SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...


TAARIIKHDA QORAALKA FAR SOOMAALIGA
W.Q: Axmed Haybe (Axmed Dawlo) - 2004



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


 

Wararkii:: Jan 27, 2007

  • GO'AAN AY SOO SAARTAY  BEESHA SACAD EE KU NOOL WADANKA SWEDEN
  • Suldaanka Beesha Cayr oo dowladda Federaalka iyo Beelaha Soomaaliyeed codsi uu soo jeediyay
  • Maxaabiis Indhaha ,Gacmaha Iyo Weliba Madaxa Laga Xiray Oo Laga Soo Rogay Garoonka Muqdisho.
  • Ra’iisul wasaare Geeddi oo maanta u magacaabay Shabeellada Dhexe Maamul cusub
  • Agaasimaha waaxda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya oo maanta soo bandhigtay Baasaboorada Cusub ee Soomaaliya
  • Dowlada Jabuuti oo Sheegtey in ay Taageero Weyn u Heyso Ciidamada Nabad Ilaalinta Ee la Gaynayo Gayiga Somalia.
  • Beesha Reer Mataan oo maanta kulan la qaadatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Maxamed Caydiid
  • Ismaaciil Buubaa: “Dalalka Dunida waxay go’aan ku gaareen inay taageeraan Soomaaliya”
  • Mareykanka oo dowladda Soomaaliya ka codsaday inuu la shaqeeyaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed
  • Magaalada Minyaabolis ee dalka mareeykanka ayaa xalay oo ay bishu ahayd 01/26/07 lagu qabtay munaasabad balaaran…
  •  

    Cashuuraa waxay ku beegan tahay Isniinta, Jan 29, 2007
    maalinta Cashuura waxay ku beegan tahay Isniinta, Axada waxaa ku beegan maalinta sagaalaad...
     Akhri...


GO'AAN AY SOO SAARTAY  BEESHA SACAD EE KU NOOL WADANKA SWEDEN

 Shirar badan iyo xiriir joogto ah oo ay yeesheen Jaaliyadda Beesha Sacad/Habargidir ee ku nool wadanka Sweden. Shirarkaas iyo xiriirkaas beeshu  yeelatay waxay ku saabsanaayeen arinta Soomaliya qaasatan Ciidamadaan itoobiya ee wadanka soo galay iyo dadka soo geliyay ciidamadaan, ayey beeshu kasoo saartay go'aanadan hoos ku qoran.

GO'AAN

  • Anagoo ah  jaaliyadda beesha Sacad/Habargidir ee ku nool wadanka  Sweden, waxaan kasoo horjeednaa dhamaanba faragelinta ciidamada itoobiya ay ku hayaan wadankeena Soomaaliya. Waxaan u aragnaa joogista ciidamadaas in ay tahay qabsasho toos ah oo wadanka lagu qabsaday.
  • Waxaan qayb wayn ka nahay halganka la gula dirirayo ciidamada xabashida iyo waxay wataan.
  • Waxaan ugu baaqaynaa dawladda itoobiya inay ciidamadeeda deg deg ugala baxdo ciidda Soomaaliya sidoo kalena ay faraha kala baxdo arrimaha soomaalida dhexdeeda ah.
  • Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa ciidamada Afrikanka ee Somaliya soo galaya in ay  ka fiirsadaan anagoo u aragna shaati Itoobiya ay soo gashanayso islamarkaana ay soo kordhinayaan colaad iyo dhiig daata.
  • Wax garadka, culuma'udiinka iyo aqoon yahanka beeshu marna raalli ka noqon mayaayaan horseedna u noqon maayaan in wadanka cadow gacanta loo geliyo haba yaraatee iyadoo la ogyahay kaalinta halgan, sumcad iyo sharaf diineed ee beeshu ku leedahay ummadda somaaliyeed iyo tan muslimka dhexdooda.
  • Haddaba markaan aragnay shaqsiyaad ku hadlaya magaca beesha kuna been abuuranaya sharafta iyo kaalinta cad ee beeshu ku leedahay Ummadda Somaaliyeed  ayay  jaaliyadda ku nool Sweden go'aan ku gaareen inaysan magaca Beesha ku hadli karin cidna aysan u wakiilan, raalina uusan qof caqli leh ka noqon karin waxa ay samaynayaan.
  • Sidoo kale waxaan ummadda Soomaaliyeed u sheegaynaa inaysan na matalin shaqsiyaadkaas Allaah hortiis waxay sameeyaana ay gaar u tahay aakhiro iyo aduunba.

