen Dowladda Itoobiya, waxaana shalay lagu wareejiyey ilaa iyo 40 tikniko ah oo ay lahaayeen Hogaamiye kooxeedyada.

Dowladda Yemen oo shalay safaarad ka furatey Magaaladda Muqdisho..

Dowladda Yemen ayaa maalintii shalay ahayd markii ugu horeysay oo ay Dowladda Federaalka soo gaartay Muqdisho ay ka furatay Safaaraddii ugu horeysay inkastoo ay ka horeeyeen Safaaradaha Liibiya iyo Suudaan oo iyagu 16 sano ee Soomaaliya ku jirtay dagaalka ka furnaa Muqdisho.

Furitaanka Safaaradda waxaa ka qaybgalay ku simaha Madaxweynaha Prof. Max?ed Cumar Dhalxa, Ra?isul Wasaare ku xigeenka Ahna wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Caydiid, waxayna labadooduba mahadcelin u direen Dowladda Yemen oo ay tilmaameen in ay mar kasta daneyso sidii loo soo celin lahaa xiriirka Soomaaliya iyo Yemen oo ay ku tilmaameen in ay yihiin labo shacab oo isnaba u kala maarmin.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Shuftada badda oo Soo Laabatay Maxkamadihii Ka Dib...

Sida uu sheegay raadiyaha Maraykanka ee VOA, xilligii ay maxkamadaha Islaamku ka talinayeen koonfurta Soomaaliya waxaa hoos u dhacay shuftadii Badda, laakiin shuftadaasi hadda ayey soo laba kacleeyeen... Dhegeyso Halkan... ama Halkan Dhegeyso... ama Akhri Halkan....


Nin Waalan oo dhowr qof boosaaso ku dhaawacey oo gacanta lagu soo dhigey.

Jan 22, 2007: Ugu yaraan 10 qof ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari dhaawacyo kala duwan uu ugu geystey habeenkii xalay ilaa iyo maanta nin waalan oo baangad iyo midiyo wata.

Ninkan ayaa dhaawacyadan u isticmaalay sida ay sheegeen dad xog ogaal ah bir baangad ah oo uu ku hubaysnaa, dadkana waxa uu ku dilayay sida la sheegey si gaadmo ah qofku markii uu dhaafo ayuu daba galayay kadibna uu Baangada uu watey la dhacayay.

Dadka ninkan waalan dhaawacayay ayaa waxa ay usugu jiraan rag iyo dumar mar aan booqanahay cubitaalka guud ee boosaaso ayaa Saraakiisha caafimaadka waxa ay noo sheegeen in mid kamid ah dadka dhaawacan uu xaalad miyir beel ah ku jiro oo ay xaaladiisu adag tahay.

Ciidamada Booliiska magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka bari ayaa howl gal adag oo ay sameeyeen maanta gacanta ku soo dhigay ninkan waalan waxana lagu xiray Xabsiga Bartamaha ee Booliiska magaalada Boosaaso.

Dadweynaha jkala duwan ee magaalada Boosaaso ayaa si weyn u hadal haya asbuucan ninkan waalan ee dadka mar qura weerarka la dhex galay dadkiina waxaa galay baqdin aad u fara badan iyo iska waardiyeenta ninkaasi waalan

Isku soo wada duuboo Booliiska Magaalada Boosaaso ayaa ninkan kusoo qabtey howl gal ay sameeyeen aad bayna usoo dhaweeyen dadweynaha ku nool magaalada boosaaso oo wal wal ka muujiyay ninkan waalan.

Yusuf Maxed Ismail (Gaduudow
E-mail Yusufgaduudow@hotmail.com

Bososo.Somalia


 


Midowga Yurub oo Shuruud Ku Xiray Taageerada Soomaaliya....
EU ayaa Taageero Dhaqaale oo ay Siiyaan Ciidamada Afrikaanka ee Nabad Ilaalinta Soomaaliya waxay ku Xireen in DFKMG ay wadahadal la furto Maxkamadaha iyo
Akhri....

Canada oo aad uga Carootay Kenya oo Nin Somali-Canadian ah u Dhoofisey Soomaaliya...
Warkaas iyo Garoonka Diyaaradaha Xamar oo laga duuliyey 22 Qofood oo ah Oramo.. iyo Sheekh Shariif oo la sheegay in uu Kenya ku joogaa Casumaada USA... Akhri..... 23/1
Bannaanbax Ballaaran oo Looga Soo Horjeedo Itoobiya oo ka Dhacay Canada... Akhri...

"Dowladda Kenya ay jabisay sharciyada Maxaabiista".
Sidaas waxaa yiri garyaqaannada kenya oo intaas ku daray in " Kenya ay Dusha u ridan doonta Dhibka ah... Akhri... 23/1

Suudaan oo Diidey in ay Ciidamo Nabad Ilaalin ah u Dirto Soomaaliya: "ciidan kasta oo shisheeye oo loo diro Soomaaliya waxaa weerar kaga iman doono Akhri... 22/1


Isbahaysiga Qaran ee Daafacaadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed : Baaq Culus #2
Raabehunugga horseedka u ah abaabulka iyo mideynta xoogagga wadaniyiinta Soomaaliyeed ayaa magaalada Ottawa, Canada waxa uu Akhri...
 
  • :: Faallo: Cabdullaahi Yuusuf oo Laga Sugayo 24 Gudahood in uu ku Jawaabo... Akhri..

  • USA oo Cambaareeyey Xil Kaqaadistii Baarlamaanka DFKMG uu.. Akhri.. 18/1

  • WAR MURTIYEED: Jaaliyadda Reer Xaaji Suleymaan ee Yurub iyo.. Akhri... 17/1

  • Maamulka Cusub ee Muqdisho oo soo jeediyay in Muqdisho... Akhri... 16/1

  • Cali Daacuun: Ma sii socon doonto dowlad dul saaran dowlad... Akhri.. 15/1
  • Xiisaddaha Ka Dhashay Ridistii Shariif Xasan Sheikh Aadan...... Akhri... 19/1

  • Kulan Lagu Aasaayey Guddiga Xidhiidhka Suuriya Iyo Soomaaliya.. Akhri 18/1

  • SomaliGalbeed: Dagaallo ciidammada gumaysiga lagu naafeeyay. Xorriyo 16/1

  • DFKMG oo howlahooda u fasaxday Idaacadahii Shalay La Xiray... Akhri... 16/1

  • Weerar lagu qaaday kolonyo ciidammo Ethiopia ah oo marayay.. Akhri.. 15/1

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH