Wararkii: May 14, 2007
- Soomaalida Canada oo Dhigay Mudaharaad
ay kaga soo horjeedaan Itoobiya
- Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee
Soomaaliya wuxuu soo dedejinayaa Burburka Itoobiya ...
- Dilkii loo gaystay saraakiil ka tirsan
la dagaalanka Argagixisada waxa uu ahaa mid…
- Dagaalo qaraar oo labo beelood ku dhex
maraya deegaano ka tirsan Gobolka SH/Dhexe ..
- Ciidamada Uganda oo Muqdisho ka wada
howlo lagu saarayo Miinooyinka ..
- C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah la
yeeshay Beesha reer Xaaji Suleymaan..
- Beesha Murusade oo taageertey Dowladda
balse ka cabaneysa ...
Soomaalida Canada oo Dhigay Mudaharaad ay kaga
soo horjeedaan Itoobiya
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan magalooyinka
Toronto iyo Ottawa ee dalka Canada ayaa waxay dhigeen mudaharad ay ku
muujinayaan sida ay uga xunyihiin duulaanka ay Itoobiya ku soo qaaday Soomaaliya
iyo xasuuqa dadka Soomaaliyeed lagu xasuuqay Magaalada Muqdisho. In kabadan 200
qof ayaa galabnimadii Jimcadii isugu soo baxay barxadda hore ee baarlamaanka
Canada (Parliament Hill), kaddibna waxay socod ku tageen Safaarada Maraykanka ee
ku taal wadada Sussex drive, ugu dambayntiina waxay gaareen safaarada Itoobiya
oo ku taal wadada Slater Street.
"Itoobiya haka baxdo Soomaaliya, Maraykanku ha
joojiyo dagaalka Maqaar-saarka ah, Meles Zenawi ha dhaco, dilka hala joojiyo,
gumeysi ma ogolis, xasuuqa hala joojiyo..." ayaa ka mid ah erayadii ay ku
dhawaaqayeen dadka mudaharaadka dhigayey.
"Aaway Canada, waa maxay jawaabta ay
dawladanadu ka bixineyso masiibadaas" ayuu yiri Cabdullaahi Axmed oo ah arday,
waxana uu intaas kudaray "ilaa hadda wax aan aamusnaan ahayn kama maqal
dawladanada."
Sawirada ka daawo
halkan.... GUJI...

Joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya
wuxuu soo dedejinayaa Burburka Itoobiya ...
Qoraa ka tirsan Shabakada Arabic-Online ayaa waxa uu sheegay in ciidamada
Itoobiya iyo kuwa Dowladda Fedeaalka ay xasuuq ka gaysteen gudaha dalka
Soomaaliya, isla markaana ay barakaciyeen ilaa iyo dad gaaraya hal Milyan oo
qof. Qoraagu waxa uu sheegay in joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya ay
soo dedejin karto burburka wadanka Itoobiya, haddii aysan Ciidamada Itoobiya
sida ugu dhaqsiyaha badan uga bixin gudaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in
dagaalkii ka dhacay deegaanka Aboole uu ahaa mid ka yimid joogitaanka ciidamada
Itoobiya ee gudaha dalka Soomaaliya, sidoo kale qoraagu waxa uu sheegay in
ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya xitaa ay ka faa’iideysan karto
dowladda Ereteriya, madaama ciidamada Itoobiya xoogooda ku maqan yihiin gudaha
dalka Soomaaliya, waxaa kale oo uu sheegay in deegaano ka tirsan wadanka
Itoobiya iyana ay ka bilowdeen dagaalo u dhexeeye dad ka kala soo jeeda Islaam
iyo Kirishtaan kuwaas oo isku gaysteen khasaarooyin naf iyo maalba ah, qoraagu
waxaa kale oo uu sheegay in ciidamada Itoobiya haatan ay isugu soo hareen beesha
uu ka soo jeedo Miles Zenawi, iyadoo inta badan ciidamada ka goostaan ciidamo ka
soo jeeda beelaha kale, kuwaas oo gala dalalka deriska la ah Itoobiya.
Dilkii loo gaystay saraakiil ka tirsan la
dagaalanka Argagixisada waxa uu ahaa mid…
Iyadoo maalintii doraad ahayd Magaalada Muqdisho lagu dilay afar sarkaal oo ka
tirsan qaybta waxa loogu yeero la dagaalanka argagixisada ee Dowladda Federaalka
kaddib markii gaari ay saarnaayeen loo dhigay Miino meel fog laga hayey, ayaa
sariikaashaani waxaa dilkooda lagu tilmaamay mid si aad ah loo soo qorsheeyey
iyadoo dowladda federaalka ku tilmaantay mid ay ka dambeeyeen kooxaha
argagixisada ah.
