Warar: May 8, 2007
Qarax Gaystay Dhimasho Dhaawac Oo Uu Ku Shuf
Beelay Baabuur Ay Leeyihiin Ciidamada Boliska Dowlada KMG.
Muqdisho:
Qaraxan oo ugu yaraan 4-ruux ay ku dhimatay labo kalena ku dhaawacantay ayuu ku
bas -beelay mid ka mid ah gawaarida ciidamada Booliiska dowlada KMG ah oo
marayay meel ku dhow Madaxtooyada villa soomaaliya .
Gaarigaan oo noociisu ahaa noocyada dhowaan la siiyey ciidamada booliska dowlada
KMG ah ee loo yaqaano Nissan ayaa waxaa saarnaa ciidammo ka tirsan kuwa Booliska
dowlada KMG ah oo aan la ogayn tiro ahaan inta ay ka koobnaayeen ayaa gil-giley
xaafadaha ka ag dhowaa meesha uu marayey gaarigaasi .
sidoo kale goobjoogaal ka ag dhowaa halka qaraxani ka dhacay oo magacooda aan la
shaacin ayaa saxaafada u sheegay in qaraxani ku dhacay gaarigan noocyada
ciidanka booliska ah ee nissanka ah islamarkaana halka uu qaraxani ka dhacayna
ay u dhowdahay Madaxtooyada iyagoo sheegay inay arkeen gaariga oo aad u holcay
islamarkaana bixiyey cod qarax weyn ah oo aragagax geliyey dadkii deegaankaas
deganaa.
Mid kamida goob joogayaasha halkaas ku sugnaa oo aan xiriir la samaynay
magaciisan kusoo gaabiyey axmed ayaa sheegay inuu arkayey mudo saacad kadib ah
qaraxa meydad iyo dhaawacyo uusan tiro ahaan sheegi karin inta ay ahaayeen in la
saarayey baabuurta noocyada ciidanka booliska ah oo usoo gurmaday gaarigaas
qarxay.
Qaraxaan oo aan la garanayn inuu yahay mid loogu talagalay gaariga oo loo aasay
iyo mid kale ayaa ahaa mid saamayn xoog badan ku yeeshay xaafadaha ka ag dhow
halka iyo deeganada ku xeeran xarunta madaxtooyada, warar kaloo dheeraad ah ayaa
sidoo kale sheegaya in ka hor intii aanu dhicin qaraxu ay jidkaasi mareen
gawaari ay wateen cutubyo ka tirsan ciidammada Uganda.
Qaraxa kadib ayaa ciidammada Dowladda KMG ahi isku gadaameen goobta uu qaraxu ka
dhacay iyadoo sidoo kale loo diiday inay warfidyeenadu sawiro iyo muuqaalo ka
qaataan gaariga qarxay ee ahaa noocyda ciidanka booliska ee loo yaqaano nissanka
.
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Golaha Xukuumada Puntland oo dib ugu soo laabtay Caasiimada.
Garoowe:
Waxaa dib ugu soo laabtay caasiimada Puntland ee Garoowe Golaha Xukuumada, ka dib markii ay sidaas ugu baqeen Guddiga Joogtada
ah ee Golaha Baarlamaanka Puntland.
Waxaa haatan ku sugan magaalada, Madaxweyne Ku-xigeenka ahna
Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland, Xasan Daahir
Maxamuud(Afqurac), iyo
Wasiirada: Maaliyada, Warfaafinta, Caafimaadka, Waxbarashada,
Qorsheynta iyo Kuwa kale oo badan.
Sidoo kale waxaa soo xarooday Saraakiisha Ciidamada, Booliiska iyo
Daraawiishta Puntland.
Ilaa shalay ayaa waxaa ku soo qulqulayey Caasiimada, Madaxda Dowlada
ugu sareeysa marka laga reebo Cadde Muuse oo dibada ku maqan iyadoo
dhamaan wasaaradaha oo aan maanta soo mar maray aan ku arkayey shaqo
si xawli ah uga socota.
Waxaa lagu wadaa maalinta, Isniinta ee soo socota in ay shir muhiim ah
isugu yimaadaan Guddiga Joogtada ah ee Golaha Wakiilada kaas oo ku
wajahan Golaha Xukuumada Puntland iyo wax-qabad kooda.
Mohamoud Omar Bille
Mcbille@gmail.com
Degmada Caluula oo
Rafcaan u qaadeysa Doonyo ay Xukuntay Maxkamada
Boosaaso
- $100,000 oo Doolar oo
lagu Ganaaxay Maraakiib iyo Doonyo tiradoodu
dhantahay Sagaal (9).
Boosaaso: Maxkamadda darajada
Koowaad ee G/Bari Boosaaso ayaa May 7, 2007 waxay
xakuntay doonyo, marakiib muddo 10 cisho ka hor ah
laga soo qabtay aagga Qandala iyo Caluula.
