Wararkii:: Jan 27, 2007
- Maher Arar oo
Canada ka aqbalay $10.5 million iyo Cududaar ay dawladdu
bixisay....
- Maraykanka iyo
Midowga Yurub oo doonaya in Soomaaliya loo dhiso Dowlad
loo dhan yahay..
-
Waxgarad,siyaasiyiin ka tirsan Beesha Cayr oo Cabdulaahi
Yuusuf ku tilmaamey nin Aarsanaya..
- "Askar Maraykan ah
oo la sheegay in lagu haysto Koofurta Soomaaliya …"
Al-Sharqu
- Yuusuf Ashari oo
sheegay in intii lala Xaajoon lahaa Sheikh Shariif in ay
mudan tahay in lala hadlo Shiikh Xasan...
- Qoomiyadda Digil oo
u soo jeedisay Dowlaadda Federaalka in ay wada hadal la
furto...
-
Caashuuraa: Jan 28-29, 2007
Qaraxyo Waaweyn Oo ka
Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho.
Qaraxyadan oo ahaa kuwo
argagax leh isalamarkaana laga wada maqlayey badanaaba
magaalada muqdisho ayaa xalay (Jan 27, 2007) ka dhacay
deegaanka Ceel-carfiid ee Waqooyiga caasimada .
Qaraxyadii xalay ka dhacay
agagaarka deegaanka Ceel-carfiid, ayaa ahaa kuwo saamayn ku
yeeshay guud ahaan magaalada muqdisho, islamarkana lagu
tilmaamay ku dhacayey qoryaha morterka , hoobiyeyaal iyo
bambooyin oo lala beegsaday xarunta ciidamada Ethiopia ay ku
leeyihiin deegaankaas sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah,
lamana yaqaan dadka falkaasi ka dambeeya.
Qaraxyadan xalay ka dhacay
deegaanka waqooyiga muqdisho ee agagaarka ceel cirfiid ayaa
sida ay saxaafada u xaqiijiyeen goob joogayaal ka ag dhowaa
halka qararxu ka dhacayey ay sheegeen inay ku dhaawacmeen
dhawr ruux oo rayid ah oo ay soo gaareen firirka
qararxyadaasi islamarkaana lama oga dhimashada ka dhacday
halkaasi .
Waxaa kaloo xalay si
naxariis daro ah qof rayid ah loogu diley deegaanka dayniile
islamarkaana ay maydkiisa ku qaatay gaari ay wateen
milayshiyadaasi dilka gaysatay oo ahaa nooca loo yaqaano
(homy-ga) lamana garanayo meesha ay la aadeen maydkaas.
Dhibaatada Qaraxyada iyo dilalka sida naxariis darada loogu
gaysanayo dadka rayidka ah aya kusoo beegmaya xili gacan ku
heynta gobolka banaadir ay la wareegeen dowladda kmg ee
Somaliya ,ayaa hadana waxaa magaalada Muqdisho ku soo
badanaya qaraxyo lala beegsanayo xarumaha ciidamada Ethiopia
iyo dilal loo geysanayo dadka rayidka ah.
Dabayaaqadii asbuucan aynu
soo dhaafnay ayaa magaalada Muqdisho waxaa lagu diley ilaa 7
ruux oo rayid ah, kuwaas oo meelo kala duwan oo muqdisho
kamida lagu diley .
yaasiin maxamed cali
(faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Maher Arar oo Canada ka
aqbalay $10.5 million iyo Cududaar ay dawladdu bixisay....

Maher Arar oo
faraxsan. Jimce Jan 26, 2007, kaddib markii Canada
cududaar ka bixisay tacadigii soo gaarey... Sawirka:
TheStar |
Maher Arar oo ah nin haysta
dhalashada Canada, asal ahaana ku dhashay dalka Suuriya,
ayaa Jimcadii Jan 26, 2007 waxaa dawladda Canada ay si rasmi
ah cududaar uga bixisay tacadigii ninkaas loo geystey
muddadii halka sano ahayd ee uu ku jirey xabsiga dalka
Suuriya, xabsigaas oo ka dambeeyey kaddib markii booliska
Canada ee loo yaqaan RCMP (Royal Canadian Mounted Police) ay
magaciisa si khaldan ugu sheegeen in uu yahay Muslim Xagjira
oo halis ku yahay ammaanka.
Ra'iisul wasaaraha Canada, Stephen Harper, ayaa si rasmi ah
cududaar uga bixiyey tacadiga loo geystey Maher Arar.
Ra'iisul wasaaraha oo arrintaas ka hadlayey waxa uu yiri:
"Anigoo ku hadlaaya magaca dawladda Canada, waxaan cududaar
ka bixinaya qaybtii ay ay saraakiisha Canada ka qayb
aqaateen tacadigii adiga iyo qoyskaaga soo gaarey 2002 iyo
2003". Waxana uu intaas ku daray "Waxaan u malayneynaa in
sida muuqata mr. Arar si caddaalad darro ah loola dhaqmay."
ayuu yiri ra'iisul wasaaruhu oo intaas raaciyey "ma ahayn in
uu ku jiro liiska dadka magacyadooda lala socdo". Waxana mr.
Harper sheegay in aan dawaladda Maraykanku tusin wax cadayn
ah oo muujinaya in uu mr. Arar kusii jiro liiskaas.
Maher Arar waxaa la xiray Sept 26, 2002 asagoo diyaaradii
sidey ay ku hakatay magaalada New York ee dalka Maraykanka,
markaas oo uu kusii jeedey magaalada Ottawa ee dalkiisa
Canada. Markaas ayaa Maraykanku waxay u tarxiineen dalka
Suuriya, halkaas oo su'aalo lagu weydiiyey, lagu ciiqaabay,
xabsina la dhigay ku dhowaad hal sano isagoo aan wax debmi
ah lagu soo oogin.
Baaritaan ay Canada samaysay sannadkii hore ayaa waxaa lagu
ogaadey in ay dhici karto in Canada ay si khaldan akhbaar u
siisay Maraykanaka, kaddibna Maraykanku uu markaas Maher
Arar u tarxiilay Suuriya. Suuriyana ay xirtay hal sano.
Maher Arar waxaa laga soo weriyey in uu aad ugu farxay in si
rasmi ah ay dawladda Canada cududaar uga bixisay tacadigii
soo gaarey, isla mar ahaantaasna qaan bax loo siiyey $9.5
million oo isaga la siiyey iyo $1 million oo la siinayo
qareenadii u doodayey.
Markii hore Maher Arar waxa
uu ku dacwoonayey in dawladu ay magdhaw u siiso
$400 million, laakiin mar
dambe ayuu arrintaas ka soo degey oo lacagtii waxa uu ka
dhigay $37 million, ugu dambayntiina waxa uu aqbalay $10.5
million iyo cududaar rasmi ah oo dawlada Canada ay ka
bixisay tacadigii iyo caddaalad darradii loo geystey.
VIDEO::: DAAWO::: Halkan ka daawo warka oo
dhan....
Tarjumadii: SomaliTalk.com
Maraykanka iyo Midowga
Yurub oo doonaya in Soomaaliya loo dhiso Dowlad…
Dowladaha Mareykanka iyo Midowga Yurub oo isku afgartay in
Soomaaliya loo dhiso Dowlad Salbalaaran oo ay ka qaybgalaan
dhamaan Qabaa’ilada iyo Kooxaha kale ee ka jira Dalka si loo
soo afjaro dhibaatada raagtay ee Soomaaliya.
Midowga Yurub iyo Dowlada
Maraykanka waxay sheegeen in Dowlada haatan jirta ay tahay
Dowlad aysan rabin Bulshada Soomliyeed isla markaana ee ku
jiraan Qab-Qablayaasha Dagaalka oo Mudo soo gumaaday Ummadda
Soomaaliyeed, waxay kaloo isku afgarteen Midowaga Yurub iyo
Dowladda Maraykanka in Dowlada la dhisiyo ee si aad uga dhex
muuqdaan Maxkamadaha islaamiga ah oo ay sheegeen in saameyn
ku leeyihiin Xasradda ka taagan Soomaaliya.
Kulan dhawaan dhex maray
Midowga Yurub iyo Dowlada maraykanka ayaa waxay isla soo
qaadeen in wadahadal lala furo Masuuliyiinta Maxaakiimta
islaamiga ah oo uu ugu horeeyo Shiikh Shariif Shiikh Axmed
oo ay ku tilmaameen in uu yahay Nin wax ka qaban kara
dhibaatada Soomaaliya waxaana maalintii shalay ahayd kulan
ku yeeshay Wasiir ku xigaanka arrimaha ee Talyaaniga iyo
Shiikh Shariif Shiikh Axmed waxaana kulan la ‘iskula soo
qaaday sidii qaar ka mid ah Masuuliyiinta Maxkamadah
islaamiga ah ay uga qaybqaataan Dowlad Soomaaliyeed oo
Sal-Balaaran.
Shiikh Shariif waxa uu
sheegay in Maxkamadaha islaamiga ah uusan marnaba aqbali
dooniin joogi taanka Ciidamada itoobiya ee Dhulka Soomaaliya
iyo in uu soo dhaweenayo Dowlad Soomaaliyeed loo dhiso
Ummadda Soomaaliyeed. Shiikh Shariif oo lagu tilmaamo in uu
yahay Nin Qunyar socod ah ayaa dhawaan la kulmay Safiirka
Maraykanka u fadhiya Dalka Kenya waxayna isla soo qaadeen in
Shiikh Shariif uu ka qaybqaato dajinta xasarada ka taagan
Soomaaliya iyo sidii Maxkamadaha uga qaybqaadan la haayeen
Dowlad Soomaaliyeed oo Sal-Balaaran oo ay ku wada jiraan
Ummadda Soomaaliyeed.
Waxgarad,siyaasiyiin ka
tirsan Beesha Cayr oo Cabdulaahi Yuusuf ku tilmaamey nin
Aarsanaya..
Waxgarad, Odayaal, siyaasiyiinta, Ganacsato, ka tirsan
Beesha Cayr ee H/Gidir ayaa dhawaan waxay kulan la yeesheen
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Dalka Itoobiya Sayuun Masfin
Mar uu yimid Muqdisho waxaan kulankaasi la ‘iskula soo
qaaday sidii Beesha Cayr uga qaybqaadan lahayd Nabadgalyada
Dalka gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Beesha waxgaradkeedii ayaa si dhab ah ula hadlay Wasiirkii
itoobiya waxay sheegeen in Dowladda la shaqayn doonaan
haddii ay Dowladda joojiso aarsiga, Nin Oday ah ayaa waxa uu
yiri” C/laahi Yuusuf waa Nin qabiil ku shaqeeya oo doonaya
inuu aarsado balse maanta falalkaasi kuma kaceen haddii
aysan itoobiya aysan taageeri la hayn waxaana taasi daliil u
ah agtaada waxaa ku xiran Nin aan waxba galbsan uu lagu
magacaabo Mahad Ilaal waxaana soo qabtay isagoo Ninkaasi
iska ganacsanaya Taangiyada Itoobiya” Masfin waxa uu
markiiba u sheegay Xubnahaasi in la siidaynayo Mahad isla
markaana waxa uu Beesha u sheegay in kulan kan ka balaaran
lagu qaban doono Magaalada Adis-ababa taasoo Beesha Cayr oo
si wayn u soo dhawaysay, Nin kale oo Oday ah ayaa waxa uu
yiri” C/laahi Yuusuf waxa uu horay u burburiyey Dowladii
C/Qaasim sidoo kalana waxa aad u sahasheen in aad
bur-burisaan wixii ku yimid rabitaanka Shacabka Soomaaliyeed
oo ah Maxka-madahii islaamiga oo cidna weerar ku aheyn wada
hadaladaas ayaa si weyn la isugu afgartey.
- Hadalkii Diiraani hore
u yiri: “The Ayr clan is part of the problem,” Mr.
Dinari said. (Abdirahman Dinari, spokesman for the
transitional government)...
Read... New York times
Yuusuf Ashari oo
sheegay in intii lala Xaajoon lahaa Sheikh Shariif in ay
mudan tahay in lala hadlo Shiikh Xasan...