Dilka Saraakiishaan ayaa Dowladdu Federaalku u xirxirtay dhowr qofood oo la
sheegay in ay ka ag dhawaayeen goobtii uu ka dhacay qaraxaasi, hase yeeshee qaar
ka mid ah dadka xirxiran qaraabadooda ayaa sheegay in dadkooda si gardaro ah
lagu haysto, isla markaana qaarkooda lagala baxay guryahooda.
Saraakiishaan oo hawlo dhinaca la dagaalanka waxa loogu yeero la dagaalanka
aragagixisada ka waday Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu dilkoodu is bedel weyn ku
keenay xaaladda nabadgelyo ee Magaalada Muqdisho oo waayadanba ay ka jireen
qaraxyo tan iyo intii la magacaabay Guddoomiyaha cusub ee gobalka Banaadir
Max’ed Dheere.
Qaraxaan waxa uu ku soo beegmay xili uu Magaalada Muqdisho soo gaaray kaaliyaha
xoghayaha arrimaha Bini’aadannimada ee Qaramada Midoobey, waxaana la sheegay in
wafdigaani sida ugu dhaqsiyaha badan uga ambabaxeen Magaalada Muqdisho kaddib
markii loo cabsaday ammaankooda, iyadoo Max’ed Dheere dhawaan wareysi uu bixiyey
in Dowladda Federaalka ay gacan bir ah ku qaban doonto amniga Magaalada
Muqdisho.
Dagaalo qaraar oo labo beelood ku dhex
maraya deegaano ka tirsan Gobolka SH/Dhexe ..
Wararka naga soo gaaraya gobalka Sh/dhexe waxay sheegayaan in deegaano ka tirsan
gobalkaasi, gaar ahaan deegaanka Ceel-Garas ay shalay ka dhaceen dagaalo u
dhexeeya labo beelood oo hal beel ka soo wada jeeda, waxaana dagaalkaasi ku
geeryooday ilaa iyo 15 qofood, waxaana lagu gubay ilaa iyo dhowr iyo taban
beerood iyo dhowr iyo toban tuulo. Dagaalkaan ayaa waxa uu salka ku hayaa aano
qabiil oo horey u dhacday.
Maamulka Cusub ee Gobalka Sh/dhexe oo shalay ciidamo u diray halkaasi ayaa ku
guuldareysatay in uu kala dhex galo labada beelood, waxaana lagu waramay in
ciidamadaasi ay dib isaga soo laabteen Magaalada, sidoo kale ma jiraan wax
odoyaal ah oo ku kala dhex jira labada beelood, hase yeeshee waxaa soo gaaraya
labada beelood baaqyo lagaga dalbanayo in ay dagaalka joojiyaan oo la wada
hadlo.
Ciidamada Uganda oo Muqdisho ka wada howlo
lagu saarayo Miinooyinka ..
Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa shalay bilaabay hawlo
miinooyinka kaga saarayaan Magaalada Muqdisho, gaar ahaan goobihii ay ka dhaceen
dagaaladii u dhexeeyey Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka oo dhianc
dhinac ah iyo kooxihii ka soo horjeeday.
Ciidamaan oo miinooyinka ku baaraya qalab casri ah ayaa maalmihii la soo dhaafay
waxay qarxiyeen dhowr miino oo la dhigay wadooyinka Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamada Uganda ayaa u soo jeediyey shacabka Soomaaliyeed in ay
ciidamada Uganda kala shaqeeyaan saarista miinooyinka si looga badbaadiyo dadka
waxyeelada ay leeyihiin.
Ciidamada Uganda oo tiradooda lagu sheegay 1500 oo askari, ayaa sidoo kale waxay
Magaalada Muqdisho ka bilaabeen hawlo ay ku nadiifinayaan qaar ka mid ah jidadka
Muqdisho oo ay buux dhaafiyeen qashan, sidoo kale waxa ay taakuleyn u fidiyeen
dadkii ka barakacay dagaalkii Muqdisho.
C/llaahi Yuusuf oo kulan gaar ah la yeeshay
Beesha reer Xaaji Suleymaan..
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalmahan waday kulamo uu la yeelahay
beelaha Soomaaliya, kaddib markii Muqdisho uu ka dhacay dagaal aad u qararaa oo
gaystay khasaar naf iyo maalba leh, waxa uuna madaxweynaha shalay la kulmay
siyaasiyiin iyo waxgarad ka tirsan Beesha Reer Xaaji Suleymaan, waxaana
kulankaasi la iskula soo qaaday sidii ay beeshu uga qayb-qaadan lahay nabad ka
dhacda Muqdisho, iyadoo Madaxweynuhu uu dhageysytay cabashooyin ay soo jeediyeen
beeshaasi, oo la xiriirta dhinaca Dowladda Federaalka.
Madaxweynaha waxa uu sheegay in Magaalada Muqdisho ay tahay mushkiladda ugu weyn
ee ka taagan dalka haddii la nabadeeyana dalkiisa intiisa kale uu nabad noqon
karo, waxaana ka mid ahaa xubnihii ka qaybglay kulankaasi Wasiirka Arrimaha
Gudaha Max’ed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere), Xildhibaan Cali Calas
Qaarey, Xildhibaan Max’ed Jaamac Furux, Xuseen Siyaad Qoor-Gaab, Axmed Diiriye
Cali, Suldaan Cali Axmed Nuur, Xuseen Siyaad Shirwac, iyo xubno kale oo fara
badan.
Beesha Murusade oo taageertey Dowladda
balse ka cabaneysa ...
Siyaasiyiin, Odoyaal iyo culima’udiin ka tirsan Beesha Murusade ayaa shalay
kulan ku yeeshay Hotel Amiira, waxaana kulankaasi looga hadlay sidii ay beeshu
door muhiim ah uga qaadan lahayd hawlaha nabadeynta ah ee ka socda dalka gaar
ahaan Magaalada Muqdisho, waxay kaloo beeshu kulankooda uga hadashay cabashooyin
ay ka tirsaneyso dowladda Federaalka oo la xiriira dhinaca awood qaybsiga.
Wasiirka Beeraha C/qaadir Nuur Caraale ayaa waxa uu sheegay in Beesha ay si
buuxda u taageersan Dowladda Federaalka balse loo baahan yahay in si cadaalad ah
wax lagu qaybsado, waxaa kaloo uu sheegay in xalka Soomaaliya uu ku jiro ummadda
Soomaaliyeed taas oo lagu gaari karo nabad buuxda, sidoo kale waxaa ka hadlay
Xildhibaan Cabdi Max’ed Dhuxulow (Dheg-Dheer) oo isna sheegay in Beeshu ay wixii
haatan ka dambeeya ay diyaar u tahay in ay la shaqeyso Dowladda.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 207
Qarax ay
ku dhinteen Saraakiil ka tirsan
Nabadsugida Dowladda Federaalka
::Daahir Riyaale “Ciidamada Itoobiya ee
ku sugan Muqdisho
::Geedi oo xilkii ka qaadey Xuseen
Caydiid iyo Barre Hiiraale.
::Ciidamo Itoobiyaan ah oo gaarey
Magaaladda Jowhar
::Wadada isku xirta muqdisho iyo
Baydhabo iyo Burcadda
::Ururka B/Afrika oo Itoobiya iyo DFKMG
ku eedeeyey..
::30 Neef oo Geel ah oo loogu deeqey
maamulka banaaadir
::Wakiilka UN ee soomaaliya oo ku baaqey
in Maxkamadaha
::Dalka Ereteriya oo ay ku qulqulayaan
kooxaha sida aadka
::Dowladda Uganda oo qoraal u dirtey
Ururka Midowga Afrika
Wararka
oo dhan ka akhri halkan.... May 13
Masaajidada Magaalada Muqdisho Oo
Qaarkood Hoy U Noqday Ciidamada Ethiopia
.Ganacasadde Caan ah Oo ay Af-duubteen
Itoobiyaanku...
.Musharax isu Soo Taagay Xilka
Madaxweynanimo ee DGPL
Wararka oo dhan ka akhri halkan....
May 12
Cadde
Muuse Waqtigii uu u Qabtay in Shirkadaha
Batroolku ay Hawshooda bilaabaan oo ku
ekaa May 11
Saddex
bilood ayaa ka soo wareegtey markii uu
Madaxweynaha DGPL sheegay in ay mudo 3 bilood
gudahood ah ay ku imaan doonaan
shirkadaha macdanta si ay u hawl galaan. Haddaba mar
haddii waqtigii la dhaafay
Akhri
Wafdigii uu hoggaaminayay wakiilka
Xoghayaha Guud ee UN u qaabilsan
arrimaha bini’aadanimada oo Muqdisho
soo gaaray lana kulmay qarax sababay
inuu deg-deg dib ugu laabto Nairobi...
Akhri....
Ururka
Ardayda Soomaaliyeed Ee Suuriya Oo
Qabtay Xaflad Sharafeed Loogu Mahad-
Celinayey Ganacsade Reer Suuriya Ah Oo
Wiil Soomaaliyeed Gargaar U Fidiyey...
Akhri..


|