SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

WARARKA: MAY 2, 2007

  • Dadkii Ka Barakacay Dagaalada Muqdisho Oo Qoysaskii Kusoo Laabtay Ay Durba Muujiyeen Wel-wel Xaga Nabadgelyada Ah .
  • Reer Minnesota oo Loogu Baaqay in si Nabad isu Hortaagaan Xafiiska Sen. Coleman...
  • Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Puntland oo eedayn Kulul u jeediyey DGPL....
  • Golaha Samafalka Iyo Horumarinta Soomaaliyeed Oo Ka Warbixiyey Deeqo Kala Duwan Oo Ay Gaarsiiyeen....
  • Riig Ceelal Biyo ah ka Qodaya Badhan....
  • Maamulka Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Maanta Si Rasmiya Xilka Ula Wareegay
  • Dhexdhexaadin laga dhexwado Geeddi iyo  Buubaa.....

    SIPJ oo Reer Minnesota oo ugu Baaqay in si Nabad isu Hortaagaan Xafiiska Sen. Coleman...

    English Version: Read Here....

    SIPJ (Somali Institute for Peace and Justice Minneapolis, MN) waxay reer Minnesota ugu baaqayaan in ay u istaagaan nabad iyo caddaalad dhammaan, si taas loo muujiyona waxay dadweynaha ugu yeerayaan in ay yimaadaan xafiiska Sen. Coleman hortiisa oo ay si nabad ah isu hortaagaan xafiiska si ay u muujiyaan dareenkooda.... goorma: May 4, 2007. Waqtiga: @ 2:00pm... XEGGEE... EEG HALKAN...


    Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka Puntland oo eedayn Kulul u jeediyey DGPL....

    Guddoomiye Kuxigeenka Baarlamaanka DGPL, Salaad Xareed Cali, ayaa May 1, 2007 sheegay in Dhagxaan Qaali ah oo aad u badan si sharci darro ah looga dhoofiyo Boosaaso.... Halkan ka dhegeyso


Dadkii Ka Barakacay Dagaalada Muqdisho Oo Qoysaskii Kusoo Laabtay Ay Durba Muujiyeen Wel-wel Xaga Nabadgelyada Ah .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmil.com

Qoysaskii kamida dadklii ka barakacay magaalada caasimada ah ee muqdisho oo kusoo laabtay magaalada muqdisho ayaa durba muujiyey walaac xoogan oo xaga nabad gelyada ah taasoo ay ka cabsi qabaan in mar labaad ay dagaalo ka qarxaan magaalada caasimada ah ee muqdisho.

Arintan oo ay wel-welka ka muujiyeen qoysaska fara ku tiriska ah ee kusoo laabtay muqdisho ayaa ka dambeeyey kadib markii xoogaga wax iska caabinta kasoo hor jeeday ciidamada xukuumada Ethiopia ee dalka gudahiisa ku sugan ay sheegteen qarax loo gaystay baabuur nooca xamuulka ah ee ay leeyihiin ciidamada Ethiopia oo ku qarxay deegaanka u dhexeeya degmada afgooye iyo wanla-weyn ee gobolka sh/hoose halkaasoo khasaaro xoogan uu kasoo gaaray ciidamada xukuumada Ethiopia.

Sidoo kale rasaas goos goos ah oo aan la maqlin tan iyo intii dagaalku istaagay ayaa xalay ka dhacaysay isgoyska howl-wadaag taasoo sida ay sheegeen dad goob joogayaal ahi lagu riday ciidamada dowlada KMG ah ee ku sugan isgoyska howl-wadaag ,islamrkaana ay iyana ugu jawaabeen rasaas kale .

Israsaasayntan oo qadar daqiiqado ah socday ayaan la sheegin wax khasaaro ah oo labada dhinac ah oo kasoo gaaray.

waxaa sii badnaya xaalada wel-welka iyo walaaca kusii abuurmaya dadka rayidka ah oo hore uga barkacay magaalada muqdihso islamrkaana kusoo laabanaya deegaanadoodii taasoo durba abuurtay walaac xoogan oo dhinaca nabad gelyada ah .

Golaha Samafalka Iyo Horumarinta Soomaaliyeed Oo Ka Warbixiyey Deeqo Kala Duwan Oo Ay Gaarsiiyeen Dadkii Ka Barakacay Muqdisho..

Dagaladii ayaa sababay barakac aad u baahsan oo boqolaal kun oo ruux ku qasbay inay guryahoodii ka cararaan, dadkaan barakacay ayay la soo gudboonaatay xaalad adag oo bani’aadamnimo, waxayna xaaladooda sii adkaatay markii ay bilowdeen roobabkii xilliga guga, iyadoo Golaha Samofalka iyo Humarinta Soomaaliyeed uu kaalmooyin gaarsiiyay goobaha ay dadkaas u barakaceen ee Duleedka Muqdisho illaa Degmada Afgooye.

Afhayeenka Golaha Samofalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed Sheekh Cusmaan Maxamed Maxamuud ayaa warabixin ka siiyay saxaafadda deeqaha kala duwan oo uu goluhu gaarsiiyay qaybo ka tirsan goobihii ay dadkaas ku barokaceen iyo weliba isbitaallada ku yaalla goobahaas oo ay ku jiraan dadka taakta daran ee uu soo ritay cudurka Shuban biyoodka intii u dhexeysay 19-kii illaa 30-kii bishaan.

Sheekh Cusmaan oo ka hadlayay deeqahaan ay gaarsiiyeen goobaha ay dadku ku barokaceen ayaa sheegay inay gaarsiiyeen deegaanno kala duwan deeqo isugu jira Dawooyin, Bacaha roobka laga galo iyo sidoo kale lacago caddaan ah, wuxuuna Sheekhu mar uu ka hadlay deeqahaas yiri:

"19-kii April 2007. Waxaan deeq gaarsiinay Deegaanka Jaamacadda Carabta oo ay ku barokaceen dad fara badan oo ka cararay xaafadahoodii sababo la xiriira dagaallo qaraar oo ka dhacay Muqdisho, waxaana deeqda aan gaarsiinnay ay ahayd 1200-Bacaha Roobka laga galo ah, iyadoo la gaarsiiyay 1200-qoys oo aan haysan wax ay kaga gabbadaan dhibicda roobka guga oo billowday"

"21-kii April 2007. Waxaan gaarsiinnay Deegaanka Dayniile 800-bacood oo ah kuwa roobka laga galo, waxaana la guddoonsiiyay ku dhawaad 800-qoys oo aan haysan gabbaad ay ka galaan roobabka guga oo si xowli leh uga billowday Muqdisho iyo hareeraheeda"

"29-kii April 2007. Deegaannada Xaawo Cabdi illaa Lafoole ayaa la gaarsiiyay 900-bacaha roobka laga galo ah, iyadoo qoysaska halkaas ku barokacay aysan haysan meel ay kaga gabbadaan roobka, sidoo kalena deegaanno ka sameystay geedaha hoostooda, taasoo keentay in markii roobabku billowdeen ay ku canaanyoodaan dhibicda roobka ee soo dhex maraysay geedka oo xajiini ay dul-saaran tahay"

Isla maalintaas ayuu Golaha Samofalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed wuxuu deeqo kala duwan oo dawooyin ah gaarsiiyay Isbitaallada Xaawo Cabdi, Isbitaalka KMG-ka ah ee Al-Xayaat iyo Isbitaalka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellada Hoose, waxaana Sheekh Cusmaan uu sheegay inay gaarsiiyeen 750-Xabbo oo Falleebooyin ah iyo 2500 oo ah ORS-ta looga hortago fuuq baxa, waxaana loogu talo galay dawooyinkaan in looga hortago cudurka Shuban biyoodka iyadoo dad badan oo ka mid ah kuwii barokacay oo shubanka uu ku dhacay ay ku jiraan Isbitaalladaas.

30-kii April 2007. Golaha Samofalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed ayaa waxay dhanka kale gaarsiiyeen 400-bacaha roobka laga galo ah iyo lacag caddaan ah dad ka barakacay Maqdisho oo gaaraya 45-qofood oo isugu jiray Curyaamiin, Dad da’ ah iyo Caruur, waxaana ruuxiiba la sheegay in la siiyay 200,000 oo Shilling Somali ah iyo bac ay roobka ka galaan.
 

Sidoo kale dad kale ayaa waxaa iyagana la gaarsiiyay bacaha roobka laga galo, waxaana Golaha Samofalka iyo Horumarinta Soomaaliyeed ay sheegeen deeqahaas oo dhan ahaayeen kuwo ay gaarsiiyeen dadka barakacay xilli ay u baahnaayeen.

Afhayeenka Golaha Samofalka iyo Humarinta Soomaaliyeed Sheekh Cusmaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in deeqahaas ay ka kala heleen Hay'adda DRC (Danish Refugee Council), Ganacsatada Soomaaliyeed & Weliba Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalalka Dibadda.

