SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Muqdisho oo Noqotay Meel Amaankeedu Faraha kasii baxayo.

  • Dilal Arxan Daro ah Oo Ka Dhacay Khamiistii Ilaa Jimcadii Caasimada Soomaaliya Ee Muqdisho Iyo Amaanka oo Faraha Kasii Baxaya .

Caasimada soomaaliya ee muqdisho ayaa lix bilood ka hor ahayd meel amaankeedu buuxo oo ay maxaakiimta islaamku nabadii ku soo celiyeen ,iyadoo iminka isu bedeshay meel uu ka jiro dil aan loo midaan dayayn islamarkana ay kusoo badanayaan dilalka joogtada ah ee loo gaysanayo dadka rayidka ah una muuqata meel amaankeedu faraha kasii baxayo.

Waxaa Habeenimadii Khamiista ilaa Jimcadii dilka dadka rayidka ah ee lagu diley magalada caasimada ee muqdisho kor u dhaafay ilaa 6-qofood inta la og yahay , C/salaan shire oo ahaa arday wax ka dhigta magaalada muqdisho islamarkana sida la sheegay ka mid ahaa weriye yaasha warar siin jirey websiteyo caalami ahayaa lagu diley shalay abaaro salaadii maqarib ka hor isagoo sii gelaya masaajid Abu-hurayra oo ku yaala suuqa bakaaraha.

Sidoo kale dilal kale ayaa habeenimadii Jimcadu soo geleysey waxa ay ka dhaceen goobo ay ka mid yihiin tarabuunka oo la soo dhigay meydka nin dhalin yaro ah oo ay xabado kaga yaaliin qeybo ka mid ah jirkiisa islamarkaana ka xiran indhaha iyo gacmaha halkaasoo la sheegay inay meydkaasi soo dhigeen dad watey gaari noocyada daboolan ah.

C/laahi cartan oo ka mid ah dadka degan agagaarka isbitaalka Digfeer ee Magaalada Muqdisho ayaa saxaafada u sheegay in markii Kooxahaasi ninka dilayeen ay wateen gaari halkaasoo uu sheegay inay rasaas ku fureen.

C/laahi cartan waxaa intaasi uu ku daray in meydka ninkaasi aan la garayneyn islamarkaana dadka deegaanka ay geeyeen masjid kuyaala nawaaxiga isbitaalka Digfeer.

Sidoo kale Isbitaalka Madiina oo Jimcadii ay qar kamida warbaahintu laxariirtay ayaa u xaqiijiyey in habeenimadii Jimcadu soo geleysey lasoo dhigay dad rayid ah oo lagu soo dhaawacay xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal kusugan isbitaalka Madiina ayaa sheegay in halkaasi la keenay labo nin oo meyd ah oo aan ilaa iyo iminka la garaneyn.

Falalka isugu jira dilka iyo dhaawacyada ee ka dhacaya Magaalada Muqdisho ayaa waxay sameeyn ku yeelanaysaa xaalada Amaan xumo ee Magaalada Muqdisho ka jirta.

Iyadoo mudo hal maalin ka horna 3- nin lagu dilay agagaarka Suuqa xoolaha ee Magaalada Muqdisho kuwasoo ay dileen dad aan la garaneyn.

Dhanka kale waxaa Jimcadii xaafada juungal ee degmada yaaqshiid lagu diley wiil magaciisa lagu soo koobay Mukhtaar islamarkana lagala soo degay baabuurta mini-bas ah oo ah kuwa isaga kala goosha degmooyinka iyo xaafadha magalada muqdisho .

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan magaalada muqdisho ayaa waxaa lasoo dersay cabsi iyo welwel kaga imaanaya xaalada amaan xumo ee caasimada oo faraha kasii baxaya islamarkana dhex muquuraynaysa mowjado cabsiya .

Lama garanayo dadka geysanaya dilalkan arxan darada ah ee kusoo badanaya magalada muqdisho mana jiraan cid u hadlaysa dadka shacabka ah ee la ugaarsanayo ee loo gaysanayo dilka macno darada ah ee ka dhacaya magaalada muqdisho .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 27, 2007
 

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH