SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Warar: May 10, 2007

  • Gabdhaha Soomaaliyeed ee deggan Sweden oo Deeq Lacageed Gaarsiiyey Dadka ku jira Cisbitaalada Madiina iyo Banaadir...
  • Qarax Bam Gacmeed Oo Ka Dhacay Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Xili Halkaas Ay Ka Socotay Howlgal Bur-burinta Meelaha Sida Sharci Darada Ah Loo Degey
  • Madaxweyne C/laahi Yusuf Oo Sheegay Kismaanyo Inay Joogaan Xoogagii Golahii Maxaakiimta islaamka .
  • Dowlada FKMG oo loo magacaabay safiiro cusub iyo afhayeen rasmi ah

Duqii Magaalada Ceel Afweyn oo Toogasho Lagu Diley

Magaalada Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag ayaa waxaa Arbacadii toogasho lagu diley duqii magaaladaas oo magaciisa la oran jirey Maxamed Cilmi Cali, waxaana wararka ugu horeeyey ee ka soo baxay ay sheegeen in uu dilkaas geystey nin ay duqa magaalada qaraabo yihiin, kaas oo markii uu dilka geystey baxsaday.

Ilaa hadda lam aoga sababta dhabta ah ee ka dambeysey dilkaas.


Gabdhaha Soomaaliyeed ee deggan Sweden oo Deeq Lacageed Gaarsiiyey Cisbitaalada Madiina iyo Banaadir...

Gabdho Soomaaliyeed oo ku nool dalka Sweden ayaa deeqo lacageed soo gaarsiiyay dadka dhaawacyada qaba ee ku jira Isbitaallada kala ah: Madiina iyo Banaadir, waxaana lagactaan la gaarsiiyay laba isbitaal ay gaaraysaa 4-Milyan oo Shilling Somali ah.



Gabadhahaan Soomaaliyeed oo daggan Gobolka Nishobin ee dalka Sweden ayaa waxay ugu talo-galeen lacagtaan inay ku gargaaraan dadka Soomaaliyeed ee ay waxyeellooyinka ba’an ka soo gaareen dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Deeqdaan lacageed ayaa lagu soo hagaajiyay Cabdi-mahad, isagoo guddoonsiiyay bukaannada la ildaran dhaawacyada kasoo gaaray dagaaladdii Muqdsiho ka dhacay ee ku jira Isbitaallada Madiina iyo Banaadir.

Bukaannadii la gaarsiiyay deeqdaan lacageed ayaa waxay si weyn uga mahadceliyeen sida wanaagsan ee ay walaalahooda ku nool Gobolka Nishobin ee dalka Sweden, waxayna EEBBE uga baryeen inuu ka abaal-mariyo deeqda ay soo gaarsiiyeen gabadhahaas Soomaaliyeed.

Intii aan ku gudo jirnay qaybinta iyo guddoonsiinta deeqahaas lacageed ayaa waxaa noogu darnay dadkii aan la kulannay Sacdiyo Maxamed Isaaq oo ahayd gabar yar oo gaari uu jajabiyay kana cararay, taasoo aan wax ehel ah ku lahayn Magaalada Muqdisho, horayna u dagganayd buush ku yaalla xaafadda Buulo-xuubeey gaar ahaan Dugsigii hoose/dhexe ee Jabuuti.

Sidoo kale waxaa ka mid ahaa dhaawacyadii la gaarsiiyay deeqda lacageed caruur yaryar oo si daran u gubnaa, waxaana ehelladooda ay inoo sheegeen inay ku gubteen dab aad u darnaa oo ay ku dhex dhaceen.

Deeqdaan dadka u badan ee la gaarsiiyay ayaa waxay u badnaayeen dad qaba dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray dagaalladii qaraaraa ee ka dhacay Muqdisho, waxaana dadka intooda badan ay ahaayeen kuwo qaba dhaawacyo kala duwan.

