Wafdigii uu hoggaaminayay wakiilka Xoghayaha
Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada John Helmet oo
Muqdisho soo gaaray lana kulmay qarax sababay inuu deg-deg dib ugu laabto
Nairobi
Wafdi
ka kooban dhowr xubnood oo uu horkacayay wakiilka xoghayaha Guud ee qaramada
Midoobay u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada Mr. John Helmet aya soo gaaray
Sabtidii magaalada Muqdisho, isagoo ka soo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka
Kenya.
Wafdigan oo ay ku soo dhoweeyeen garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho
guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Max’ed Cumar Xabeeb
(M.dheer), Taliyayaasha ciidamada Qalabka sida, wakiilka Midowga AFrika u
qaabilsan Soomaaliya Mr. Maxamed Cali Foon iyo taliyaha ciidamada AMISOM iyo
xubno kale.
Wafdigan oo muddo dhowr saacadood ah ku sugnaa xarunta UNDP ee magaalada
Muqdisho ayaa imaanshihiisa ku soo beegmay xilli uu qarax weyn gilgilay Waddada
ay ku socdeen oo aheyd KM4, halkaasna ay ku dhinteen ugu yaraan afar qofood,
shan kalena ay ku dhaawacmeen, taasoo keentay in madaxa wafdiga uu qaato go’aan
deg-deg ah isla markaana ay suurta gal tahay in uu aado ama safarkiisa u weeciyo
qaar ka mid ah gobolada dalka .
Mr. John Helmet oo markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha la hadlay
saxaafadda gudaha iyo dibadda ayuu sheegay in imaanshihiisu ay tahay ujeedada ka
dambeysa inuu la kulmo madaxweynaha Dowladda Federalka Soomaaliya C/laahi Yuusuf
Axmed ra’iisul wasaare Geeddi iyo xubnaha dowladda.
Isu duwaha gar-gaarka Deg-degga ah (ERC) ee Qaramada MIdoobay John Homes wuxuu
booqanaya Soomaaliya bisha Maajo 12-13keeda si uu qiimeyn ugu sameeyo xaaladaha
aadanimo ulana yeesho wada hadallo dowladda Federalka ku meel gaarka ah iyo
bulshada rayidka ah.
Ujeeddooyinka booqashada Mudane Holmes waa sidan:
Si uu dhinacyada Soomaaliya ugu qanciyo oo ay ku jiraan kuwa ciidamada, in ay
ixtiraamaan xeerarka caalamiga ah (oo ay ku jiraan ilaalinta dadka shacabka ah,
ixtiraamaanna xuquuqda aadanaha), ayna dhiira geliyaan nabadad iyo degenaanshaha
oo dan u ah dadka Soomaaliyeed.

Inuu maamulka ka xaqiijiyo dhammaan taageerada loo baahan yahay si si buuxda oo
aan xannibaad laheyn loo gaarsiiyo dadka sida ba’an ugu baahan taageerada iyo
ilaalinta xuquuqdooda, isla markaana loo xaqiijin lahaa in ixtiraam buuxa la
siiyo dhex-dhexaadinta, u dhexeynta iyo madax banaanida dhammaan howlaha
gar-gaarka ah ee aadanimo.
Kor u qaadidda ogaanshaha caalamka iyo taageerada Soomaaliya si wax looga qabto
jawaabna looga bixiyo musiibada aadanimo ee ka dillaacday Soomaaliya .
Taariikh nololeedka John Holmes
Mudane HOlmed waxa uu xoghayaha Guud ee Qaramada MIdoobay Ban ki Moon uu u
magacaabay isu duwaha Gar-gaarka deg-dega ah ee Qaramada Midoobay oo uu si rasmi
ah ula wareegay 1-da Maarso 2007.
Intii aanu ku soo biirin qaramada Midoobay John Holmes wuxuu ahaa safiirka
Ingiriiska ee Faransiiska, jagadaas oo uu hayay tan 2001, wuxuu ku biiray
arrimaha dibadda iyo barwaaqo sooranka Ingiriiska sanadkii 1973, wuxuuna ka soo
qaatay kaalimo kala duwan oo ballaaran. Wuxuu shaqadiisa ka bilaabay London, oo
ay ku jirtay mar uu Qaramada MIdoobay u qaabilsanaa oo ay ka mid aheyd waqti
1975 oo Golaha loo dhan uu u matalayay isagoo ka mid ahaa ergada Ingiriiska ee
Qaramada MIdoobay ee New York.
Dhowr iyo labaatankii sano ee u dambeeyay John Holmes wuxuu ka shaqeeyay Moscow,
London, Paris iyo India isagoo daboolayay Bariga dhexe, AFrika, Aasiya,
Amerikada Koonfureed iyo MIdowga Yurub. Mudane Holmes wuxuu madax ka noqday
barnaamijka kaalmada ee Ingiriiska iyo India, oo uu qunsul ka ahaa siyaasadda,
kaddibna dhaqaalaha iyo ganacsiga, laga bilaabo 1991 ilaa iyo 1995. 1998, waxaa
loo magacabay Safiirka Ingiriiska ee Burtaqiiska, jagadaas oo uu hayay iilaa
looga magacaabay Baariis.
Wax yar kaddib markii uu ku soo noqday London 1995, wuxuu noqday xoghayaha
Gaarka ah ee arrimaha dibadda iyo la taliyaha Diblomaasiyadeed ee Wasiirkii
koowaad ee hore John Major. Mudane Holmes wuxuu sii waday kaalintaa xilliga Tony
Blair, isagoo noqday xoghayaha Gaarka ah ee ugu muhiimsan. 1999kii waxaa abaal
gud loo siiyay billadda Knighthood kaalintii uu ka qaatay geedi socodka nabadeed
ee waqooyiga Ireland iyo heshiiskii Jimcihii wanaagsanaa.
John Holmes wuxuu ku dhashay Preston, oo ku taalla waqooyiga Ingiriiska sanadku
markuu ahaa 1951, wuxuun wax ku bartay jaamacadaha Balliol ee Oxford.
Qaraxyo kala duwan oo maanta ka dhacay
magaalada Muqdisho
Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay labo qarax oo gilgilay guud ahaan
agagaarka iyo deegaanada ku dhow-dhow goobaha ay ka dhaceen qaraxyadaasi.
Qaraxyadan ayaa kii ugu horreeyay waxa uu ka dhacay isgoyska KM4 waddada
Airporka gasha, xilli ay halkaasi ku sugnaayeen wafdi ka socda Qaramada Midoobay
oo Maanta Muqdisho soo gaaray, waxaana qaraxani oo ay ku dhinteen sida la
xaqiijiyay afar ruux oo saarnaa gaariga qaraxa lala beegsaday kuwaasoo ka
tirsanaa ciidamada nabad sugidda Qaranka, waxaana sidoo kale goobtaasi ku
dhaawacmay shan qof oo kale oo ay ku jiraan dad rayid ah.
Qaraxan oo ahaa qarax aad u weyn, si xunna u gilgilay deegaanada ku dhow dhow
halkaas ayaa dadweynihii ku sugnaa goobahaasi waxaa ku dhacay argagax iyo cabsi,
waxaana muuqday kala yaac, iyadoo halkaasi ay soo gaareen durbaba saraakiil ka
tirsan ciidamada Qalabka sida oo halkaasi ka daad gureeyay dadkii dhintay iyo
kuwii ku dhaawacmay intaba.
Dhinaca kale waxaa qarax kaas la mid ah uu ka dhacay maanta waddada isku xirta
Sanca iyo Xerada Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi, waxaana halkaasi ku
dhaawacmay sida la xaqiijiyay afar qof oo ku sugnaa halka uu qaraxu ka dhacay.
Qaraxan ayaa la sheegay in lala beegsaday gaadiidka dagaalka oo halkaasi marayay
oo ay lahaayeen ciidamada booliiska, waxaana qaraxani lagu rakibay goob biyaha
laga cabo oo ku taallay waddada hareeraheeda.
Magaalada Muqdisho ayaa maalihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay qaraxyo is
daba joog ah, waxaana waddooyinka Howlwadaag, Aadan Cadde, Via Liberia, waddada
wadnaha iyo waddada Bayxaani iyo goobo kalena si weyn u gilgilay qaraxyo sedan
oo kale oo ay dad ku dhinteen kuwana ku dhaawacmeen iyadoo kuwii ugu dambeeyay
lala beegsaday Taliyaha ciidamada Asluubta iyo Taliyaha Ciidamada Booliiska
Gobolka Banaadir, waxayna u muuqataa in dagaalkii ay dowladda kula jireen
kooxihii ka soo horjeeday ee ka tirsanaa haraadigii Maxkamadaha ay u beddeleen
xeeladdan cusub oo dagaal sida uu horayba u shaaciyay Sheekh Shariif Sheekh
Axmed guddoomiyihii guddiga Fulinta maxkamadaha Islaamiga oo sheegay in
dagaalkii looga soo horjeeday dowladda Itoobiya loo beddelay xeelad kale.
Ra’iisul wasaare Geeddi oo xilkii ka
xayuubiyay labo wasiir oo ka tirsan xukuumaddiisa
Ra’iisul wasaaraha dowladda Federalka Soomaaliya Prof. CAli Max’ed Geeddi ayaa
wareegto kaga qaaday xilkii wasiirnimada labo xubnood ay ka hayeen
xukuumaddiisa.
Wareegtadan ayaa waxaa xilka looga qaadya ra’iisul wasaare ku xigeenkii dowladda
Federalka Soomaaliya ahna wasiirka Howlaha Guud iyo Guriyeynta Xuseen Max’ed
Faarax Caydiid.
Wareegtadan ayaa lagu sheegay in Xuseen Caydiid uu ka hor yimid siyaasadda guud
ee dowladda isla markaana uu ku biiray koox ka soo horjeedda jiritaanka dowladda
Federalka, kuwaasoo la sheegay inay ku sugan yihiin dalka Eritrea magaalo
madaxdiisa Asmara, waxaana sidoo kale lagu eedeeyay in uu gudan waayay xilkii
loo dhiibay, muddo dheerna uu ka maqnaa shaqadiisa sabab la’aan.
Wareegtadan ayaa sidoo kale lagu sheegay in wasiirka Gaashaandhigga Barre Aaadan
Shire (BArre Hiiraale) uu isna xilkiisii ku waayay kaddib markii uu la shaqeyn
waayay kana soo bixi waayay xilkii loo igmaday, bilooyin badanna aanu ka soo
qeyb gelin shirkii golaha wasiirrada iyo fulinta waajibaadka ka saran howlaha
qaranka, uuna cidleeyay dayacayna howshii loo dhiibay, sidaas darteedna uu
xilkiisii wasiirnimo ku waayay.
Ma ahan markii ugu horreysay ee wasiirro caynkan oo kale ah laga qaado xilka,
waxaana 18kii bishii aynu soo dhaafnay sidoo kale xilalkoodii ku waayay dhowr
wasiir oo uu ku jiro wasiirka waxbarashada dowladda Federalka.
Maalintii afraad ayaa waxaa suuqa weyn
ee Bakaaraha ka socda howlo lagu bur-burrinayo dhismayaashii sharci darada loo
dhisay

Ciidamada Booliiska iyo kuwa militariga ayaa ku howlan bur-burrinta iyo dib u
furidda waddooyinkii ku xirmay sharci darradii baahday ee dalka ka jirtay 16kii
sano ee la soo dhaafay Suuqa weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.
Ololahan bur-burrinta ah ayaa ujeedadiisu waxay tahay in suuqa weyn ee Bakaaraha
oo isagu ah suuqa ugu baaxadda weyn dalka gaar ahaanna magaalo madaxda dalka
ayaa waxaa haatan si weyn uga socda howlo sifeyn ah, kuwaasoo ilaa iyo hadda
lagu guuleystay in laysku furo waddooyinka waaweyn ee soo gala qaarkood,
kuwaasoo gebi ahaanba dhulka la dhigay wixii dhismo ahaa ee ku yiilay ee si
sharci darro ah loogu ganacsanayay.
Howshan bur-burrinta ah ayaa ilaa iyo hadda wax dhibaato ah lagala kulmin,
waxaana dadweynaha ku ganacsada suuqa Bakaaraha ay iyagu iskood u fujisanayaan
guryahooda iyagoo isku diyaarinaya inay ka guuraan, waxaana qaarkood oo ka dhago
adeygay howshaasina ay qasab ku noqotay ciidamada inay iyagu gacmahooda ku
bur-burriyaan.
Warark xog-ogaal ah oo aanu ka soo xiganay dad goob joogayaal ah ayaa sheegaya
in ciidamadan howsha wado ay yihiin ciidamadii hoggaamiye kooxeedyada Muqdisho,
waxaana lagu warramayaa inaanay dowladdu u diiwaan gashaneyn, qaarkoodna
xubnahooda madaxda ah aanayba la socon waxa ka dhacaya dalka, iyadoo waddooyinka
qaarkood lagu arkayo ciidamadan oo baabuurta lacag ka qaadaya, qaarkoodna ay
rasaasi si macno darro ah u ridayaan, taasoo khalkhal gelineysa dadka iyo
ammaanka guud
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666 / 002521653623
Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2007


|