Wararkii: May 16, 007
Laba Doonyood oo Laga Leeyahay Kuuriyada
Koonfureed oo Lagu Afduubay Xeebta Soomaaliya
Laba doonyood oo ah kuwa kalluumaysata oo laga
leeyahay dalka Koonfurta Kuuriya, kana diiwaan gashan dalka Tanzania ayaa
waxaa lagu afduubay badda Soomaaliya, sida laga soo weriyey wasaaradda
Arrimaha Dibadda ee South Korea oo akhbaarta ka heshay safaaradda ay ku
leeyihiin Kenya.
Doonyahan waxaa warku tibaaxay in la
afduubay Talaadadii (May 15, 2007) qiyaastii 12:40 p.m xilliga afrikada
Bari, waxayna ka soo ambabaxeen magaalada Mombasa Kenya iyagoo kusii jeedey
sida la sheegay Yemen, marayeyna sida la sheegay meel 180 miles u jirta
xeebta Soomaaliya.
Labada doonyood
waxaa saarnaa 24 shaqaale ah oo kala ah: 4 Kuuriyaan ah, 10 Chinese ah, 4
Indonesian ah, 3 Vietnamese ah, iyo 3 Indian ah.
Waxaa wararka ka imanaya caasimada SEOUL ay
sheegeen in loo malaynayo doonyahaas in ay afduubeen burcad Soomaaliyeed.
Bishii Janaayo (2007) ayey ahayd markii
wasaaradda Arrimaha dibadda ee Kuuriyada Koonfureed ay dadkeeda ka
mamnuucday in ay u safraan Soomaaliya arrimo ammaanka la xiriira awgeed.
Qarax xoogan Oo Lala Beegsaday Kolonyo
Baabuurta Ciidamada Ugaandha Oo Marayey Ex-Hotel Al-curuuba
Ugu yaraan 5-askari ayaa ku geeriyootay tiro intaas ka badana dhaawacyo kala
duwan ayaa soo gaaray kadib markii miino ay la Qaraxday kolonyo ciidamada
ugaandha ee muqdisho ku sugan.
Qaraxaan oo ka dhacay agagaarka hotelkii ex-alcuruuba ee magaalada muqdisho
halkaas oo ay marayeen gaadiid aad u fara badan oo kuwa dagaalka oo ay
wateen ciidamada ugaandha ee muqdisho ka howl galayey .

C/lahi Yuusuf iyo
Yoweri Museveni : Sawirka: May 15, 2007, New Visoion
"Yusuf Ahmed also held a
meeting with Hadija Aideed, widow of Hussein Aideed and her
three children at State House, the statement said."
Waa sida ay u qortay Jariidada New Vison ee Uganda
|
Dadka deegaanka oo aan xiriir dhinaca
isgaarsiinta ah la samaynay ayaa sheegay in 5-askari oo ka tirsan
ciidamada ugaandha ay ku geeriyoodeen qaraxaas oo ahaa mid lala
beegsaday ,islamarkaana sida ay sheegayaan goob joogayaasha ka ag dhowaa
goobta falkaasi ka dhacay ayaa ku tilmaamay inuu qaraxu ahaa nooca
miinada la hago.
Warbaahinta Uganda waxay qoreen in afar
askari ay dhinteen, shan kalena la dhaawacay.
Ciidamada ugaandha ee Amisom ee muqdisho ku sugan ayaa maalmihii u dambeeyey
ka waday howl galo ay ku sifaynayaan miinooyinka iyo walxaha qarxa ,ee ku
aasnaa wadooyinka iyo xaafadaha magaalada muqdisho ,iyagoo dhowr meelood ku
guulaystay inay ka soo bixiyaan miinooyin hore loogu aasay ,sida uu
saxaafada u xaqiijiyey captan Panddy Akunda oo ah afhayeenka ciidamada
midowga afrika ee soomaaliya ku sugan .
Si kastaba ha ahaatee waa markii ugu horaysay ee qarax toos ah lala beegsado
ciidamada amisom ee muqdisho ku sugan tan markii ay soomaaliya yimaadeen .
Yaasiin maxamed cali (faytin)
yaasiinfaytin@hotmail.com
Xisbiga RPP oo
warsaxafadeed ka soo saaray Shaqaalihii CARE Lagu Afduubay Puntland
Warsaxaafadeed uu afhayeenka xisbiga Ramaas Political Party C/Naasir Guure
Faarax[jeer] kasoo saaray maagaalada London ayuu wuxuu kaga hadlay lahays
taashii ha'yada Care.....
AKHRI...
Faahfaahin Dheeraad ah oo ka soo baxayso tirada dhimasho iyo dhaawac ee uu
geystay qarax xalay lala beegsaday dad meel shinemo ah...
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Qarax
ka dhashay bom gacmeed lagu tuuray goog lagu daawanayey filim ayaa geystay
qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac halis ah, qaraxaan ayaa xalay
habeenkii labaad markale ka dhacay Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo, ka
dib Bam gacmeed lagu tuuray goob Shaneemo ah oo ku taala bartamaha Degmada.
Ilaa
hada waxaa isa so taraya khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee uu geystay bam
lagu tuuray filimaanta lagu daawado waxaana dhimashadu ay gaaraysaa ilaa 6
lixqof halka dhaawacune uu yahay tiro intaa ka badan dadka dhintey ayaa 3 ka
mid ah ay ahaayeen caruur da'doodu ka hooseeyso 10 jiro warku wuxuu intaa ku
darayaa in ay isla goobtaasi ku geeriyoodeen,
Sidoo
kale in kasta oo aysan magaaladu lahayn isbitaal dowladeed ayaa hadana
Dhaawacyada durbadiiba loola cararay Isbitaalada si gaar ah loo leeyahay ee
Magaalada, yaa qaarkood waxba looga qaban waayeen Isbitaalada Baardheere,
waxaana qaar ka mid ah dadkii dhawacyada ahaa loo qaaday Isbitaalada
Magaalada Muqdisho.
Dhacdadaan ayaa noqonayso habeenkii labaad ee qarax noocaan oo kale ah lala
beegsado goobaha lagu daawado aflaanta sidaan oo kale ayaa habeen hore qarax
noocaan oo kale ah lagu tuuray goob ay dad ka buuxaan oo lagu daawanayey
filim.
Arintaa
ayaa ku cusub degmada baardheere iyo deegaanda ku heeran waxeyna ku soo
aaday xilli Degmada Baardheere uu ku sii baxayo isaga oo ku sii jeeda dhanka
kismaayo wasiirkii Gaashaandhiga ee Dowladda KMG Xil. Barre Hiiraale ee hore
oo xilkii laga xayuubiyey isaga oo baydhabo joogay markaa
Iska
horimaad si kama.ah u uga dhacay biyo cado ayaa geystey qasaare isugu jira
dhimasho iyo dhaawac
Lix qof
ayaa ku geeriyootay 4 kalana dhaawacyo ayaa ka so gaaray ka dib markii ay
kala shakiyeen kolonyo uu la socday Gudoomiyaha cusub ee Gobalka Sh/dhexe
Maxamed Cumar Deelle koox malleshiyo ah uu dhufays ugu jirtey koox kale oo
is-gaad-gaad ka dhaxeeyey .
Dad
goobjoogayaal ahaa ayaa sheegayo in Tuula Biya Cadde oo ka tirsan Gobalka
Sh/dhexe in maleeshiyaad ka mid ah kuwii dhawaan ku dagaalamay tuuladaasi ay
wadada u galeen Kolonyada mas'uuliyiinta Gobalka islamarkaana ay si bareer
ah rasaas ula beegsadeeniyaga oo ku qaldamay balse waagu markii uu baryey la
is gartey .
Iska
hor imaadka ayaa xabado la isla dhacayey mudo daqiiqado ka dib ayaa la
xaqiijinayaa in ugu yaraan 6-qof ay isla goobta ku geeriyoodeen oo ay
leeftey rasaastii la isku ridayey halka 4 kalana dhaawac uu kasoo gaaray,
sida ay xaqiijiyeen mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobalka.
Mid ka
mid ah Maamulka gobolka ayaa saxaafada u sheegay in la la'yahay 8-ka mid ah
Ciidamada Maamulka iyo 2-wariye oo la kala yiraahdo Axmed Xasan Mahad iyo
Abshir Cali Gabre oo magaalada jowhar uga soo warami jiray mid ka mid ah
Idaacadaha muqdisho ku yaala .
Meelihii uu xalay ka dhacay iska hor imaadka ayaa hada degan, waxaana
mas'uuliyiinta Maamulka Gobalka Sh/dhexe ay saakay tuulada Biya Cadde kasii
wadan doonaan u jeedadii ay halkaasi u aadeen ka dib markii l ais gartey
maleeshiyaadka wadada jooga iyo Ciiddamada Maamulka.
dablay aan heybtooda la garaneyn ayaa Kooxo hubaysan oo aan la garaneyn ayaa
xalay Bam-gacmeed ku weeraray xarunta Saldhiga Ciidamada Booliska ee ku
yaala Degmada Heliwaa ee Magaalada Muqdisho.
Waxaana
goobtaa ku uu dhaawac ka soo gaaray Askari ka mid ah Ciidamada Booliska ee
ka tirsanaa saldhiga bamka lala beegsaday sida la ogyahay , waxaana goobtaa
ku dhexmaray ciidanka boliska iyo kooxihii weerarka geystayis rasaaseyn
mudo gaaban socotey intaa ka dibna waxaa u suurta gashay kooxihii weerarka
geystay in ay goobta ka baxsadeen
Qaraxa
oo dhacay abaarihii fiidnimo ayaa saameyn ballaaran ku yeeshay isusocodka
dadka iyo gaadiidka, waxaana gabi ahaanba la jaray wadada hormarta saldhiga
iyo nawaaxigeeda.
Xaaladda agagaarka Saldhiga Degmada Heliwaa ayaa saakay degan, iyadoona
isusocodka dadka iyo gawaaridaba uu caadi kusoo laabtay.
Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed iyo
yuweeri Musaveni oo si isku mid ah ugu baaqay in ciidamo ka badan inta hada
joogto gudaha somaliya la keeno....
Kulanku dhexmaray Magaalada Kampalla ee caasimadda dalka Uganda ayey si wada
jir ah uga soo saareen baaq ku wajahan in la kordhiyo ciidamo oo nabad
ilaalinteed ee Somalia ka howlgalaya.
Labada hogaamiye ayaa hadalkan ku sheegay shir jaraa’id oo ay wada jir ugu
qabteen magaalada Kampala ee dalka Uganda, iyagoo ugu baaqay dalalka horey u
balan qaaday ciidamada inay dhaqso u soo diraan askartooda oo ay ku soo
biiriyaan howsha nabada ilaalinta ee Midowga Africa ay ka wado Somalia.
Madaxweyne C/laahi Yusuf ayaa sheegay in dowladiisa ay ugu baaqayso wadamada
yaboohay ciidamada inay soo diraan ciidamadooda oo ay soo garab istaagaan
ciidamada Uganda ka jooga Soomaaliya.
Waxa uu intaa ku daray in baahi weyn loo qabo in la soo dhameystiro tirada
ciidamada Midowga Africa ee horey loo balan qaaday.
Madaxweyne Musaveni ayaa isna sheegay in dhaqso loogu baahan yahay in la
dhiso ciidamada Somalia sababtoo ah buu yiri ciidamada nabad ilaaliyaasha
weligooda ma joogaan Somalia.
Musaveni waxa uu ku booriyey wadamada Afrikaanka inay ciidamadoda u soo
diraan Somalia xitaa haddii ay sii socdaan rabshadaha si Somalia loogu soo
dabaalo xasilooni.
Waxa uu sheegay in wadamada yaboohay ciidamada oo aanay sugin inta nabada
laga dhalinayo, balse iyaga waxa ka keenaan nabada.
