" Ma Qaxootinimadii baad qayilaad ku
darsatay..?!!"
WQ:
Muxyaddiin M.Kaalmoy
Email:
kalmoi@hotmail.com
(Qaybta 3aad) |
Qaybtii 2aad
Ruuxa Qaxootiga ahi, waa ruux dalkiisii
hooyo, deegaankiisii iyo dadkiisiiba ka soo
qaxay,kana soo dheeraaday, sababtu si kastaaba ha
ahaatee, tagay oo deegaamaystay dal shisheeye,
ka-dib, markii uu magan-galyo weydiistay, loona
oggolaaday.
Dadka Soomaaliyeed markii hore, uma aanay
badnayn in ay dalal shisheeye qaxootinimo u
raadsadaan, oo ay dawlado qalaad magan-galyo
weydiistaan; walow ay 80-meeyadii, dad aan yarayn,
ay si dhuumaalaysi ah ugu qaxi jireen dalalka
Woqooyiga Yurub iyo Woqooyiga Ameerika, waayadaas oo
ay xaaladdii Siyaasadeed ee dalku tartiib-tartiib u
soo xumaanaysay, gobollada qaarkoodna ay
degganaansho-darridu ku soo badanaysay.
Meel kastoo uu ruuxu u qaxo , ma helayo meel
u dhaanta dalkiisii hooyo, waa tan la yiraahdo;""
Dal aadan lahayn, dareen ku-joog waaye..." .
Dadyowga dalalkooda la joogana, si kastoo aad
sharciyadooda iyo dhalashadooda u qaadato, haddana,
iskuma taag-taagi karaysid, waxaaba la yiraahdaa;"
Mukulaal minankeeda joogtaa, miciyo libaax bay
leedahay".
Dunida meel kastoo ka mid ah oo loo qaxay,
xataa haddii dhaqaale-ahaan iyo waxbarasho-ahaanba
wax la kororsaday -meelaha qaarkood- , haddana guud
ahaanba, waxaa laga baxsan kari waayay, dhibaatooyin
dadkii qaxootiga ahaa ka qabsaday, dhinacyada;
cimilada, dhaqanka, diinta, akhlaaqda, arrimaha
qoyska, midab-takooridda iyo arrimo kale oo badan oo
ay waaya-arag u yihiin; Soomaalida u qaxday ee ku
sugan; dalalka Yurub, Maraykan, Kanada. Austaralia.
Afrika iyo meelo kaleba.
Dad badan oo Soomaaliyeed, ayagoo aad ugu
ammaanan, waxay nolosha qurbaha u kaashadeen ; Caqli
faya-qaba, Caqiido, Caadooyinkeennii wanaagsanaa iyo
Cilmi-bulsho wixii ay barteen, kartina waxay u
yeesheen, inay bulshooyinkii ay la degeen kaga
daydeen oo ka qaateen wixii wanaagsan ee
hab-dhaqan-bulsho ah, wixii xunna way ka leexdeen ee
isku duuduub uma aanay qaadan maahmaahda ah;" Meel
siday u taal baa loola yaal..". Ayaan-darro, dad
badan oo Soomaaliyeed, waxay u dhaqmeen, si ku xun
diintii, dhaqankii iyo akhlaaqdiiba. Bulshooyinkii
ay u tageen oo ku biireen bay qaab kasta ugu
milmeen, iyagoo xataa aan dhawrin, aanan xushmayn,
kana tallaabay xadkii ay diintu dhigtay, ruux
kastase, wixii uu falo, isagaa qabrigiisa la galaya,
rabbigiisana la hor-tagaya maalinta Qiyaamaha.
Qaxootinimadu waa silic iyo saxriir inteeda
la eg, xataa haddii dhaqaale, aqoon iyo
waaya-aragnimo laga kororsado, ruuxii is-ururiya
ayaana ilaa xad wax ka faa'iidaysan kara, ama ka
fara-qabsan kara meelaha qaarkood( dhaqaale,aqoon
iyo khibradba).
Waxaa ciil, caro iyo ayaan-darro wayn ah,
ruuxa Soomaaliga ah ee qurbaha jooga, eheladiisii
gudaha dalka ku dac-darraysan yihiin, oo isaga
wax-bidayaan oo ka dhawrayaan, isagiiina dhibaatadii
qaxootinimada ee uu ku qasbanaaday, dantuna ku
kalliftay, ku darsaday dhibaatada qayilaadda ee
dhaqaale, dhaqan, caafimaad-darro, qoys-burbur iwm,
oo uu isku lugaha la galay. Bal ila eega dhibaatada
ay qaadka iyo qayilaaddu ku hayaan kuwa badan oo
qaxootigii Soomaaliyeed ah ee ku sugan dalalka;
Kenya, Ethiopia, Ugaandha, Jabbuuti, Yaman,
Qaxootiga dalka gudihiisa iyo xataa dalalka
Yurub,sida Ingiriiska, Holanda iwm. xataa
Soomaalidii Sacuudiga joogtay, ayay dayro dhankaas
ahi ka imaanaysaa; Dad xog-ogaal ahi, waxay iigu soo
warrameen; inuu ruuxa Sacuudiga joogaa ku qayilo 50$
lacag u dhiganta fadhigiiba, lacagtaas oo haddii loo
diro qoys tiradiisu meel-dhexaad tahay oo Soomaaliya
jooga ay muddo bil ah biilan karayaan.
Oday Soomaaliyeed oo waaya-arag ah, muddo
horana aad u qayili jiray, dhibaatooyinka
qayilaaddana aad u og, baa qaxooti 80-meeyadii ku
noqday dalka Kanada, halkaasna ,wuxuu kaga badbaaday
dhibaatooyinkii xagga qayilaadda, allana wuu
mahadiyay, hase yeeshee, waxaa u bilaabantay,
qaxootinimo iyo noloshii qurbaha, taasoo uu iyadana
20-meeyo sano soo dhex-dabbaashay oo dhedhemiyay.
Wuxuu odaygu noqday ruux Qaxootinimo iyo Qayilaadba
waaya-aragnimo ballaaran u leh, dhibaatooyinkoodana
ka dheregsan, cirib-xumidoodana yaqaanna.
Sannadkii 2000 ayuu dalkii Soomaaliya dib
ugu soo noqday, wuxuuse maalmo yar ka-dib is-yiri;"
Bal ka war-doon", wiil uu dhalay oo qaxooti ku ahaa
dal Somaliya deris la ah, oo aad looga qayilo,
jaadkuna ka baxo. Markii uu yimid dalkii uu
wiilkiisii joogay, loo tilmaamay xaafad(jiingado) uu
degganaa wiilku, ayuu markii uu albaabka ka soo
galayba indhaha ku dhiftay wiilkiisii qaxootiga ahaa
oo uu canka jaad uga buuxo, qayilaadna u fadhiya.
Halkii uu ka dhihi lahaa; Assalaamu calaykum, see la
yahay, iska warrama, ma la-faayoo iwm. ayuu mar
kaliya ku dhawaaqay odaygii :" Waar ma
Qaxootinimadii baa Qayilaad ku darsatay ...?!!",
ereyadaas ayuu dhawr jeer ku soo celceliyay, isagoo
madaxana rux-ruxaya.
Wiilkii iyo dadkii la fadhiyayba, waxay
moodeen in odaygu waashay oo la dhex-maray. Odaygu
ma waallanine, wuxuu waay-arag u yahay ,
dhibaatooyinka qaxootinimada iyo qayilaadda laga
dhaxlo, wuxuuna yaqiinsan yahay in ruuxii labadaas
isku-darsadaa aan marnaba laga sugayn inuu waxtaro
oo badbaadiyo, naftiisa, tan qoyskiisa iyo tan
qaraabadiisaba. Dadka waaya-aragga ah qaarkoodna,
waxayna yiraahdaan ;" Qof Qaxootinimo ku darsaday
Qayilaad inuu Qabri ku jiro uun ka soo qaad" !!
Qaybtii 1aad:
"Ma
Qaxootinimadii baad Qayilaad ku darsatay..?!!
Taariikhda siday doonto ha ahaato...
Akhri
WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
-kalmoi@hotmail.com-