SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MUQDISHO

Ciidamada Xukuumada Ethiopia Oo Xoogoodii Ay Talaadadii Ka bexeen Magaalada Muqdisho ...

"waayadii hore soohdinta Itoobiya badda ayay ku sinnayd, hase ahaatee kolkii ay weydey awood ku filan oo ay wax isaga caabbido, xoogagga kiristaanka ahina ay wax kaalmo ah taaran waayeen ayay soohdimahayagii badda gaarsiisnaan jirey waxay u gacan-galeen quwado muslin ah"
Menelek II: April 10, 1891... Akhri...

Xuseen Maxamed Faarax Ceydiid Ra'iisul-wasaare K/xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha DFKMG ee lagu soo dhisay Nairobi oo Magaalada Muqdisho dhawr maalmood kadib markii ay qabsadeen ciidamada Ethiopia kula hadalyey odayaal dhaqameedyo ayaa  sheegay in la baabi'inayo Xadka Soomaaliya oo lala midaynayo Ethiopia, oo Hal Ciidan ay yeelanayaan, Hal dhaqaale yeelanayaan, hal Baasaboor ay qaadanayaan Soomaalida iyo Itoobiyaanku.
Xuseen Caydiid: Jan 2, 2006... Akhri..


Ciidamo Itoobiyaan ah oo harsanaya Geed-hindi;  Muqdisho Jan 4, 2007.  AFP

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri

Meles Zenawi: Hadalkii Diinaari ee Sarbeebta ahaa oo aan Soomaalidu fahmin iyo Xuseen Caydiid oo ah fikirka Saxda ah iyo Qorshaha/Hindisaha/Aragtida ama VISION-ka dhabta ah ee Dawladda... Akhri...


Jan 23, 2007: Munaasabad si weyn loo soo agaasimay ayaa Maanta ka dhacday Xeradii ciidanka cirka Soomaaliyeed ee Afasiyooni oo ka tirsan degmada Waaberi ee magaalaada Muqdisho oo lagu sagootinayey ciidamada Ethiopia ee ku sugan qaar kamida magaalada muqdisho , iyo hubkii laga soo ururiyey hogaamiye kooxeedyada ayaa lagu wareejiyey masuuliyiinta dowlada kmg ah .



Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta ay ka mid yihiin , wasiirka arrimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid, guddoomiye ku-xigeenka baarlamanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa iyo Abaanduulaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji iyo waliba saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada ethiopia oo uu ka mid yahay taliyaha ciidamada ethiopia ee ku sugan gudaha Soomaaliya Jen. Siyuum iyo mas’uuliyiin kale, iyadoo munaasabadaasina lagu soo bandhigay gaadiid dagaal oo aad u fara badan, kuwasoo ahaa kuwii laga soo wareeejiyey hogaamiye kooxeedyada magaalaada Muqdisho qaar ka mid ah, waxaana lagu wareejiyey gaadiidkaasi dagaalka ra’isul wasaare ku-xigeenka Xuseen Caydiid.

Hadal uu halkaasi ka jeediyey ra’isul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid ayuu ugu mahad celiyey dowladda iyo shacabka Ethiopia kaalintii lama iloobaanka aheyd ee ay ka qaateen xasilinta iyo nabadgelyada dalka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho waasiduu hadalka u dhigaye .

“Waxaan rajaynayaa marka aad dalkiina ku laabataan inaad safiir uga noqtaan shacabka Soomaaliyeed sidii labada shacab ay xiriir qoto dheer u yeelan lahaayeen” ayuu yiri Xuseen Caydiid .

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay taliyaha ciidamada Ethiopia ee ku sugan soomaaliya Jen.Siyuum oo sheegay in amar ka soo baxay xukuumadooda awgeed ay hadda diyaar u yihiin iney ku laabtaan dalkooda, isagoo uga mahad celiyey sidii wanaagsaneyd ee shacabka soomaliyeed ay ugu soo dhoweeyeen dalkooda markii ay soo galayeen iyo weliba sidii ay ula shaqeeyeen, wuxuuna halkaasi ku macasalaameeyey taliyaha ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed Jen. ismaaciil qaasim Naaji.

Si kastaba ha ahaatee Ciidamada Ethiopia ayaa intii ay ku sugnaayeen gudaha dalka soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho gaystay tacadiyo badan iyo xasuuq ka dhan ah shacabka soomaaliyeed ,islamarkaana bixitaankooda la sheegay ay soo dhoweeyeen guud ahaan shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho oo ay culays weyn oo dhinaca nabad gelyada ah kaga imaanaysay ciidamada xukuumada ethiopia.

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiin2006@hotmail.com


KULAN LAGU TAAGERAYO DOWLADDA FEDERAALKA IYO MAGACAABISTA MAAYARKA MAGAALDA MUQDISHO OO LAGU QABTAY SHALAY HOTEEL GLOBAL.

Kulan aad u bllaran oo ay ka qeyb galeen siyaasiyiin, waxgarad, aoonyahanoo, ganacsato, saraakiil iyo haween oo dhammaan ku abtiorsada beesha mataan cabdulle ayaa shalay ka dhacay hoteelka Global ee magalda muqdisho.



Kulankaan ballaaran ayaa ahaa mid uu qabanqaabadiisu lahaa ganacsadah weyn Xaaji Xuseen Cigaals aya waxaa ugu horeyn looga hadlay laba qodob oo ay ka mid ahaayeen taageeridda dowladda federaalka kmg soomaaliya iyo sida ay raaliga ugu yihiin maayarka cusub ee dhawaan loo magacaabay magaalada Muqdisho ee ah Md. Maxamuud Xasan Cali Gabooe{ Cadde}.

Kulankaa ayaa waxaa ka halday Xaaji Xuseen Cigaal oo ahaa qaban qaabihah kulankaa ayaa ugu horeyn ugu mahdceliyey ka soo qeybgalyaasha ka soo xaadiray kulankaa , wuxuun buuxda u cadeeye in beesha mataan cabdulle ay tahay beel nabadeed isla markasina ay tahay mid taageersan dowladda federaalka kmg soomaaliya ," anaga marnaba kama soo hor jeedno dowladda oo waxaan nahay dad doonaya inay helaan nabad iyo dowlad " ayuu xaaji xuseen Cigaal oo sheegay in beesha mataan cabdulle ay tahay beesha ah gogosha bulshweynta soomaaliyeed oo idil.

Sidoo kale s waxaa halkaa ka halday siyaasiga weyn Xaaji Xasan Buulle Cali Xaaji {Qaroofoow} oo dhawaan dalka dib ugu soo laabtay siagoo in ka badan 35 sano ku maqnaa dalka dibadiisa, wuxuun si buuxda uga shanqariyey inuu isgu diyaar u yahay ilaa ay ka dhamaanayso hantidiisu iyo weliba uu sheegay in uu u hurayo naftiisa sidii ay dowladda federaalk kmg soomaliya ay u noqn laheyd mid taaba gasha oo shaqeysa.

" Jisaar Janno Ma Galo iska dhicin mooyee, gogosha soomaali weyn waa besha mataan cabdulle , madaxweynaha iyo ra'iisalwasaarah waa og yihiin , isodoo kale wasiirka arrimaha gudah isna waa ka warqabaa in ay beesha mataan tahay gogosa soomaali weyn " ayuu yiri Xaaji qaroofoow oo sheegay in loo baahan yahay in la is cafiyo maadaa la soo maray 16 sano oo naar ah.

Xaji Qaroofoows waxaa uu sheegay in gogoshaan ay dhigeen uu jecel yahay in ay gaarto soomaali weyn oo idil iyadoo tartiib tartiib beelaha kale sida muddulood, hiraab , hawiye ilaa soomaaliweyn sidaa lagu gaarsiinayo.

" Madaxweynaha waxaa jira dad u tageen oo damceen in ay deegaankeena sheegtaan balse waa ka diidyey taas isagoo xusay in beesha mataan C/lle uu deegaankaa u yaqaan" ayuu yiri Xaaji Qaroofoow oo sheegay in isag iyo rag kale oo aqoonyahno ah ay dalka looga yeeray in ay yimaadaan kana qeyb qaataan dib u heshiisiinta soomaaliya , isagoo sheegay in ay dhawan soo socdaan rag fara badan oo waxgarad soomaaliyeed ah si ay dowladda ugala qeyb qaataan u saldhigideeda loona heshiisiin lahaa beelaha soomaaliyeed guud haan.

Ugu danbeyntii waxaa halkaa ka hadlay siyaasiga rug cadaaga ah Md. Sheekh Muudeey Gacal ayaa sheegay in loo baahan yahay in beesha mataan cabdulle in ay noqto mid lagu daydo oo ay beelaha kale ka maseyraan si ay iyagana beelaha kale u taageetraan dowladda federaalka soomaaliya.

" hub iyo dowlad meel ma wada galaan, sidaa darted waxan diyaar u nahay inaan hubkeena iyoi maleeshiyaadkeena an ku wareejino dowladda federaalka Soomaaliya , saraakiisheenana diyaar ayey u yihiin wixii hub ah iyo tikniko ah inay ku wareejiyaan dowladda iyadoo xerada hiil weyne ay haatan ku jiraan hub iyo ciidamo " ayuu yiri Md. Sheekh Muddey Gacal oo sheegay inuu jecel yahay in soomaaliya oo dhan ay timaado magaalada muqdisho maadaam ay tahay casimadda dalka hase yeeshee aysan qaadan doonin in dhibaato lala yimaado magaalada Muqdisho.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadashay Marwo. Ceyni Abuukar Gacal oo codka haweenka beesha mataan C/lle ku hadleysay magaca aqoonyahanada beeshaasi iyo kan ururada u dooda xaquuqda aadanaha ayaa sheegtay in loo baahan in la taageero dowlada federaalka K.M.G ah ee Somalia si looga baxo dhibaato ay dadka soomaaliyeed muddo dheer ku soo jireen.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Dowladda Yemen oo maanta si rasmi ah uga furatay safaaradeedii Magaalada Muqdisho ay ku lahaan jirtey , iyadoo noqotay dowladdii ugu horreysay ee...

Waxaa maanta si rasmi ah looga furay magaalada Muqdisho safaaradda dowladda Yemen ay ku yeelanayso gudaha Soomaaliya, waxaana ay safaaraddaan noqonaysaa middii ugu horreysay ee Muqdisho laga furo tan iyo intii dowladda Federaalka Soomaaliya la magacaabay

Muuska ee Somali Bannana ee agagaarka KM4 ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka soo qaybgaleen furitaanka Safaaradda Yemen ee Soomaaliya marti sharaf kala duwan.



Safiirka Dowladda Yemen ay u magacowday safaaradda ay ka furatay Soomaaliya ayaa lagu magacaabaa Axmed Xamiid Cumar, waxaan goobjoog ka ahaa xafladda Wasiirka Arrimaha gudaha Xuseen Maxamed Caydiid, Afhayeenka Dowladda C/raxmaan Diinaari, Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa, Mayor-ka Magaalada Muqdisho Cadde Gaaboow iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen. Ismaaciil Qaasim Naaji.

Mudane Axmed Xamiid Cumar oo ah safiirka Soomaaliya ee Yemen oo kulankii furitaanka safaaradda Yemen ee Soomaaliya ka hadlay ayaa sheegay in Dowladda Yemen ay go’aansatay inay ka furto gudaha Soomaaliya Safaaradda markii ay dolwaddu ku sugnayd Degmada Jowhar ee Gobolka Shabeellada Dhexe, isla markanaa ay maanta u suurogashaya in si toos ah safaaraddooda uga furtaan Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Mr. Xamiid ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Yemen ay aad ugu dadaashay inay ka shaqeyso sidii Soomaaliya ya u noqon lahayd mid ay ka dhalato nabad iyo kala dambeyn waarta, isla markaana ay wadahadallo u yeelan lahaayeen garabyada iska soo horjeeday ee Soomaaliya, si wax walba loogu dhameeyo wadahadal iyo nabad waarta.

Mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd in Dowladda Yemen ay waddo qorshayaal ay ku doonayso inay wadahadallo u furto Maxkamadaha iyo Dowladda ayuu sheegay in Dowladda Yemen ay isku dayayso wax walba oo xal looga gaari karo is haysadka siyaasadeed ayna xilligaan ku sugan yihiin Madax ka tirsan Maxkamadaha dalka Yemen, isagoo carrabka ku dhuftay inuu ku sugan yahay Yemen Ibraahim Xasan Caddoow oo Maxkamadaha u qaabilsanaa dhanka Arrimaha Dibadda.


Muuse Maxamuud Jiisow

somali39@hotmail.com

Muqdisho Somaliya

025215576666

002521653623
 

Jan 23, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH