Wararkii:: Jan 28, 2007
- Dagaal Faraha
Lagaga Gubtay Oo Dhex Maray Kooxo Hubaysan Iyo Ciidamada
Booliska Dowlada Kmg Ah.
- Mudaaharaad looga
soo horjeedo magacaabista maamula cusub ee Shabeellada
Dhexe oo ka dhacay Degmada Jowhar
- Cabdulaahi Yuusuf:
La hadalka Shiikh Shariif waxay u taalaa labada Gole..
- Ciidamadii Itoobiya
ee ku sugna Dhoobley oo halkaas isaga baxay..
- Weerar xalay loo
gaystay saldhiga Booliiska Degmada Howlwadaag..
- Dadweynaha Muqdisho
oo aad uga walwalsan Xaaladda Nabadgelyo ee Muqdisho.
-
Cashuuraa waxay ku
beegan tahay Isniinta, Jan 29, 2007
maalinta Cashuura waxay ku beegan tahay Isniinta, Axada
waxaa ku beegan maalinta sagaalaad...
Akhri...
Dagaal
Faraha Lagaga Gubtay Oo Dhex Maray Kooxo
Hubaysan Iyo Ciidamada Booliska Dowlada Kmg Ah.
Axad, Jan 28, 2007: Dagaal sababay dhimasho iyo
dhaawac ayaa maanta ka dhacay Ex kantarool ee
degmada yaaqshiid ,dagaalkan ayaa u dhexeeyey
kooxo hubaysan iyo ciidamada booliska dowlada
kmg ah ,iyadoo 2 qof ay ku geeriyootay 5 kalena
ku dhaawacantay inta la ogyahay.
5ta ruux ee dhaawacantay ayaa waxa ay ahaayeen
dad rayid ah oo qaarkood xabadaha ay si habow ah
ugu tageen iyagoo ku sugan guryahooda , ka dib
markii dagaalku uu saacado Qaatay islamarkana uu
ku faafay xaafadaha ku dhow dhow degaankaas ,sidoo
kalena labada qof ee ku dhimatay dagaalkan ayaa
mid kamida ahaa askari ka tirsan ciidanka
booliska dolwada kmg ah, halka qofka kalena uu
ahaa qof rayida oo xabadi ugu tagtay si habow ah
.
Dad goobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen inay
mid kamida labada qof ee dhimatay oo ahaa askari
boolis ah uu maydkiisa lagu jiid jiiday wadada
dheer ee isku xirta ex-kaantarool iyo suuqa
xoolaha islamarkaana uu yaalay wadada kadibna ay
ku soo xoomeen dad aad u tiro badan oo ku
qaylinayey halku dhegyo ka dhan ah dowlada kmg
ah , waxaana sidoo kale la sheegay in ciidamada
booliska ay iskaga carareen agagaarka Ex
kantarool oo ahayd meesha dirirtu ka dhacday .
Dadkii ku dhaawacmay dagaalkaas ayaa waxaa loola
cararay qaarkood Isbitaalada magaalada muqdisho
,sidoo kalena ma jiraan wax war ah oo ka soo
baxay dhanka dowladda KMG ah oo ka hadlaya
sababaha dagaalkan.
Si kastaba ha ahaatee magaalada muqdisho ayaa 24
kii saac ee la soo dhaafay waxaa la dhigay
Isbitalada magaalada Muqdisho in kabadan 13 ruux
oo siyaabo kala duwan ugu soo dhaawacmay Qaraxyo
iyo rasaasta ka dhacaysa magaalada Muqdisho sida
uu saxaafada u sheegay Dr, Daahir Dheere oo
madax ka ah qaybta caafimaadka isbitaalka
madiino.
Cumar Xaashi
Aadan “Baarlamaanku Xor Maaha ,waxaana lagu
Ilaaliyaa Taangi Amxaaro leedahay..
Xildhibaan Cumar Xaashi Aadan oo ka mid ah
xubnaha xildhibaanada ah ee ku siyaasada noqday
guddoomiyihii baarlamaanka KMG Soomaaliya
Shariif Xasan Sheekh Aadan oo iminka ku sugan
magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyadda Jabuuti
ayaa ka hadlay aragtisiida ku aadan marxalada
siyaasadeed ee caasimada Muqdisho ay ku sugan
tahay islamrkaana ku tilmaamay inay la mid tahay
sidii 1991-dii oo ay magalaadu aheyd mid kacsan.
“Magaalada Muqdisho waxay haatan xaaladeedu
maraysaa sidii 1991-dii oo guryaha inta dadka
lagala boxo waddooyinka lagu Toogan jiray” ayuu
yiri Cumar Xaashi oo intaasi ku daray in wararka
ay maalin walba kala socdaan warbaahinta ay aad
uga naxaan wuxuuna dhinaca kale, xusay in dalka
Soomaaliya ay imaan doonaan marka ay ka baxaan
Taangiyada Ethiopia.
Cumar xaashi ayaa sidoo kale intaas ku daray
“Baarlamaanka dowladda kmg ahi ma ahan mid xor
ah, waxaana lagu ilaaliyaa Taangi Amxaaro
leedahay, oo weliba cabsi gelina ay u dheer
tahay, si ay u fuliyaan go’aanada laga doonayo
markaas, waxaadse ogaan doontaan markii ay
Amxaaradu ka baxdo dalka ,xildhibaano badan oo
sheegi doona waxa lagu sameeyey iyo waxa ay
sameeyeen sababta ku kalifay, waxaana jira
xildhibaano badan oo nagu fikir ah”.
Dhinaca kale, xildhibaan Cumar Xaashi ayaa ka
hadlay xil ka qaadista guddoomiyaha baarlamaanka
Shariif Xasan Sheekh Aadan isagoo sheegay in
uusan la yaabin markii uu maqlay isagoo sheegay
in markii horeba ay dowladda Ethiopia xilkaasi
la dooneysay dad gaara oo kamida xildhibaanada
oo kasoo jeeda gobolka baay .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Saldhigyada
Howlwadaag iyo Wardhiigley oo xalay kooxo aan la
garanayn ay weerar ku qaadeen
Maxamuud Axmed
Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321

Calankii ay ciidamada Itoobiy akusoo
bandhigeen garoonka xerada Afisyoone Jan
23, 2007, calankaas oo ah kii hore ee
Itoobiya, kaas oo ka duwan calanka cusub
ee ay Itoobiya samaysay ee xiddigta
dhexda ku leh.... Sawirka: Reuteres. |
Saldhigyada booliiska ee Degmooyinka Wardhiigley
iyo Howlwadaag ayaa xalay lala beegsaday ayaa
sababay khasaare dhaawac u badan oo gaaray
booliiska iyo dad ku dhowaa saldhigyada xilligii
ay qaraxyada dhacayeen, mana jiraan cid ku
dhimatay qaraxyadaas iyo cid sheegatay toona.
Baasuukayaal ayaa lala beegsaday bartamaha
saldhigyadaas, iyadoo gawaari ay saaran yihiin
kooxo aan la garanayn laga riday baasuukayaasha
lala beegsaday saldhigyada.
Dad ku sugnaa xiliga ay qaraaxyada dhacayeen
agagaarka Saldhigga degmada howlwadaag ayaa
sheegay inay arkeen dhaawacyada dhowr ruux oo ay
ka mid ahaayeen ciidammada Booliiska, waxaana la
sheegay in loola cararay isbitaallo si loogu
daweeyo inkastoo dhaawacyadooda la sheegay inay
ahaayeen kuwo fudud.
Dhanka kale, Saldhigga Degmada wardhiigley ayaa
iyadana waaa ku dhaawacmay dhowr ruux oo la
sheegay inay ka mid ahaayeen ciidammada
Booliiska Soomaaliyeed.
Qaraxyadaan ayaa ku soo beegmay xilli ay
billaabeen booliiska Gobolka Banaadir inay
nabadda Magaalada Muqdisho sugaan.
Mudaaharaad
looga soo horjeedo magacaabista maamula cusub ee
Shabeellada Dhexe oo ka dhacay Degmada Jowhar
Degmada Jowhar ee Shabeellada Dhexe ayaa waxaa
ka dhacay mudaaharaad looga soo horjeedo
magacaabista maamulka cusub ee dowladda
Federaalka ay u magacowday Gobolka Shabeellada
dhexe.
Mudaaharaadkaan oo ay dhigeen qowmiyadda beelaha
Jareer weyne, waxaana ay sheegeen dadkaan isku
soo baxay inaysan ku qanacsanayn qaabka loo
magacabaay maamulka cusub, waxayna sheegeen in
ay ahayd in dadka deegaanka lagala tashado
maamulka uu yeelanayo gobolka Shabeellada Dhexe.
Mudaaharaadkaan ayaa waxay kaga cabanayeen dadka
deegaankaas maamulka cusub waxayna sheegeen inay
iyaga xaq u leeyihiin in laga lagala tashado
cidda maamulaysa gobolkooda.
Mudaaharaadkaan oo socdya muddo saacado ah ayaa
ku soo beegmay iyadoo lagu wado in maanta uu
wareejiyo maamulka Gobolka Shabeellada Dhexe
Maxamed Dheere, isla markaana ay maanta la
wareegayaan maamulka Shabeellada Dhexe maamulka
cusub ee loo magacaabay Gobolkaas.
Maxamed
Dheere: “Maamulka Cusub ee loo soo magacaabay
Shabeellada Dhexe waan la shaqeynayaa”
Guddoomiyihii hore ee Shabeellada Dhexe Maxamed
Dheere ayaa shaaca ka qaaday inuu ku wareejinayo
maamulka cusub Gobolka Shabeellada Dhexe oo
dowladdu ay u magacowday shalay gobolkaas.
Maxamed Dheere oo ku sugan Jowhar ayaa ka
sheegay Jowhar inuu maamulka cusub ku
wareejinayo maamulka Shabeellada Shabeellada
dhexe isla markaana uu la shaqeynayo.
Guddoomiyihiin Shabeellada Dhexe ayaa ka hadlay
aragtidiisa ku aaddan maamulka cusub ayaa
sheegay inuu ku faraxsan yahay isla markaana uu
ku wareejinayo maamulka cusub ee loo magacaabay
isla markaana uu la shaqeynayo.
“Waxaan diyaar u ahay horayna aan u sheegay
inaan ku wareejinayo cid walba oo loo soo
magacaabo Gobolka Shabeellada Dhexe, isla
markaana waxaan caddeynayaa inaan la shaqeynayo
maamulka Cusub” ayuu yiri Maxamed Dheere oo
hadalkiisa uu u muuqday mid ku qanacsan
magacaabidda maamulkaas cusub.
Ra’iisul
wasaaraha Ethiopia: “Ciidammadayda gabi
ahaantood waan kala baxayaa gudaha Soomaaliya”
Miles Zenawi oo ah Ra’iisul wasaaraha Ethiopia
ayaa sheegay isagoo warbixin siinayay
wakaaladaha wararka calaamka inuu kala baxayo
ciidammada dalkiisa ee ku sugan Soomaaliya
saddex meelood laba meel.
Atto Miles Zenawi ayaa sheegay in ka bixitaanka
ciidammadiisa ee Soomaaliya ay tahay go’aan ay
dowladdiisu isku raacday, sidoo kalena ay ku
doonayaan inay kaga baxaan gudaha Soomaaliya
maadaama ay ku guulaysteen howlgalkii kallifay
inay gudaha Soomaaliya galaan.
“Waxaan ka gaarnay guulo la taaban karo
sababihii aan u galnay gudaha Soomaaliya oo
ahayd inaan ka hortagno argagaxiso halkaas ku
kobci lahayd, waana taas middaan u galnay,
haddana waxaan go’aan ku gaarnay inaan ka baxno
Somalia” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Ethipoia
Miles Zenawi.
Ciidammada Ethiopia ayaa waxay soo galeen gudaha
Soomaaliya iyagoo garab siinaya dowladda
Federaalka Soomaaliya oo markaas dagaal xooggan
kula jiray Maxkamadihii la eryay.
Maxamuud Axmed
Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
Weerar xalay
loo gaystay saldhiga Booliiska Degmada
Howlwadaag..
Habeenkii xalay ayaa weerar isugu jiray qarax
iyo rasaas waxaa lala beegsaday saldhiga Degmada
Hawl-Wadaag oo la sheegay in ay ku sugnaayeen
ciidamda Booliiska Dowladda Federaalka, waxaana
weerarkaasi la xaqiijiyey in ay ku dhaawacmeen
labo qofood oo ciidanka Booliiska ah, iyadoo
kooxdii weerarka gaysatayna ay markiiba halkaasi
isaga dhaqaaqeen.
Waxaa maalmahan Muqdisho ka socday qaraxyo lala
beegsanayo xarumaha ay ku sugan yihiin Ciidamada
Itoobiya oo ay ugu dambeysay weerarkii lala
beegsaday xero ciidamada Itoobiya ku sugnaayeen
oo ku taala deegaanka Darmooley, ilaa iyo
haddana lama garanayo qasaarihii uu gaystay
weerarkaasi, sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho
lagu daadiyey waraaqo dadka looga digayo in ay
la shaqeeyaan ciidamada Itoobiya.
- Warar kale
ayaa tibaaxay in xalay oo Axad soo geleysey
weerar kale lagu qaaday saldhigga booliska
ee degmada Wardhiigley ee magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa hadda u muuqata meel
ammaankeedu uu faraha ka si baxayo. Habeen
hore ayey ahayd markii qaraxyo waaweyn ay ka
dhaceen deegaanka Ceel-carfiid ee Waqooyiga
caasimada .
Ciidamadii
Itoobiya ee ku sugna Dhoobley oo halkaas isaga
baxay..
Ciidamadii Itoobiya ee ku sugnaa deegaanka
Dhoobley kuwaas oo ka deganaa deegaankaasi
saddex goobood ayaa shalay aroortii halkaas
isaga soo baxay, iyadoo la sheegay in ay u soo
kicitimeen dhinacaa iyo magaalada Kismaayo.
Ciidamada Itoobiya oo halkaas ugu sugnaa sidii
ay u baabi’in lahaayeen wixii ka haray
Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa la garaneyn
sababta keentay in ciidamadaasi halkaasi ka soo
baxaan, iyadoo deeganadaasi ay ku sugan yihiin
Maxaakiimta Islamiga ah.
Ka bixitaanka Ciidamada Itoobiya ee deeganadaasi
ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey dadweynaha
Deegaanka oo iyagu dhibaato ku qabay Ciidamada
Itoobiya oo iyagu mar kasta koontarool ku hayey
deegaanadaasi.
Dhawaan ayaa Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya
Meles Zenawi waxa uu daboolka ka qaaday in uu
ciidamadiisa kala soo baxayo gudaha dalka
Soomaaliya, hase yeeshee Ciidamada Itoobiya ayaa
sheegay in ay sugayaan ciidamada nabad ilaalinta
ah ee ka socda Midowga Afrika, qaar ka mid ah
Dowldihii horey u ogolaaday in ay Soomaliya u
soo diraan ciidamo ayaa haatan waxay daboolka ka
qaadeen in aysan Soomaaliya u soo diri doonin
ciidamo nabad ilaalin ah, waxayna intooda badan
soo jeediyeen in marka hore meel la saaro
qarashka ciidmada.
Dadweynaha
Muqdisho oo aad uga walwalsan Xaaladda
Nabadgelyo ee Muqdisho.
Iyadoo todobaadkii la soo dhaafay Magaalada
Muqdisho lagu dilay ilaa iyo dad gaaraya 20
qofood, kuwaas oo siyaabo kala duwan loogu dilay
ayaa haddan waxaa Magaalada ka socda qaraxyo
lala beegsanayo xarumaha Dowladda iyo goobaha
kale oo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya.
Sidoo kale Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda
Federalka ayaa iyana bilaabay in ay guryaha kala
baxaan dadka rayidka ah kaddib markii loogu soo
marmarsiyoodo arrimo la xiriira dhinaca tuhunka.
Magaalada Muqdisho ayaa dadweynaha waxaa soo
food saaray walwalkii ugu balaarnaa kadib markii
magaalada ay ku soo bateen dilala fara badan,
waxayna dadweynaha qaarkood ka codsadeen
Dowladda in ay arimahaasi wax ka qabato, ama ay
heshiis la gaarto kooxaha dagaalada wada.
Nin odey ah ayaa waxa uu yiri mar aan la kulmay
“Waa xaaladdii ugu xumeyd ee soo marta
Soomaaliya xiligaan, waayo markii hore waxay
ahayd hal waji, maantase wa labo waji oo mid
waliba uu doonayo in uu ka dhex muuqdo”.
Ugu dambeyntii qaar ka mid ah bulshada ayaa
waxay wadaan olole ay ku sugayaan ammaanka
deeganadooda si ay uga hor tagaan kooxaha
doonaya in ay nabdda burburiyaan.
Cabdulaahi
Yuusuf: La hadalka Shiikh Shariif waxay u taalaa
labada Gole..
Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed oo ku
suganaa dalka Liibiya kana qaybgalayey shirkii Sab
Saxara, kuna soo jeedey dalka Itoobiya si
uu uga qaybgalo kulan madaxeedka Midowga Afrika
ayaa wax laga weydiiyey bal ay wada hadal la
furayaan Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah oo uu
horkacayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxa uuna
sheegay C/llaahi Yuusuf Axmed in Dowladda
Federaalka ay markii hore ku dhisneyd dib u
heshiisiin, isla markaana ay diyaar u tahay in
ay wada hadal la furto cid kasta oo ay ku jirto
maslaxadda Ummadda Soomaaliyeed, sida Bulshada
Rayidka ah, Culima’udiinka iyo Odoyaasha
Dhaqanka.
C/llaahi Yuusuf waxa la weydiiyey hadalkii
dhawaan ka soo yeeray Dowladda Mareykanka ee
sheegayey in dalka Soomaaliya loo dhisayo dowlad
Sal balaaran, waxa uuna C/llaahi Yuusuf uu
sheegay in Dowladda Federaalka ay markii horeba
ku dhisneyd mid sal balaaran, waxa uuna sheegay
in Dowladdu ay ka soo horjeedo in faragelin lagu
sameeyo arrimaha gudaha ee Soomaaliya.
Waxaa la weydiiyey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf
Axmed in ay wada hadal la furayaan Guddoomiyaha
Guddiga fulinta Maxaakiimta Islaamiga Sheekh
Shariif Sheekh Axmed waxa uuna sheegay in la kulanka iyo wada hadalka Sheekh Shariif ay ku
xiran tahay labada Gole ee Dowladda ee Golaha
Wasiirada iyo Golaha Baarlamaanka.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Wararkii Shalay Galab:: Jan 27, 2007
- GO'AAN
AY SOO SAARTAY BEESHA SACAD EE KU NOOL
WADANKA SWEDEN
- Suldaanka
Beesha Cayr oo dowladda Federaalka iyo Beelaha
Soomaaliyeed codsi uu soo jeediyay
- Maxaabiis
Indhaha ,Gacmaha Iyo Weliba Madaxa Laga Xiray Oo
Laga Soo Rogay Garoonka Muqdisho.
- Ra’iisul
wasaare Geeddi oo maanta u magacaabay
Shabeellada Dhexe Maamul cusub
- Agaasimaha waaxda
Socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya oo maanta soo
bandhigtay Baasaboorada Cusub ee Soomaaliya
- Dowlada Jabuuti
oo Sheegtey in ay Taageero Weyn u Heyso
Ciidamada Nabad Ilaalinta Ee la Gaynayo Gayiga
Somalia.
- Beesha Reer
Mataan oo maanta kulan la qaadatay Wasiirka
Arrimaha Gudaha Xuseen Maxamed Caydiid
- Ismaaciil
Buubaa: “Dalalka Dunida waxay go’aan ku gaareen
inay taageeraan Soomaaliya”
- Mareykanka
oo dowladda Soomaaliya ka codsaday inuu la
shaqeeyaan Sheekh Shariif Sheekh Axmed
-
Magaalada Minyaabolis ee dalka mareeykanka
ayaa xalay oo ay bishu ahayd 01/26/07 lagu
qabtay munaasabad balaaran…
-
Wararkaas ka akhri
halkan....
Qaraxyo
Waaweyn Oo ka Dhacay Meelo Kamida Caasimada Muqdisho.
.Maher oo Canada ka aqbalay Cududaar iyo $10.5 million
.USA iyo EU oo doonaya in Soomaaliya loo dhiso Dowlad..
.Beesha Cayr oo Cabdulaahi Yuusuf ku tilmaamey...
.Askar Maraykan ah oo la sheegay in lagu haysto Koofurta
.Yuusuf Ashari oo sheegay in intii lala Xaajoon lahaa Sheikh
.Qoomiyadda Digil oo u soo jeedisay DFKMG in ay wada hadal
Wararka oo dhan ka akhri halkan...
Jan 27
Kenya
ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey
baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri...
Jan 26
Muran
ka Taagan Tirada Dadka reer Puntland
Tirada dadka deggan Puntland ayaa lagu sheegay
1.1 million, arrintaas waxaa aad uga carootay DGPL oo sheegtay in ay
Puntland deggan yihiin dad tiradooda ay ku qiyaastay 2.5 million....
Akhri...
25/1