Dowladaha Ethiopia iyo Kuweyt oo kawada hadlay
xaaladda dalka Soomaaliya
Ra’isal wasaaraha dowladda Itoobiya Melles Zenawi oo booqasho ku jooga dalka
Kuweyt ayaa wuxuu halkaasi kula kulmay dhigiisa Kuweyt Sheekh Naasir Maxamed
Al-Axmed Al-Sabaax oo ay kawada hadleen arrimaha dalka Soomaaliya.
Labada Ra’isal wasaare ayaa isku mowqif ka noqday in lala dagaalamo waxa ay ugu
yeereen argagixisada, waxayna sidoo kale isku raaceen inay muhim tahay in la
ilaaliyo midmada iyo madaxbanaanida dalka Soomaaliyam isla markaana la soo
afjaro qalalaasaha ka jira Soomaaliya.
Wakaalada wararka kuna ee dalka Kuwait oo soo xiganaysa sarkaal sare oo
wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kuwait u hadlay ayaa sheegtay in labada nin ay
ku heshiiyeen in ay iska kaashadaan la dagaalanka waxa ay ugu yeereen
argagixisada.
Zenawi oo dalka Kuweyt u tagay inuu heshiisyo la saxiixdo dowlada Kuwait ayaa
wuuu kulamo la yeelanayaa madaxda dalkaas oo qorshaha safarkiisa uu kala
hadlayaa.
sarkaalka ugu sareeyo Ciidamada Mareykanka
ee Geeska Afrika oo kulan balaaran la yeeshay Ra’isal wasaaraha Ethiopia
sarkaalkaan ugu sareeyo Ciidamada Mareykanka ee Geeska Afrika ayaa shir balaaran
kula qaatey xarunta dowlada Ethiopia Addis Ababa
Melles Zenawi, kulankaa ayaa wuxuu ku saabsanaa xaalada guud ee geeska africa
gaar ahaan tan somaliya oo maraykanku si gooni ah isha ugu haayo waayadan danbe
sidoo kale taliyaha ciidamnka maraykanka ee geeska africa wuxuu kale oo ka
hadlay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee Soomaaliya iyo taageerada buuxda ee
Mareykanku siinayo ciidamada Ethiopia oo uu dabada ka riixayo iyo guud ahaan
Gobolka.
hadalkaan ayaa waxaa faafisay wakaalda wararka ee Ethiopia iyo TV ga ba wuxuuna
ka soo baxay safaaradda Mareykanka ee Ethiopia sida la sheegay in safar qaatay
Labo maalmood oo uu Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Geeska afrika ku yimid
Ethiopia kulankaasine uu ku gabagaboobay is afgarad labada dhinac ah .
sidoo kale waxey Idaacaddu sheegtay in Ra’isal wasaaraha Ethiopia uu u sheegay
Taliyahaasi ciidamada Ethiopia ay qeyb ka yihiin ciidamada Afrikaanka ee ka
howlgalaya meelaha xasiloonidarradu ka jirto ee qaaradda Afrika, isagoo si gaar
ah u xusay in ciidamada Itoobiya ay howl weyn ka qabteen Soomaaliya, taas oo uu
ku sheegay in dhinaca nabad ku soo dabaalidda Soomaaliya gaar ahaan caasimadda
Muqdisho ay kaalin weyn ka qaateen haatanna ay diyaar u yihiin inay ka sii qeyb
qaataan.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623
May 13, 2007
Joogitaanka Ciidamada
Itoobiya ee Soomaaliya wuxuu soo dedejinayaa Burburka Itoobiya ...


|