No Magaca shirkadda Account Number

  • 1 - Qaran Express 117
  • 2 - Dhabashiil Bank 2283
  • 3 - Amal Bank 11073
  • 4 - Global Money Transfer 21042
  • 5 - Tawakal Bank 309
  • 6 - Mustaqbal Bank 22315

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

002521-5580916


Riig Ceelal Biyo ah ka Qodaya Badhan

Badhan : - Shirkadda Riigagga ee Weyrax Water Well Drilling Company (W.W.W.D. Co. ) ayaa todobaadkii lasoo dhaafay magaalada Badhan ka bilowday qodista riig biyo ku filan bulshada degaanka usoo saara.



C/xamiid Shiikh Ismaaciil Weyrax oo ka mid ah hantiilayaasha shirkadda ayaa LaasqorayNet u sheegay iney ilaa hadda qodeen ilaa 200 mitir , ayna gaadheen dhammaan astaamihii baadhitaanka biyaha ee hore loo sheegay, uuna ku rajo weyn yahay inuu maalmaha soo socda gaadhi doono biyo aad u badan oo bulshada degaanka ka haqab tiri doona biyo la'aanta jirta.

Shirkaddan Weyrax ayaa bedeshey shirkadii hore ee iyadu ku guuldaraysatay iney fuliso qandaraaskii riig qodista ee hore la isugu deyey.

Shirkadda Weyrax ayaa Soomaaliya ka hirgelisey in ka badan afar iyo toban riig , oo dhammaan lagu guulaystey in biyo lagu manaafacaadsado laga gaadho. Dhaqaalaha riigga ayaa waxa ku deeqdayhay'adda Horn Relief.



Dadweynaha magaalada Badhan oo la ildaran biyo yaraan xoog leh ayaa si weyn yididiilo uga qaba hawsha ay waddo shirkadda Weyrax Company. Waxayna noqon doontaa shirkaddii ugu horreysey ee ceel riig ah ka hirgelisa degaanka Badhan , iyo markii ugu horreysey ee magaalada Badhan ay yeelato ceel riig ah oo dadka iyo duunayaduba ka cabaan.

Waxa sidoo kale todobaadkan lagu guuleystey in riig laga hirgeliyo magaalada Carmale , oo hay'adda Al-manhal ay ugu deeqday , waxana la rajeynayaa in magaalada Hadaaftimo ay k u xigi doonto.

Maxamuud Ciyoon / Badhan.
ciyoon10@hotmail.com


Warbixin: Sida uu u DHacay Hawlgalkii Coballe ...: Ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa hawlgal millatari talaadadii ka fuliyay xarun shidaal laga qodayay oo ku taalla tuulada Coballe, oo 35 km dhinaca woqooyi galbeed ka xigta magaalada Dhagaxbuur, waxaana hawlgalkaas lala seddex Urur oo ka tirsan cidammada gumaysiga Itoobiya oo waardiyaynayay xarunta shidaalka laga qodayay.... Akhri.....


Maamulka Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Maanta Si Rasmiya Xilka Ula Wareegay

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa May 1 si rasmi ah xilka loogu wareejiyay maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo xafladda wareejinta maamulkaan uu ka dhacay xarunta weyn ee Gobolka Banaadir.

Maxamed Dheere
Maxamed Dheere | May 1, 2007 | Xamar


Xafladdaan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qaybgalay xubno ka tirsan Dowladda KMG ah oo ay kamid ahaayeen Wasiir u dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya Maxamuud Sayid Aadan.


Sayid Aadan

Mudane Cadde Gaaboow oo ahaa Duqii hore Magaalada Muqdisho iyo Maxamed Dheere oo xilka lagu wareejinayay ayaa waxay labaduba goobjoogayaal ka ahaayeen xafladda xil wareejinta, waxaana ay labaduba hadallo ka jeediyeen xafladdaas.


Cadde Gaaboow

Cadde Gaaboow ayaa wuxuu ugu horaynba sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu xilkaan uu ku wareejiyo walaalkiis Maxamed dheere isagoo sheegay inuu yahay mas’uul ka soo bixi kara howsha loo magacaabay ee Maamulka Gobolka Banaadir.

"Waxaan hubaa in Maxamed dheere uusan ahayn nin xaasid ah isla markaana shaqo badan, waana nin ka soo bixi kara xilka loo magacaabay, waxaana aaminsanahay inaysan cusleyn doonin inuu Muqdisho ka dhigo nabad" ayuu yiri Cadde Gaaboow oo sheegay in loo baahan yahay in Maxamed dheere taallo loo dhiso isagoo nool, maadama buu yiri uu yahay Geesi howl kar ah.

"Maxamed Dheere wuxuu sabab u ahaa kursig Ra’iisul wasaarenimo ee uu Prof. Cali Maxamed Geeddi ku fadhiyo, waxaana taasi ay tusi kartaa in Maxamed Dheere uu yahay mas’uul aan xaasid ahayn" ayuu yiri mar kale yiri Cadde Gaaboow oo xilka ku wareejiyay Maxamed Dheere.

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo isaguna xafladdaas xilka uu ku guddoomay ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu xilkaan qabto, wuxuuna durba dardaaranno iyo cago-jugleyn u soo jeediyay shacabka Muqdisho ku dhaqan.

"Cidii horteeda laga soo weeraro dowladda ama qaraxyo ay ka dhacaan waxaan u sheegayaa inay iyadu masuul ka tahay oo qoyskaas loo xirayo, halka la geynayana ay tahay mid EEBBE og yahay" ayuu ku hanjabay Maxamed Dheere ugu horreyn, waxaana sacab iyo sawaxan isku daray ka qaybgalayaashii xafladda xil wareejinta ahayd.

"Waxaan idiin sheegayaa in maamulka Gobolka Banaadir min waax illaa Gobolka uu isku xirmayo, isla markaana ay isla shaqeynayaan oo uu dhammaaday is-bar-bar-yacii ka jiray maamulka Gobolka Banaadir" ayuu yiri Maxamed Dheere.

Mar uu ka hadlay shaqaalihii maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Dheere wuxuu sheegay in agaasimeyaashii iyo maamulkii isaga ka horreeyay uu ahaa mid aan cirka jirin dhulkana joojin, isla markaana cidii maamulka Gobolka inay wax ka qabato loo baahan yahay inay warqado caddeyn ah ka wadato deegaanka ay doonayso inay mas’uulka ka noqoto ayna dadkaas yihiin kuwo jecel.

Si kastaba ha ahaatee Maxamed Dheere oo dhawaan la magacaabay xilka duqa casasimada muqdisho ayaa waxay xafladdaan noqonaysaa middii ugu horreysay oo xilka si toos ah loogu wareejiyo, iyadoo shacabka Muqdisho ay si weyn u soo dhaweeyeen magacaabiddiisa,islamrkaana kusoo beegmaysa xili ay magaalada muqdisho amaankeeda aan laysku halayn karin .

yaasiin maxamed cali (faytin)

yaasiinfaytin@hotmail.com


Dhexdhexaadin laga dhexwado Ra’iisul Cali Maxamed Geeddi iyo Wasiirka Waxbarashada Ismaaciil Buubaa oo ka socda dalka Kenya

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com

Akhyaar waaweyn ayaa waxaa ay ka dhexwadaan is afgaradsiin ay ku dheehan tahay dublamaasiyad la doonayo in lagu heshiisiiyo in lagu heshiisiiyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Wasiirkiisa oo horey u ahaan jiray wasiirka arimaha dibada Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) arinkaan ayaa ka socdo dalka Kenya magaala madaxdiisa nairobi .

Xalinta khilaafkaan ayaa waxaa isu xilsaaray Madaxweynaha dalka Kenya Mawai Kibaki iyo Ra’iisul wasaaraha Ethiopia Males Zenawi waxaana lagu wadaa inuu Wasiirka Waxbarashada Ismaaciil Buubaa u duulo magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopiawuxuuna casuumad ka helay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia mr mellas zenawi .

Dhanka kale madaxka tirsan mamulayaasha dalalka Ingiriiska, Mareykanka, Sweden iyo Jaamacada Carabta ayaa dowladda fadaraalka somaliya soo weydiiyay su’aal ah sababta loo bedelay Ismaaciil Max’uud Hurre (Buubaa) oo ahaa Wasiirkii Arrmaha dibadda Soomaaliya, waxeyna Dowladda Federaalka Soomaaliya u sheegay inuu Mr. Buubaa ahaa nin howlkar ah shaqadiisana si ka adkaa

Ilo wareedyo kale ayaa tibaaxaya in ay jiraan heshiis hoosaadyo u dhexeeya Prof. Geedi & Mr. Buubaa, kuwaasoo ay wadaan Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ka madaxbannaan dowladda arintaan ayaa sababa u noqon karta in markale dowlada lagu sameeyo isku sheendheyn iyada oo la doonayo in lagu dabaqo xurguftaan soo kala dhexgashey wasiirka iyo raiisal wasaaraha

