SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
Daabaco Boggan | Print

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya...
Akhri..



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Wararkii:: Jan 30, 2007
  • Beelaha Tigreega iyo Beesha Cayr oo kulan dhawaan ku yeelan doona
  • Dowladda Talyaaniga oo sheegtay in dalkeeda ay ku qabaneyso shir dib u heshiisiin ah..
  • Gaari Tikniko ah oo laga qabsaday Ciidanka Booliiska Federaalka oo dib loogu celiyey
  • Xaaji Abuukar Cumar Cadaani oo taageero ka helay shacabka Kenya
  • Cali Max’ed Geedi oo gaaray Magaalada Baydhabo
  • Opposition MPs to fight UPDF Somalia mission | Monitor

Beelaha Tigreega iyo Beesha Cayr oo kulan dhawaan ku yeelan doona

Waxaa la filayaa in Magaalada Adis-ababa ee Dalka Itoobiya kulan ku yeesheen Beelaha Tigreega iyo Beesha Cayr waxaana Casuumadaan fidiyey Wasiirka arrimaha Dibadda ee Dalka itoobiya Siyum Masfin waxaana la filiyaa in kulankaan labada Beelood iskula soo qaado arrimo fara badan oo la xiriira xaaladda Soomaaliya, iyo sidii Beesha Cayr ay uga qaybqaadan lahayd Taageerida Dowladda fedaraalka maadaama Dowladda itoobiya ay xoog ku keentay Dowladda Magaalada Muqdisho iyadoo wali ay jiraan Dagaalo ku dhufo ka dhaqaaq ah oo aan la garanayn Cid wada taasi oo wiiqday nabad-galyadii Magaalada Muqdisho.

Labada Beelood ayaa waxyaabo badan ka arinsan doona iyadoo kulankii ka dhacay Magaalada Muqdisho Beesha Cayr ay sheegtay inaysan marnaba la shaqayn doonin C/laahi Yuusuf maadaama uu horay u diiday inuu la shaqeeyo C/qaasim iyo maamuladii ka dambeeyey, kulankan oo aan la shaacin waqtiga la qabanayo ayaa waxa lagu martiqaaday Magaalada Adis-Ababa ilaa 14-Xubnood oo isugu jira waxgarad, Odayaal, Siyaasiyiin, Aqoonyahano, ka tirsan Beesha Cayr, waxayna hor fariisan doonaan Odayaal, Waxgarad, Siyaasiyiin, oo ka tirsan Beesha tigreega, waa markii ugu horeesay kulan noocaan ah uu dhex maro labada dhinac iyadoo Beesha ay tahay Beesha haatan Xukanka Waddanka itoobiya heyso uuna ka soo jeedo Ra’iisul Wasaare Males Zanaawi.

Haddii dib aan ugu laabano kulankii Magaalda Muqdisho ku dhex maray Wasiirka Arrimaha dibada ee itoobiya ayaa Beesha Cayr aad uga cabatay xir-xirada loo geysanayo Dadkooda waxayna markaas codsadeen in loo soo daayo Nin Ganacsade ah oo laga soo qafaashay Gurigiisa oo ku yeela Degmada Huruwaa, waxaana dhacday in Wasiirka Arrimaha dibadda uu amro in si dhaqsi ah loo sii daayo Ninkaasi.

Dowladda Talyaaniga oo sheegtay in dalkeeda ay ku qabaneyso shir dib u heshiisiin ah..

Dowladda Talyaaniga ayaa waxaa daboolka ka qaaday in Dalkeeda ay ku marti galinayso kulan dib u hashiisiin ah oo dhex mara dhamaan kooxaha Soomaaliyeed oo ay ku jiraan Maxkamadaha islaamiga si loo helo Dowlad Soomaaliyeed oo Sal-Balaaran.

Dowladda Talyaaniga ayaan daboolka ka qaadin xiliga la qabanayo kulankaas dib u hashiisiinta ah hase yeeshee Dowladda Taliyaaniga waxay sheegtay in marka hore Soomaaliya loo diriyo Ciidamo Nabad ilaalin ah oo suga Amaanka Waddanka iyagoo sheegtay in lacag gaaraysa 15-Milyan oo Doolar ee ugu deeqayso Howgalka Ciidamada Nabad ilaalinta oo loo diriyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha Waddanka itoobiya Males Zanaawi ayaa Dowladda Fedaraalka kula taliyay inay wadahadal la gasho dhamaan Beelaha Soomaaliyeed si loo soo afjaro Khilaafkii ka dhashay 1991-dii hase yeeshee Madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu sheegay in Dowladda wax wadahadal la gali doonin Maxkamadaha islaamiga maadaama awoodoodii la wiiqay balse Madaxwaynaha waxa uu sheegay in uu hashiisiinayo dhamaan Qabaa’ilada Soomaaliyeed

Xaaji Abuukar Cumar Cadaani oo taageero ka helay shacabka Kenya


Abukar Omar Adan, oo la keenay maxkamada Madaraka Court, ee Nairobi, Kenya, Khamiis Jan. 25, 2007.  Abukar Omar Aden, oo da'diisu tahay 72, waxaa maxkamada lala keenay wiil uu dhalay oo magaciisa la yiraahdo Omar Abukar Omar (Sawirka hoose), waxayna waxba kama jiraan ku tilmaameen dembiga lagu soo oogey. Sawirka: AP.

Omar Abukar Omar, 20-jir, oo ay dhinacyada ka tagan yihiin askarta Kenya markii la keenay maxkamada  Madaraka Court, ee Nairobi, Kenya, Khamiis, Jan. 25, 2007. Sawirka: AP

Xaaji Abuukar Cumar Caddaani oo dhawaan la soo taagay Maaxkamad ku taala Dalka Kenya ayaa waxaa lagu waramay in Maxkamadaasi ay ku weysay Danbiyadii lagu soo oogay marka laga reebo in Dalka uu ku soo galya si Sharci Darro ah balse Xaaji Abuukar waxa uu sheegay in Dalka uusan ku soo galin Sharci darro balse uu ahaa Qof Qaxooti ah oo ka soo gudbay Xudduuda.

Xaaji Abuukar ayaa waxa uu Taageerada ugu wayneyd ka helay Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Waddanka Kenya iyo waliba Golaha Muslimiitna ee Waddankaasi waxayna sheegeen in Xaaji Abuukar uu yahay Nin gacan siiyey Dadka Kenya iyo Ummadda Soomaaliyeed.

Warar aynu halnay waxa ay sheegayaan in Xaaji Abuukar uu dhawaan u amababixi doono Dalka Imaaraadka Carabta balse warar kale waxay sheegayaan in Xaajiga Magangalyo waydiisan doono wadanka Kenya.

Cali Max’ed Geedi oo gaaray Magaalada Baydhabo

Ra’iisul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa shalay isagoo ay la socdaan Xaldhibaano iyo Wasiiro ayaa gaaray Magaalada Baydhabo oo haatan Xarun Ku meel gaar ah u ah Dowladda fedaraalka waxaana la filayaa in Ra’iisul Wasaaraha uu ka qaybgalo Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka oo lagu wado 31-ka Bishaan lagu wado in lagu doorto Magaaladaasi.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Cali Max’ed Geedi waxa uu Magaalada Baydhabo sidii uu aqbali alahaa iscasilaada qaar ka mid ah Golaha Wasiirada oo iyaga doonayo inay ka qaybgalaan doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka, oo dhawaan Xilka ay ka qaadeen Baarlamaanka waxaana xiligaasi Baarlamaanka fidhiyey Ra’iisul Wasaare oo si wayn u soo dhaweeyey xilkaqaadista Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan, inkastoo Gudoomiyaha Baarlamaanka uu xilkaqaadistaasi ku tilmaamay mid Sharci darro ah oo aan loo marin Dastuurka.

Midowga Yurub ayaa dadaal ugu jira sidii Xilka dib loogu soo calin lahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka waxaana la filayaa in dhawaan Dalka ay soo gaaraan Wafdi ka socdo Midowga Yurub.

Gaari Tikniko ah oo laga qabsaday Ciidanka Booliiska Federaalka oo dib loogu celiyey

Gaari Tikniko ah oo doraad laga qabsaday Ciidamada Buuliiska Dowladda fedaraalka mar uu Dagaal dhex maray Ciidanka Buuliiska iyo Kooxo Dablay ah Dagaalkaas oo ka dhacay EX-Kontarool Balacad ee Magaalada Muqdisho waxaana Dagaalkaas ku dhinta Askari ka tirsan Ciidanaka Buuliska ayaa shalay Gaarigaasi Maamulka Gobolka Banaadir ka dib markii waan-waan lagu dhameeyey.

Waa markii ugu horeesay oo Gaari laga qabsado Ciidamada Dowladda tan iyo markii ay yimaadeen Magaalada Muqdisho Dowladda fedaraalka iyo Ciidamada itoobiya.waxaana arintaan soo dhaweeyey Dadwaynaha ku nool Magaalada Muqdisho oo sheegay inay wax ka tareeso Nabad galyada Magaalada Muqdisho oo maalmahaan u muuqday mid faraha ka sii baxayo ka dhib markii ay ku soo kordheen Qaraxyo, Dilal joogto,ah Dagaalo mararka qaarkood ka waji-ka waji ah kuwaasoo dhibaato u geysta Dadka Rayidka ah oo aan waxba galbsan oo muddo 16-Sano ah ku jira qalalaaso iyo Dagaalo jooto ah marka laga reebo 6-Bilood oo Maxaakiimta ay ka talinayeen inta badan Dalka.

Afhayeenka Dowladda Diinaari, oo ku dhaawacmay shil Baabuur

Afhayeynka Dowladda C/raxmaan Nuur Diinaari ayaa dhaawac ka soo gaaray markii Gaari uu la socday uu shil ku galay meel ku dhow Degamada Walaweyn oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose waxa uuna xiligii uu shilka uu galayyey uu la socday Ra’iisul Wasare Cali Max’ed Geedi uu markaasi ku sii jeediyey Magaalada Baydhabo. Afhayeenka ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaaray Faraha iyo Madaxa waxaana haatan lagu daawaynayaa Magaalada Muqdisho waxaa kaloo shilkaasi ku dhaawacmay Waririyaalka u dhashay Waddanka Kenya oo iyagana dhaawacyo ka soo gaaray lugaha iyo Gacnaha, ilaa iyo haatan lama faahfaahin sababaha keenay shilkaasi hase yeeshee Darawalkii Gaariga ayaa waxa uu sheegay in Gaariga uu ka gooyey Damaar Bal siday sidaasi uu ku yimid Shilka Gaariga waxaana dhamaan Dadkii shilkaasi ku dhaawacmay loo soo qaaday Magaalada Muqdisho hase yeeshee Ra’iisul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa amray in Xubanahaasi loo qaado Magaalada Nairobi.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Lacag dhan $3 million ilaa $7 million oo ay kala Qaybsanayaan Range iyo DGPL
Lacagtaas oo qarsoodi ahayd waxaa shaaca ka qaaday wargeyska Herald ee ka soo baxa Australia... Akhri.... Jan 29

Dowladda FKMG oo Laga Yaabo in ay dib ugu Laabato Magaalada Baydhabo
.Qarax xalay ka dhacay saldhiga Booliiska Yaaqshiid...
.Warbixin dagaalkii shalay ee Ex–Kontorool Balcad.....
.EU oo wada dadaal ah in Xilkii Dib loogu soo celiyey..
.C/llaahi Yuusuf Axmed oo Midowga AFrika Hordhigaya ..
.Banaanbax looga soo horjeedo maamulka Cusub ee Jowhar.
.Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo walwal ka muujisey...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Jan 29

WARARKII SHALAY:: JAN 28..
Ex-Kantarool: D
agaal Xooggan Oo Dhex Maray Kooxo Hubaysan Iyo Ciidamada Booliska DFKMG
.Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyada H/wadaag iyo Wardhiigley
.C/lahi Yuusuf: Labada Gole ayey u taalaa la hadalka Shiikh
.Ciidamadii Itoobiya oo ka baxay Dhoobley...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Jan 28

DGPL oo Caddayn weydey Meesha ay ku Baxeen Lacagihii ay hore u Bixiyeen Shirkadaha Macdanta
Madaxweyne Cadde Muuse oo ku sugan Dubai oo kulan la yeeshay shirkadaha ayaa la sheegay in... Akhri...

Beesha Sacad ee Sweden oo si Toos ah uga Horyimid Itoobiyaanka Ku sugan Soomaaliya
.Suldaanka Beesha Cayr oo Warsaxaafaded soo saaray
.Maxaabiis Indhaha iyo Gacmaha ka xiran oo la keenay xamar
.Geeddi oo G/Sh/Dhexe u magacaabay Maamul cusub
.Agaasimaha waaxda Socdaalka oo soo bandhigay passport
.Jabuuti oo Sheegtey in ay Taageero u hayso Ciidamada
.Beesha Reer Mataan oo kulan la qaadatay Xuseen Caydiid
.Magaalada Minyaabolis, USA oo lagu qabtay munaasabad...
Wararka oo dhan ka akhri halkan.... Jan 28

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH