SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
QORMADA MAANTA:: Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Daabaco Boggan | Print

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

Somalia: The Other (Hidden) War for Oil

Freedom for Ogaden, the West’s Last Choice in Africa

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

May 12, 2007:

  • Ganacasadde Caan Ka Ahaa Magaalada Muqdisho Oo Habeenkii Sabtida Saqdii Dhexe Ay Af-duubteen Ciidamada Ethiopia.
  • Masaajidada Magaalada Muqdisho Oo Qaarkood Hoy U Noqday Ciidamada Xukuumada Ethiopia...
  • Musharax Cusub Oo Isu Soo Taagay Xilka Madaxweynanimo Ee Dowlad Goboleedka Punt-Land..

    Somalia too tough for al Qaeda?

Ganacasadde Caan Ka Ahaa Magaalada Muqdisho Oo Habeenkii Sabtida Saqdii Dhexe Ay Af-duubteen Ciidamada Ethiopia.

Ganacsadde caan ka ahaa magaalada caasimada ee muqdisho oo magaciisa lagu soo gaabiyey Seenyo ayaa ciidamada xukuumada ethiopia ay habeenkii Sabtidii saqdii dhexe kala bexeen gurigiisa oo ku yaalay xaafada cali-kamiin ee degmada wardhiigley.

Ganacsadahan ayaa sida wararku sheegayaan waxaa gurigiisa saq- badhkii derbiga uga soo dhacay ciidamada xukuumada ethiopia oo aad u hubaysan islamarkaana ay hor kacayaan labo nin oo soomaali ah oo ku lebisnaa dirayska ciidamada dowlada KMG ah .

Ciidamada ethiopianka ah ayaa sida ay xaqiijinayaan dadka xaafada calikamiin ee deris wadaaga la ahaa gurigaas ayaa sheegay inay ciidankaas oo ka koobnaa ugu yaraan ilaa labaatameeyo askari oo ethiopian ahi ay qori baadkiis iyo jidh dil u gaysteen dhalin yaro hurdaysey isla gurigaasi islamrkaana ay bur-bur xoog leh u gaysteen alaabtii dhex taal gurigaas ee ka koobnaa sariiraha jiifka ,armaajooyinka ,taweeladadii sariiraha iyo weliba iyagoo bililiqaysatay lacago la sheegay inay dollar iyo sh.somaaliba ahaayeen , kadibna ka kaxaystay gurigaas ganacsade seenyo oo ay ku riteen baabuurkii ay wateen oo aan lagaranayn halka ay la aadeen.

Arintan ayaa argagax iyo yaab ku abuurtay dadka ku dhaqan xaafada cali kamiin ee degmada wardhiigley oo Sabtidii ku waaberiistay arintan ugubka ah oo aysan hore u arkin taasoo fajiciso ku noqotay sida la yaabka leh ee ay u bur-buriyeen ciidamada xukuumada ethiopia gurigaas ganacsade seenyo iyo weliba dhibaatada kasoo gaartay dadka rayidka ah ee ehelka la ahaa ganacsadahaasi ,oo aan la ogayn sababta dhabta ah ee ay weerarka hubaysan ugu soo qaadeen ciidamada ethiopia ee ku sugan deegaanka cali kamiin ee magaalada muqdisho ganacsadahaas oo sida la sheegay ahaa nin ku xeel dheeraa xoojinta nabada iyo weliba taakulaynta dadka dhibaataysan .

Ganacsade seenyo ayaan ilaa iminka la ogayn halka ay la aadeen ciidankaasi ethiopianka ahi ,lamana oga sababta dhabta ah ee kadambaysa falkan aragagaxa leh ee ay gaysteen ciidanka ethiopia .

Arintan ayaa kusoo beegmaysa xili maalinkii Jimcadii ay ciidamada xukuumada ethiopia guri ku yaalay suuqa weyn ee bakaaraha ku qab-qabteen xubno ay kamid yihiin axmed qarre ,goobaanle ,iyo weliba cirfe islamrkaana la sheegay inay saacado kadib iska fasaxeen markii ay su,aalo ka waydiiyeen xaaladooda siyaasadeed sida uu xaqiijiyey af-hayeenka beesha hawiye axmed diiriye.

Si kastaba ha ahaatee xaalada amaan ee caasimada muqdisho ayaa tan iyo intii ay la wareegeen ciidamada dowlada KMG ah oo kaashanaya kuwa ethiopia ayaa ahayd mid aan laysku halayn karin taasoo ay kasoo if-baxayaan isku far-fiiqa oo qof kasta oo lagu tuhmayo inuu xiriir wanaagsan la lahaa golihii maxaakiimta islaamka soomaaliyeed il gaar ah lagu eegayo islamarkaana ay ciidamada xukuumada ethiopia guryaha kala baxayaan dad rayida ah oo aan waxba galabsan .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Masaajidada Magaalada Muqdisho Oo Qaarkood Hoy U Noqday Ciidamada Xukuumada Ethiopia...

Masaajidka weyn ee xaafada cali kamiin ee degmada wardhiigley ayaa noqday meel ay gabaad ka dhigtaan ciidamada xukuumada Ethiopia ,islamarkaana aan weli loo fasixin dadka xaafadaas ee ku cibaadaysan jiray masaajidkaas.

Ciidamada xukuumada Ethiopia ee ku sugan xaafada cali kamiin ayaa talis ka dhigtay masaajidka ku yaala xaafada cali-kamiin ee magaalada caasimada ah ee muqdisho taasoo masaajidka derbigiisa hore ee ku beegan laamiga cali-kamiin iyo hareerihiisaba ay difaac kaga jiraan ciidamadan xukuumada ethiopia ,iyadoo aan loo ogolayn in lagu cibaadaysto masaajidkaasi dadka shacabka ah ee ku dhaqan xaafadaasi calikamiin .

sida uu saxaafada u xaqiijiyey axmed rooble oo degan xaafadaasi ayaa noo sheegay inaysan ciidamada ethiopia ogolayn in lagu tukado masaajidkaas sababta ay u diidayaana uu noogu sheegay inaysan ogolayn inay dadka soomaalida ahi soo dhex galaan islamrkaana ay imaan karto amaan xumo ay cabsi kaqabaan qaraxyo ama bambooyin lagu tuuro waa siduu hadalka u dhigaye.

Rooble ayaa intaas ku daray in masaajidkan waxuu noqday goob ay difaac ka dhigtaan ciidamada xukuumada ethiopia islamrkaana masaajidka ayaa ah masaajidada ugu waaweyn xaafada cali kamiin uguna caansan oo loo yaqaano masaajidka sheikh cabdi .

''ciidamada ethiopianku waxay qabsadeen dhamaan caasimada muqdisho iyagoo degey xaafadihii dadka shacabka ahi deganayeen ,marka aan tusaale usoo qaato deegaanka cali-kamiin waxay gabaad ka dhigteen masaajidkii aan ku cibaadaysan jirnay oo ah masaajidada magaalada muqdisho ugu caansanaa oo lagu magacaabo masaajidka sheikh cabdi oo ku yaala xaafada cali-kamiin gaar ahaan wadada sodonka '' ayuu yiri axmed rooble oo muujiyey inuu ka xun yahay .

Rooble oo hadalkiisii siiwata ayaa yiri'' waxaa kaloo jirta ciidamadani nooma ogola inay ka guuraan agagaarka masaajidkaasi welibana xataa inaan soo ag maro masaajidka oo xaaladiisa booqano ,hadaba hadaanu nahay shacabka reer muqdisho gaar ahaan xaafada cali-kamiin waxaanu ka codsanaynaa dowlada KMG ah inay ciidankaasi nooga rarto masaajidkaasi si loo helo meel dadka muslimiinta ahi ay ku cibaadaystaan''

Masaajidka weyn ee ku yaala xaafada cali-kamiin oo ahaa masaajid qadiim ah oo ay ku cibaadaystaan kumaanaan qof ayaa ahaa masaajidka ay ku kulmaan culimada ehelu-suna sida uu noo sheegay mid kamida dadka degan xaafadaasi islamrkaana ka mid noqday degaanada ay ka taliyaan ciidamada xukuumada ethiopia ee ku sugan caasimada muqdisho.

Si kastaba ha ahaatee tan iyo intii ay ciidamada xukuumada Ethiopia gacanta ku haynteeda la wareegeen magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa waxaa kasoo if-baxaya dhibaatooyin ay ka cabanaayaan dadka shacabka ahi ee degan xaafadaha iyo goobaha ay degan yihiin ciidanka ethiopia iyo weliba masaajidada lagu cibaadaysto oo qaarkood noqday meel ay gabaad ka dhigtaan ciidamada ethiopianka ahi taasoo aysan jirin qof masuul ah oo ka tirsan dowlada KMG ah oo ka hadlay arintaasi.

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com

Musharax Cusub Oo Isu Soo Taagay Xilka Madaxweynanimo Ee Dowlad Goboleedka Punt-Land..


Mud. Colaad Maxamed Saciid oo isu soo sharaxay xilka madaxweynanimo ee maamul goboleedka punt-land oo ay ka harsan tahay xiligii doorashada punt-land mudo todobo bilood ah ayaa maanta soo bandhigay hordhac ah wax qabadka bulshada reer punt-land iyo soomaalida kaleba waxa uu u qaban doono hadii uu ku guulaysto xilka madaxweynanimo ee doorashada soo socota punt-land .

mud; colaad oo saaxafada kula soo xiriiray khadka telefonka isagoo ku sugan magaalo madaxda punt-land ee garoowe ayaa ka war bixiyey sida uu ugu han weyn yahay inuu ku guulaysan doono xilkaas hadii alle idmo islamrkaana aaminsan inay bulsho weynta reer punt-land iyo tan soomaalida kaleba uu gaarsiin doono horumar ,aqooneed iyo weliba nabad gelyada oo ah tan keliya oo waxqabadka laf dhabar u ah .

colaad ayaa sheegay bulsho weynta soomaaliyeed gaar ahaan reer punt-land waxay iminka u ooman yihiin isbedel xaga maamulka taasoo dhiiri gelinaysa xaga nabada iyo horumarka oo uu sheegay inuu wax badan dhaliilsan yahay islamrkaana loo baahan yahay inay umada reer punt-land ay doortaan hadii alle idmo doorashada soo socota .

Musharaxan oo saxaafadu waydiisay ma laga yaabaa in maamulka hada haysta punt-land uu dib ugu soo baxo doorashada punt-land ayaa sheegay alle ayaa og laakiin waxaa bulsho weynta reer punt-land ay iminka u baahan tahay isbedel dhinacyo badan leh sababta oo ah punt-land isabedelkeeda waxaa wax qabad u baahan xaga nabada oo runtii wanaagsan laakiin xoojin u baahan ,in laga dhiso xaga dhaqaalaha , aqoonta horumarka tayo ahaan bulsho weynta reer punt-land .

musharax colaad ayaa kacodsaday bulsho weynta soomaaliyeed ee punt-land inay doortaan doorashada islamrkaana u tafa xaytaan sidii ay horumar u gaarsiin lahaayeen dalkooda iyo dakooda ,sidoo kalena mud;colaad ayaa ugu dambayntii ugu baaqay bulshoweynta soomaaliyeed inay si wada jira ugu istaagaan nabada dalka guud ahaan islamrkaana ay horumariyaan sidii ay door weyn uga qaadan lahaayeen dib u dhiska dalkooda waxna ula qaybsan lahaayeen bulsho-weynta caalamka .

yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com