La Tiliyaha Madaxwaynaha dhinca Siyaasadda Yuusuf Cumar
Ashari oo u waramay Idaacadda British Broadcasting
Corporation ayaa wax laga waydiiyey sida uu arko hadalka ka
soo yeeray Maraykanka iyo Midowga Yurub oo ah in la dhiso
Dowlad Soomaaliyeed Sal-Balaaran waxa uuna sheegay in
Dowlada Fedaraalka ay tahay Dowlad Sal-Balaaran oo
mustaqbalka u gogol xaaraysa inay Dalka ay ka dhacaan
Doorasho Xur ah “Maraykanka isaga ayaa Masuul ka ahaa
Burburkii Maxakamadah islaamiga ah haddii aad maqasho Qunyar
socod waa sir raadin maanta ma’aha inuu yiraahdo Shiikh
Shariif waa in lagu daraa Dowlada waayo Shiikhu waxa uu
Masuul ka ahaa dhimashada ilaa 6-Kun oo Soomaali ah aniga
waxaa ila macquulsan in wadahadal lala furo Shiikh Xasan
Daahir Aways waxa uuna u soo jeediyey Maraykanka Talyaaniga
inay faraha kala baxaan arrimaha Soomaaliya.
Qoomiyadda Digil oo u soo
jeedisay Dowlaadda Federaalka in ay wada hadal la furto...
Qoraal shalay na soo gaarsiiyey Afhayaanka hogaanka Sare
ee Qoomiyada Digl Max’ed Shiikh C/qaadir Bagadi (Max’ed
Taani) ayaa Beesha Qoomiyadda Digil ay soo jeedinayso in
sida ugu dhaqsiyaha bada Dowladda wadahadal ula furto
Maxkamadaha islaamiga ah si Dalka looga saaro Qaska iyo
Jahwareerka Siyaasadeed oo ku soo jiray mudo 16-Sano ah
dhanka kale Qomiyadda ow Digil ayaa xus u sameysay Marxuum
Shiikh Max’ed Axmed Baafo waxayna ahayd Sand guuradiisii
3-aad waxaana kaqaybgalay waxgarad Siyaasiyiinta, Odayaal ka
tirsan Beesha Qomiyadda Digil iy Xubno ka socday hogaanka
Sare ee Qomiyadda Digil waxaana halkaasi la akhiriyey
Taariikh uu dhashay Marxuumka oo isagu dhashay 1905 waxa
uuna ku dhashay G/Sh/Hoose waxa uuna ka mid ahaa
Aas-aasayaashii Xisbigii la oran jiray B.H.D.M.S oo
xiligaasi loolan Siyaasadeed kala dhexeeyey Xisbigii S.Y.L
waxaa waqtigaasi Xisbigaan u uloleenayey in Dalka lagu
maamulo nidaamka fedaraakla waxa uuna xusgaan ka dhacay
Guriga Xoghaya Guud ee Hogaanak Sare ee Qomiydda Digil
Mudane Cismaan Max’ed Max’uud Buule oo ku yaal Degmada
Madiina waxaana ka mid Xubnihii ka qaybgalay Suldaan
Salaymaan iigow C/Nuur,Ing,Max’ed Cusmaan Xaydar iyo Xubno
kale.
"Askar Maraykan ah oo la
sheegay in lagu haysto Koofurta Soomaaliya …"
Al-Sharqu
Waxaa maalmahaan Magaalada Muqdisho la hadal hayey in Askar
Maraykan ah lagu heysto Koonfurta Soomaaliya gaar ahaan
halka ay ku sugan yihiin Maxaakiimta islaamiga ah waxa ayna
wararkan u muuqdeen kuwa markasta isa soo tarayey waxaase
maalinta shalay ahayd daboolka ka qaaday Wargeys ka soo baxa
Dalka Qadar oo lagu Magacaabo Al-Sharqu waxaana uu wargeyska
uu sheegay in Tiro Ciidamada Marykanka ah lagu hayo
Koonfurta Soomaaliya.
Wargeyska waxa uu sheegay
in Ciidamadan la qafaashay 2-todobaad ka hor mar ay damceen
inay sahmiyaan Goobo ay ku sugan yihiin Dagaalyahaniinta
Maxkamadaha islaamiga balse waxa ay la kulmeen Ciidamo aad u
fara badan kuwaas gudaha ula galay keymihii ay ku jireen
waana midda keentay in Shiikh Shariif ay Dowladda Maraykanka
ay kala xaajooto Ragaasi. Dhinaca kale warar kale waxa ay
sheegayeen in tirada Ciidamada ay gaarayaan ilaa 11-Askari
oo ay ku jiraan kuwa Sir doon ah.
War Jimacadii ka soo baxay
Maraykanka ayaa sheegay in aysan jirin askar Maraykan ah oo
lagu qafaashay ama lagu diley Soomaaliya, waa sida warku u
dhigay'e.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Wararkii Shalay: Jan 26,
2007
Dowladda Yemen ayaa sheegtay inay
gacanta ku dhigtay dad tahriibayaal ah oo isugu jira
Soomaali iyo Ethiopia la aaminsan yahay inay ka soo
ambabaxeen xeebaha bari ee Soomaaliya.
Dadkaan oo haatan lagu hayo
jeel ku yaalla meel ku dhow Cadan ayaa la sheegay inay
Ethiopian-ka gaarayaan 98-qof, halka Soomaalidana ay
gaarayso 128-qof, waxaana la sheegay in dadkaas Soomaalida
ah ee la qabtay ay 30-ka mid ah yihiin caruur iyo haween
socoto ah.
Kooxdaan socotada ah ee ay qabteen ciidammada ilaalada
xeebaha ee Yemen ayaa la sheegay inay la socdeen doomo
gaaraya illaa 3-doomood, waxaana la qabtay xilli haeeb ah oo
ay isku dayayeen inay si dhuumaaleysi ah kaga dagaan meel
xeeb ah oo ka tirsan xeebaha dalka Yemen ee deegaannada
koonfureed ee dalkaas, halkaasoo tahriibayaal badan ay socod
kaga galaan dalka Yemen.
Dowladda Yemen ayaa sheegtay in dadka Soomaalida ah lagu
wareejin doono Hay'adda Qarammada Midoobay u qaabilsan
dhanka qoxootiga halka dadka kale ee Ethiopian-ka ah la
sheegay in lagu wareejin doono waaxda socdaalka dalkaas si
ay dib ugu celiso dalkoodii.
Yemen oo dhawaan safaarad a furatay gudaha dalka Soomaaliya
ayaa go'aanka ay ka gaartay dadkaan Soomaalida iyo
Ethiopian-ka ah ee socotada ah waxa uu u ekaanayaan inay
tixgelin aad u badan siinayso dowladda Federaalka
Soomaaliya, waana go'aan ay dadka socotada ah ka gaartay
dalka Yemen tan iyo intii ay mowjado dad ah oo Soomaali ah
billaabeen inay ka galaan dalkaas dhanka Badda cas.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
"Koonfur Afrika Ciidan
Nabad Ilaalin ah uma diri doonto Soomaaliya" - Lekota
Wasiirka Gaashaan dhigga dalka Koonfur Afrika, Mosiuoa
Lekota, ayaa Khamiistii shaaca ka qaaday in dalka K/Afrika
uusan ciidamo nadab ilaalin ah u diri doonin dalka
Soomaaliya.
Wasiirku waxa uu warkaas sheegay ka dib markii uu kulan dhex
maray asaga iyo madaxweynaha K/Afrika Thabo Mbeki.
Kulankaas oo ka dhacay
magalda Pretoria waxay madaxweynaha iyo wasiirka difaacu ka
wada hadleen ciidamo nadab ilalin ah oo loo diro dalka
Soomaaliya in ay wiiqeyso hawlaha kale ee ay hadda fuliyaan
ciidamada Koonfur Afrika oo xilligan nabad ilaalin u joogaan
dalalka Burundi, Congo, Ivory Coast, Sudan iyo weliba
Ethiopia/Eritrea.