Qoraalkaas oo ay ku saxiixnaayeen in ku dhow 200 qof, kala xiriir Dahir Ahmed Kulane kulane31@gmail.com

Suldaanka Beesha Cayr oo dowladda Federaalka iyo Beelaha Soomaaliyeed codsi uu soo jeediyay

Sudlaanka Beesha Cayr ee Gobollada Koonfureed ee Soomaaliya Suldaan Muuse Sheekh Maxamed ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa; wuxuuna soo saaray warsaxaafadeed u qornaa sidan

Ujeedo: WAR SAXAAFADEED

Anigoo ah Suldaan Muuse Sheekh Moxamed, waxaan ku qabtay xafiis keyga Muqdishu war saxaafadeed aan kaga hadlaayo arimaha dhaqanka ee Beesha Cayr.

Waxaad ogsoon tihiin in Beesha Cayr ay leedahay madax dhaqameed looga dambeeyo arrimaha dhaqanka, maadaama Beesha Cayr ay degto deegaanno badan, gaar ahaan koofurta Somaaliya.

Anigu waxaan ahay Suldaanka Beesha Cayr, ee la soo doortay oo ay ku dhammaato Mas’uuliyadda Dhaqan-Siyaasadeedka Beesha Cayr gaar ahaan Gobolka Banadir iyo gobolada ku hareereysan.

Sidaa awgeed waxaan ku wargalinayaa Hay’adaha Dowladda iyo beelaha Soomaaliyeed wixii ku saabsan arrimaha dhaqanka iyo siyaasadda Beesah Cayr ee deegaanada kor ku xusan in aniga la igala soo xiriiro, maadaama dhismaha Dowladda iyo awood qybsiga lagu saleeya 4.5.

Suldaanka Beesha Cayr
Suldaan Muuse Sh. Moxamed

Waxaa soo tebiyey:
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321


Maxaabiis Indhaha ,Gacmaha Iyo Weliba Madaxa Laga Xiray Oo Laga Soo Rogay Garoonka Muqdisho.

Garoonka weyn ee magaalada muqdisho ayaa laga soo rogay maanta Ilaa 24 ruux oo maxaabiis ah oo laga soo qab qabtey dalka Kenya oo la sheegay in ay gacan saar la lahaayeen golihii maxkamadaha islaamka Somaliyeed .

Afhayeenka dowladda kmg ah ee C/raxmaan Diinaari oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in garoonka Muqdisho ay ka soo dageen ilaa 24 maxaabuus oo ay ku jiraan sida uu sheegay xubno ka tirsan maxkamadaha islaamka, isagoo intaas ku daray in aanu si rasmi ah u sheegi karin magacyadooda iyo da'dooda balse marka baaritaano lagu sameeyo kadib lasoo sheegi doono .

Warar laga helayo Ilo xog ogaaal ah oo ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa u sheegay saxaafada in tirada dadka maxaabiista ah ee maanta laga soo dajiyay ay gaarayaan 32 ruux, oo kala ah 6 caruur ah, 10 dumar ah iyo 16 rag ah, kuwaasi oo marka diyaaradda laga soo dajinayay ay u xirnaayeen garba duub, iyadoo jawaano iyo maryo madmadoow madaxa loo soo galiyay.

Dhanka kale maaha markii ugu horaysay ee sidan oo kale dowladda kmg Somaliya lagu wareejiyo Maxaabiis laga keenay dalka Kenya waxaa hore magaalada muqdisho loo soo gaarsiiyey 34 maxbuus oo lagu wareejiyey dowlada kmg ah , iyadoo si rasmi ah aan loo ogeyn halka la geeyay inkastoo wararka qaar sheegayaan in qaar kamida maxaabiistaas loo qaaday dalka Ethiopia.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Ra’iisul wasaare Geeddi oo maanta u magacaabay Shabeellada Dhexe Maamul cusub

wareegto ka soo baxday xafiiska Prof. Cali Maxmaed Geeddi oo ah Ra’iisul wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta loogu magacaabay Gobolka Shabeellada Dhexe Maamul cusub, waxaana maamulkaan cusub magacaabistiisa ka dhawaajiyay Afhayeenka Dowladda Federaalka C/raxmaan Diinaari.

