SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii:: Jan 29, 2007
  • Dowladda FKMG oo laga yaabo in ay dib ugu laabato Magaaladda Baydhabo
  • Qarax xalay ka dhacay saldhiga Booliiska Yaaqshiid...
  • Warbixin ku saabsan dagaalkii shalay ee Ex – Kontorool Balcad.
  • Midowga Yurub oo wada dadaal ah in Xilkii Dib loogu soo celiyey..
  • C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta Midowga AFrika Hordhigaya ..
  • Banaanbax looga soo horjeedo maamulka Cusub ee Jowhar.
  • Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo walwal ka muujisey...
  • Safiirka Mareykanka oo u soo jeediyey Sheekh Xasan Daahir Aweys In uu yeelo..

  • Experts warn US air raids in Somalia may be inefficient, harmful

Afhayeenka Dowladda Federaalka KMG Oo shil Baabuur ku Dhaawacmay oo Loo Qaaday Nairobi.

C/raxmaan nuur maxamed Diinaari, oo ay la socdeen xubno ka tirsan Xafiiska Ra'iisulwasaaraha , ayaa shil baabuur ku galay deegaan ku dhow degmada wanlaweyn ee gobolka sh/hoose , iyaga oo kusii jeeda Magaalada Baydhabo, kadib markii uu gaarigii ay saarnaayeen la rogmaday.

Shilkan ayaa yimid, kadib markii gaarigii ay la socdeen xubno uu hor kacayo afhayeenka dowlada kmg ah C/raxmaan Diinaari oo si xowli ah u socday ,uu wadada si kedis ah ugu yimid Gaari Dameer, islamarkaana uu gaarigii ay saarnaayeen masuuliyiintaasi uu wadada ka baxay kadibna uu sidaas ku rogmaday.

Waxaa kale oo shilkaasi ku dhaawacmay Maxamed Cabdulle Siidi oo ka tirsan Xafiiska Warfaafinta Ra'iisul Wasaare Geedi iyo Weriyeyaal Ajnabi ah.

Diinaari, ayay wararku sheegayaan inay madaxa wax ka gaareen Islamarkaana loo qaaday Magaalada Nairobi, si halkaasi halkaas loogu soo daweeyo.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Dowladda FKMG oo Laga Yaabo in ay dib ugu Laabato Magaaladda Baydhabo

Markii la weeraray xarunta Villa Somalia ee Muqdisho, sidoo kalana la weeraray garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho, isla markaana weeraro joogto ah lagu hayo cidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka ah, isla markana ay cirka isku shareertay xaaladda Nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho ayaa warar aanu ka helnay saraakiil ku dhow dhow xarunta madaxtoonyada waxay noo sheegeen in laga yaabo in Dowladda FKMG ay dib ugu laabato magaalada Baydhabo, iyadoo walibana ay isa soo tarayaan bixitaanka ciidamada Itoobiya ee dalka.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka oo ku sugan dalka Itoobiya kana qaybgalaya shirka Midowga Afrika ayaa ku soo hungoobay fikirkiisii ahaa in soomaaliya la keeno ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda midowga Afrika, inkastoo dhowr dal ay ogolaadeen in ay Soomaaliya Ciidamo keenayaan haddan waxay shuruud uga dhigeen in marka hore la helo kharashka ciidamada.

Xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho ayaa haatan u muuqata mid faraha ka sii baxeysa, iyadoo maalintii shalay ahaydna si bareer ah loo weeraray ciidamo ka tirsan Dowladda FKMG, oo loo gaystay dhimasho iyo dhaawac, sidoo kalana la weeraray xarumo ay ciidanka booliisa ku leeyihiin Muqdisho, haddana dhinaca kale ciidamada Dowladda ayaa dadaal ugu jira sidii ay u hanan lahaayeen ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo Afhayeenka Dowladda C/raxmaan Diinaari uu sheegay in waxa qalalaasaha ka wada Muqdisho ay yihiin "haraadigii" Maxaakiimta Islaamiga ah, isagoo sheegay in Dowladdu ka adkaan doonto.