Wasiirku waxa uu ku celiyey ciidamo nabad ilaalin ah oo
Koonfur Afrika u dirto Soomaaliya waxay wiiqayaan kartida ay
K/Afrika ku fulineyso hawlaha ay mar hor ballan qaaday,
sidaas daraadeedna aan Koonfur Afrika ciidamo nabad ilaalin
ah ugu dirayn Soomaaliya.
Isha: IOL
Ciidanka Koontaroolka
Boosaaso oo Gacanta ku dhigtey Maandooriyaha Xashiishada loo
yaqaan.
Jan 25, 2007: Ciidamada Booliiska magaalada Boosaaso ee
Xarunta Gobolka Bari ayaa gacanta ku dhigay maandooriyaha
loo yaqaanno xashiishadda oo ka buuxdey boorso.
Maandooriyahaan oo loo yaqaaan Xashiishad ayaa waxaa gacanta
ku dhigey ciidanka kontoroolka magaalada Boosaaso waxayna
gacanta ku dhigeen saqdii dhexe ee habeenkii xalay waxaana
watey sida ay sheegeen ciidanku nin magaciisa aan la
garanayn.
waxa kale oo ay ciidanka koontaroolka magaalada boosaaso ay
gacanta ku dhigeen dareewalkii wadey baabuurta lagu wadey
xashiishada oo ahaa kuwa loo yaqaan caasiga oo isagana lagu
magacaabo Ismaaciil Axmed Shiikh Cali.
Xashiishaddan iyo dadkii wateyba waxaa loo taxabaabey
xabsiga bartamaha ee magaalada Boosaaso, waxana dhowaan loo
gudbin doonaa maxkamadda derejada koowaad ee magaalada
Boosaaso si ay ugu xukunto waxa ay shareecadu ka qabto
xashiishadan loo soo wadey boosaaso.
Isku soo wada duuboo ma aha markii ugu horreysey ee ay
ciidamada booliisku koontaroolka magaalada boosaaso soo
qabtaan maandooriye, iyadoo waxay sidoo kale xashiishad dad
ku qabteen bishaan bisheedii oo xukun lagu soo oogey dadkii
watey maandooriyahaasi.
Weriye Yusuf Gaduudow
E-mail yusufgaduudow@hotmail.com
Boosaaso.
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
Jan 26
Askari Itoobiyaan
ah oo lagu diley Bartamaha Kismaayo
waxaana la dhaawacay askari kale, weerarkaas
oo...
Akhri...
Muran
ka Taagan Tirada Dadka reer Puntland
Tirada dadka deggan Puntland ayaa lagu sheegay
1.1 million, arrintaas waxaa aad uga carootay DGPL oo sheegtay in ay
Puntland deggan yihiin dad tiradooda ay ku qiyaastay 2.5 million....
Akhri...
25/1
C/llaahi
Yuusuf oo booqday Qabuurihii Xasuuqii Ruwanda
Madaxweynaha DFKMG oo booqasho ku tegey dalka Ruwanda ayaa booqday...
Akhri...
24/1
Cali Maxamed
Geeddi oo Kenya Weydiistey in ay Kusoo Wareejiso Sheikh Shariif
Warsaxaafadeed u ku qabtay Nairobi
ayuu.
Akhri..
24/1
Geeddi:
Ciidamada Itoobiya Qaar ka mid ah ayaa sii Joogaya Soomaaliya
Cali Max’ed Geeddi ayaa sheegay in Ciidamada Itoobiya ee ku sugan
gudaha dalka Soomaaliya ay qaar ka mid sii
joogi doonaan dalka Soomaaliya ilaa iyo inta ay........
Akhri...
24/1
Kulan Lagu Taageerayo DFKMG oo ka dhacay Hotel
Global iyo dalka Yemen oo
Safaarad ka furtay Muqdisho..
Akhri
23/1
Midowga Yurub oo
Shuruud Ku Xiray Taageerada Soomaaliya:
shuruurdaas oo ah in DFKMG ay wadahadal la furto
Maxkamadaha iyo
Akhri....
23/1
Canada
oo aad uga Carootay Kenya oo Nin Somali-Canadian ah u Dhoofisey Soomaaliya:
Warkaas iyo Garoonka Diyaaradaha
oo laga dhoofiyey 22 qof
Akhri.....
23/1