C/raxmaan Diinaari oo ka hor aqriyay ragga wararka fidiya wareegtada lagu magacaabay Maamulka cusub ee Shabeellada dhexe loo magacaabay ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Geeddi uu dhowr meel wax ka eegay dabadeedna uu magacaabay maamulkaan cusub.

Guddoomiyaha Cusub ee loo magacaabay Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa waxay kala yihiin, Guddoomiye Maxamed Cumar Deelle, guddoomiye ku xigeenka 1-aad Xuseen Xasan Maxamuud (Xuseen Dheere), Guddoomiye ku xigeenka 2-aad waxaa loo magacaabay Cismaan C/lle Caqiil, sidoo kale waxaa loo magacaabay Degmada Jowhar loo Magaacaabay Guddoomiye iyo ku xigeennadiisa waxayna magacyadooda kala yihiin: Maxamed Cabdi Ibraahim (Miirkoow), Cabdi Ibraahim Aadan (Jahawareer) iyo Abuukar Cusmaan Raage.

Maamulkaan ayaa markii la magacaabay waxaa la sheegay inay ku sugnaayeen Degmada Jowhar, balse qaddar daqiiqado ah kaddib markii ay ku sugnaayeen xarunta Maamulka laga soo saaray halkaas iyadoo ay ka saareen ciidammo uu hoggaaminayo Xoghayihii Guud ee Maxamed Dheere oo lagu Magacaabo Cabdullaahi Caadle Weheliye.

Guddoomiyihii hore ee Shabeellada Dhexe Maxamed Dheere oo Muqdisho ayaa isagu aan sheegin wax ku saabsan ka soo eryidda maamulka cusub ee Gobolka Shabeellada Dhexe, waxaana uu horay u sheegay inaan loo magacaabi karin Shabeellada Dhexe maamul, balse loo baahan yahay in shacabka gobolkaas ay doortaan Maamulkooda.

Eeg wareegtadii...

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya


Agaasimaha waaxda Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya oo maanta soo bandhigtay Baasaboorada Cusub ee Soomaaliya

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya

Agaasimaha Waxda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomalaiya C/llaahi Gaafoow Maxamuud ayaa maanta markii ugu horreysay soo bandhigay baasaboorrada cusub ee Soomaaliya.

C/llaahi Gaafoow oo kula hadlay warfidiyeenada Xarunta Nabad-sugidda Soomaaliyeed ayaa sheegay in baasaboorka cusub ee Soomaaliya ay yeelayso uu diyaar yahay, isla markaana uu ruux walba oo Soomaali ah qaadan karo, waxaana uu sheegay in ruux walba oo Soomaali ah oo haysata baasaboorro kale haysata uu qaadan karo midka cusub ee Soomaalida.

Baasaboorkan cusub oo ah nooca Electronic-ga ah ayaa wata hal kaar aqoonsi, waxaana uu sheegay in baasaboorkii hore ee Soomaaliga uu ku eg yahay 07/May/2007, waxaana uu sheegay in ruuxii sita aysan xiligaas kaddib baasaboorkii hore uusan ku safri karin. Warkan oo dhan iyo sawiro ka eeg halkan...


Dowlada Jabuuti oo Sheegtey in ay Taageero Weyn u Heyso Ciidamada Nabad Ilaalinta Ee la Gaynayo Gayiga Somalia.

Dowladda Jamhuuriyada Dalka Jabuuti ayaa shaaca ka qaadday Maanta inay taageerayso weyn u heysto ciidammo nabad ilaalin ah oo ka socda Q/Afrika oo la geeyo gayiga Somalia.

Dowladda Jabuuti oo ka tirsan dowladda bariga Afrika si weynna uga soo horjeedday in ciidammo nabad ilaalin ah la geeyo gayiga Somalia ayaan si dhab ah loo garanayn sababta dhabta ah ee keentay hada inay xilligaan taageerto ciidammo nabaad ilaalin ah oo la geeyo dalka Somalia.

Wasiirka Amuuraha Dibada ee dalka jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf waxa uu yiri, dowlada Jabuuti waxa ay si weyn usoo dhaweynaysaa Ciidamada Nabad Sugida ee la geynayo Gayiga Somalia, si buu yiri ay nabad ugu soo celiyaan dalka ay dagaalada ba'ani ka dhaceen.

Danka kale Madaxweynaha Jamhuuriyada Jabuuti Mudane Ismail Omar Geelle ayaa asaguna in badan ku cel celiyay in uu taageero weyn u hayo ciidamada nabad sugida ee la gaynayayo dalka soomaaliya oo ay dariska yihiin.

Dowlada Jabuuti si aan caadi ahayn ayay oga soo horjeedey in ciidamo afrikaan ah la geeyo dalka soomaaliya oo waxa ay ka mid ahayd dalalki diinaa, hase ahaatee haatan lama garanayo waxa ku kalifey in ay taageero u muujiso ciidamada la keenayo dalka Somalia.

Nekruuma Ahmed Yusuf.
E-mail Nekruuma11@hotmail.com
Djabuuti.


Ruux loo haysto inuu ka dambeeyay Hoobiye lagu soo riday Garoonka Diyaaradaha oo booliiska ay gacanta ku dhigeen

Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo dhawaan lagu weeraray saddex rasaasta hoobiyaha ah ayaa waxay sheegtay dowladda Federaalka Soomaaliya inay booliiska gacanta ku dhigeen mid ruux loo haysto inuu ka dambeeyo falkaas.

C/raxmaan Nuur Xasan (Diinaari) oo madaxtooyada kula hadlay saxaafadda ayaa sheegay in ruuxaa ay ciidammada booliiska gacanta ku dhigeen, lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay duqeyntii garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Diinaari ayaa sidoo kale sheegay in ruuxaan la hayo sharciga la horkeeni doono, balse ma uusan sheegin cidda ay u kaashadeen booliiska soo qabashada ninkaan, waxaan madaafiicda lagu tuhmayo ninkaan inuu la dhacay garoonka diyaaradaha Muqdsiho ay geysteen dhaawaca 4-ruux oo rayid ah.

Beesha Reer Mataan oo maanta kulan la qaadatay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xuseen Maxamed Caydiid

Eng. Xuseen Maxamed Caydiid oo Ra’iisul wasaare ku xigeenka dowladda Federaalka Soomaaliya Isla markaana ah Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa Magalaada Muqdisho kulan kula qaatay maanta siyaasiyiinta iyo Waxgarad ka tirsan Beesha Mataan Cabdulle.

Kulankaan ay yeesheen Xuseen Maxamed Caydiid iyo Beesha Reer Mataan oo ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa xubnihii ay ka qaybgaleen waxaa ka mid ahaa: Nabaddoon Maxaadeey Xasan Hadaafoow, Nabaddoon Cadde Abshir Gude, Sheekh Muuddeey Gacal, Xaaji Xuseen Cigaal, C/llaahi Saalax Maxamuud, Nabaddoon Shire Gaad iyo xubno kale oo aad u fara badan.

Ugu horreyn waxaa halkaas ka hadlay Eng. Xuseen Caydiid wuxuuna sheegay in beesha Mataan Cabdulle ay tahay beesha deggan Magaalada Muqdisho iyo hareeraheeda ay tahay beesha ugu horreysa oo si weyn u soo dhaweysay dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Beesha Mataan Cabdulle ee dagta xamar iyo xamardaye waa beesha keliya ee dowladda uga hortagtay si ay u soo dhaweyso degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada hoose, waxaana beesha ay gacan weyn ka geysatay sidii ay dowladda u soo gaari lahayd Magalaada Muqdisho, waana mid ay dowladdu uga mahadcelinayso” ayuu yiri Xuseen Caydiid oo intaas ku daray: “Beesha Mataan Cabdulle waxay tusaale cad u tahay beelaha Soomaaliyeed, waxayna muujisay inay dowladda taageersan tahay, maadaama ay yihiin dad nabadda jecel isla markaana Soomaali oo idil ku soo dhaweeyay Deegaanka Xamar iyo Xamar-daye”.

Sheekh Muuddeey Gacan oo ka tirsan Beesha Mataan Cabdulle ayaa dhankiisa sheegay in beesha Mataan Cabdulle ay soo dhaweysay dowladda ayna diyaar u tahay inay ku wareejiso dowladda hubkeeda iyo malleeshiyooyinkeeda.

“Malleeshiyooyinkeena waxaan ku wareejinaynaa dowladda waxaana u kaashanaynaa arrintaan Mayarka Magaalada Muqdisho Cadde Gaaboow, waxaana diyaar u nahay inaan nabadda ka shaqeynno” ayuu yiri Siyaasiga Sheekh Muuddeey Gacal.

Sidoo kale mar uu ka hadlay dhismaha Dowladda Federaalka Soomaaliya wuxuu sheegay in baarlamaanka Soomaaliya ay ka hor istaageen beesha Mataan Cabdulle hoggaamiye kooxeedyadii; balse ay sugayaan xilliga ay dhacayso Doorasho xor ah oo lagu dooranayo xildhibaannada Baarlamaanka, “Waxaan arkaynaa cidda naga horistaagi karta markaas inaan ka mid noqonno xildhibaannada baarlamaanka, waayo wax walba waxay ku dhacayaan si caddaalad ah” ayuu yiri Sheekh Muuddeey Gacal.

  • Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe) &

    Muuse Maxamuud Jiisow
    somali39@hotmail.com
    Muqdisho Somaliya
    025215576666
    002521653623

Ismaaciil Buubaa: “Dalalka Dunida waxay go’aan ku gaareen inay taageeraan Soomaaliya”

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) oo ah Wasiirka Arrimaha dibadda ee Soomaaliya kuna sugan xilligaan Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa sheegay in dowladaha dunida ay intooda badan doonayaan inay gacan ka siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Dibadda ee Soomaaliya Mr. Buubaa ayaa ka sheegay Addis Ababa mar uu warfidiyeenno halkaas kula hadlay ayaa sheegay in dalal badan oo ku yaalla qaaradda Afrika ay u heelan yihiin inay ciidammo keenaan gudaha Soomaaliya, si ay uga qaybqaataan howlaha nabad soo celinta ah ee ay dowladda Soomaaliya ka waddo dhammaan dalka Soomaaliya.

“Dalal fara badan oo Afrikaan ah ayaa waxay sheegeen inay ciidammo u dirayaan gudaha Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inay dhawaan gaaraan gudaha Soomaaliya, sidoo kale dalal kale oo Afrikaan ah ayaa waxay sheegeen inay iyaguna damacsan yihiin inay dhaqaalaha ciidammada wax ka bixiyaan” ayuu yiri Mr. Buubaa oo sheegay in dalalka Carabta ah ee ku yaalla Afrika ay yihiin kuwa ugu badan ee ballanqaaday lacago iyo ciidammo la geeyo gudaha Soomaaliya.

Dhanka kale, Mr. Buubaa oo kaga qaybgalay magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia kulankii 10-aad ee Midowga Afrika ayaa ka dhawaajiyay in kulankaas lagu go’aamiyay in la geeyo Soomaaliya ciidammo aad u fara badan ka socda Afrika, sidoo kalena la geeyo gudaha Soomaaliya ciidammo ka socda Qarammada Midoobay.

Wasiirka Arrimaha dibadda ee Jabuuti oo taageeray ciidammo ka socda Afrika oo la geeyo dalka Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha dibadda ee dowladda Jabuuti ayaa shaaca ka qaadday inay taageerayso dowladdiisa ciidammo nabad ilaalin ah oo ka socda Qaaradda Afrika oo la geeyo gudaha Soomaaliya.

Jabuuti oo ka tirsan dowladda bariga Afrika si weynna uga soo horjeedday in ciidammo nabad ilaalin ah la geeyo gudaha Soomaaliya ayaan si dhab ah loo garanayn sababta dhabta ah ee keentay inay xilligaan taageerto ciidammo nabaad ilaalin ah oo la geeyo Soomaaliya gaar ahaan kuwo Afrikaan ah.

Jabuuti ayaa waxay si weyn uga soo horjeesatay in ciidammada Ethiopia ay gudaha u galaan dalka Soomaaliya, waxayna ku eedeysay Ethiopia inay qayb ka tahay burburkii ku yimid Maxkamadaha Midoobay oo ay iyagu gacanta ku hayay Magalaada Caasimadda ah ee Muqdisho.