Maamulka Gobalka Banaadir ayaa Dowladda Federaalka kula taliyey in iyaga loo dhaafo ammaanka Gobalka Banaadir, maadaama ay aad u garanayaan sida ugu fudud ee nabadgelyada loogu soo cellin karo gobalka Bnaaadir, wuxuuna maamulka Gobalku horey ugu guuleystay in uu ciidamo dhigo Isgoysyada Gobalka Banaadir oo ilaa iyo xad ay nabad ku soo dabaaleen Magaalada Muqdisho, hase yeeshee dadweynaha ku nool Muqdisho ayaa xasaasiyad ka qaba in ciidamo gaar ah ay nabadgelyada sugayaan, sidoo kale waxay ka soo horjeedaan joogitaanka Ciidamada Itoobiya.

Qarax xalay ka dhacay saldhiga Booliiska Yaaqshiid...

Iyadoo Weeraro iyo qaraxyo lagu hayo saldhigyada Booliiska Gobalka Banaadir, habeen horena la weeraray saldhigyada Booliiska Wardhiigley iyo Hawlwadaag ayaa xalay waxaa weerar lagu ekeeyeen saldhiga Booliiska ee Degmada Yaqshiid, weerarkaan oo socday mudo dhowr daqiiqo ah ayaan la ogeyn khasaarihii ka dhashay, hase yeeshee dadka deegaanku waxay sheegeen in labada dhinac ay is weydaarsadeen rasaas aad u xoogan oo argagax gelisay dadweynaha deegaanka.

Maalintii shalay ahayd ayaa ciidamo Booliis ah waxaa lagu weeraray Ex. Koontarool Balcad waxaana halkaasi lagu dilay askari ka tirsan ciidamada Booliiska, waxaana lagu dhaawacay afar kale. [Eeg warbinta hoose...]

Xaalka Soomaaliya ayaa haatan ku sii siqaya midkii Ciraaq iyadoo kooxaha muqaawamada ee dalka Ciraaq mar kasta ay weerar ku hayee saldhiyada Booliiska, waxaana la xaqiijiyey in dalka Ciraaq ku dhinteen kumaan Booliis ah oo la qorsheynayey in ay la wareegaan dalka Ciraaq, sidaa darteed, waxaa haatan soo xoogeysanay weerarada lagu hayo ciidanka Booliiska ee Gobalka Banaadir iyo saldhiyada ay ka hawlgalaan.

Warbixin ku saabsan dagaalkii shalay ee Ex – Kontorool Balcad.


Gaari sida ciidamo Itoobiyaan oo Jan 24, 2007 maraya aagga magalada Afgooye. Sawirka: Reuteres.

Shalay duhurnimadii ayaa Isgooska Ex control Balcad isku hardiyey ciidamo booliis ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka ah iyo kooxo maleeshiyo ah.

Dagaalkaan oo socday mudo 25 daqiiqo ah ayaa waxaa ku geeryooday askari ka tirsan Ciidanka Booliiska, waxaana ku dhaawacmay 5 qofood oo saddex ka mid ahi ay ahaayeen dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo la sheegay in ay rasaastu ugu tagtay guryahooda.

Ciidanka Booliiska oo watay lix gaari oo tikniko ah ayaa waxay ku raad joogeen kooxo hubeysan oo uu booliisku sheegay in ay yihiin kuwa Magaalada Muqdisho ka wada qaska, hase yeeshee dagaalku waxa uu saameeyey dadka ku nool Suuqa xoolaha.

Warar ayaa waxay sheegayaan in ciidanka Booliiska laga qabsaday gaari tikniko ah oo uu saarnaa Qori Dhashiiko ah, waxaana horey loo watay saddex nin oo ka mid ah Ciidanka Booliiska, iyadoo dadweynihii deegaanka ay ku soo xoomeen askarigii maydka ahaa ee yiilay laamiga, waxana markiiba bilowday in dadweynuhu xiraan goobahoodii ganacsiga, waxaana la gooyey wadooyinka soo gala deegaankaasi.

Ma ahan markii ugu horeysay oo uu dagaal ka fool ka fool ah dhex maro Booliiska Dowladda oo taageero ka helaya Ciidanka Itoobiya iyo kooxo maleeshiyo ah, iyadoo habeen hore la weeraray Saldhigyadii Booliiska ee Hawlwadaag iyo Wardhiigley, waxaana halkaasi ku dhaawacmay afar qofood, waxaana maalmihii ka horeeyey wadooyinka Magaalada Muqdisho lagu daadiyey waraaqo dadka looga digayo in ay la shaqeeyaan Ciidamada Itoobiya.

Dagaaladan ayaa waxay walwal ku abuureen dadweynaha ku nool magaalada Muqdisho oo iyagu maalin walba dushooda lagu dagaalamayo.

Midowga Yurub oo wada dadaal ah in Xilkii Dib loogu soo celiyey..

Midowga Yurub ayaa wada, isla markaana cadaadis ku saaraya Dowladda Federaalka in xilkiisa loo dhaafo Guddomiyihii Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo uu dhawaan golaha Baarlamaanku xilka ka qaaday balse uu isagu ku gacan sayray, waxaana la filayaa in dhawaan uu dalka soo gaaro wafdi ka socda Midowga Yurub kaas oo kulamo la yeelan doona Dowladda Federaalka, iyadoo dhawaan wasiir ku xigeenka arrimaha Dibadda ee dalka Talyaaniga oo kulamo la yeelatay Sheekh Shariif SHeekh Axmed oo ay isla soo qaadeen sidii Shdekh Shariif uga qaybqaadan lahaa dowlad Soomaaliyeed oo loo dhiso Dalka Soomaaliya, hase yeeshee waxaa maalmaha sii xumaanayey xiriirka u dhexeeya dowladda Federaalka iyo Dowladda Talayaniga, kaddib markii Talyaaniga lagu eedeeyey in aysan dhex dhexaad ka aheyn arrimaha Soomaaliya.

C/llaahi Yuusuf Axmed oo maanta Midowga AFrika Hordhigaya ..

Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya, isla markaana ka qaybgalaya kulan madaxeedka Midowga Afrika oo maanta ka furmaya magaalada Adis-Ababa, waxaana lagu wadaa in madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed uu midowga AFrika hor dhigo sidii ciidamo nabad ilaalin ah loogu diri lahaa Soomaaliya si ay gacan u siiyaan Dowladda Federaalka.

Madaxweynaha oo dhawaan la kulmay golaha Ammaanka iyo nabadgelyada Qaaradda AFrika ayaa waxay isku soo afgarteen in todobaadyada soo socda loo soo diro Soomaaliya ciidamo nabad ilaalin ah, hase yeeshee Midowga Afrika ayaa isagu ka cago jiidaya sidii Soomaaliya loogu diri lahaa ciidamo nabad ilaalin ah, maadaama qaaradda AFrika ay tahay qaarad sabool ah oo aan awoodin bixinta Qarashaadka Ciidamada, hase yeeshee mas’uuliyiin ka tirsan Midowga Afrika ayaa codsiyo u diray qaar ka mid ah wadamada horey u maray, si ay gacan uga gaystaan sidii Soomaaliya nabad loogu soo dabaali lahaa.

Banaanbax looga soo horjeedo maamulka Cusub ee Jowhar.

Beelaha Gaal-Jecel, Lixda Shiidle iyo Xawaadle ayaa shalay banaanbax balaaran ka dhigay magaalada Jowhar, waxayna beelahani ka cabanayeen maamulkii dhawaan loo sameeyey Gobalka SH/dhexe ee uu ku dhawaaqay ra’isul Wasare Cali Max’ed Geedi, waxayna dadka qaarkiis ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen “Maamulka la sameeyey waa cadaalad daro, waa in dib loogu laabtaa maamulkasi” iyo ereyo kale oo la mid ah, waxaana dadweynihii ka qaybgalay banaanbaxaasi hadalo kooban u soo jeediyey Odoyaal iyo waxgarad, waxayna sheegeen in aysan marnaba u dulqaadan doonin maamulkaasi, waxayna Dowladda ka codsadeen in ay dib u fiiriso maamulkii lagu dhawaaqay oo ay sheegeen in si aad ah loogu dulmiyey.

Beelahan waxay sheegeen in aysan marnaba la shaqeyn doonin maamulkaasi, isla markaana kalsoonidii kala laabteen, hase yeeshee warar ka imaanaya magaalada Jowhar waxay sheegayaan in Ciidamo Itoobiyaan ah ay u galbiyeen maamulkii la magacaabay Magaalada Jowhar.


Abukar Omar Adan, oo la keenay maxkamada Madaraka Court, ee Nairobi, Kenya, Khamiis Jan. 25, 2007.  Abukar Omar Aden, oo da'diisu tahay 72, waxaa maxkamada lala keenay wiil uu dhalay oo magaciisa la yiraahdo Omar Abukar Omar (Sawirka hoose), waxayna waxba kama jiraan ku tilmaameen dembiga lagu soo oogey. Sawirka: AP.

Omar Abukar Omar, 20-jir, oo ay dhinacyada ka tagan yihiin askarta Kenya markii la keenay maxkamada  Madaraka Court, ee Nairobi, Kenya, Khamiis, Jan. 25, 2007. Sawirka: AP

Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo walwal ka muujisey...

Xarunta Dr Ismaaciil Jimcaale ee xaquuqda aadanaha ayaa walwal iyo walaac ka muujisay xaaladda nabadgelyo ee magaalada Muqdisho oo ay maalmahan ku soo kordheen qaraxyo, dilala abaabulan oo loo gaysanayo dad rayid ah oo aan waxba galabsan, taas oo xadgudub ku aha shareecada Islaamka, xeerka soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaalida, Axdiga Dowladda Federaalka iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda aadanaha oo leh (qof waliba waxa uu xaq u leeyahay in uu nabad ku noolaado).

Xaruntu waxay ka codsaneysaa Dowladda Federaalka in ay damaanad qaado nabadgelyada Dadka rayidka ah, isla markaana kuwa gaysanaya xadgudubyada lidka ku ah xaquuqda aadanaha la hor keeno sharciga, sidoo kalana loo baahan yahay in shacabku si wadajir ah uga shaqeeyaan nabadgelyada. Dhinaca kale xarunta Ismaaciil Jimcaale waxay walwal ka muujisay xiritaankii la xiray qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adda xaquuqda aadanaha ee Elman, hase yeeshee maalinti shalay ahayd ayaa la sii daayey xubnahaasi, waxaana qoraalkaan ku saxiixnaa gudoomiyaha xarunta Maryan Xuseen Awreeye.

Safiirka Mareykanka oo u soo jeediyey Sheekh Xasan Daahir Aweys In uu yeelo..

Safiirka Mareykanka u fadhiya dalka Kenya isla markaana si aad ah ula socda xaaladda Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in Dowladda Mareykanka ay wado sidii qaar ka mid ah mas’uuliyiintii Maxaakiimta ay uga qayb-qaadan lahaayeen dhisme Dowlad Soomaaliyeed oo sal balaaran.

Safiirku waxa uu sheegay in dhawaan uu la kulmay Guddoomiyaha guddiga Fulinta ee Maxaakiimta Islaamiga ah Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ay isla soo qaadeen sidii nabad loogu sabaali lahaa Magaalada Muqdisho, isagoo shariifka ku tilmaamay nin door muhiim ah ka qaadan kara Arrimaha Soomaaliya, safiirku waxa uu sheegay in haddii Sheekh Xasan Daahir isku soo dhiibo sida Sheekh Shariif oo kale uu isna ka qayb-qaadan karo dib u heshiisiinta ummadda Soomaaliya iyo sidii loo unki lahaa dowlad Soomaaliyeed, hase yeeshee Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaan la ogeyn halka uu ku sugan yahay, isagoo ahaa Guddoomiyihii Golaha Shuurada ee Maxaakiimta Islaamiga ah.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

WARARKII SHALAY:: JAN 28..
Ex-Kantarool: D
agaal Xooggan Oo Dhex Maray Kooxo Hubaysan Iyo Ciidamada Booliska DFKMG
.Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyada H/wadaag iyo Wardhiigley
.C/lahi Yuusuf: Labada Gole ayey u taalaa la hadalka Shiikh
.Ciidamadii Itoobiya oo ka baxay Dhoobley...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Jan 28

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

Beesha Sacad ee Sweden oo si Toos ah uga Horyimid Itoobiyaanka Ku sugan Soomaaliya
.Suldaanka Beesha Cayr oo Warsaxaafaded soo saaray
.Maxaabiis Indhaha iyo Gacmaha ka xiran oo la keenay xamar
.Geeddi oo G/Sh/Dhexe u magacaabay Maamul cusub
.Agaasimaha waaxda Socdaalka oo soo bandhigay passport
.Jabuuti oo Sheegtey in ay Taageero u hayso Ciidamada
.Beesha Reer Mataan oo kulan la qaadatay Xuseen Caydiid
.Magaalada Minyaabolis, USA oo lagu qabtay munaasabad...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Jan 28

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH