-
Xafiisyadii Maamulkii Hore Ee Jowhar Oo La
Biliqaystay Iyadoo Aysan Soo Gaarin Maamulka
cusub ...
-
GAROOWE:Haayadda Unesco oo qalab iyo
Buugaaga ku wareejisay wasaarada
waxbarashada Puntland.
-
Hay’adda SORDA oo soo gabagabeysay siminnaar
looga hadlayay Cudurka AIDS-ka oo socday
muddo saddex casho ah
- Madaxda
Sarsare ee Dowladda Federaalka oo lacago ay
dul-dhigay kooxo aan la garanayn
-
Madaxweyne Yuusuf oo sheegay in gudaha dalka
lagu qabanayo kulammo dib u heshiisiin ah
dhawaan
- Kulan
Ku Dhex Maray Adis-ababa Luwis Michel Iyo
Madaxweyne C/laahi Yusuf
- Ciidamo
lagu soo daad gureeyay Maamul Goboleedka
Puntalnd oo soo gaaray Duleedka Magaalada
Muqdisho.
- Madaxa
Midowga Afrika oo ka soo horjeestay in Sudan
ay madax ka noqoto Midowga Afrika
Tacsi Naxdin Leh
Haddaanu nahay Beesha Siciid Harti
ee degan gobalka Minnesota waxa aanu
tacsi wada jir ah u direynaa
qoysaskii ay ka geeriyoodeen Maxamud
Xaji Xashi iyo Professor, Ismaaciil
Ducaale Qambi.
Waxa aanu Alle uga baryeynaa in uu
janada ka waraabiyo eheladii ay ka
tageena samir iyo iimaana ka siiyo,
AMIIN, AAMIIN, AAMIIN.
Abdimalik Askar
651-428-6963
Abdimalik.Akar@hennepintech.edu
|
Jan 30,
2007
Dood cilmiyeed ka dhacday
Minneapolis: Dhibaatadda Somalia, Ethiopia & Geeska Afrika
Minneapolis: Shir
cilmiyeed balaaran oo lagu gorfeeynayay raad-reebka eey
keeni karto duulaanka gardarradda ah ee ciidamadda Itoobiya
ku soo qadeen gudaha Soomaaliya iyo saameeynta duulankani ku
yeelan karo xiriirka labada dal ayaa galabnimadii Sabtida ee
taariiqdu ku beegneeyd Janaayo 27, 2004 lagu qabtay
Magaaladda Minneapolis ee Gobolka Minnesota...
AKHRI...
Xafiisyadii Maamulkii Hore
Ee Jowhar Oo La Biliqaystay Iyadoo Aysan Soo Gaarin Maamulka
cusub ...
Wararka naga soo gaaraya xarunta gobolka sh/dhexe ee jowhar
ayaa sheegaya in magaaladaasi ay gashay xaalad kala guur ah
iyo fowdo ah iyadoo maalintii shalay ahayd Bililiqo loo
gaystay xafiisyadii maamulkii Max’ed cumar xabeeb (maxamed
dheere) oo halkaasi ka talin jiray ,iyadoo gaar ahaana
Gurigii Maxamed dheere uu ka deganaa Jowhar iyo weliba
xaruntii ra’iisal wasaare Cali maxamed Geeddi uu ka deganaa
halkaasi xiligii ay dowladdu fariisinka ka dhigatay Jowhar,
kuwaasoo laga qaatay qalabkii xafiisyada iyo waxii agab ahaa
ee halkaas yaalay .
Ammaanka Magaalada Jowhar ayaa faraha ka baxay maalmihii ugu
dambeeyay iyadoo ay ka bilowdeen falal isugu jira, dhac,
Boob iyo afduub, iyadoo wararku intaas ku darayaan inay
kooxo maleeshiyooyin ah ay qafaasheen hal nin islamarkaana
lagu soo daayay lacag madax furasho ah, taasoo ka mid ahayd
dhacdooyinkii aadka looga naxay oo ka bilowday magaalada,
waxaana ra’iisa wasaare Geeddi oo ka hadlay maamulkii uu u
magacaabay degmadaasina uu sheegay inay howlohooda si deg
deg ah u bilaabi doonaan, aysana jirin doonin cid ka hor
imaan Doonta .
Dhinaca kale, arrintan ayay si weyn walaac uga muujiyeen
dadka ku dhaqan gobolka Sh/dhexe oo iyagu 5-tii sano ee la
soo dhaafay heystay ammaan aad u fiican .
Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili xilkii laga qaaday maxamed
cumar xabeeb (maxamed dheere) oo ay aad ugu xoog badan
yihiin taageerayaashiisu gobolka sh/dhexe ,islamarkaana
sheegay inuu aqbalayo xil ka qaadistaasi balse uusan la
shaqeyn doonin.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
GAROOWE:Haayadda
Unesco oo qalab iyo Buugaaga ku wareejisay wasaarada
waxbarashada Puntland.
Xaflad
si wayn loo soo agaasimay oo ka dhacday xarunta Wasaarada
Waxbarashada DGPl ee garowe ayaa lagu wareejiyay
wasaaradaasi qalab run ahaantii aad muhiim u ah hadii ay
sida ay tahay looga faa iidaysano dadkana looga faaiideeyo
qalabkan wasaaradawaxbarashada maanta lagu wareejiyay ayaa
waxaa ka mid ahaa Buugaag aadu muhiim ah kuwaasi oo u badan
kuwa maadiga looguna tala galay in ay wax ka akhrisadaan ama
ay ka bartaan ardayda Dugdsiyada sare ama qalin jabis ka ah.
Wasiirka waxbarashada DGPL
Axmed Siciid Awnuur oo isagu ka mid ahaa madaxdii ka socotay
puntland gudoomayna deeqdaan ka timid Haayadda Unesco oo
wasaaradiisa sida tooska ah loogu wareejiyay ayaa mahad
balaaran hakaasi uga jeediyay masuuliyiintii ka socotay
haayadda Unesco.
Wasiirka iyo wasiirkuxigeenka wasaarada waxbarashda oo iyagu
gudoomay qalabkan ayaa mahad dabadeed ugu baaqay Haayaddaha
kale ee ka hawlgala puntland in ay sida Haayadda Unesco ay
wax badan ka qabtaan horumarinta waxbarashada iyo fulinta
balan qaadyada mashaariicda ay ka wadaan puntland.
Haayadda Unesco ayaa iyaduna dhankeeda wareejinta ka dib
mahad balaaran u soo jeedisay madaxda wasaarada waxbarashada
DGPL sida balaaran ee ay uga gudoomeen deeqdii ay bixinayeen,
Unesco sidoo kalena waxay ku adkaysay madaxdaasi in ay uga
faaiideeyaan pulshada inteeda kale Buugaagta ay bixisay
Haayaddu oo aysan meel dhigan isla markaana la hubiyo
meelaha iyo sida ay u baxaan dhamaan qalabkani.
A/rizak koronto
Garowe Puntland
Hay’adda SORDA oo soo
gabagabeysay siminnaar looga hadlayay Cudurka AIDS-ka oo
socday muddo saddex casho ah
Maanta ayay Hay’adda Sordo ku soo gabagabeysay siminnaar
soconayay muddo saddex casho ah oo looga hadlayay cudurka
AIDS-ka iyo dhibaatooyinkiisa.
Siminnaarkaan soconayay muddada saddexda casho ah ayaa waxay
ka kala yimaadeen qaybaha kala duwan ee Bulshada, waxaana
casharro ka bixiyay macallimiin si weyn ugu xeel dheer ka
hadalka Cudurka AIDS-ka, waxaana macallimiinta ay si weyn
uga hadleen dhibaatooyinka cudurka AIDS-ka iyo sida ugu
habboon ee looga hortagi karo.

“Qof walba oo ka tirsan bulshada Soomaaliyeed ee qaba
cudurka AIDS-ka in hay’adda UNAIDS ay keentay dawooyin lagu
hakin karo fiditaanka cudurka, waana dawo lacag la’aan ah
cid walbana waxaan ka codsanaynaa inay yimaadaan xarunta
Hay’adda, hana la ogaado daweynta waxaa ka qatarsan
qarsashada” ayay tiri Nimco Axmed Ducaale oo ah Madaxa
Hay’adda UNAIDS oo iyadu ka hadashay Siminnaarka.
Dhaqaatiir lagu casuumay siminnaarka ayaa waxay dankooda
sheegeen in siminnaarkaan uu yahay mid wax weyn laga
faa’iideystay cid walbana ay iska jirto cudurka AIDS-ka,
waxaana ay carrabka ku adkeeyeen in dalka Soomaaliya uu ku
soo badanayo cudurkaan, dadka Soomaaliyeedna aysan qabin
wacyi guud oo ay kaga hortagi karaan fiditaanka Cudurka
AIDS-ka.
Ardaydii wax ka baranaysay siminnaarka ayaa waxay gaarayeen
in ku dhow 50-ruux, waxaana dhammaantood ay qireen
dhibaatada uu leeyahay cudurka AIDS-ka inay si weyn uga
dharagsan yihiin, isla markaana ay siminnaarkaan socday
muddada saddexda casho ah ay ka kororsadeen aqoon ku filan
oo ay kula dagaalami karaan cudurka AIDS-ka.
Gabgabadii siminnaarkaan oo maanta ahayd ayaa waxaa ka soo
qaybgalay xubno ka socday hay’adaha la dagaalama Cudurka
AIDS-ka ee gudaha Soomaaliya, Hay’adda UNAIDS ee Soomaaliya,
Hay’adda UNICEF iyo Hay’addo kale oo dhammaantood gacan weyn
ka geystay qabashada siminnaarkaan iyo wacyigelinta cudurka
AIDS-ka.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
Madaxda Sarsare ee
Dowladda Federaalka oo lacago ay dul-dhigay kooxo aan la
garanayn

Warqadaha lagu daadiyey Muqdisho.. |
Warqado lagu daadiyay
Magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in lacago la dul-dhigay
Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo aanay cidna
ku saxiixnayn warqadahaas la daadiyay.
Qoraalkaan oo aan la garanayn goob uu ka soo baxay laguna
daadiyay waddooyinka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa lagu
xusay C/raxmaan Nuur Maxamed (Diinaari) oo ah Afhayeenka
dowladda in ciddii soo sheegta meel ku sugan yahay, guriga
uu daggan yahay, waddooyinka uu maro iyo halka uu ku badan
yahay ay heli doonto lacag dhan 3-kun oo Dollar.
Sidoo kale waxaa lagu sheegay warqadda in ruuxii soo sheega
isla markaana howlgalkii lagu qaado uu guulayso uu heli
doono lacag dhan 5-kun oo Dollarka Mareykanka, waxaana
qoraalkaan uu si weyn uga yaabiyay shacabka Soomaaliyeed.
Ma jirto cid kale oo ku xusan qoraalka kana tirsan Madaxda
Dowladda, waxaan qoraalkaan sheegtay inay soo sameeyeen
kooxo aan magacdooda sheegin balse ku soo gaabsaday inay ku
mideysan yihiin ururro magacyadooda la soo gaabashay oo lagu
sheegay ULT, SYL iyo XORRIYO.
Qoraalkaan oo inta badan lagu daadiyay magaalada Muqdisho
ayaa wuxuu shaki weyn ku dhaliyay shacabka Soomaaliyeed oo
is weydiinaya dhibaatooyinka laga filan karo inay magaalada
ku soo kordhaan haddii kooxo magacyo gaar ah sheegtay ay
warqado ku daadshaan Magaalada gudaheeda.
Madaxweyne Yuusuf oo
sheegay in gudaha dalka lagu qabanayo kulammo dib u
heshiisiin ah dhawaan
Madaxweynaha Dowladda KMG ah ee Somalia , Cabdullaahi Yuusuf
Axmed, ayaa ku baaqay shir dib u heshiisiin qaran oo lagu
heshiisiinayo Soomaalida.
Madaxa Horumarinta iyo gar-gaarka bani aadannimada Midowga
Yurub, Louis Michel oo kullan la yeeshay Madaxweyne
Cabdullaahi Yuusf, ayaa sheegay in Madaxweyne Yuusuf oo ku
baaqay Shir dib u heshiisiin oo ujeedadiisa ay tahay in lagu
soo geba gebeeyo fowda dalka ka socotay iyo dhiigga ku
daadanaya muddo 16 sano ah.
“Waxaan aad ula dhacay go’aanka Madaxweyne Yuusuf ee ku
aaddan in shir dib u heshiisiin qaran ah la qabto labada
toddobaad ee soo socda dhexdooda” ayuu yiri Michael oo
intaas ku daray: “Dhibaato kasta oo ka taagtay gudaha
Soomaaliya waxay u muuqataa mid sii lumaysa, mar haddii
Madaxweyne Yuusuf uu ku baaqay shir dib u heshiisiin ah”.
Kulankaan ayaa ahaa mid si weyn ay uga soo shaqeysay
dowladda Ethiopia, waxaana dhawaan Midowga Yurub ay ku
xireen deeq ay siiyaan Dowladda Soomaaliya Shuruudo ay ka
mid tahay in Dowladdu ogolaato inay dib u heshiisiin la
gasho qaybaha ka soo horjeeda.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
Ciidamo lagu soo daad
gureeyay Maamul Goboleedka Puntalnd oo soo gaaray Duleedka
Magaalada Muqdisho.
Ciidamo ka soo jeeda Maamul goboleedka punt-land oo laga soo
daad gureeyey gobolada iyo degmooyinka uu ka kooban yahay ,dowlad
goboleedka punt-land ayaa soo gaaray duleedka magaalada
muqdisho
Ciidamadaan oo lagu sheegay 1000 askari oo lagu soo daad
gureeyey baabuurta nooca soomalidu u taqaano waraadka oo
gaaraya ilaa 21 baabuur oo nooca waaweyn ah ayaa la dejiyey
sida wararku sheegayaan xerooyinka ciidamada ee duleedka
magalada muqdisho iyadoo ay hore magalada muqdisho ugu
sugnaaye en ciidamo aad u tiro badan oo kasoo jeeda maamulka
punt-land oo la socda ciidamada dowlada kmg soomaliya .
Magaalada muqdisho ayaa tan iyo xiligii ay soo degtay
dowlada kmg ah ee soomaaliya oo kaashanaysa ciidamada
xukumada Ethiopia ayaa amaanku ahaa ,mid faraha kasii baxaya
islamarkana ay meelaha qaarkood ee magaalada muqdisho ka
jireen qaraxyo iyo weeraro lala beegsanayo ciidamada dowlada
kmg ah iyo kuwa Ethiopia ee ku sugan gudaha magalada
muqdisho .
Sidoo kale shacabka ku dhaqan magalada muqdisho ayaa walaac
xoogan ka muujiyey ciidamada mamul goboleedka punt-land ee
lagu soo daad guraynayo islamarkaana ka muujiyey dareen
coladeed iyadoo siyaasiyiin ,aqoon yahano iyo dad rayid
ahiba ay sheegeen inay arintan u arkaan qaab qabiil .
Siyaasiga c/lahi sheikh xasan ayaa hore uga dhawajiyey in
ciidamada Punt-land aysan dadka reer banaadir hubka ka dhigi
Karin isagoo soo qaatay hadalkii kal hore kasoo baxay
madaxweynaha dowlad goboleedka punt-land cadde muuse xirsi
oo ahaa inaysan maxakiimta islaamku yihiin hawiye shaar
diimeed soo xirtay islamarkaana aysan imaan Karin dhulka
punt-land .
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Kulan
Ku Dhex Maray Adis-ababa Luwis Michel Iyo
Madaxweyne C/laahi Yusuf
Magaalada xarunta u ah dalka ethiopia ee
adiis-ababa oo uu ka soconayey kulan madaxeedka
afrika ayaa waxaa kulan gaara ku yeeshay
Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya C/laahi Yuusuf
Axmed iyo mas'uulka Midowga Yurub u qaabilsan
arrimaha horumarinta iyo kaalmooyiinka luwis
mishel
Kulankan ayey labada mas'uul iskula soo qaadeen
sidii Midowga Yurub uu kaalin Buuxda uga geysan
lahaayeen wax kaqabashada dhibaatada siyaasadeed
iyo midda Dhaqaale ee ka jirta dalka somaaliya.
Luwis Mishel ayaa ku boorriyay Madaxweynaha
Soomaaliya C/laahi Yuusuf inuu isku howlo sidii
uu soomaalida isugu keeni lahaa isagoo
adeegsanaya hab-nabadeed islamarkaana wadahadal
ka dhex furaya dowladiisa iyo kooxaha kasoo
horjeeda .
Luwis Mishel ayaa kulanka kadib war fidiyeenada
u sheegay in Madaxweynaha Somalia C/laahi Yuusuf
uu go’aansaday inuu isugu yeero shir-weyne dib u
heshiisiin qaran oo Soomaaliya ka dhaca isla
markaana ay ka qeyb qaataan gabi ahaanba
dhinacyada siyaasadda isku haya ee dalka
soomaaliya ka jira.
Mishel ayaa intaas ku daray inuu aad u soo
dhoweeyey go’aanka uu madaxweynuhu ku Qaatay
islamarkaana looga fadhiyo inuu diyaariyo
shirweyne soomaalida lagu wada hadalsiinayo
kaasoo suurta gal ka dhgi kara inay soo
gabagaboobaan dhibaatooyinka amaan xumo ee
Soomaaliya ka jira .
sidoo kale mr. Mishel ayaa intaas ku daray inay
shir-weynaha laysugu imaanayo ee soomaaliya ay
midowga yurub maal gelindoonaan islamrkaana
looga baahan yahay dowlada kmg ah inay dadaal u
gasho sidii laysugu keeni lahaa qaybaha kala
duwan ee dhinacyada siyaasada isku haya .
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Madaxa Midowga Afrika
oo ka soo horjeestay in Sudan ay madax ka noqoto Midowga
Afrika
Maxamuud Axmed Xasan (
Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
Midowga Afrika ayaa si cad uga soo horjeestay inay Sudan
Madaxa ka noqoto Midowga Afrika sannadkaan, waxaana si
weyn uga soo horjeestay Dowladaha Afrika intooda badan.
Madaxweyne Cumar Xasan Al-Bashiir oo kulankaas goob-joog
ka ah ayaa si cad ay u diideen madaxda Afrika inuu qabto
hoggaanka Midowga Afrika, waxaana dalalka Afrikaanka ah
ee diiday in Sudan ay qabato hoggaanka Afrika ay ku
andacoonayaan in dhibaatada ka jirta Darfuur ay Dowladda
Sudan ku guulaysan wayday inay xalliso.
Xoghayaha Guud ee Qarammada Midoobay Ban Ki Moon oo ka
qaybgalaya shirkaas ayaa sheegay in Sudan ay ku
guulaysan wayday inay xal ka keento koonfurta Suudaan,
sidaa daraadeedna ay Qarammada Midoobay ay ku talo jirto
inay ciidammo nabad ilaalin ah u dirto Gobolka Galbeedka
Sudan ku yaalla ee Darfuur.
Guddoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omer Connari ayaa
daboolka dhankiisa ka qaaday in Suudaan ay ku
guul-darreysatay wax ka qabashada Gobolka Galbeedka
Sudan ku yaalla ee Daarfuur oo ay ka socdaan sida uu
sheegay dagaallo beeleed aad u fool xun.
Guddoomiyaha
Midowga Afrika oo digay Dowladda Soomaaliya
Alpha Omer Konneri oo ah Guddoomiyaha Midowga Afrika
ayaa dhawaajiyay in Soomaaliya ay qalalaase hor ay ka
dhici doonaan haddii aan deg-deg loo geyn ciidammo nabad
ilaalineed oo xaaladda ka taagan Soomaaliya wax ka qabta,
isla markaana taageeraya Dowladda Soomaaliya.
"Fursaddaasi waxay burburi doontaan haddii aan ciidammo
si deg-deg ah loo geyn Soomaaliya" ayuu yiri
Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ka hadlayay Shir
madaxeedka Dalalka Afrika uga furmay Magaalada Addis
Ababa ee dalka Ethiopia.
"Haddii aan ciidammada Afrika si dhaso ah loo dirin
xaaladdu waxay isku baddali doontaa qas" ayuu ku celiyay
Mr. Konneri oo sheegay in 8-kun oo Askri oo loo
Soomaaliya la doonayo in la geeyo laga ballanqaaday
4-kun oo Askari oo qura, "Haddii ciidammada Nabad
ilaalinta Soomaaliya tagaan iyadoo aan xal siyaasadeed
oo dhab ah la gaarin, waxaan noqonaynaa ciidammo dalkaas
qabsaday" ayuu ka digay Alpha Omer Konneri oo dowladda
KMG-ka ah ee Soomaaliya ugu baaqay inay heshiis dadkeeda
ka dhex dhaliso.
Mareykanka oo
sheegay inay Ciidammada Afrikaanka ah ee la keenayo
Soomaaliya ugu deeqday diyaarado lagu daadgureeyo
Mareykanka ayaa sheegay inay dhanka hawada ka
taageerayaan ciidammada Afrikaanka ah ee loo dirayo
dhawaan Soomaaliya ugu deeqayo diyaaradaha nooca
xamuulka ah si loogu daadgureeyo ciidammada la geynyo
Soomaaliya iyo qalabkooda Mialteri.
Mareykanka ayaa horay ugu ballan qaaday inuu ciidammada
Afrika ee loo dirayo Soomaaliya ugu deeqayo lacag dhan
40-Milyan oo Dollar, kaaliyaha xoghayaha Arrimaha
Dibadda ee Mareykanka u qaabilsan Afrika Mss. Janadyi
Frazer oo shir madaxeedka ururka Midowga ee Addis Ababa
ka qaybgalaysa ayaa sheegtay inay yabooha Mareykanka
gaarsiisay Guddoomiyaha Midowga Afrika Alpha Omer
Konneri.
"Waxaan diyaar u nahay inaan siinno diyaarado lagu soo
daadgureeyo ciidammada nabad ilaalinta Midowga Afrika ee
Soomaaliya la keenayo" ayay tiri Jandayi Frazer oo sii
raacisay intaas inay arrintaasi kala hadleen Madaxda
dalka Uganda, isla markaana Mareykanku bixin doono
taageero kasta oo ay u baahan yihiin ciidammada Afirkaan
ah ee Soomaaliya tagaya.
Xubnaha isku
sharraxay xilka guddoomiyaha Baarlamaanka oo shirar gaar
ah ka wada Baydhabo
Ilo wareedyo ku dhowdhow Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Magaalada Baydhabo ayaa
waxay sheegayaan in xubnaha sida weyn loogu saadilanayo
inay ku soo bixi karaan jagadaan ay yihiin 4-xildhibaan
oo kala ah: Xildhibaan Saalim Caliyoow Ibroow,
Xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe, Xildhibaan Sheekh Aadan
Mad Deer iyo Xildhibaan Ibraahim Kiish Bur.
Xildhibaannadaan ayaa waxay ka wadaan gudaha Magaalada
Baydhabo ololayaan uu mid walba ku doonayo in loogu
doorto Jagada Guddoomiyenimada Baarlamaanka Federaalka
Soomaaliya, waxaana xildhibaannada ku sugan Baydhabo ay
kula jiraan xubnahaan shirar kala duwan oo ku saabsan
sidii ay codka uga heli lahaayeen.
Ololaha ka socda Magaalada Baydhabo ee doorashada
Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa waxay noqotay mid cirka
isku sii shareertay xalay markii ay xubnaha tartankaas
isku garbinaya ay shirar kala duwan la yeelanayeen
xildhibaanada, waxaana saadaasha ugu badan ay ku
dhacaysaa inuu ku soo bixi karo jagadaas Prof. Saalim
Caliyoow Ibroow oo ka soo jeeda beelaha Digil.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
Faafin:
SomaliTalk.com | Jan 30, 2007
EEG BOGGA
ARAGTIDA/MAQAALADA DADWEYNAHA..... GUJI...
Shacabka Reer Addis Ababa Sidee u Arkaan Dagaalka
Soomaaliya
Jariidada Washingtonpost oo qoraal
dheer ka qortay aragtida reer Addis Ababa ee dagaalka
Soomaaliya & Itoobiya...
Akhri..


|