Maxamed cumar xabeeb ( maxamed dheere oo si rasmi ah ula wareegay gudoomiye nimada gobolka banadir

May 1: Xaflad Xilwareejin ah Oo Maanta Ka Dhacday dhismaha xarunta gobolka ee malaaalaa Mogdisho: Gudoomiyaha cusub ee Maxamed Cumar Xabeeb (M.Dheere) oo dhawaan uu xilkaan loogu magacaabay wareegto ka soo baxday xafiiska raiisal wasaaraha dowlada fadaraalka KMG somaliyeed prof: Cali Maxamed Geedi isla markaana uu ogolaaday magacaabistiisa madaxweynaha dowlada fadaraalka Maxamed dheere inuu noqdo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, wuxuuna kala wareegay Duqii hore ee Muqdisho Maxamud Xasan Cali (Cadde Gaabow) oo halkaa goobjoog ka ahaa wuxuuna si xushmad leh ugu wareejiyey maamulka gobolka banadir gudoomiyaha cusub isla markaana ah duqa duqa magaalada muqdisho Maxamed Dheere

Xafladda ka dhacday Xarunta Gobolka Banaadir waxaana ka soo qyb galay mari sharaf farabadan iyo mas.uuliyiin ,wax garad ,aqoonyahano, iyo dadweyne aad u farabadan ka soo qeyb galkune wuxuu ahaa mid ay irduhu u furan yihiin ,

Maxamed Dheere ayaa daboolka ka qaaday in maamulkiisa uu bilaabi doono howlgallo lagu sugayo ammaanka, wuxuuna caddeeyay in la howlgelin doono Degmooyinka iyo Saldhigyada Booliska Gobolka Banaadir, isagoo dadka Muqdisho-na uga digay in dhexdooda laga abaabulayo falal amaandaro oo xaafadaha lagu qalqal gelinayo iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cumar Xabeed godoomiyaha cusub ee gobolka banadir ahna duqa magaalaa muqdisho ayaa carabka ku adkeeyey in gacan bir ah lagu soo qaban doono dadka ka dambeeya falalka nabadgelyada lidka ku ah, si gaar ahna wuxuu u bartilmaameedsaday dadka madaafiicda ku tuuri jiray Xarumaha Dowladda, "Qofkii gurigiisa laga dhinac tuuro Madaafiic Dowladda loo wado isaga ayaa ka jawaabi doono haduu nool yahay "ayuu yiri Maxamed Dheere oo farriintaas u dirayay Dadka Muqdisho.

Duqa magaalada ee cusub Mudane Maxamed dheere waxaa uu sheegay in ay dadka Muqdisho xaafad-xaafad la isugu xiri doonaan, isla markaana ay xaafad kasta ka shaqeyn doonaan boqol qofood oo lagula xisaabtami doono ammaanka xaafadahooda, "boqolkaas qof ayaa lagula xisaabtami doonaan ammaanka xaafadaha, haddii ay howshooda qabsan waayaan, isla markaana ay dad nabadgelyo darro wada ay soo dhinac maraan iyaga ayaa maqan meeshii ay aadeenna Ilaah ayaa og"ayuu mar kale yiri Maxamed Dheere

Maxamed cumar xabeeb (Dheere ) oo beri ahaan jiray hogaamiye kooxeed ama caaqil dagaal ayaa misena mar ahaa godoomiyaha gobolka shabeelaha dhexe iyada oo aysan jagadaan oo kale u cusbeyn oo uu sidaan o kale u magacaabay madaxweynihii doqwladii salbalaar ee janaraal ceydiid ,sidoo kale waxaa uu ka mid ahaa hoggaamiye kooxeedyadii ku midoobay Isbaheysigii La dagaalanka waxa loogu yeero Argagixisada ee lagu dhisay Muqdisho 18 fabarayo 2006-dii kaas oo markii dambe ay afka ciida u dareen wuxuuna isku marku waayey gobolkii iyo hogaamiye nimadii .

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666 /002521653623


Golaha Amaanka Ee Q.M Oo Wada Qorshe Ciidan Loogu Dirayo Soomaaliya .

Bayaan ay shalay soo saareen 15-ka xubnood ee golaha amaanka, ayaa waxa ay ku weydiisteen xoghayaha guud ee Q.M Ban Ki-moon inuu soo saaro warbixin bartamaha bisha June ee soo socota qorshe suurtagal ah oo ciidamo ka socda Q.M loogu dirayo Somaliya.

Sidoo kale arintan ay ka dhawaajiyeen QM ayaa u muuqata mid waqti qaadan karta islamrkaana aan la ogayn in lagu guulasyan doono iyo in kale .

Danjiraha Britain u fadhiya Q.M Emyr Jones Parry oo shalay ay ugu ekeyd xilka gudoomiyenimada golaha amaanka ayaa ku dooday in ay haboon tahay in si weyn looga fiirsado in ciidamo Q.M loo diro Somalia oo ay ka dhaceen dagaalo xoogan oo ay dad badan ku dhinteen.

Danjiraha waxa uu sheegay in xaalada Muqdishu ay hadda soo hagaagayso balse loo baahan yahay in horumar laga sameeyo xaga siyaasada.

Golaha amaanka waxa uu ugu baaqay dowlada federaalka Somaliya inay wadahadal la gasho dhinacyada ka soo horjeeda.

Dagaalkii ka dhacay Muqdishu oo hay’ada laan qarta cas ay ku tilmaantay kii ugu xumaa ee soo mara Somaliya mudo 15 sano ah, ayaa waxaa ku dhintay kun qof, ayna ku barakaceen afar boqol oo kun oo kale, sida ay sheegeen hay’adaha u dooda xaquuqda aadanaha.

Si kastaba ha ahaatee Golaha amaanka ayaa waxa uu xoojinayaa sidii ay wadamada Afrikaanka ay ciidamo u keeni lahaayeen wadanka Somaliya gaar ahaan caasimada muqdisho.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com


Baaq ay soo saareen Beesha Cali Saleebaan

24April2007

Shirar iyo Fadhiyo isdabajoog ah oo ay Beeshu yeelatay kuna falanqeeyeen marxaladda xasaasiga ah ee uu dalku marayo. Beeshu markay aragtay dagaalada faraha badan ee dalka ka socda. Beeshu markay aragtay in meelo nabad ahaa ay dagaalo cusub ka bilowdeen. Beeshu markay aragtay xasuuqa iyo barakaca lagu hayo shacabka soomaaliyeed.

Beeshu markay aragtay dhqaale burburinta lagu hayo ummadda Soomaaliyeed. Beeshu markay aragtay in cadawgii ummadda Soomaaliyeed gacanta loo geliyay guud ahaan dalka, gaar ahaana caasimadii dalka ee Muqdisho. Beeshu markay aragtay dagaalada ka soo cusboonaaday Sanaag, iyo Jubada Hoose inay tahay marmarsiiyo la doonayo in lagu geeyo goobahaas ciidamo Itoobiyaan ah si loo wiiqo nabadgelyada mandiqadahaas ka jidha.

Waxay Beeshu ku baaqaysaa.

1. In marka hore la joojiyo xabadda dhamaan dalka oo dhan.

2. In dhinacyada Soomaalida ay wadahadal isugu yimaadaan.

3. In cadowga Ummadda Soomaaliyeed laga saaro dalka gebi ahaantiisba.

4. In dowladaha deriska ka daayaan faragellinta ay ku hayaan Ummadda Soomaaliyeed iyo siyaasada ah (qaybi oo xukun).

5. In maamulka Puntland ay cunaqabataynta, musuqa iyo dhaqaale burburinta ka joojiyaan shacabka Puntland.

6. In khilaafka Somaliland iyo Puntland lagu dhameeyo wadahadal.

7. In dhamaan Ummadda Soomaaliyeed ay ka tashadaan aayahooda kaasoo mugdi ku jira.

8. In laysugu yimaado shirwayne guud oo ay ka soo qaybgalayaan qaybaha kala duwan ee bulshada si loo badbaadiyo jiritaanka iyo Qaranimada Ummadda Soomaaliyeed

9. In beesha caalamku taageerto midnimadda iyo jiritaanka Ummadda Soomaaliyeed si loo helo mandaqad nabad ah.

10. Soomaaliya waa shacab isku diin, dad iyo afba ah, waxaan ugu baaqaynaa inay ilaaliyaan sharafta iyo wadajirkooda islamarkaana meel uga soo wada jeestaan cadawga dalkooda ku soo duulay kana fogaadaan qabyaalada iyo eexda.

Waxaa Faafiyay Aqoonyahanka iyo Ganacsatada Beelaha Cali Saleebaan.

Wabilaahi Towfiiq: Mahadsanidiin

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com