Waxa uu yiri "waxba tarimayso inaan fikrada Q.M ee ah in la sugo inta nabada
laga soo celinayo balse waa naf badan loo huraa oo la tagaa Somalia si nabad
loo keeno, oo dalkaasi uu dib cagahisa isugu taagi lahaa mar kale sidii lagu
sameeyey oo kale dalka Brundi oo iyadoo ay dagaalo ka jiraan ciidamo lo
diray, laguna guuleystay in xasilooni lagu soo dabaalo,"
Madaxweynaha Somalia ayaa isna sheegay haddii la helo tirada loo baahan
yahay ee nabada ilaaliyaasha ee yabooheen Midowga Afrika in markaasi ay
dowladiisa ay si wadi doonto inay ka adkaato cadowga dadka Somalia, isagoo
cadowgaasi ku sheegay kooxaha asal raaca, waa sida uu hadalka u dhigayee.
Hadal gaar ah oo ay ka soo wada saareen madaxtooyada Uganda ayaa madaxweyne
Musaveni waxa uu ugu baaqay madaxweyne Yusuf inuu hubiyo in dhamaan qeybaha
somalida oo ay ku jiraan maxaakimta Islaamiga lagu daro dowlada.
Dhinaca kale madaxweyne C/laahi ayaa intii u joogay madaxtooyada Kampala
waxa uu la kulmay xaaska Xuseen Caydid ee Khadiija iyo saddex caruur ah oo
ay dhashay, sida lagu sheegay bayaanka, laakiin lama sheegin waxa uu kala
hadlay afada Xuseen Caydiid oo dhowaan laga qaaday xilkii wasiirka howlaha
guud iyo guryeenta, ka dib markii uu ku biirey kooxaha ka soo horjeeda
siyaasadda Madaxweyne Yuusuf.
Kolonyo Ciidamada ugandha ( AMISOM) oo ku
dhacay dabin wax qarxa ah loona dhigay wadada dhexdeeda kaas oo geystey
qasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ah
Dabinkaan lala helay ciidanka ugandha walxaha qarxa ayaa ka dhacay agagaarka
wasaaradii hore ee Maaliyadda ee degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho,
xilli halkaasi ay ku marayeen rondo kolonyo gaadiid ah oo ay wateen
ciidamada Uganda sida ay xaqiijiyeen dad ku sugnaa goobta shilku ka dhacay
..
Qaraxaan ayaa dilay 4 ka mid ahaa ciidamada AMISOM (in kasta oo ay jiraan
tiradaas gaaarsiinaya 5) iyo sedex qof oo Somali rayid ah kuwaas oo hilbo
noqday aan lakala garaneynin warar qaar ayaa sheegayo in ay ka mid ahaayeen
saraakiil yugaandhees ah dadka shilkaan wax ku noqday
Waxaanse weli si sax ah loo ogeyn inta uu la egyahay qasaaraha dhabta ah ee
uu geystey qaraxaani oo si weyn looga maqlay xaafadaha ku dhow dhow degmada
X/weyne,
Sidoo kale waxaan la garaneynin cida ka danbeysay dhagartaan weyn ee loo
dhigay kolonyo rondo ku sameyneysay qaar ka mid ah xaafadaha magaalda
muqdisho ciidamada Uganda waxaa la qaba waxyeelada soo gaartey dad rayid ah
oo somaliyeed oo marayey wadada hareeradeeda kuwaasi oo uu qaraxu ka dhigay
hilbo caadi ah si ay qireen goobjoogayaal Somali ah wuxuuna dhacay abarihii
8:50 Mirir subaxnimo, xiriir ay saxaafadu la sameysay Afhayeenka ciidamada
Midowga Africa Captain Paddy Ankunda wuxuu saxaafada u sheegay in ay
dhibaato ka soo gaartay ciidamada Uganda qaraxaasi balse wuu ka gaabsaday in
uu bixiyo wax faahfaahsan oo intaa dheer.
Gudoomiyaha degmada X/weyne Ibraahim Sahal oo wareysi siiyey saxaafada isne
ayaa waxa uu xaqiijiyey in qarax xoogan uu dhacay oo geeystay qasaaro naf
iyo maalba leh sidoo kale isne waa uu ka gaabsaday in uu intaa ka badan
sheego .
