GOLAHA CULIMADA SOOMAALIYEED
BAAQ MUHIIMA
OO KU SAABSAN FALKA LAGULA DIRIRAYO XIJAABKA GABDHAHA SOOMAALIYEED -
MUQDISHO
Mahad oo dhan Allaah baa leh, Nabad io Naxariisi nebiga korkiisa ha ahaato,
ka dib,
Golaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu cambaaraynayaa falka gardarada qaawan ee
ciidamada dawladda kumeel gaarka ah oo ay taageerayaan kuwa Gumaysiga
Xabashidu, kaga xayuubiyeen wajiyada gabdhaha soomaaliyeed ee Muqdisho
Xijaabkii Wajiga u saarnaa ee ay Allaah ku raali gelinayeen. Falkaas oo ayan
marna ku kicin taariikhda inta la ogyahay gumaystayaashii soo maray dalka
Soomaaliyeed. Iyadoo horayna ay ugu keceen ciidamada cadowga xabashida ee
dalka haysta falal kufsi, boob, iyo najaasayn Masaajid, Iyagoo Masjid ku
yaalla Xaafadda (Cali Kamiin) ka dhigtay musqul.
Waxay wararku sheegeen, gabar Soomaaliyeed oo diidey xijaabkeeda in wajiga
laga dillaaciyo, iney askartu garaaceen gacanna ka jebiyeen, hadana ay
cisbataalka taallo.
Golaha Culimada Soomaaliyeed wuxuu Ummadda Muslimka ah u caddaynayaa, in
falkaasu uu yahay mid xaaraan ah, kana turjumaya nacaybka shareecada
Islaamka iyo muuqaalkeeda, oo xijaabku ka mid yahay, iyo ujeedooyinka
duullaanka xabashida oo si qayaxan oo foolxun loo soo bandhigayo.
Xijaabku waa waajib sharci ah qofna ma buruin karo
يا أيها النبي قل) لأزواجك
وبناتك ونساء المؤمنين يدنين عليهن من جلابيبهن ذلك أدني أن يعرفن فلا يؤذين
وكان الله غفورا رحيما ))
Goluhu wuxuu sidaa darted ummadda soomaaliyeed meel kastoo ay joogto ugu
baaqayaa si wada jira ugu kacaan difaaca diintooda, dalkooda iyo sharaftooda
gumaysiga hororka ahi ku tumanayo, ayna ka dhiidhiyaan gardarada iyo ku xad
gudubka gabdhaha soomaaliyeed.
Golaha Culimada Soomaaliyeed
Xoghayaha guud
M. Idris Ahmed
Kala soo xiriir:
25224430795 00:Tel
Hayaan@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2007
Ciidamada Dowlada KMG ah Baaritaan Xoogan Ku
Haya Xijaabka Indho Shareerka Haweenku Isku Asturaan.
May 9, 2007
Ciidamada dowlada KMG ah ee baaritaanka ka wada magaalada muqdisho ayaa ka furay
haweenka xijaabka indho shareerka Allah dartii u qaatay iyagoo ku macneeyey inay
argaggixiso yihiin .
Wadada wadnaha ee magaalada caasimada muqdisho
oo ay Talaadadii ka howl galeen cutubyo ciidanka dowlada KMG ah ayaa baaritaan
xoogan lagu hayey haweenka xijaabka indho shereerka qaata iyadoo laga wada
xayuubiyey haweenkaas indho shareerkii ay xirnaayeen islamarkaana inta laysku
uruuriyey meel wadada bartamaheeda ah lagu gubay.
Ciidamada dowlada KMG ah ayaa xijaabka indho -shareerka ay haweenku alle dartiis
isugu asturaan u sababaynaya inay gubaan in xijaabku indho shareerku yahay
waxyaalaha laysku qariyo oo dhan inay yihiin waxyaalaha nabad xumada keenaya waa
siday qabaane , sida ay sheegeen qaar kamida ciidamada dowlada ee baaritaanka ka
wada wadooyinka iyo xaafadaha inay dadka qaraxyada gaysta ay yihiin dadka
daboolan islamrkaana ay lamid yihiin baabuurta muraayadaha madoow ee dhowaan
laga mamnuucay magaalada muqdisho in lagu wato .
Mid kamida saraakiisha ciidamada baaritaanka ka wada wadada wadnaha ee caasimada
muqdisho oo magaciisa diiday inuu shaaciyo ayaa saxaafadu wax ka waydiisay
arintan ugubka ah ee ay lasoo bexeen ciidamada dowlada KMG ahi ee haweenka
xijaabka indho-sheerka lagaga fiiqayo, sarkaalka ayaa sheegay inay tahay
arintani mid la xiriirta arimaha amniga lagu xasilinayo magaalada muqdisho
,balse aysan ahayn mid arin kale ah waa siduu hadalka u dhigaye .
Sarkaalka ayaa intaas ku daray arimaha amaanka
lagu xasilinayo waxay keenayaan in shay kasta oo laga shaki qabo baaritaano lagu
sameeyo laakiin aysan waxba ka bedelayn xaalada caadiga ah ee dhaqanka
asluubaysan .
Sidoo kale mid kamida haweenka Talaadadii naqaamka (indho-shareerka ) laga
xayuubiyey oo magaceeda ku sheegtay Ramla cabdi –wahaab ayaa saxaafada u
sheegtay inay tahay arin murugo badan oo diinta iyo muslinimada wax u dhimaysa
islamrkaana ka hor imaanaysa dhaqankii iyo sunihii rasuulkeenii muxamad SCW uu
sheegay inay haweenka muslinka u dhaqmaan.
Ramla ayaa intaas ku dartay iyadoo ay murugo ka muuqato ma anaga ayaa is qarxina
mise waxaa laga wadaa haweenka asturan ayaa argagixiso ah ,islamarkaana dowlada
KMG ah ka codsatay inay ka fiirsadaan arimahaas dunuubta ah ee ka dhanka ah
diinta iyo sunihii suubanaa ee rasuulkeenii Muxamad SCW.
Si kastba ha ahaatee ciidamada dowlada KMG ah ayaa dar dar geliyey baaritaanka
xaafadaha ,baabuurta ,shaqsiyaadka laga shakiyo iyo weliba nadiifinta wadooyinka
sharci darada lagu dhistay ee magaalada caasimada ee muqdisho ,arintaan
baaritaanka haweenka asturan ayaa kusoo beegmaysa xili ay cutubyo ka tirsan
ciidmada xukuumada Ethiopia ku sugan yihiin dalka gudishiisa gaar ahaan
caasimada muqdisho.
Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com
Masaajidada Magaalada Muqdisho Oo Qaarkood Hoy
U Noqday Ciidamada Xukuumada Ethiopia...
May 12, 2007
Masaajidka weyn ee xaafada cali kamiin ee degmada wardhiigley ayaa noqday meel
ay gabaad ka dhigtaan ciidamada xukuumada Ethiopia ,islamarkaana aan weli loo
fasixin dadka xaafadaas ee ku cibaadaysan jiray masaajidkaas.
Ciidamada xukuumada Ethiopia ee ku sugan xaafada cali kamiin ayaa talis ka
dhigtay masaajidka ku yaala xaafada cali-kamiin ee magaalada caasimada ah ee
muqdisho taasoo masaajidka derbigiisa hore ee ku beegan laamiga cali-kamiin iyo
hareerihiisaba ay difaac kaga jiraan ciidamadan xukuumada ethiopia ,iyadoo aan
loo ogolayn in lagu cibaadaysto masaajidkaasi dadka shacabka ah ee ku dhaqan
xaafadaasi calikamiin .
sida uu saxaafada u xaqiijiyey axmed rooble oo degan xaafadaasi ayaa noo sheegay
inaysan ciidamada ethiopia ogolayn in lagu tukado masaajidkaas sababta ay u
diidayaana uu noogu sheegay inaysan ogolayn inay dadka soomaalida ahi soo dhex
galaan islamrkaana ay imaan karto amaan xumo ay cabsi kaqabaan qaraxyo ama
bambooyin lagu tuuro waa siduu hadalka u dhigaye.
Rooble ayaa intaas ku daray in masaajidkan waxuu noqday goob ay difaac ka
dhigtaan ciidamada xukuumada ethiopia islamrkaana masaajidka ayaa ah masaajidada
ugu waaweyn xaafada cali kamiin uguna caansan oo loo yaqaano masaajidka sheikh
cabdi .
''ciidamada ethiopianku waxay qabsadeen dhamaan caasimada muqdisho iyagoo degey
xaafadihii dadka shacabka ahi deganayeen ,marka aan tusaale usoo qaato deegaanka
cali-kamiin waxay gabaad ka dhigteen masaajidkii aan ku cibaadaysan jirnay oo ah
masaajidada magaalada muqdisho ugu caansanaa oo lagu magacaabo masaajidka sheikh
cabdi oo ku yaala xaafada cali-kamiin gaar ahaan wadada sodonka '' ayuu yiri
axmed rooble oo muujiyey inuu ka xun yahay .
Rooble oo hadalkiisii siiwata ayaa yiri'' waxaa kaloo jirta ciidamadani nooma
ogola inay ka guuraan agagaarka masaajidkaasi welibana xataa inaan soo ag maro
masaajidka oo xaaladiisa booqano ,hadaba hadaanu nahay shacabka reer muqdisho
gaar ahaan xaafada cali-kamiin waxaanu ka codsanaynaa dowlada KMG ah inay
ciidankaasi nooga rarto masaajidkaasi si loo helo meel dadka muslimiinta ahi ay
ku cibaadaystaan''
Masaajidka weyn ee ku yaala xaafada cali-kamiin oo ahaa masaajid qadiim ah oo ay
ku cibaadaystaan kumaanaan qof ayaa ahaa masaajidka ay ku kulmaan culimada
ehelu-suna sida uu noo sheegay mid kamida dadka degan xaafadaasi islamrkaana ka
mid noqday degaanada ay ka taliyaan ciidamada xukuumada ethiopia ee ku sugan
caasimada muqdisho.
Si kastaba ha ahaatee tan iyo intii ay ciidamada xukuumada Ethiopia gacanta ku
haynteeda la wareegeen magaalada caasimada ah ee muqdisho ayaa waxaa kasoo
if-baxaya dhibaatooyin ay ka cabanaayaan dadka shacabka ahi ee degan xaafadaha
iyo goobaha ay degan yihiin ciidanka ethiopia iyo weliba masaajidada lagu
cibaadaysto oo qaarkood noqday meel ay gabaad ka dhigtaan ciidamada ethiopianka
ahi taasoo aysan jirin qof masuul ah oo ka tirsan dowlada KMG ah oo ka hadlay
arintaasi.
yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2007


|