Lix (6) ka mid ah
doonayahaas waxaa lagu ganaaxay lacag u dhexaysa
$3200 ilaa $47,000 oo Doolar. Waxaana Saddex (3)
doonyood kabtanadii wadey lagu ganaaxey midkiiba $5,000 oo Doolar.
Isku darka lacagta
lagu xukumay doonyahaas waa
$100,000 oo Doolar.
Waxaa kale oo
ganaax lagu xukumay shaqaalihii doonyahaas oo tiradoodu 104 qof, kuwaas oo mid
kasta lagu xukumay $100 doolar.
Maxkamadda waxaa
guddoomiye ka ah
Maxamed Cabdi Awaare, waxaana xeer
ilaaliye ka ahaa
Axmed Taaran.
Saddex (3) ka mid ah
doonyaha la xukumay waxay ruqsad ka haysteen
maamulka degmada Caluula, waxaa sidaas sheegay
Maamulka degmada Caluula.
Gudoomiyaha degmada
Caluula, Xareed Ciise Cumar, waxa uu qaar ka kamid
ah warbaahinta Boosaaso u sheegay inay racfaan ka
qaadan doonaan xukunka doonyahaas lagu ganaaxay.
Isha: Wakaaladaha
Wararka
Khilaaf Soo Kala Dhex Galay Odayaasha Beesha
Hawiye
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Kulankii maalintii shalay dhex maray madaxweynaha dowlada KMG ah col,c/laahi
yuusuf iyo odayaasha beesha hawiye ayaa dhaliyey khilaaf soo kala dhex galay
odayaasha beeshaas .
Guddoomiyaha golaha guurtida beelaha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa
sheegay in kulankii maalintii shalay ka dhacay xarunta madaxweynaha dowladda
federaalka Soomaaliya uu ahaa mid aan loo dhameyn oo ay ka maqnaayeen xubno
muhiim ah oo isagu uu ka mid yahay, wuxuuna sidoo kale sheegay in kulankaasi
looga been abuurtay isaga ka dib markii sida uu sheegay loo geeyey madaxweynaha
qoraal uu isagu ku saxiixan yahay oo aan waxba ka jirin.
Xaaji Cabdi Iimaan Cumar ayaa intaa ku daray in sababta keentay in kulankaasi uu
ka baaqsado ay ka dhalatay markii sida uu sheegay la diiday talo uu isagu soo
jeediyey oo aheyd in la qanciyo Hawiye kale oo uu hogaaminayey Dr. Xuseen Xaaji
Bood oo doonayey iney kala qeyb galaan kulanka lala yeelanayo dowlada
federaalka, kuwaasoo uu sheegay iney codsaadeen in wax laga bedelo qoraal ay
diyaariyeen beelaha Hawiye oo loo geyn lahaa dowladda federaalka Soomaaliya.
“Hawiye waa weyn yahay anaga keligeen maaha, waa qabiil balaaran , waxaan anigu
qabaa talada Hawiye inaan keligeen isku koobin ee walaalaheena kalena laga qeyb
geliyo, waxa ay doonayaana ha laga qanciyo hase ahaatee wey diideen waxayna la
carareen qoraalkii oo ay ula tageen madaxweynaha , markii la yiri xaajiga
aawayna wey igu been abuurteen waxayna yiraahdeen waa jiran yahay, anigoo aan
jiraneyn” ayuu yiri Xaaji Cabdi Iimaan Cumar oo intaa ku daray in ujeedadii loo
dagaalamay ay aheyd in dadka xaqooda loo soo dhiciyo oo hase ahaatee aysan aheyn
in mashruuc la abuurto.
Sidoo kale afhayenka beesha hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali ayaa isna mar
arintaasi wax laga weydiiyey sheegay in uusan ka war qabin khilaaf soo kala dhex
galay odayaasha beelaha Hawiye “Xaaji Cabdi Iimaan waxaa la iigu sheegay markii
aan baxeynay inuu xanuunsan yahay, horeyna dhowr jeer kulamo muhiim ah sidan oo
kale waa uga maqnaan jiray oo waa ku naqiinay, inuu caro nooga maqnaana markii
uu shirkii soo dhamaaday ayaan saxaafada ka maqalanay, haddana anagaa iska
arkeyna, eedeeynta uu noo soo jeediyey ee ah inaan Hawiye kale oo Dr. bood u
hogaaminayey diidneyna anigu ma ogi, waa noo yimaadeen raggaas waa soo
dhoweynay, waxaan tusnay qoraal aan diyaarinay oo aan dooneynay inaan ula tagno
dowladda, waxayna na yiraahdeen qoraalkiina geysta ka dibna aan isu imaano sidaa
ayaana isku ogeyn marka saaxiibkeen Xaaji Cabdi ma aqaan waxa uu qoonsadsay
qoraal aan diyaarinay oo isagu uu horey u saxiixay ayaana u geynay madaxweynaha,
wax kaloo dhibaato ahna ma jiraan” ayuu yiri Axmed Diiriye oo intaa ku daray
inuusan jirin wax khilaaf ah oo soo kala dhex galay odyaasha beesha Hawiye,
haddii ay arintan dhacdayna waa caadi oo waa iska xalismi doontaa ayuu yiri
nabadoonku.
Si kastaba ha ahaatee khilaafkan soo kala dhex galay odayaasha beesha hawiye
ayaa kusoo beegmaya xili ay dhegta loo taagayo waxii kasoo baxa kulanka iyaga
iyo madaxweynaha dowlada oo uu garab taagan yahay gen,gabra ,taasina ay walaac
kale ku abuurayso shacabka daalan ee qaxa iyo barakacu ku dhacay .
Qoysaskii Ka Barakacay Magaalada Muqdisho
Ee Kasoo Jeeday Gobolada SSC Oo Qaarkood Kusoo Laabteen Caasimada .
Qoysaskii ka barakacay magaalada muqdisho ee kasoo jeeday gobolada sool,sanaag
iyo buuhoodle ayaa qaarkood dib uga soo hayaamen deegaanadii ay ciirsiga bideen
oo nafta kula eerteen.
Qoysaskan oo xubo kamida beesha degta sool ,sanaag iyo buuhoodle oo ku sugan
magaalada muqdisho iyo daafaheeda ay tiro ahaan ku sheegeen 37-qoys ayaa
saxaafada uga war bixiyay inay ilaa 14-qoys kusoo laabteen hoygoodii oo qaar uu
soo gaaray bur-bur xoogan oo ka dhashay madaafiicdii lagu tuurayey xaafadaha
magaalada muqdisho.
Salmaan sahal muuse oo xubin ka ah gudidaas ayaa saxaafada uga war bixiyey
xaalada qoysaskaas ay ku sugan yihiin ,isagoo sheegay inay qoysaska qaar kamida
ay weli ku sugan yihiin xaalada adag taasoo ka dhalatay qax iyo barakacii ku
dhacay umada soomaaliyeed eek u dhaqnayd magaalada muqdisho .
Salmaan ayaa intaas ku daray inay jiraan qoysaska qaarkood ay soo noqdeen
islamarkaana ay u yimaadeen hoygii ay ku jireen oo qaarkood uu haleelay
madaafiicdii dagaalka ka dhacay caasimada ee u dhexeeyey xoogaga wax iska
caabinta iyo ciidamada ethiopianka .
Waxuu kaloo intaas ku daray inay jiraan qoysaskii garab raratada ahaa badankoodu
inaysan haysan hoy degaan iyo waxay kusoo guuraan midna ,taasoo uu ku macneyey
inay markoodii horeba qoysaskaasi hore uga liiteen xaga nolosha islamrkaana ay u
badnaayeen dad xoogsato ah oo xiligii nabada maalin joogooda kala soo bixi jiray
magaalada caasimada ah ee muqdiho .
Salmaan ayaa carabka ku dhuftay inay qoysaska kasoo baxay degaanada loo barkacay
ay ka kooban yihiin 14-qoys oo magaalada ku lahaa guryo islamrkaana ugu roonaa
marka laga eego qoysaska ku haray deegaanada loo barkacay ee ceelasha biyaha
,xaawo cabdi no,13 ,baar xaraf iyo degmada afgooye .
Salmaan sahal muuse ayaa isagoo ku hadlaya magaca gudida joogta magaalada
muqdisho ee kasoo jeeda gobolada sool sanaag iyo howd ay ka codsanayaan
walaloohooda wax haysta ee kala jooga dalalka dibada inay wax soo taraan si ay u
helaan hoy ay kiraystaan iyo meel ay kusoo noqdaanba .
Salmaan oo saxaafadu waydiisay inay mar hore jaaliyaduhu wax soo tareen iyo in
kale ayaa cadeeyey inay soo gaartay 700 $ dollar oo ay usoo direen haweenka
kasoo jeeda gobolada sool sanaag iyo howd eek u sugan dalka newzeland laakiin
aysan jirin cid kale oo ka caawisay dhibaatada baahsan ee ka dhacday caasimada
iyo nawaaxigeeda .
Isagoo sheegay inay taasina wax weyn u tartay
islamrkaana gabdhahaasi waajibkoodii guteen uguna ducaynayaan in alle ugu bedelo
khayr iyo jano ,laakiin ayuu yiri ma jiraan cid kale ama aqoon yahankii ,dhalin
yaradii ,iyo odayashii kasoo jeeday goboldaas oo ka damqaday weli xaalada
qoysaskaas oo tiro ahaan ugu yar marka laga eego tirada qoysaska kale ee
soomaalida ku dhibaataysan deegaanada loo barakacay .
Si kastaba ha ahaatee salmaan ayaa ka dayriyey xaalada qoysaskaas weli ku
hadhsan deegaanadii dadku u barkacay isagoo sheegay inay ku dhibaatsayn yihiin
deegaanadaas xag nololeed iyo xaga hoygaba .
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
002521-5580916
Faafin: SomaliTalk.com | May 8, 2007
Wararkii: May 7, 2007
Maamulka Somaliland Oo Walaac Siyaasadeed Ka
Muujiyey Diyaaradaha Wax Basaasa Oo Dul Heehaabaya...
Magaalooyinka gobolada waqooyi ee isku
magacaabay som-land ayaa dhowaanahanba farta wadnaha kaga hayey in maamulka
dowlada federaalka ah ee uu madaxweynaha ka yahay col,c/laahi yuusuf axmed
saamayn ku yeesho ,taasoo durba hawada waqooyi lagu arkayey diyaaradaha lagu
sheegay maraykanka ee AC-130 .
Warar isa soo taraya ayaa tibaaxaya in maamulka
som-land uu bilaabay olalayn ka bilaabantay wel-welka laga qabo dowlada KMG ah
ee ku sugan koonfurta iyo bartmaha soomaaliya ay xayndaab ka samaystaan taasoo
sida wararku sheegayaan mashquulisay madaxweyne daahir riyaale iyo maamulkiisa
.
Axmed muuse dhubad oo kamida aqoonyahaniinta
som-land islamrkaana indha indheeya siyaasada ayaa ka muujiyey muuqaal murugo
leh diyaarado la sheegay inay dhowaanahanba dul heehaabayeen magaalooyinka
burco, ber-bera iyo hargaysa taasoo sida wararka lagu helayo ahaa diyaaradaha
loo malaynayo maraynkanka ee wax basaasa.
Axmed muuse ayaa isagoo saxaafada u waramaya
sheegay inay tahay mid laga xumaado in durba ay na saamayso dowlada yare ee
Nairobi lagu soo dhisay waa siduu hadalka u dhigaye islamrkaana ku sheegay in uu
c/laahi yuusuf uga digayo inuusan kaga ciyaarin waxa yare ee iftiinka ah ee
dhoob dhoobteen som-land taasoo uu ku macneeyey in halgan dheer loosoo galay
dadaalna lagu keenay nabada umnada som-land manta harsanayso waa siduu hadalka u
dhigaye .
Axmed muuse ayaa Mar ay saxaafadu waydiisay
maxaad ka qabtaan hadii maamulkiina federaalka sidiisaa loogu daro maxay keeni
kartaa ayaa sheegay inaysan taasi macquul ahayn ee ay yihiin som-land dal
dowlada ah islamrkaana ay ilaalinayaan deris wanaaga umada walaalahooda ee
soomaaliyeed .
Waxaa kale oo la waydiiyey maxay kula tahay
diyaaradaha aad sheegtay ee dul hee haabaya hawada waqooyi ,ayuu waxuu ku
jawaabay waa rooxaantii c/laahi yuusuf waayo waxaan u malaynayaa ama shacabka
som-land aaminsan yahiin inuu doonayo ninka madaxda u ah dowlada KMG ah ee
soomaaliya inuu qas ka bilaabo dalka som-land waa siduu hadlka u dhigaye .
Dhaq –dhaqaaqa siyaasadeed oo som-land ayaa si
weyn isu bedelay tan markii ay istaageen dagaaladii ka soconayey magaalada
caasimada ah ee muqdisho taasoo ay sii xoogaysanayso xiisad siyaasadeedka ka
aloosan magaalada hargaysa oo u muuqata mid wel-wel ku abuuraysa siyasiyiinta
goosashada jecel .
Si kastaba ha ahaatee diyaaradaha lagu sheegay
marayknaka ee dul hee-haabaya hawada som-land ayaa si weyn looga hadal hayaa
gobolada hoos taga maamulka som-land kaasoo dadka shacabka ah iyo siyaasiyiinta
ku abuurtay walaac siyaasadeed oo sida hirarka isu soo taraya, xaalada
diyaaradahan ayaa kusoo beegmaya xili ay wasaarada arimaha dibada xukumada
Ethiopia ay faafisay wararka sheegaya in madaxweynaha dowlada KMG ah ee
col,c/laahi yuusuf la geyn doono magaalada hargaysa iyadoo ay hareeraha ka
joogaan ciidamada xukuumada Ethiopia ,taasina ay shaki gelisay xiriirkii u
dhexeeyey Ethiopia iyo som-land .
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 7, 2007


|