Dadka deegaanka iyo qaar kale o socoto ah ayaa dhamaan wada qiray dhimashada
soo gaartey ciidanka ugandha iyo somalida waxayna farta ku fiiqeen in qaraxa
uu ahaa mid laga naxay oo bixiyey dhawaq aad u weyn
Goobta qaraxu ka dhacay ayaa waxaa tegay ciidamada dowlada fadaraalka KMG
somaliyeed kuwaas oo hada bilaabay in ay goobta falku ka dhacay baaritaano
ku sameeyaan
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623
Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2007
.C/llaahi Yuusuf oo ka
dalbaday Madaxweynaha Uganda in..
.Sheekh Shariif: Mareykanka isaga ayaa sabab u ah...
.Weerarkii lagu qaaday xarumaha WHO iyo UNICEF oo..
.C/Qaybdiid oo sheegay in ay jiraan rag wata Direyskii oo...
.Max’ed dheere oo ka qaybgalay Caleemo saarkii Wiilkii..
.Xarunta Ismaaciil Jimcaale oo walwa ka muujisey Qaraxyada
Wararka oo dhan ka akhri
halkan.... May 16
Yoweri Museveni: Soomaalida ayaa
laga rabaa in ay Qarankooda dhistaan...
Madaxweynaha Dalka Uganda oo Talaadadii (May 15) su'aalo laga weydiiyey
arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in qaranka Soomaaliya ay Soomaalidu
burburisey sidaas daraadeedna ay tahay in Soomaalidu qarankooda
dhistaan. Hadalkaas Yoweri Museveni waxa uu yiri xilli uu la kulmay
Madaxweynaah DFKMG oo booqday Uganda... Dhanka kale C/laahi Yuusuf waxa
uu guriga madaxtooyada Uganda kula kulmay Khadiija (Xaaskii Caydiid) iyo
saddex carruur ah oo ay dhashay....
Eeg halkan..
Puntland: Labadii ka tirsanaa CARE
oo la siidaayey iyo Bayaan ka soo baxay dadkii afduubay::
Talaadadii (May 15) ayaa la siidaayey labadii ka tirsanaa hay'adda
CARE oo May 9keedii lagu afduubay tuulada Xiriiro oo qiyaastii 120km (75
miles) u jirta Boosaaso. Labada qof ee la afduubay ayaa u dhashay
Britain (Ireland) iyo Kenya.
Dagaalka Qarsoon ee Batroolka:
Qoraal dheer oo warbixin lagaga qoray Soomaaliya ayaa lagu xusay
hadalkii Afhayeenkii hore ee Hawlgalkii Qaramada Midoobey ee Ciraaq
2003, Salim Lone, oo hadda ah qoraa ka tirsan jariida Daily Nation iee
Kenya, oo dhawaan u waramay telefishanka Democracy Now. Hadalkaas oo
ahaa: "Ra'iisul wasaaraha (DFKMG, Geeddi) isku daygiisa in uu u gacan
haadiyo shirkadaha Batroolka waxay u dhigantaa qayladiisa uu markasta ku
qaylinayo Al-Qaeda. Markasta oo aad waraysi ka qaadid saraakaal
Soomaaliyeed, waxa ugu horeeya ee aad ka maqleysaa waa Al-Qaeda iyo
Argaggaxiso. Taas ayey isticmaalayaan. Qof taas rumaysan ma jiro. Qof
taas rumaysani ma jiro haba yaratee, sababtoo ah dhammaan warbixinada
madaxa bannaani waxay tibaaxayaan arrin taas ka duwan. Akhri: [The
Hidden War for Oil]
"Cali Maxamed Geeddi Guri Villa ah miyuu
ka iibsadey Nairobi" Waa hadal haynta Muqdisho...
"Waxyaabaha loogu hadal haynta badan yahay
Muqdisho waa in Geeddi uu guri Villa ah ka gatay Nairobi iyo in qaramada
Midoobey shaqaalohoodii oo dhan kala baxeen Muqdisho", Sidaa qoray qoraal
kusoo baxay Inner City Press. Qoraalkaasi waxa uu sheegay in arrinta
loogu hadal haynta badan yahay Muqdisho ay tahay in Ra'iisul wasaaraha
DFKMG, Cali Maxamed Geeddi uu dhowaan Nairobi ka gatay guril Villa ah.
Taageerayaasha aadka ah ee DFKMG waxay rabaan in ay arrintaas caddayn loo
helo. Tan kale qormadu waxay xustay sida lacagata loogu raadinayo kulanka
dib u heshiisiinta Soomaalida... AKHRI....
Maraykanka oo Sheegay in Loo Baahan yahay in la
Bedelo Hoggaanka Sare ee DKMG...
Dr. Frazer: uma malaynayo in dawladda
Madaxweyne Yuusuf taagnaan karto....
Raadiyaha Maraykanka ee VOA laantiisa Afka
Soomaalida oo waraysi la yeelatay Kaaliyaha Xoghaya Arrimaha Dibadda ee
Maraykanka u qaabilsan arrimaha Soomaaliya, Jendayi Frazer, ayaa la weydiiyey
su'aal ahayd "Kalsooni intee inle'eg ayaad ku qabtaa Madaxda Sare ee Dawladda
Kumeelgaarka ah (ee Soomaaliya)"...
Halkan
ka dhegeyso
Kaaliyaha Xoghaya Arrimaha Dibadda ee
Maraykanka Dr. Frazer waxay kaga jawaabtey: Waxaan u malaynaya in hoggaanka sare
ee Dawladda Kumeelgaarka ah uu u baahan yahay in la bedelo. Madaxweyne
Cabdullaahi Yuusuf waxa uu hoggaamiyaa dawlad kumeel gaar ah oo saldhigeedu uu
yahay hannaanka awood qaybsiga ee 4.5 taasi oo waqti hore ka soo baxday wada
hadalladii lagu qabtay Nairobi, waxaan filayaa in kulanka dib u heshiisiinta
qaran uu fursan usiinayo bulshooyinka qabaa'ilada in ay dib isugu soo noqdaan
hannaankaasi awood qaybsiga ee 4.5 si ay u doortaan hoggaan meteli kara dhammaan
beelaha, waxaan u malaynayaa in taasi ay tahay qaybta ugu muhiimsan ee
hannaan-socodka dib u heshiisiinta, waan ku kalsoonahay madaxweyne Yuusuf, waan
la shaqayneynaa, laakiin uma malaynayo in dawladdiisu taagnaan karto, iyadoo tan
iyo xilligii la dhisay ay dheceen isbedello muhiim ah, waa in la fiiriyaa sidii
ay u noqon lahayd mid loo dhan yahay....
Halkan
ka dhegeyso
Soomaalida Canada oo Dhigay Mudaharaad ay kaga
soo horjeedaan Itoobiya
Jaaliyadda Soomaaliyeed ee deggan magalooyinka
Toronto iyo Ottawa ee dalka Canada ayaa waxay dhigeen mudaharad ay ku
muujinayaan sida ay uga xunyihiin duulaanka ay Itoobiya ku soo qaaday Soomaaliya
iyo xasuuqa dadka Soomaaliyeed lagu xasuuqay Magaalada Muqdisho. In kabadan 200
qof ayaa galabnimadii Jimcadii isugu soo baxay barxadda hore ee baarlamaanka
Canada (Parliament Hill), kaddibna waxay socod ku tageen Safaarada Maraykanka ee
ku taal wadada Sussex drive, ugu dambayntiina waxay gaareen safaarada Itoobiya
oo ku taal wadada Slater Street.
"Itoobiya haka baxdo Soomaaliya, Maraykanku ha
joojiyo dagaalka Maqaar-saarka ah, Meles Zenawi ha dhaco, dilka hala joojiyo,
gumeysi ma ogolis, xasuuqa hala joojiyo..." ayaa ka mid ah erayadii ay ku
dhawaaqayeen dadka mudaharaadka dhigayey.
"Aaway Canada, waa maxay jawaabta ay
dawladanadu ka bixineyso masiibadaas" ayuu yiri Cabdullaahi Axmed oo ah arday,
waxana uu intaas kudaray "ilaa hadda wax aan aamusnaan ahayn kama maqal
dawladanada."
Sawirada ka daawo
halkan.... GUJI...