“Dowladda Jabuuti waxay soo dhaweynaysaa ciidammo nabad ilaalin ah oo la geeyo gudaha Soomaaliya si ay nabad ugu soo dabbaalaan dalka Soomaaliya oo ay soo mareen dagaallo sokeeye oo sababay qasaare naf iyo maalba leh” ayuu yiri Wasiirka Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo kula hadlay warfidiyeenno Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia.

Qaraxyo waaweyn oo xalay ka dhacay duleedka waqooyi ee Magaalada Muqdisho

Qaraxyo waaweyn ayaa xalay laga maqlay duleedka Waqooyi ee Magaalada Muqdisho, waxaana qaraxyadaas ay geysteen dhaawaca 4-ruux oo rayid ah sida la xaqiijiyay.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka Darmooley oo u dhexeeya Shabeellada Dhexe iyo Banaadir ayaa sheegay in laba qarax oo waaweyn la maqlay xalay fiidkii waxaana ay sheegeen goobjoogayaashaas in lala beegsaday saldhig ay ciidammada Ethiopian-ka ku leeyihiin goobtaas lala beegsaday madaafiicda.

Ma jirto cid si dhab ah u caddeyn karta waxa ay ahaayeen madaafiicdaas ama qoryaha laga tuuray, balse dadka xoolaleyda ah ee ku dhow goobta lala beegaday rasaastaas waaweyn ayaa la sheegay inay xalay ka carareen deegaannadooda isla markaana ay xoolihii kala baxeen xeryooyinka.

Ciidammada halkaas ku xareysan ee Ethiopian-ka ah ayaa waxay iyaguna dhankooda billaabeen inay kaga jawaabaan madaafiicdaas rasaasta ka dhacda qoryaha lidka diyaaradaha oo aad u fara badan, waxaana arrintaan ay argagax gelisay dadka ku dhaqan deegaanka suuqa xoolaha.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeysay falkaas lagu weeraray ciidammada Ethiopian-ka ah ee ku sugan deegaanka Darmooley, waxaase tani ay qayb ka tahay qaraxyo lala beegasday saldhigyo ay ka dagganaayeen ciidammada Ethiopia gudaha Magaalada Muqdisho, kuwaasoo geystay dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah oo fara badan.

Mareykanka oo dowladda Soomaaliya ka codsaday inuu la shaqeeyaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed

Mss. Jandayi Frazer oo ah kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka dhanka Afirka oo saxaafadda kula hadlaysay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa sheegtay in dowladda Federaalka Soomaaliya laga doonayo inay wadashaqeyn la yeeshaan Qunayar-socodkii Maxkamadaha.

Frazer ayaa hadalkaan jeedisay kaddib markii ay qadka taleefoonka kula hadashay guddoomiyihii Maxkamadihii burburay ee Muqdisho Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxaana ay sheegtay inay ku borrisay Sheekh Shariif inuu la shaqeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu taageerayaashiisa ku boorriyo inay joojiyaan rabshadaha ay ka wadaan gudaha Soomaaliya.

“Shariifka waxaan u sheegay inuu la shaqeeyo dowladda Federaalka Soomaaliya, isla markaana uu qayb ka noqdo, sidoo kalena uu ka waantoobo howlihii argagaxiso ee u ku jiray muddadii 6-da bilood ahayd ee uu xukumayay Maxkamadaha” ayay u sheegtay saxafiyiintii ku soo xoomay goobtii ay shirka jaraa’id ku qabanaysay Jandayi Frazer oo ah Kaaliyaha Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Mareykanka dhanka Afirka.

Sidoo kale Mss. Frazer waxay sheegtay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku dadaasho sidii ay wadaag uga siin lahayd xubnihii Maxkamadaha ee laga awoodda roonaaday kuwooda qunyar-socodka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, ayna ula shaqeyn lahaayeen.

Hadalkaan ka soo yeeray Frazer ayaa ku soo beegmaya iyadoo shalay uu sheegay Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya Yuusuf Cumar Azhari in dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay dowlad sal-ballaaran oo aan loo baahnayn inay dunidu iska indho-tirto howlaha ay waddo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah dib u heshiisiin iyo nabad ku soo dabbaalidda gudaha Soomaaliya.

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321


Magaalada Minyaabolis ee dalka mareeykanka ayaa xalay oo ay bishu ahayd 01/26/07 lagu qabtay munaasabad balaaran…

Magaalada Minyaabolis ee gobolka Minisota ee dalka mareeykanka ayaa xalay oo ay bishu ahayd 01/26/07 lagu qabtay munaasabad ballaaran oo ay jaaliyadda dalka mareykanka ugu talagaleen taageero ay DFKS u fidiniyaan.

Munaasabadaa oo lagu qabtay hoolka layiraahdo Minyaabolis Convention Center oo ku yaala Faras magaalaha Minyaabolis.

Waxaa hoolkaa isugu yimi dadweyne aad ufarabadan dadweynahaas oo lagu qiyaasay ilaa shan iyo Toban kun.

Barnaamijkaani wuxuu bilowday 5:30 galabnimo waxaa halkaa furay Abdirisaaq Axmed (Ducaysane) isagoo soo dhaweeyey dhamaan dadkii waqtigoodii u huray iney taageero ufidiyaan Dowladooda, kadib waxaa lagu furay Aayado Qur’aanka kariim ah waxaana halkaasi ka aqriyey Aayadaha Qur’aanka Shiikh Axmed Cali (Maktayn).


Qur’aanka sida caadadu ahayd waxaa lawada qaaday Heestii caanka ahayd ee layiraahdo (Soomaaliyeey Toosoow).

Waxaa kadib halkaa qaatay Madaxa Ururka Mideynta Soomaaliyeed oo layiraahdo Maxamed Abuukar Xuseen wuxuuna halkaa ka sheegay faaiidada ay leedahay isku duubnimada Soomaaliyeed iyo in ay maantay Somali ubaahan tahay cadaalad.

Kadib waxaa ku xigay Ururka farshaxanka Soomaaliyeed ururkaas oo Madax uu uyahay Abwaanka Caanka ah ee Soomaaliyeed Maxamed Cabdulaahi Ciise (Sangub) waxaayna halkaasi ku soo bandhigeen heeso aad qiiro uleh Heesahaasoo uu qaadayey Fanaanka Axmed Cali (Igaal), Heesta magaceedana waxaalayiraahdaa (Qarni) waana Hees Cusub oo ka hadleysay marxalada maantay uu dalku marayo.

Waxaa ku xigay Roda oo ku magacdheer Rooda wacan oo ayadana Qaaday Hees wadaniga dhabta ah.

Waxaa kaloo ku xigay Hees wadani ah oo layiraahdo (Soomaaliyeey aan is cafino).

Waxaa ku xigay Ardo sheikh Yuusuf oo ku hadleysay Codka Haweenka Soomaaliyeed waxayna ardo kahadashay Kaalinta haweenka Soomaaliyeed ay ka soo galeen Xoriyadii dalka 1960 kii iyo dagaalkii sokeeye intaba ardo waxaa ku xigay, Drs. Luul Xasan Laari oo iyaduna sidoo kale waxay ka hadashay kaalinta dhabta ah ee haweenka Soomaaliyeed maantay ay kaga jiraan xaalada dalka uu marayo.

Waxaa ku xigay Abdisamad Xasan oo katirsan Jaaliyadda magaalada Ohio oo uyimi munaasabadan owgeed ayaa wuxuu ka tiriyey Gabay Wadani ah oo uu ku guubaabinayey in Shacabka Soomaaliyeed gacmaha isqabsadaan oo ay Taageeraan dowladooda.

Waxaa Xafladani ka soo qeybgalay marti Sharaf ka kala timi Gobolka Minnesota oo dhan iyo wadanka Mareeykanka gudihiisa.

Waxaa meeshaasi ka hadlay Afhayeen ka socday Senatorad. Amy Kloubochar ee ah senator xisbi dimoqraadi ah.

Xafiiska Coleman waxaa ka socday Maxamuud Wardheere.

House of Republican waxaa ka socday Mr. Smith.

Amino Arte oo ka socotay Xafiiska xisbiga Republicanka ee Rep. Tim Walls.

