- Prof.
Dalxa oo xarunta Madaxtooyada kula kulmay
qaar ka tirsan Fannaaniinta Qaranka
-
Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka
Banaadir oo cabasho ka muujiyay hadallo
sheegaya in xilalka laga qaadayo
- Wasiir
Xilkii Iska Casiley Si Uu Uga Qayb Galo
Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka
Soomaliya ...
- Eng.
Xuseen Caydiid oo Agaasimaha iyo Agaasime ku
xigeen Waaxda Tiknolojiyada Magacaabay
Guddoomiyeyaasha
Degmooyinka Gobolka Banaadir oo cabasho ka muujiyay hadallo
sheegaya in xilalka laga qaadayo
Jan 29, 2007
Kulan
ay maanta isugu yimaadeen Guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee
Gobolka Banaadir kana dhacay Degmada Xamarweyne ee Gobolka
Banaadir ayay uga hadleen hadallo soo baxayay oo sheegayay
in laga qaadayo jagooyinka ay hayaan.
Guddoomiyeyaasha Degmada Gobolka Banaadir oo ka hadlay
kulankaas ka dhacay ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in
iyagoo muddadii 16-ka sano ahayd soo shaqeynayay loogu
hanjabo in laga qaadayo xilkaas ay u soo dhibaatoodeed.
"Waxaa wax laga xumaado ah in annagoo ku soo shaqeynaynay si
mutadawacnimo ah naloogu hanjabo maanta in xilalka nalaka
qaadayo, waana mid aan aqbalayn, waayo xilka aan haynno waa
mid aan anagu u soo hurnay naf iyo maal, waxaana diyaar u
nahay inay dowladda nagala wareegto, ee ma ogolaanayno in uu
nagala wareego ruux faraha dhiig kula jira" ayaa lagu yiri
warmurtiyeed ay soo saareen Guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee
Gobolka Banaadir.
Waxay sheegeen xubnahaas kulanka isugu yimid inaysan
aqbalayn hadal ka soo yeeray ruux hantida ummadda haysata,
isla markaana dantii guud sharciyeynaya oo dadweynaha u
qaybinaya, waana mid aan la aqbali karin.
"Waxaan kulan kula yeellannay Magaalada Muqdisho Ra'iisul
wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi waxaana
kulankaas uu ahaa mid aan isku afgarannay anaga iyo Ra'iisul
wasaaraha in howlaha Degmooyinka Gobolka Banaadir aan sii
wadno annaga isla markaana marka loo baahdo ay dowladdu naga
wareejinayso xilalka aan haynno" ayay ku yiraahdeen
xubnahaas kulankii ay yeesheen maanta.
Waxay si weyn ugu dhaliileen Dowladda Federaalka Soomaaliya
inay maamul u dhiibato ruux aan gobolka banaadir iibsaday,
isla markaana hantidii guud iyo middii qaranka ku
takri-falay, si sharci darro ahna ku bixiyay.
Xubnihii maanta kulanka isugu yimid oo wajiyadooda laga
dareemayay caro xoog leh ayaa waxay ugu baaqeen dowladda
Federaalka Soomaaliya inay ka fiirsadaan magacaabidda ruux
aan ka naxayn Shacabka Gobolka Banaadir.
Wasiir
Xilkii Iska Casiley Si Uu Uga Qayb Galo
Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaliya
...
Saalim caliyow Ibrow oo ah Raysal wasaare ku
xigeen ahna wasiirkii xanaanada xoolaha ayaa
sheegay inuu xilkiisii iska casilay islamarkaana
uu u tartamayo jagada doorashada xilka
guddoomiyanimo ee baarlamaanka Soomaaliya taasoo
ay u taagan yihiin xubno badan oo ka tirsan
baarlamaanka, isagoo hadalkana ka sheegay qado
uu shalay u sameeyey xildhibaanada baarlamaanka
Soomaaliya taasoo uu ugu soo bandhigayay inuu
yahay musharax u taagan xilka guddoomiyaha kuna
boorinayay inay isaga doortaan.
Mr. Saalim oo mar la weydiiyay, waxa ku dhaliyay
inuu jagadan guddoomiyanimo ee baarlamaanka u
tartamo isagoo xukuumada ka haya labo xil oo
waaweyn ayuu ku jawaabay inuu doonayo inuu
buuxiyo jagadan banaan ee baarlamaanka maadaama
uusan baarlamaanka Soomaaliya shaqeyn Karin
hogaan la’aan, wuxuuna tilmaamay inuu aaminsan
yahay in isagu uu yahay ninka kaliya ee buuxin
kara booska guddoomiyanimada .
"Aniga waan iska casilay xilalkii aan xukuumada
ka hayay, maadaama gudiga doorashada
guddoomiyaha baarlamaanka ay shuruud ka dhigeen
in murashaxa doonaya inuu noqdo guddoomiyaha
baarlamaanka uusan heyn Karin xilal kale oo
dowladda ka tirsan, waxaana kalsooni ku qabaa in
xildhibaanadu ay aniga ii doortaan, shalay
qadadii aan u sameeyey xildhibaanada waxaa ka
soo qeyb galay inta badan xildhibaanada Baydhabo
ku sugan" ayuu yiri Mr. saalim caliyow.
Dhinaca kale, madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed
ayaa la sheegay inuu dib u dhigay doorashada
guddoomiyaha oo la fiayay in la doorto aakhirka
bishan iyadoo loo dib dhigay illaa 2-da bisha
labaad ee sanadan, waxaana jira warar hoose oo
soo baxayay maalmihii ugu dambeeyey kuwaasoo
sheegaya in madaxweynaha iyo ra’iisal wasaaraha
ay kala wataan labo xubnood oo uu midba midka
kale doonayo inuu xilka guddoomiyaha ku
guuleysto, waxaana madaxweynaha lagu xamanayaa
inuu wato Sheekh Aadan Max’ed Nuur (Sh. Aadan
madoobe) oo isagu doorashadii kal hore Shariif
Xasan uu ka guuleystay, halka ra’iisal
wasaarahana uu gadaal ka riixayo Prof. Saalim
Caliyow Ibrow.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Prof. Dalxa oo
xarunta Madaxtooyada kula kulmay qaar ka tirsan
Fannaaniinta Qaranka
Prof.
Maxamed Cumar Dalxa oo ah Guddoomiye ku xigeenka
1-aad ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ahna
ku simaha Madaxweynaha Soomaaliya ayaa maanta
Kulan la yeeshay Fannaaniinta Soomaaliyeed oo ku
sugan Magaalada Muqdisho.
Kulakaan oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada
Soomaaliya ayaa looga hadlay sidii ay dowladdu
gacan u siin lahayd fannaaniinta Soomaaliyeed,
isla markaana fannaaniinta ay u taageeri
lahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Fannaaniintii kulankaas ka qaybgalay ayaa waxay
ka kala socdeen: Waaberi, Horseed, Halgan, Onkod,
Iftin iyo kooxda Horyaal Band, waxayna ka
codsadeen Prof. Dalxa in loo dayactiro Golihii
Murtida iyo Madadaalada (National Theater),
waxaana sidoo kale ay codsadeen in dowladda ay
qalabeyso fannaaniinta Soomaaliyeed, si uu
horumar u sameeyo fanka Soomaaliyeed oo muddo
16-sano ahaa mid aan boorka laga jafin.
Fannaaniinta ayaa waxay sheegeen inay taageersan
yihiin Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyagoo
isla markaana si weyn u dhaleeceeyay Midowga
Maxkamadaha ee laga itaalka roonaaday, waxayna
ku eedeeyeen inay is hortaag ku sameeyeen
mihnaddooda faneed.
Kulankaas ayaa waxaa waxaa ka soo qaybgalay
450-fannaaniin oo ka tirsan qaybaha kala duwan
ee Fanka Soomaaliyeed, waxayna dhammaantood ku
sugan yihiin Magaalada dalka, waxayna soo
bandhigeen heeso qiiro leh oo dhaqaajiyay
dareenkii xubnihii ka soo qaybgalay kulankaas.
Dhanka kale, Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa
sheegay in dowladdu ay wixii tabar ah ay la
garab istaagi doonto fannaaniinta Soomaaliyeed,
wuxuuna sheegay inay dowladda maanta ku hayso
dhibaatooyinkii lagu hayay fannaaniinta
Soomaaliyeed Muddadii dagaallada sokeeye iyo
intii dalka ay xukumayeen Maxkamadaha.

Sidoo kale wuxuu ka codsaday in fannaaniinta
Soomaaliyeed ee kulankaas ka qaybgalay iyo kuwa
kale ee aan ku sugnayn goobta kulanka inay
dowladda taageeraan, isla markaana ay
suugaantooda ku cabiraan qaabkii nabad loogu soo
dabbaali lahaa dalka.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
Eng. Xuseen
Caydiid oo Agaasimaha iyo Agaasime ku xigeen
Waaxda Tiknolojiyada Magacaabay
Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Eng. Xuseen
Maxamed Caydiid ayaa Magaacabay Aggaasimaha iyo
agaasime ku xigeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda
qaybta tiknolojiyada.
Xilalkaan ayaa lagu magacaabay wareegto ka soo
baxday xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha ee
Soomaaliya Xuseen Caydiid, waxaana loo
magacaabay Mas'uuliyiinta kala ah:
Eng. Yuusuf Cabdi Calasoow Jimcaale oo loo
magacaabay Agaasimaha Waaxda Tiknologiyadda ee
Wasaaradda Arrimaha Gudaha.
Eng. Aweys Maxamuud Hilowle Maxamed oo loo
magacaabay Agaasime ku xigeenka Waaxda
Tiknologiyadda ee Wasaaradda Arrimaha gudaha.
Wareegtada ka soo baxday xafiiska Wasiirka
Arrimaha gudaha ee lagu magacaabay xilalkaan
ayaa lagu sheega inay dhaqangalayso maanta oo ay
taariikhdu ku beegan tahay 29 Jan, 2007.
Halkaan
ka fiiri Wareegtada lagu magacaabay xilalkaan
kor ku xusan:
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
Afhayeenka
Dowladda C/raxmaan Diinaair iyo xubno kale oo
dhaawac uu gaaray oo diyaarad lagula cararay
Afhayeenka
Dowladda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Nuur
Maxamed (Diinaari) iyo xubno kale oo la socday
oo uu ka mid yahay Wariyaha Webpage-ka
Somaliweyne Maxamed Cabdulle (Siiddii) ayaa ku
dhaawacmay shil baabuur oo ka dhacay agagaarka
Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellada Hoose.
Xubnahaan dhaawacmay ayaa waxaa ka mid ahaa Laba
weriye oo u dhashay dalka Kenay, una socday
Magaalada Baydhabo si ay wax uga ogaadaan
doorashooyinka Guddoomiyaha Baarlamaanka
Soomaaliya oo ka dhacaysa maalmaha soo socda
Magaalada Baydhabo.
Dhaawacyada xubnahaan gaaray ayaa waxay ahaayeen
sida la sheegay kuwo culus, waxaana loo qaaday
dhanka dalka Kenya halkaasoo lagu wado in lagu
soo daweeyo, gaariga ayaa rogmashadiisa waxaa
sababay kaddib markii meel soke uu kaga soo
baxay darmeer gaarigana uu si xowli leh ku
socday taasoo keentay inuu ka baxo waddada oo
dhan, waxaana xubnahaan ay ku sii jeedeen
Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo weli
fariisin u ah Dowladda Soomaaliya.
Wararka aan ka helayno ilo ku dhow dhow-dowlada
federaalka Soomaaliya ayaa waxay sheegayaan in
dhaawacyada xubnahaan lagu soo daweynayo Dalka
Kenya, waxaana dhaawacyada ay ka gaareen intooda
badan madaxa iyadoo la sheegay in C/raxmaan
Diinaari uu dhaawaciisa ugu culus yahay
dhaawacyada.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
Jan 29, 2007


|