Wararkii:: Jan 25, 2007
- C/llaahi Yuusuf oo
booqday Qabuurihii Xasuuqii Ruwanda..
- Garowe: kulan sadex
geedoos ah oo looga arinsanayo barnaamijka GNA oo ka
socda puntland...
- Sheekh Shariif oo
kulan gaar ah la yeeshay Safiirka Mareykanka..
- Duqeyntii Garoonka
Diyaaradaha Muqdisho oo laga yaabo in uu dib u dhac..
-
Bleak outlook for AU force in Somalia
Askari
Itoobiyaan ah oo lagu diley Bartamaha Kismaayo
Jan 25, 2007: Magaalada
Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa maanta lagu diley
askari Itoobiyaan ah, mid kalena xabbadka dhaawac laga
gaarsiiyey.
Warku waxa uu intaas ku
daray in dadka weerarkaas geystey ay ku hubaysnaayeen
bastoolado, askarta Itoobiyaanka oo ku hubaysnaa qoryo AK-47
la qaatay qoryihii, waxayna weerarkasi ka dhacay suuqa
magaalada Kismaayo oo ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin
25 maalmood. [ Akhri:
Gunmen attack Ethiopian soldiers in Somalia, killing 1].
Garowe: kulan sadex geedoos
ah oo looga arinsanayo barnaamijka GNA oo ka socda puntland....
Muran ka taagan tirada
dadka Puntland oo hay'ado ku sheegeen 1.1 million, Halka ay
DGPL dadka reer Puntland ku sheegtay 2.5 million....
Haayadda deeqaha, dawladaha deeqaha bixiya iyo DGPL ayaa ka
arinsanaya sidii barnaamijyo horumarineed oo cad cad looga
hirgalinlahaa puntland sanadaha soosocda.
Kulanka oo socon doona muddo laba maal mood ah ayaa waxaa
looga wada xaajoondoonaa sidii la iskula meel dhigilahaa
mashaariic horumarineed ay iskula lafa guri lahaayeen
puntland, Haayaddaha iyo dawladaha deeqaha bixiya.
Madaxwayne kuxigeenka puntland Xasan daahir afqurac ayaa ka
dooday isagu war ay sheegtay GNA kaasi oo sheegaya in tirada
dadka reer puntland ay tahay oo kaliya 1,100,000 balse sida
uu dhabta ahna ay tahay buuyiri tirada shacabka reer
puntland ay ay ka badanyihiin 2,500,000 ayna tahay tiradaasi
mid khaldan oo aan loo dulqaadan karin, sidoo kale waxaa
iyana laga dooday qaar ka mid ah gobalada puntland oo lagu
daray somaliland sida gobalada Sool, Sanaag, iyo Cayn
halkasi oo isna uu muran wayn ka yimid.
Hay'addaha ayaa iyagu sheegay in aysan ahayn siyaasiyiin
meeshan aysan u imaan arimo siyaasadeed ayna u taalo
arimahani dadka somaliyeed sidii laga yeeli lahaa balse ay
iyaku yihiin kuwo ka wakiil ah Haayaddaha ayna uga wakiil
yihiin arrimaha mashaariicda balse wixii siyaasad ah ay u
taalo siyaasiyiinta waa sida ay hadalka u dhigeene.
Maamulka puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la
yareeyo tirada dadka puntland isla markaana la xaqiro
xuduuda dhulka puntland oo la raacsho deegaano kale oo
soomaaliyeed taasi oo ay shegen in ay tahay arin aan suurta
gal ahayn lana qaadan karin waasida ay hadalka u dhigeene.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Garowe: Xubno ka socoda shirkadda
Shidaalka ka baaraysa Puntland oo Booqday Garoonka Conoco...
Shirkadda
Canmex waxay Lacag caddaan ka haysatey 3.5 million oo
doolarka Canada oo keliya.....
Qoraal ay Janaayo
24, 2007 qortay Jariidada Sydney Morning Herald ee
Australia oo ka warbixineysey in heshiis dhex maray
Puntland, Range iyo Canmex, heshiiskaas oo dhigaya in Canmex ay
$50 million oo doolar ku kharash-garayso baaritaanka shidaalka
laga baarayo Puntland muddo saddex sano ah, taasna Canmex loogu
bedelayo 80% in ay yeelato baaritaanka laba aag oo ah Dooxada
Nugaal iyo Dooxada Dharoor ee Puntland. Laakiin ayey tiri jariidadu Canmex khasnadeeda bangiga ee ugu dambeysey waxay muujisay in shirkaaasi ay bishii September 2006 ay lacag caddaan ah ka haysatey $C3.5 million (3.5 million oo ah doolarka Canada).
Waxaa warku intaas ku daray in aan si rasmi ah loo shaacin meesha ay shirkaddu ka keeneyso $US50 million oo ay u bahan tahay in ay ku kharashgarayso baaritanka
shidaalka Puntland.
Sayladda Canmex ma degana; ilaa bishii October 2006 waxaa jirey maalmo aan wax dhaqshaqaaq
ah oo kala gadasho ah ka socon saamiyadeeda. Sidoo kale ma muuqato in shirkaddaasi ay leedahay website.
Sidaas waxaa qortay Sydney Morning Herald...
Halkan ka
Akhri warka oo dhan....
C/llaahi Yuusuf oo booqday
Qabuurihii Xasuuqii Ruwanda..
Cabdulaahi Yuusuf ah Madaxweynaha DFKMG ee soomaaliya ayaa
gaarey wadanka Ruwanda wuxuu kulan gaar ah la yeeshey
Madaxweynha wadanka Ruwadanda waxay isla soo qaadeeen sidii
Dalka Ruwanda uga qaybqaadan laahaa ciidamada nabad
Ilaalinta ee soomaaliya iyo sidii dalka ruwanda wax ugu
kordhin lahaa waya aragnimada Dagaal sokeeye sida wax looga
qaban lahaa.
Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf wuxuu kaloo ka codsadey sidii
Dowladda Ruwanda u tababari lahayd Ciidanka Booliiska
soomaaliyeed tababaradaas ay ku qaadan lahaayeen wadanka
Ruwanda Gudihiisa.
Cabdulaahi Yusuf waxa uu shaley soo booqdey Qabuuihii dadkii
lagu Xasuuqey wadankaas iyadoo laisgu geeyey Hal goob si
dadka ugu xasuustaan, madaweynuha DFKMG waxaa la filayey in
uu gudbi doono wadanka Liibiya iyo dalka Uganda oo isagu
horey u cadeeyey in uu soomaaliya u soo diri doono Ciidamo
Nabad Ilaalin ah madaama uu arrintaas horey u fasaxay
Baarlamaanka wadanka Uganda.
Madaxweynaha DFKMG C/llaahi
Yuusuf Axmed oo ka yimid Dalka Itoobiya caasimaddiisa
Addis-Ababa ayaa intii uu joogay halkaasi, waxa uu kulan la
yeeshay Ra’isul Wasaaradaha dalka Itoobiya, waxaana
kulakaasi la iskula soo qaaday sidii labada wadan ay dadaal
ugu geli lahaayeen in Soomaaliya la keeno ciidamo nabad
ilaalin ah oo bedela kuwa Itoobiya, waxaana madaxweynaha
DFKM loo sheegay in uu taageero ka raadiyo wadamada Midowga
Afrika, waana midda keentay shalay uu Madaxweynuhu gaaro
dalka Rwanda, waxaana la filayaa in uu booqdo wadamo fara
badan oo ku yaala Qaaradda Afrika, iyadoo ilaa iyo haatan
wadamada Soomaaliya ciidamada ugu yaboohay ay yihiin Uganda
iyo Malawi, inkastoo Malawi aysan si rasmi ah u caddeyn in
ay Soomaaliya keeneyso ciidamo nabad ilaalin ah, basle waxay
ku koobtay in arrintaani ay ka fiirsaneyso.
Sheekh Shariif oo kulan
gaar ah la yeeshay Safiirka Mareykanka..
Gudoomiyaha golaha fulinta ee maxaakiimta islaamiga Sheekh
Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay kulan la yeeshay safiirka
wadanka Maraykanka u fadhiya wadanka Kenya, wuxuuna
kulankaas ahaa mid loo diiday saxaafada, ilaa iyo hadda lama
oga waxa ka soo baxay hase yeeshee warar ayaa waxay
sheegayaa in kulankaas looga hadlay sidii Sheekh Shariif uga
qeyb qaadan lahaa Dowlad Soomaaliyeed oo loo dhan yahay iyo
sidii uu uga qeyb qaadan lahaa dejinta xaalada nabad gelyo
ee Soomaaliya.
Sheekh Shariif oo todobaadkii hore soo galay wadanka Kenya
ayaa ilaa haatan aan la ogeyn sabababihii uu ku soo galay
wadanka keenya balse wararbaa sheegaya in sheeq shariif uu
ku soo galay marti qaad uu ka helay Dowlada Maraykanka
iyadoo la ogyahay in dowlada Maraykanka ay aad u daneyneyso
in Sheekh Shariif uu ka dhex muuqdo siyaasada Soomaaliya
Sheekh Shariif ayaa la sheegay in uu dalbaday in uu gaaro
Wadanka Yemen si uu ugu biiro rag ka tirsan Maxaakiimta
Islaamiga oo ku sugan wadankaasi.
Duqeyntii Garoonka Diyaaradaha
Muqdisho oo laga yaabo in uu dib u dhac..
Markii shalay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho duqeyn loo
gaystay ayaa Saxaafadda Caalamka waxay baahiyeen warar lala
xiriira garoonkaasi, qaarkood waxay ku sheegeen in halbowle
muhiim ah laga duqeeyey Dowladda Federalka, halka kuwo
kalana ay sheegeen in duqeyntaani ay dib u dhac u keeni
karto imaansha Ciidamada nabad ilaalinta ah ee Midowga
Afrika.
Kuwo kale ayaa waxay sheegeen in duqeyntaani ay ka
tarjumeyso in ay weli ay jiraan kooxo weli taageersan
Maxaakiimta Islaamiga ah oo ka soo horjeeda joogitaanka
Ciidamada Itoobiya ee dlaka Soomaaliya.
Dowladda Federaalka oo dhawaan laga duqeeyey Villa Somalia
ayaa duqeynta garoonka waxay keeni kartaa in Diyaaradaha ay
ku adkaato in ay isku soo haleeyaan garoonkaasi.
Dhowr qofood ayaa loo xiray duqeyntaasi, hase yeeshee ragga
duqeeyey ayaa iyagu meelo fog fog ka soo riday Hoobiyaha,
iyadoo Ciidamada Dowladda ay shalay bilaabeen in ay baaraan
guryaha ku dhow dhow garoonka Diyaarada Muqdisho.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Puntland:Suxufiyiinta puntland
oo ka hadashay dalada guud ee saxaafada somalia oo looga
dhawaaqay muqdisho.
Inta badan masuuliyiinta idaacadaha ka hawlgala puntland
ayaa siyaabo kala duwan uga hadashay dalada suxufiyiinta
somaliyeed oo looga dhawaaqy muqdihso iyaga oo ku tilmaamay
daladaasi mid aan kuwa puntladn oo ku kooban kuwa koonfurta
somalia ee muqdisho waa sida ay hadalka u dhigeene
suxufiyiintu.
Suxufiyiinta puntland oo kulamo gooni goni ah ka yeeshay
arintaan oo ay iskula lafa gureen sida ay u arkaan ayay ku
tilmaameen mid aan u cubtami karin ayna marin habaabiyeen
sidii wax loo waday iyaga oo sheegay in uu qorshuhu ahaa mid
ay lagu midaynayo saxaafada somaliya si ay u yeelato dalad
islamarkaana awooda dalaasi ay ahaan lahayd mid gobal gobal
loo dhisay hase ahaatee ay noqotay mid awoodeedii hal meela
laga dhisay markii bay yiraahdeen gudoomiyiihii dalada iyo
kuxigeenkiisuba ay hal gobal ka soo wada jeensadeen taasina
ay noqotay mid marin habaabini ku timid oo aan ba laqaadan
karin waa sida ay hadalka u dhigeene.
Sidoo kale suxufiyiintu waxay ka hadleen sidii bal ay suurta
gal u noqonlahayd in ay dalad guud dhistaan suxufiyiinta
puntland oo qura taasina ay markasi u suurta galin karto
saxaafada puntland in ay helaan dalad midaysa islamrkaana u
raadisa xuquuqda kamaqan waa sida ay hadalka u dhigeene.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Wararkii Shalay...
Garoonka
Diyaaradaha Muqdisho oo lagu weeraray Hoobiyeyaal
Jan 24, 2007: Garoonka caalamiga ah diyaaradaha Muqdisho
ayaa Maanta, Arbaca, lagu weeraray hoobiyahaal iyadoo aan la
garanayn goob laga soo tuuray hoobiyeyaasha iyo cidda ka
dambeysan midna.
Goobjoogayaal ku sugan goob ku dhow garoonka ayaa sheegay
inay arkeen dad dhawacyo qaba oo la saarayo gaariyo, waxaana
ay sheegeen in dhowr hoobiye ay ku dhaceen garoonka
diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho.
Agaasimaha garoonka diyaaradaha ee Garoonka Muqdisho ayaa
sheegay in dhowr ruux ay ku dhaawacmee hoobiyeyaasha lagu
garaacay garoonka, waxaase uu ka gaabsaday inuu warar
dheeraad ah ka bixiyo weerar lagu soo qaaday garoonka
diyaaradaha ee Muqdisho.
Waa markii ugu horreysay oo la weeraro Garoonka
diyaaradaha ee Muqdisho tan iyo intii ay la wareegtay gacan
ku hayntiisa muddo bil ka hor ah garoonka diyaaradaha ee
Muqdisho oo haatan u shaqeeya si caadi ah.
Shalay ayaa waxaa ka baxay garoonka diyaaradaha ee
Muqdisho ciidammo ka tirsan kuwa Ethiopia oo halkaas ku
sugnaa, waxaana ay ahaayeen dufcaddii ugu horreysay oo ka
tirsan Ciidammada Ethiopia oo isaga baxa gudaha Soomaaliya.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
Weerar Qoryaha Hoobiyeyaasha Iyo
Madaafiicda Kasoo Dhacayey Oo Lagu Soo Weeraray Garoonka
Diyaaradaha Ee Muqdisho.
Jan 24, 2007: Madaafiicda ka dhacda qoryaha waaweyn ayaa
maanta oo Arbaca ah lagu soo weeraray garoonka weyn ee
diyaaradaha magaalada muqdisho islamrakaana waxaa ku
dhaawacmay in ka badan 4 Qof inta la ogyahay , xilli
halkaasi ay ka soo dageen diyaarado siday dad iyo wafuudo
caalami ah.
Ilaa iyo 4 madfac ayaa lagu soo tuuray garoonka
diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo madaafiicdaasi ay
ahaayeen hoobiyeyaal sida uu sheegay Agaasimaha Airaporka
Max'ed Axmed Siyaad oo saxaafada u waramay xiligii ay
madaafiicdu dhacaday kadib.
Madaafiicdan ayaa mid kamid ahi waxa uu ku dhacay iridda
weyn ee laga soo galo garoonka isagoo waxyeelo u geeystay 4
qofood oo la sheegay in ay ku jiraan caruur iyo dad waaweyn
oo sida la sheegay sagootinayay dad ka duulayay garoonkaasi,
halka mid kalena uu ku dhacay gudaha Garoonka, iyadoo midka
labo madfacna ay u gudbeen dhinaca badda oo uu ku qarxay
biyaha dhexdooda .
Dadkii ku dhaawacmay madaafiicdaasi ayaa waxaa loola
cararay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, Lama Oga
wax dhimasho ah oo Halkaasi ka dhacay.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
002521-5580916
Cali Maxamed
Geeddi oo Kenya Weydiistey in ay Kusoo Wareejiso Sheikh Shariif
Warsaxaafadeed u ku qabtay magaalada Nairobi
ayuu.
Akhri..
Geeddi:
Ciidamada Itoobiya Qaar ka mid ah ayaa sii Joogaya Soomaaliya
Cali Max’ed Geeddi ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan
gudaha dalka Soomaaliya ay qaar ka mid sii
joogi doonaan dalka Soomaaliya ilaa iyo inta ay........
Akhri...
24/1
Kulan Lagu Taageerayo DFKMG oo ka dhacay Hotel
Global iyo dalka Yemen oo
Safaarad ka furtay Muqdisho..
Akhri
23/1
Midowga Yurub oo
Shuruud Ku Xiray Taageerada Soomaaliya:
shuruurdaas oo ah in DFKMG ay wadahadal la furto
Maxkamadaha iyo
Akhri....
23/1
Canada
oo aad uga Carootay Kenya oo Nin Somali-Canadian ah u Dhoofisey Soomaaliya:
Warkaas iyo Garoonka Diyaaradaha
oo laga dhoofiyey 22 qof
Akhri.....
23/1
Bannaanbax
Ballaaran oo Looga Soo Horjeedo Itoobiya oo ka Dhacay Canada... Akhri...
Suudaan oo Diidey
in ay Ciidamo Nabad Ilaalin ah u Dirto Soomaaliya:
"ciidan kasta oo shisheeye oo loo diro
Soomaaliya waxaa weerar kaga iman doono
Akhri...
22/1
Isbahaysiga Qaran ee Daafacaadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed : Baaq Culus #2
unugga horseedka u ah abaabulka iyo mideynta xoogagga
wadaniyiinta Soomaaliyeed ayaa magaalada Ottawa, Canada waxa uu
Akhri...