Waxaa kaloo kamid ahaa marti sharaf ka soo qeyb galay Xafladaan Safiirka Soomaalida ee Qaramada midoobay Dr. Cilmi Ducaale iyo Safiirka Dalka mareeykanka u fadhiya Dowlada Kenya Peter N.R.O Ogego.

Daahir Mire Jibriil oo ah uqeyb samaha Xiriirka Caalamiga ee Arimaha Dibada ee DFKMG.

Gabagabadii waxaa lagu soo gabeeyey Raysulwasaaraha DFKMG ee Soomaaliya Mudane Prof. Cali Maxamed Geedi isagoo halkaasi kala hadlayey Qadka isgaarsiinta ee Taleefoonka ah wuxuuna umahad celiyey dhamaan qaban qaabiyayaashii munaasabadaan iyo dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan Magaalooyinka mataanaha iyo agagaarkeeda isku xilqaamida ay isku xilqaameen iney taageeraan dowladooda Federaalka ah

Wuxuu kaloo warbixin guud ka siiyey Xaalada dhabta ah ee uu dalku maantay marayo.

Prof Geedi ayaa waxaa laweydiiyey su’aalo kala duwan wuxuuna waana uu uga jawaabay.

Xafladani waxaa suurta galiyey ineey hirgasho dhamaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee degan gobolka Minnesota gaar ahaan Qaban qabiyayaasha ee ay ka mid yihiin Abdirizak A(Ducaysane), Drs. Luul Xasan Laari, Warsame, Aamino Deero,Aadan dhagax, Xaawo kamaaludiin,Safiya.

Waxaa kaloo mahad loo celinayaa Confederation Somali Community Minnesota, African Community, Banaadir Community, dhamaan Xafiisyadda Community Soomaaliyeed iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Dhanka kale fanka waxaa gacanweyn ka geeystay fanaaniinta Hobolada Waaberi oo uu horkacayey Abwaan maxamuud Axmed Ciise (Sangub).

Waxaa soo tebiyey
Somali American Media Association (SAMA)


Nairobi: Ciidamada kenya oo toogasho ku dilay laba haween ah.

Ciidamada amaanka dalka kenya ayaa caawa fiidkii ku dilay toogasho laba haween ah oo sida la sheegay gaari ka soo afduubtay meel u dhaw safaarada uu maraykanku ku leeyhaay caasimada kenya ee Nairobi.

Shilkan ayaa ka dhacay halka lagu magacaabo (Kinoo) oo qiyaastii 12 mile oo ah dhinaca galbeed ee caasimada.

Iaa iyo hada lama shaacin sida ay wax u dhaceen safaarada naraykankana wax war ah lagama soo saarin.

Nin u hadlay Booliska kenya Gideon Kibunjah ayaa yiri waxa uu ahaa qof soo kaxaysatay gaari iyo gabar wayn kuwasi oo la baxsanayay gaari wayn mid ka mid ah raga loo yaqaano gangistaha ayaa toogtay kadibna waa ay carareen waa sida uu yiri ninka boolisk ah.

Labadan haweenka ah ayaa lacadeeyay in ay ku geeriyoodeen Cisbitaalka halkaasi oo lagu dawaynayay.

Baabuurta la afduubto ayaa ku yarayd dalka kenya xiliyadii la soo dhaafay balse hada ayay ku soo badanaysaa sida caadiyan ah caasimada kenya ee Nairobi.

Mid ka mid ah saraakisha maraykanka ee ku sugan Nairobi ayaa si xun ugu dhaawacmay september shilal afduubasho gaari oo ka dhacay Nairobi mar uu ku sugnaa safaarada uu maraykanku halkasi ku leeyahay, Sida la ga soo xigatay dadka ku dhaqan casimada.

A/rizak koronto
Garowe Puntland


 


oilKenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya... Akhri... Jan 26


Muran ka Taagan Tirada Dadka reer Puntland
Tirada dadka deggan Puntland ayaa lagu sheegay 1.1 million, arrintaas waxaa aad uga carootay DGPL oo sheegtay in ay Puntland deggan yihiin dad tiradooda ay ku qiyaastay 2.5 million.... Akhri... 25/1


Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka  Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka Soomaaliya & Itoobiya... Akhri..

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH