SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ
Daabaco Boggan | Print
gaariSomaliTalk: Hadalkii Wasiirka Waxbarashada DGPL waa Baroortu Orgiga ka Weyn
Hay'ada UNESCO ayaa waxbarashada Puntland ugu deeqday gaari iyo buugaag, laakiin..
Akhri...

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri

oil
Shirkadda Range oo Sheegtay in Saddexdii bilood ee lasoo dhaafay ay Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe siisay US$313,000

lacagtas oo aad uga badan tii ay DGPL sheegtay in shirkadu bixisay..
Akhri...



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA


Mar 11, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (70), Muqdisho (74), Beledweyne (77), Baydhabo (85),  Galkacyo (106),
Sarbeebtii Diinaari


Baaq ku wajahan ummadda Soomaaliyeed
  • Ku: Dhammaan Waxgaradka Soomaaliyeed
  • Ku: Dowladda Federaalka Ku-Meel-Gaadhka ah
  • Ku: Hoggaanka Midowgii Maxaakimta Islaamiga ah
  • Ku: Xoogagga Iska Caabbinta (Muqaawamadda)
  • Ku: Hoggaanka Dhaqanka 

Horudhac

Annaga oo ah dadka Soomaaliyeed ee ay magacyadoodu hoos ku saxeexanyihiin oo ah kuwo ku baraarugay duruufta adag ee la soo daristay ummaddeena ayaanu baaq talo bixin ah u soo jeedineynaa dhinacyada kala duwan saamaynta ku leh  nabadda iyo mustaqbalka umadda Soomaaliyeed. 

Waxgaradka Soomaaliyeed

Qarni badh ku-dhowaad ayaa laga joogaa markii ay Soomaalidu iska dulqaadey heeryadii gumeystaha ee ay hanatey xorriyaddeeda. Waqtigaa dheer ka dib, halkii horumar bulsho, koboc dhaqan toosan iyo dhaqaale aynu gaadhi lahayn, waxaan ku guul darreysanney in aynu xorriyaddeenni halganka adag loo soo maray iyo umadnimadeennii ilaashanno. Maanta waxa aynu dunida tusaale ugu noqonney, fashal dal, burbur, gaajo, nidaam darro iyo jahli, umaddeenuna waxa ay baylah u noqoney dagaalo sokeeye, musiibooyin dabiici ah iyo cadow shisheeye. Duullaankan gardarrada ah ee Ethiopia wuxuu markhaati-madoon u yahey  kaalinta dhabta ah ee faragelinta shisheeyuhu ka ciyaartey burburka daba dheeraadey ee dalkeenna. Shaki kuma jiro in siyaasadda Ethiopia ku qotonto dano si toos ah uga soo horjeeda midnimada, madaxbannaanida iyo dhismaha qaran awood leh oo Soomaaliyeed, lamana hilmaami karo sooyaalka taariikheed ee labada waddan dhexeyaalla iyo kaalinta ay ku lahayd hurinta colaadihii sokeeye, kala googeynta dalka ee qaybi-oo-xukunta ku dhisan. Waxa xusid mudan in Ethiopia ay abaabul iyo taakuleynba ku lahayd dagaal oogayaasha isla markaana u soo daabuli jirtay hubka ay wax ku gummaadi jireen, sida ku cad warbixintii Jimciyadda Quruumaha ee Nov. 2006kii ee ku saabsanayd jebinta cunaqabateynta hubka ee la saaray Soomaaliya sannadkii 1992ka. Faragelintaas joogtada ah ee wajiyada badan ayaa sahashey duullaanka ismiidaaminta ah ee ay Ethiopia ku qabsatay waddanka, maantana uga taliso caasimadda Soomaaliyeed ee Muqdisho. Haddii haysashada iyo faragelinta Ethiopia ee waddanku aan laga hortegin, waxa hubaal ah in mugdi iyo shaki galayso jiritaankeenna ummadnimo. Annaga oo xaqaa’iqdan ka duulayna waxa aannu waxgaradka Soomaliyeed ugu baaqeynaa: 

  1. In aan isu taagno badbaadinta, jiritaanka iyo himiladeenna ummadnimo oo aynu ka korno qeybsanka iyo qabyaaladda;
  2. Inaan si wada jir ah ugu guntanno soo celinta xornimadii, sharafkii iyo nabaddii dalkeenna, ugana tashanno  danta wadareed iyo hannaan qaranimo oo aan asaageenna dunida ku higsanno.

Dowladda Federaalka Ku-Meel-Gaadhka (DFKGS)

Dowladda Ku-meel-gaadhka ah (DFKMG) waxa ay ku timid xal siyaasadeed oo ujeeddadiisa koowaad tahay dib u heshiisiinta umadda, xasilinta dalka iyo diyaarinta hannaankii siyaasadeed iyo shuruucdii dalka lagu gaadhi lahaa dowlad dadku soo doorto. Ka gaabinta waajibaadkii qaran ee la saarey iyo soo hagitaanka cadowga taariikhiga ah ee ummadda Soomaaliyeed waxey dhaawac xoog leh u geysatey sharciyaddii iyo ixtiraamkii shacabku u hayey dawladda. Soomaalida waxa ay tidhaahdaa, ”Qoolley qoor-qabasho kuma biyo cabto;” umadda Soomaaliyeed xoog iyo adeegsiga quwado shisheeye looguma talin karo. Lama inkiri karo khatarta ay leedahey sii joogitaanka ciidanka Ethiopia ee gudaha Soomaaliya, waxana suurtogal ah in arrintani keento burbur ku dhaca dowladda nafteeda iyo colaadihii umaddu ka soo gudubtay oo mar kale soo laabta, halkaana uu ku lumo wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed. Sidaa darteed waxaa DFKGS ugu baaqeynaa: 

  1. Iney si degdeg ah oo shuruud la’aan ah ciidamada Ethiopia waddanka uga saarto;
  2. Iney la timaaddo qorshe cad iyo xal siyaasi ah oo sal u noqon kara dib u heshiisiin loo dhanyahey oo ka turjumaysa rabitaanka shacabka soomaaliyeed, madax bannaanida ummadda iyo aaya ka talinteeda;
  3. Iney qeexdo dabiicadda iyo doorka ciidamada Afrika ee dalka soo galaya isla caddeyso muddada iyo goobaha ay degayaan, damaanadna ka bixiso sidii ciidamadaasi u xeerin lahaayeen dhaqanka iyo qiyamka diiniga ah ee umadda.

Hoggaanka Midowgii Maxaakimta Islaamiga ah (MMI)

16 sano kadib ummadda ku dhaqan Muqdisho iyo qeybo badan oo kamida koofurta Soomaaliya waxay nabad ku seexdeen bilihii ( 6 ama 7 bilood) ee dhulkaa Maxkamaduhu gacanta ku hayeen.  Shaki kuma jiro in muddaddaa gaaban ay MMI muujiyeen dadaal, hufnaan iyo waxqabad aaney umaddu muddo dheer arag, kuna reebey xasuus aan gudhin oo badka siyaasadda soo dhigtey kaalinta shariicada iyo jacaylka ummadda Soomaaliyeed u qabto inay noloshooda ku dhaqdo. Waayo aragnimadu waxa ay inna bareysaa inaan loollanka siyaasadda xabbad iyo xoog keliya lagu kala adkaan; guusha kama dambeysta ah waxa hela cidda kalsoonida dadka kasbada, kana turjuma himilada iyo dareenkooda. Haddaba marxaladdan kala guurka ah ee masiirka ummadda Sooamaliyeed galey waxaa hoggaanka maxkamadaha looga baahan yahey:

  1. Iney halgan mideysan iyo maskax furan ku biiriyaan dadaalka waxgardaka iyo waddaniyiinta soomaliyeed ee dadaalka ugu jira raadinta xornimada dalka;
  2. Iney door weyn ka qaataan dibu heshiisiinta, soo celinta rajadii Soomaaliya iyo iney si xikmad iyo indheer garadnimo ku dheehan tahey uga qeyb qaataan furdaaminta xaaladda murugsan waddanku ku sugan yahay.
  3. In ay ka qeyb galaan haddii uu hirgalo shir dib-u-heshiisiineed oo madal dhexdhexaad ah lagu qabto.

Xoogagga Muqaawamada (Wax Iska Caabinta)

Lama inkiri karo in duullaank Ethiopia ee dalka qabsadey uu si gaar ah xad gudub ugu yahay goa'aankii golaha ammaanka ee Qaramadad Midoobay 1725, shacabka Soomaaliyeed ee dhibanna aaney marna raalli ka noqonneyn. Waa lama huraan, haddii Ethiopia aaney si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ciidamadeeda ugala baxin dalka, ummadda Soomaaliyeed ay xaq u leedahey iney si wada jir ah iska caabbido cadowga ku soo duulay. Iska caabinta cadowga duullanka ah iyo ilaalinta xornimada qaranimo waa waajib diiniya iyo mid wadani ah, waafaqsanna shuruucda diiniga ah iyo qawaaniinta caalamiga ee Qaramada Midoobey. Hase ahatee, waxaan xooggagga iska caabbinta iyagana waajib ku ah oo looga baahanyahey:

  1. Iney mideeyaan hoggaankooda iyo cududdooda ciidan isla markaana hadafka ay beegsanayaan oo ku koobnaado keliya ciidanka Ethiopia, kana fogaadaan dilalka siyaasadeed iyo dagaallo qabyaalad ku saleysanba;
  2. Iney maanka ku hayaan in hadafka aasaasigu ku qotomo badbaadinta ummadda iyo soo celinta qaranimadooda sidaa darteedna la dhowro xurmada dhiigga Muslimka, hantida guud iyo midda gaarka ah ee shacabku leeyahey.

Hoggaanka Dhaqanka

Hoggaanka dhaqanku waa mid taariikh soo jireen ah ku leh nidaamka maamul ee ummadda Soomaliyeed, isla markaana kaalin lama huraan ah kasoo qaatey samata bixinta duruufaha nololeed iyo colaadeed. Hoggaannada dhaqanka ayaa iyagoo kaashanaya waxgardkooda iyo culimadooda, ka baadbaadiyey ummadda hagardaamooyin baaxadleh, ilaaliyey qiyamka maguuraanka ah ee ummadda, kuna guuleystey iney heshiis iyo nabad waarta ka dhaliyaan meelo badan. Doorka dibu heshiisiinta ee hoggaan dhaqameedyada ayaa saldhig u ah xasiloonida ka jirta qaybo ka mid ah degaannada Soomaliyeed. Tusaale ahaan, waxey shirar is daba joog ah kadib, dhidibibada u taageen xasiloonida iyo wada noolaanshaha ka jirta gobollada waqooyi (Somaliland) iyo waqooyi bari (Puntland). Waxgaradka beelaha iyo hoggaan dhaqameedyada Soomaaliyeed ee guud ahaan, gaar ahaanna koonfurta dalka, waxaa saaran mas'uuliyad diini ah iyo waajib qaran sidii ay: 

  1. U gudan lahaayeen xilka ka saaran badbaandinta umadda iyo ka hor tegista colaadaha qabiilka ee ka dhalan karta khilaafka siyaasadeed ee waddanka ka taagan iyo iney gutaan xilka ka saaran badbaadinta ummadda Soomaliyeed. Sida Rasuulku (nnkha) xadiis inoogu mas’uuliyadda umadda idinka saran haddii aad gudan weydaan Alle (swt) wuu idinkula xisaabtamayaa;
  2. Isugu taagi lahaayeen ilaalinta caddaaladda, walaaltinimada ummadda Soomaliyeed ee Muslimka ah, u hiilinta inta tabar daran iyo kuwa dulman, iyo qabashada cid kasta oo hagardaamineysa xasiloonida, wadajirka iyo wanaagga ummadda Soomaliyeed.

Shirka Dibu Heshiisiinta

Shirka dibu heshiisiinta ee umadda Soomaaliyeed loogu baaqey waxa uu noqon karaa fursad haddii loo hagar baxo. DFKMG iyo beesha caalamka ee maal geleneysaba waxaa ugu baaqeynaa: 

1. In shirka lagu qabto madal dhexdhexaad ah oo ka madax bannaan ilaalada xoogagga dalka qabsadey iyo faragelinta dawladaha danaha gaarka ah kaleh Soomaaliya;  

2. In ay lama huraan tahay in la magacaabo guddi heshiisiineed oo loo soo xuley si dheelli tiran, leh karti isla markaana  bulshaduna kalsooni buuxda ku qabto.  

Aqoonyahannada saxiixay oo ka kooban 24 Macluumaad dheeri ah waxaa lagala xiriiri karaa:
Mohamed O. Musa : beddel06@gmail.com

Faafin: March 13, 2007



Soomaali
Xal u helidda Dhibaatada ka Taagan Soomaaliya hadda.

Kulan ay ka soo qayb galeen culimaa'udiin, aqoonyahanno iyo siyaasiyiin Soomaaliyeed ayaa waxaa... Akhri....



 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com