Sannad Guuraadii 13aad ee Jaaliyadda Isutagga
Somaliyeed ee Minnesota (CSCM).
Habeenimadii xalay oo bishu ay ahayd May
12, 2007, ayaa xaflad casho sharaf ah oo lagu maamuusayey sannad guuradii 13aad
ee ka soo wareegtay aasaaskii Jaaliyadda Isutagga Soomaliyeed ee Minnesota [The
Confederation of Somali Community in Minnesota (CSCM)], lagu qabtay, halka loo
yaqaan Profile Music Management Hall.

Cashadaas oo dadweyne aad u faro badani ka soo qayb galeen, ayaa Ururku waxuu u
soo bandhigay dadweynihii halkaa isugu yimid oo ka koobnaa Somali iyo marti
sharaf kaleba, wax qabadkii ururka tan iyo muddadii dhidibada loo taagay.
CSCM oo runtii caan ku ah u adeegidda danaha Ummadda Soomaliyeed ee ku dhaqan
gobolka Minnesota, ayaa waxuu ka hawl galaa, saddex xarumood oo kala ah: 1.
Brian Coyle Center, 2. People’s Center, iyo 3. East African Women’s Center oo
dhammaantood ku yaal magaalada Minneapolis ee Minnesota.
Sandra Vargas oo ah Madaxweynaha hay’adda loo yaqaan Minneapolis Foundation,
kana mid ahayd martidii xalay halkaa ka hadashay, ayaa ammaan iyo bogaadinba u
soo jeedisay ururkan Jaaliyadda Isutagga Soomaliyeed ee Minensota iyo adeegga ay
u hayaan Ummadda Soomaliyeed ee ku nool gobolkan Minnesota . Ms. Vargas, waxay
qirtay inuu yahay urur ku dayasho mudan.

Waxaa isaguna halkaa ka hadlay Mr. Tony Wagner oo ah madaxweynaha Pillsbury
United Community oo ah urur ay wada shaqayni ka dhaxayso kan Jaaliyadda
Isutagga Soomaliyeed.
Waxaa kaloo xafladdan hadallo kasoo jeediyay;
1. Habiba Harun, oo ah madaxa urur la yiraahdo Immigrant Education
Center,oo ka hawlgala magaalada Owatonna ee Minnesota, iyo
2. Ahmed Halane, madaxa ururka la yiraahdo “Disabled Somali Organization oo
ka hawlgala magaalada Rochester ee Minnesota.
Waxaan marnaba la illaawi karin kaalintii hobolada/fannaaniinta qaranka ee
Waaberi, sida Mohamoud Abdullahi Esse (Singub), Sahra Siyaad, Ahmed A. Egal, iyo
qaar kaloo badan oo halkaa wacdaro ka muujiyey.

Gabagabadii, waxaa ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka soo bandhigay dhallinyaro
Soomaliyeed oo wax ka barata dugsiyada iyo Jaamicadaha Minnesota, kana tirsan
isla Jaaliyadda Isutagga Somaliyed (CSCM).
Munaasibddaas ayaa si aad u wanaagsan ku soo dhammaatay, waxaana si wada jir ah
u xiriirinayey:
- Said Osman Fahiye (Said Shaa’ir), iyo Abdirizak M. Dirir (Ducaysane).
Abdimalik Askar, Somali Media
aabdimalik@hotmail.com
May 13, 2007


|