Axmed Boqor Max'ud Boqor Muse
(Boqortooyadu siyaasada ma ahan) Shir ka dhacay Qardho (DAAWO SAWIRO)
Shir si heer sare ah
loosoo agaasimay oo ay kasoo qaybqaleen Nabadoono,Samadoono,aqoonyahon
indheer garad iyo dhalinyarada Reer Qardho ayaa ka dhacay Hotel
Alle-Aamiin Qardho Galabnimadii Axad Taariikhduna ahayd 11-06-2007.

Shirkaas oo ku bilawday jawi aad u dagan ayaa waxa lagu furay aayado
qur'aan ah Ka dib waxaa lagu soo dhaweeyay shirka Axmed Boqor Max'ud
Boqor Muuse oo halkaasi hadal dheer ka jeediyey.
Axmed Boqor Max'ud Boqor Musse oo ah Curadii Boqor
Max'ud Boqor Muse ayaa waxa uu yiri waxaana uu Mahad celiyey Dhammaan ka
soo qeyb galayaashii shirka isaga oo sheegay in shirkaani aay u dhan
yihiin Duqayda iyo waxgaradka Beelaha kala ah:
-
Cismaan Max'ud
-
Cabdiraxiin
-
Ciise Max'ud
-
Wabeeneeye
-
Idig facle
-
Carab
-
Ugaas saleebaan
-
Madhibaan
-
Cabdale
-
Ismaaciil Saleebaan
-
Ismaaciil Yoonis
-
Suwaaq-roon
-
iyo intii la degan ah oo dhan
Axmed Boqor oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu yiri*
waxaan ka hor cadeynayaa been abuur leygu sameyay oo Idaacadaha iyo
Saxaafaddu faafisay Been abuurkaas oo ah in aan dhaxalkaygii saldanada
ugu tanaasulay nin kale taaso aan dhicin dhicina doonin ee layga been
abuurtay , waxaan walaalayaal intiina saxaafadda maqashay leeyahay waa
been abuur aan raad lahayn , Hadaan tilmaan ka bixiyo saldanada
Boqortooyadda,
-
Boqortooyadu siyaasada ma ahan
-
Boqortooyadu Qabyaalad iyo awood sheegad ma ahan
-
Boqortooyadu Dhaqaale iyo Lacag laysku faliso ma ahan
Ka dib ayaa waxaa warqada Qoraal ah halkaas ka aqriyey
Afhaynka Axmed Boqor.
C/risaaq Max'ed Dooxane oo halkaas ku soo gudbiyey Qoraal
dheer oo ka turjumaya Cida Leh Dhaxalka Boqortooyada
Axmed Boqor ayaa waxaa uu halkaa ka sheegay in Saxaafadda
gaar ahaan Idaacaddaha aay marar badan ku been abuurteen isaga oo
sheegay in loo bahan yahay in Sida Dhabta ah looga hadlo hadaba xaalka
shacabka.
Axmed ayaa waxaa uu sidoo kale yiri *walaayaal
Boqortooyada daarood waa daladii isimada dhaqameedyada dhammaan umada ku
hadasha Af-Soomaaliga oo dhan taas oo hoos imanayeen,
waxaa uu Axmed Boqor Max'ud yiri * Beelaha shirka ka soo
qeyb galay iyo bahday Cismaan Maxamuud waxaan leeyahay bahay xaga illaah
aan u hiilin illaahay haynoo hiiliyee kuligeena aan is caino isna
saamaxno khaas iyo caamba al cafi wal masaabax.
Waxaan ku gaba gabeeynayaa dardaarankii Boqor Max'ud
Boqor Musse igala dardaarmay iyo duriyadiisa ku abtirsata oo ku midaysan
sidii boqorku kala dardaarmay Caleema saarida CURADDKA boqorka taasoo ay
isku raacsan yihiin.
DARDAARAN
Waxaan u ahaa boqorka gacan yare wuxuuna boqorku igala
dardaaramay daacada Illaah iyo inaan dadka u duceeyo hadii lay dulmana
aan samir hiil ka dhigto wuxuu kaloo boqorku igu adkeeyay inaan umadada
u xaq sooro oo aanan cidna u eexan.
Gabgabadii shirka ayaa dhammaan Ka soo qeyb galayaashii waxa aay isku
raaceen in uu Axmed Boqor Yahay Boqorka Daarood isla markaana aay
ayideen iskuna raaceen Nabadoona iyo waxgaradka shirka ka soo qeyb galay
waxa aay kala ahayeen.
1. Nabadoon
Aadan Max'ed Muse (Aadan Ciiraale)
2. Nabadoon
C/Risaaq Max'ed Cismaan (Naar Alle Kaqadi)
3.
Nabadoon Bashiir Faarax Yare
4. Nabadoon
Cabdi Shire Max'ed
5. Nabadoon Cali
Cige Faarax
6. Nabadoon Cali
Faarax Dhagan
7. Nabadoon
Carris Siciid Caraale
8. Nabadoon
Max'ed Cali Shire
9. Nabadoon
Max'ed Max'ud
10. Nabadoon Max'ed
Yuusuf (Shinni)
11. Xildhibaan
C/Xakiin Xaaji Cismaan
12. Suldaan C/Qaadir
Max'ed
13. Ugaas Jamaal
Cabdi Ducaale
14. Dr. Axmed Ciise Dheere
15. Dr.Max'ed Yusuf
Max'ed
16. Eng. Faarax
Muuse Siciid
17. Xasan Cabdi
Gooni
18. Ag. Cali Cabdi
Aw Muuse
19. C/Risaaq Max'ed
Dooxane
20. Col.Xasan Max'ed
Max'ud
21. Liibaan Xirsi
Ibrahim
22. Max'ed Cismaan
Ildab
23. Max'ed Siciid
Jaamac
24. Dr.Cali Cabdi
Awmuse
Isku soo wada
duuboo waxaa la oran karaa shirkii Maantay ka dhacay Hotel Alle Aamiin
ee uu soo qaban qaabiyey Axmed Boqor Max'ud Boqor Muse waxaa uu ahaa mid
si heer sare ah loo soo agaasimaya isla markaana jawi dhagan ku soo
dhamaaday. Iyada oo Boqorka uu halkaas ka duceyay.

C/weli xasan gooni
Qardho,Karkaar