Wararkii:: Jan 26, 2007
"Koonfur Afrika Ciidan
Nabad Ilaalin ah uma diri doonto Soomaaliya" - Lekota
Wasiirka Gaashaan dhigga dalka Koonfur Afrika, Mosiuoa
Lekota, ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in dalka K/Afrika
uusan ciidamo nadab ilaalin ah u diri doonin dalka
Soomaaliya.
Wasiirku waxa uu warkaas sheegay ka dib markii uu kulan dhex
maray asaga iyo madaxweynaha K/Afrika Thabo Mbeki.
Kulankaas oo ka dhacay
magalda Pretoria waxay madaxweynaha iyo wasiirka difaacu ka
wada hadleen ciidamo nadab ilalin ah oo loo diro dalka
Soomaaliya in ay wiiqeyso hawlaha kale ee ay hadda fuliyaan
ciidamada Koonfur Afrika oo xilligan nabad ilaalin u joogaan
dalalka Burundi, Congo, Ivory Coast, Sudan iyo weliba
Ethiopia/Eritrea.
Wasiirku waxa uu ku celiyey ciidamo nabad ilaalin ah oo
Koonfur Afrika u dirto Soomaaliya waxay wiiqayaan kartida ay
K/Afrika ku fulineyso hawlaha ay mar hor ballan qaaday,
sidaas daraadeedna aan Koonfur Afrika ciidamo nabad ilaalin
ah ugu dirayn Soomaaliya.
Isha: IOL
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
Jan 26
WARARKII SHALAY: JAN 25,
2007
Askar Ethiopian ah Oo
Lagu Dilay Bartamaha Magaalada Kismaanyo
Wararka naga soo gaaraya magaalada kismaanyo ayaa sheegaya
in Bartamaha Magaaladaasi lagu Toogtay maanta Nin ethiopian
ah mid kalena lagu dhaawacay, islamarkaana laga Qaatay
qorayahay wateen ee ay ku hubaysnaayeen ka dib markii kooxo
hubeysan ay weerar ku soo qaadeen askartaasi .
Weerarkan oo ka dhacay suuq yaraha magaalada Kismaayo ayaan
wali la ogeyn kooxahii falkaasi gaystay, inkastoo dadka qaar
ay sheegayaan in Labo nin oo hubeysani ay si bareer ah
toogasho ugu dileen askartaasi Ethiopianka ah islamarkaana
ay ka qaateen qoryahii ay wateen.
Goobihii ganacsiga iyo xafiisyadii shirkadaha ganacsiga ayaa
la wada xiray ka dib markii uu dhacay dilkani waxaana kadib
isku gadaamay Goobta uu dilku ka dhacay ciidamada dowlada
kmg iyo kuwo Ethiopian ah kuwaasoo Halkaasi xoog iyo Jujuub
kaga kaxaystay dad Rayid ah oo aan waxba galabsan
islamrkaana ku Ritay baabuurta Gaashaaman ee ay wataan
ciidamada Ethiopia lamana oga meesha ay la aadeen dadkaas
rayidka ah oo aan tiradooda la sheegin.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
002521-5580916
Askari
Itoobiyaan ah oo lagu diley Bartamaha Kismaayo
Jan 25, 2007: Magaalada
Kismaayo ee gobolka Jubbada hoose ayaa maanta lagu diley
askari Itoobiyaan ah, mid kalena xabbadka dhaawac laga
gaarsiiyey.
Warku waxa uu intaas ku
daray in dadka weerarkaas geystey ay ku hubaysnaayeen
bastoolado, askarta Itoobiyaanka oo ku hubaysnaa qoryo AK-47
la qaatay qoryihii, waxayna weerarkasi ka dhacay suuqa
magaalada Kismaayo oo ciidamada Itoobiya ay ku sugan yihiin
25 maalmood. [ Akhri:
Gunmen attack Ethiopian soldiers in Somalia, killing 1].
Sheikh Shariif Sheikh Axmed
Oo La Kulamay Safiirka Mareykanka U Fadhiya Kenya .
Gudoomiyahii Golaha Fulinta maxaakiimta islaamka
soomaaliyeed sheikh shariif sheikh axmed ayaa kulan la
qaatay safiirka maraykanka u fadhiya dalkaasi kenya Michael
Ranneberger,magaalada nairobi, kulankan oo ahaa mid
albaabadu xirnaayeen ayaan la shaacin waxa ay ku wada
hadleen labadan masuul . .
Michael Ranneburger, Danjiraha Mareykanka u fadhiya Kenya
iyo hogaamiyaha golaha maxaakiimta islaamka ayaan kulankooda
wax Faahfaahin ahi kasoo bixin , iyadoo mar sii horeysay
ayaa Haweenayda afhayeenada u ah safaarada Mareykanka ee
nairobi Jennifer Barnes ay sheegtay in danjiraha Mareykanka
uu ku boorinayo Sheekh Sharif Sheekh Axmed inuu ka codsado
taageerayaashiisa inay ka fogaadaan rabshadaha oo ay
taageeraan horumarka la doonayo in la helo dowlad loo dhan
yahay oo sal balaaran .
Sheekh Sharif sheikh axmed oo ahaa gudoomiyahii fulinta ee
maxaakiimta Islaamka Soomaaliya oo looga adkaaday dagaalo
laba todobaad socday oo lagu wiiqay awooda militari ee ay
golaha maxaakiimtu lahaayeen ayaa Diblomaasiyiinta shisheeye
ee caalamku waxay u arkaan inuu yahay mid aan looga maarmi
karin soo celinta nabada iyo taageerada shacabka oo aad u
taageersanaa golaha maxaakiimta islaamka islamarkaana loo
baahan yahay oo ay muhiim tahay in loo bilaabo wada xaajood
isaga iyo kuwa kamidka ah dowlada kmg ah si hanaanka nabada
Soomaaliya xal loogu helo.
Mareykanka ayaa aaaminsan in Sheekh Sharif u yahay wadaad
qunyar socod ah oo leh taageero balaaran, ku leh shacabka
soomaaliyeed dhexdiisa isla markaana ay haboon tahay in uu
qayb ka helo siyaasada soomaaliya oo iminka jaahwareerka ku
jirta .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Garowe: kulan sadex geedoos
ah oo looga arinsanayo barnaamijka GNA oo ka socda puntland....
Muran ka taagan tirada
dadka Puntland oo hay'ado ku sheegeen 1.1 million, Halka ay
DGPL dadka reer Puntland ku sheegtay 2.5 million....
Haayadda deeqaha, dawladaha deeqaha bixiya iyo DGPL ayaa ka
arinsanaya sidii barnaamijyo horumarineed oo cad cad looga
hirgalinlahaa puntland sanadaha soosocda.
Kulanka oo socon doona muddo laba maal mood ah ayaa waxaa
looga wada xaajoondoonaa sidii la iskula meel dhigilahaa
mashaariic horumarineed ay iskula lafa guri lahaayeen
puntland, Haayaddaha iyo dawladaha deeqaha bixiya.
Madaxwayne kuxigeenka puntland Xasan daahir afqurac ayaa ka
dooday isagu war ay sheegtay GNA kaasi oo sheegaya in tirada
dadka reer puntland ay tahay oo kaliya 1,100,000 balse sida
uu dhabta ahna ay tahay buuyiri tirada shacabka reer
puntland ay ay ka badanyihiin 2,500,000 ayna tahay tiradaasi
mid khaldan oo aan loo dulqaadan karin, sidoo kale waxaa
iyana laga dooday qaar ka mid ah gobalada puntland oo lagu
daray somaliland sida gobalada Sool, Sanaag, iyo Cayn
halkasi oo isna uu muran wayn ka yimid.
Hay'addaha ayaa iyagu sheegay in aysan ahayn siyaasiyiin
meeshan aysan u imaan arimo siyaasadeed ayna u taalo
arimahani dadka somaliyeed sidii laga yeeli lahaa balse ay
iyaku yihiin kuwo ka wakiil ah Haayaddaha ayna uga wakiil
yihiin arrimaha mashaariicda balse wixii siyaasad ah ay u
taalo siyaasiyiinta waa sida ay hadalka u dhigeene.
Maamulka puntland ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la
yareeyo tirada dadka puntland isla markaana la xaqiro
xuduuda dhulka puntland oo la raacsho deegaano kale oo
soomaaliyeed taasi oo ay shegen in ay tahay arin aan suurta
gal ahayn lana qaadan karin waasida ay hadalka u dhigeene.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Garowe: Xubno ka socoda shirkadda
Shidaalka ka baaraysa Puntland oo Booqday Garoonka Conoco...
Shirkadda
Canmex waxay Lacag caddaan ka haysatey 3.5 million oo
doolarka Canada oo keliya.....
Qoraal ay Janaayo
24, 2007 qortay Jariidada Sydney Morning Herald ee
Australia oo ka warbixineysey in heshiis dhex maray
Puntland, Range iyo Canmex, heshiiskaas oo dhigaya in Canmex ay
$50 million oo doolar ku kharash-garayso baaritaanka shidaalka
laga baarayo Puntland muddo saddex sano ah, taasna Canmex loogu
bedelayo 80% in ay yeelato baaritaanka laba aag oo ah Dooxada
Nugaal iyo Dooxada Dharoor ee Puntland. Laakiin ayey tiri jariidadu Canmex khasnadeeda bangiga ee ugu dambeysey waxay muujisay in shirkaaasi ay bishii September 2006 ay lacag caddaan ah ka haysatey $C3.5 million (3.5 million oo ah doolarka Canada).
Waxaa warku intaas ku daray in aan si rasmi ah loo shaacin meesha ay shirkaddu ka keeneyso $US50 million oo ay u bahan tahay in ay ku kharashgarayso baaritanka
shidaalka Puntland.
Sayladda Canmex ma degana; ilaa bishii October 2006 waxaa jirey maalmo aan wax dhaqshaqaaq
ah oo kala gadasho ah ka socon saamiyadeeda. Sidoo kale ma muuqato in shirkaddaasi ay leedahay website.
Sidaas waxaa qortay Sydney Morning Herald...
Halkan ka
Akhri warka oo dhan....