Isbitaalka Madiino ayaa ahaa isbitaalkii la geeyay dadka ugu badan ee qaba dhaawacyada ka soo gaaray dagaalladii dhawaan ka dhacay caasimadda dalka Soomaaliya ee Muqdisho.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com

Qarax Bam Gacmeed Oo Ka Dhacay Suuqa Weyn Ee Bakaaraha Xili Halkaas Ay Ka Socotay Howlgal Bur-burinta Meelaha Sida Sharci Darada Ah Loo Degey

Kadib markii Ciidamada dowlada KMG ah ee nadiifinaya meelaha sida sharci darada ah loo degey ee wadooyinka iyo suuqyada caasimada muqdisho ayaa maanta waxaa bam gacmeed lagu tuuray ciidamada dowlada ee ku howlanaa nadiifinta suuqa weyn ee bakaaraha gaar ahaan dhinaca daawada lagu iibiyo oo halkaas ay dukaamo ka samaysan al-waax ,jiingado iyo fuustooyin lagu bur-biriyey .

Bam gacmeedkan lasoo tuuray ayaa waxaa ku geeriyooday hal qof oo rayid ah halka dhaawacana lagu sheegay 5-qofood oo ay ku jiraan labo askarta ka tirsan ciidamada dowlada KMG ah ee ka howl galayey halkaasi , xilli halkaasi ay ka socotey howlo lagu burburinayo dhismayaal sharci darro ah oo wadaooyinka suuqaas soo gala ku yaalay .

Dad goob joogayaal ah oo ay saxaafadu wax ka waydiisay sida xaaladu u dhacday ayaa cadeeyey in Mar keliya ay ku baraarugeen qaraxa bamka oo diryanka shanqartiisa laga maqalayey agagaarka suuqa weyn ee bakaaraha , iyadoo aan la garaneyn cidda ka dambeysa qaraxan ka dhashay bam gacmeedkan iyo weliba cidda soo tuurtay .

Cali gaab oo kamida dadka ku sugnaa halka qaraxani ka dhacay ayaa sheegay inuu ahaa bam gacmeed islamrkaana laga soo tuuray meel aan ka dheerayn halka howshu nadiifinta dhismayaasha sharci dararada ah ka socotay ,balse uu intaas ku daray goob jogahaasi dadka oo ku badnaa goobta iyo shaqada oo si xowli ah u socotay darteed nooma ay surto gelin inaan aragno waxa uu ahaa cidda bamkan soo turtay .

Sidoo waxaa durbadiiba goobta qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah oo tiro ahaan ka badan kuwii hore ugu sugnaa , iyadoo qaraxani dhacay xilli howlo lagu burburinayo dhismayaal sharci darro ah ay halkaasi ka wadeen ciidamada dowladda KMG ah islamrkaana muran xoogani ku dhax maray ganacsatada daawada qaar ka tirsan oo sheegay inaysan raali ka ahayn bur-burintan .

Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee qarax noocan oo kale ah uu dhaco xalay ayay ahayd markii labo qarax oo isdaba joog ahi ay ka dhaceen isgoyska Howl-wadaag ee Suuqa Bakaaraha, iyadoo qaraxyadaasi aysan cidina wax ku noqon .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Madaxweyne C/laahi Yusuf Oo Sheegay Kismaanyo Inay Joogaan Xoogagii Golahii Maxaakiimta islaamka .

Kulan qarsoodi ah oo manta ka dhacay xarunta madaxtooyada villa soomaaliya ayaa madaxweynaha dowlada KMG ah ee soomaaliya col,c/laahi yuusuf axmed ku sheegay inay magaalada kismaanyo joogaan argagixiso ka hadhay haraadigii maxaakiimta .

Kulankan oo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ay ku weheliyeen taliyayaasha ciidamada xooga dalka soomaaliyeed iyo xubno kale ayay kaga wada hadleen sidii magaalada kismaanyo ay usoo geli lahayd gacanta dowlada KMG ah taasoo uu xusay in ciidamada xooga dalka soomaaliya ay isu diyaariyaan cutubyo ka tirsani sidii ay ugu amba bixi lahaayeen magaalada kismaanyo ee xaraun goboleedka jubada hoose .

Sidoo kale madaxweynaha ayaa sheegay in Magaalada Kismaayo ay ku sugan yihiin kooxo argagaxiso ah oo ka haray Maxkamadihii laga itaalka roonaaday ee ka baxay Muqdisho,islamrkaana ku sheegay hadii aan laga gaarin inay noqon doonto hoyga waxa loogu yeero argagixisada waa siduu hadalka u dhigaye.

Kulankaan qarsoodiga ah ee aan la shaacin ayaa ku dhex maray xarunta Madaxtooyada Soomaaliya ee Villa Somalia Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo saraakiisha ciidamada dowlada KMG ah oo qaarkood kasoo jeedaan dowlad goboleedka punt-land

Afhayeenka Madaxweynaha Soomaaliya isla markaana Madaxa Warfaafinta Madaxtooyada Xuseen Maxamed Maxamuud (Xuub-sireed) oo u warramayay saxaafada gudaha ayaa shaaca ka qaaday in kulankaasi uu ahaa mid xasaasi ah, ayna isla soo qaadeen Madaxweyne Yuusuf iyo Taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka arrimo ay ka mid yihiin ammanka Magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho, iyagoo si weyn uga dooday sidii magaalada kismaanyo ay dowladu amaan buuxa uga keeni lahayd .

Xuub-sireed ayaa si weyn uga gaabsaday inuu si rasmi ah shaaca uga qaado waxyaabaha kulankaas ka soo baxay ee ay isla meel dhigeen Madaxweyne Yuusuf iyo Taliyeyaasha Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed, Balse Afhayeenka wuxuu ku gaabsaday oo keliya in Magaalada Kismaayo ay ka jiraan falal argagixiso islamrkaana ammaanka wax u dhimaya oo ay dowladdu wax ka qaban doonto .

Dhinaca kale hadalkan kasoo yeeray madaxweynaha dowlada KMG ah ayaa bar-bar socda kii uu Raysal wasaaraha dowlada KMG ah Prof, Geeddi uu dhawaan ku tilmaamay dagaalladii ka dhacay Kismaayo inay yihiin kuwo la xiriira kuwii ay kula jireen xoogaga wax iska caabinta ee muqdisho ka dhacay .

Si kastaba ha ahaatee magaalada xarun goboleedka jubada hoose ayaa tan xiligii laga saaray taliyaha guutada koowaad ee dolwada KMG ah ee ay gacanta ku dhigeen milayshiyaad kasoo jeeda beesha sadde ahayd magaalo saan-saan dhiilo colaadeed kasoo if-baxayso ,islamrkaana u muuqata mid ay isku aragti ka noqdeen col,af-guduud iyo col,yuusuf oo ah madaxweynaha dowlada KMG ah .

Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Dowlada FKMG oo loo magacaabay safiiro cusub iyo afhayeen rasmi ah

Prof. Cali Maxamed Geeddi oo ah Ra'iisul wasaaraha DFKMG Soomaaliya ayaa Arbacadii akhriyey magacyada loo dhiibayo xilal ay ka mid yihiin Safiirro iyo afhayeen cusub oo ay yeelato dowlada fadaralka KMG Soomaaliya oo u fariisanaya dalalka Dibadda qaarkood, waxaan sidoo kale la magacaabay Xilka Afhayeenka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Golaha wasiirrada ayaa Arbacadii yeeshay xaflad lagu magacaabayey Xilalkaan kaas oo ka dhacay xaruntii hore ee NSS-ta Soomaaliya, shirkaan ayaa waxaa shir guddoominayay Ra'iisul wasaaraha DFKMG Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Hadaba magacaabidi waxey u dhacday sidatan Safiiirrada la magacaabay oo mid ka mid ah ay tahay haweeney ayaa waxay magacyadooda kala yihiin:

  1. Abyan Maxamed Saalax (Ladane) oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka India.
  2. Xareedo Ibraahim Maxamed (Boolis) oo loo magacaabay Safiiradda Soomaaliya u fadhida dalka South Korea
  3. Maxamed Calasoow Barroow oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Indonisa.
  4. Axmed Maxamed Cigaal oo loo magacaabay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Imaaraadka Carabta.

Dhanka kale Prof. Cali Maxamed Geeddi wuxuu magacaabay Afhayeenka rasmiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya oo loo magacaabay Mudane Cabdi Xaaji Goobdoon oo ah saxafi ruug caddaa ah, waxaaana sidoo kale Cabdi Xaaji Goobdoon uu noqonayaa la taliyaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Mudane Madoobe Nuunoow Maxamed.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666/ 002521653623

Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2007


Wararkii: May 9, 2007

Ciidamada Dowlada KMG ah Baaritaan Xoogan Ku Haya Xijaabka Indho Shareerka Haweenku Isku Asturaan.

Ciidamada dowlada KMG ah ee baaritaanka ka wada magaalada muqdisho ayaa ka furay haweenka xijaabka indho shareerka Allah dartii u qaatay iyagoo ku macneeyey inay argaggixiso yihiin .


Maxamed Dheere vs Xijaabka |  March 2004

Wadada wadnaha ee magaalada caasimada muqdisho oo ay Talaadadii ka howl galeen cutubyo ciidanka dowlada KMG ah ayaa baaritaan xoogan lagu hayey haweenka xijaabka indho shereerka qaata iyadoo laga wada xayuubiyey haweenkaas indho shareerkii ay xirnaayeen islamarkaana inta laysku uruuriyey meel wadada bartamaheeda ah lagu gubay.

Ciidamada dowlada KMG ah ayaa xijaabka indho -shareerka ay haweenku alle dartiis isugu asturaan u sababaynaya inay gubaan in xijaabku indho shareerku yahay waxyaalaha laysku qariyo oo dhan inay yihiin waxyaalaha nabad xumada keenaya waa siday qabaane , sida ay sheegeen qaar kamida ciidamada dowlada ee baaritaanka ka wada wadooyinka iyo xaafadaha inay dadka qaraxyada gaysta ay yihiin dadka daboolan islamrkaana ay lamid yihiin baabuurta muraayadaha madoow ee dhowaan laga mamnuucay magaalada muqdisho in lagu wato .

Mid kamida saraakiisha ciidamada baaritaanka ka wada wadada wadnaha ee caasimada muqdisho oo magaciisa diiday inuu shaaciyo ayaa saxaafadu wax ka waydiisay arintan ugubka ah ee ay lasoo bexeen ciidamada dowlada KMG ahi ee haweenka xijaabka indho-sheerka lagaga fiiqayo, sarkaalka ayaa sheegay inay tahay arintani mid la xiriirta arimaha amniga lagu xasilinayo magaalada muqdisho ,balse aysan ahayn mid arin kale ah waa siduu hadalka u dhigaye .

Fartun Nur
Fartun xishoodkeedu wuxuu soo shaacbaxaa waqtiga qadada ee lajoogo Kafeeteriyada, halkaas oo ay waqtigeeda kuqaadato akhris halkii ay la-bulshayn lahad gabdhaha kale ee Soomaalida.. GUJI...

Sarkaalka ayaa intaas ku daray arimaha amaanka lagu xasilinayo waxay keenayaan in shay kasta oo laga shaki qabo baaritaano lagu sameeyo laakiin aysan waxba ka bedelayn xaalada caadiga ah ee dhaqanka asluubaysan .

Sidoo kale mid kamida haweenka Talaadadii naqaamka (indho-shareerka ) laga xayuubiyey oo magaceeda ku sheegtay Ramla cabdi –wahaab ayaa saxaafada u sheegtay inay tahay arin murugo badan oo diinta iyo muslinimada wax u dhimaysa islamrkaana ka hor imaanaysa dhaqankii iyo sunihii rasuulkeenii muxamad SCW uu sheegay inay haweenka muslinka u dhaqmaan.

Ramla ayaa intaas ku dartay iyadoo ay murugo ka muuqato ma anaga ayaa is qarxina mise waxaa laga wadaa haweenka asturan ayaa argagixiso ah ,islamarkaana dowlada KMG ah ka codsatay inay ka fiirsadaan arimahaas dunuubta ah ee ka dhanka ah diinta iyo sunihii suubanaa ee rasuulkeenii Muxamad SCW.

Si kastba ha ahaatee ciidamada dowlada KMG ah ayaa dar dar geliyey baaritaanka xaafadaha ,baabuurta ,shaqsiyaadka laga shakiyo iyo weliba nadiifinta wadooyinka sharci darada lagu dhistay ee magaalada caasimada ee muqdisho ,arintaan baaritaanka haweenka asturan ayaa kusoo beegmaysa xili ay cutubyo ka tirsan ciidmada xukuumada Ethiopia ku sugan yihiin dalka gudishiisa gaar ahaan caasimada muqdisho.

Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com