SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet
Daabaco Boggan | Print


Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya

Ali Mohamed Gedi
Prof. Cali Maxamed Geeddi oo Diyaarad Militari oo Itoobiyaan ah keentay Afgooye:29/12/06, Sawirka: AP.
Geeddi oo aan Weli Ka Jawaabin eedayntii ahayd in "uu Mas'uul ka ahaa Mamnuucidii Dhoofinta xoolaha Akhri

The rise and fall of Mogadishu's Islamic Courts,
The rise and fall of Mogadishu Islamic Courts
Read Here..

Democracy Now!VIDEO: "The Most Lawless War of Our Generation" - Fmr. UN Spokesperson on Somalia or Read here


VIDEO:: Ra'iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Mudane Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ka hadlaayo duulaanka cadowga Itoobiyaanku ku soo qaadeen Soomaaliya... DAAWO

VIDEO: Xeryaha ay Shacabku ku qaxeen

"Waxaan Rabnaa in aan Soomaaliya Ka Asaasno Dowlad aan wax Diin ah Shaqo Ku Lahayn
Maxkamaduhuna Waxay rabaan in ay Soomaaliya ka Asaasaan Dowlad Islaami ah" kuxigeenka wakiilka DFKMG ee UN Akhri...

ShiineDhagaxbuur: 9 Shaqaale Shiine ah iyo 65 askari oo Itoobiyaan ah ayaa lagu diley meel Shiinuhu Batrool Ka Baarayeen... Akhri..

ceelka conoco
Ceelka iyo Xaruntii Conoco, Garoowe, Soomaaliya... Akhri....


Nidaamka Islaamiga ee Wadaagga Batroolka: Laga bilaabo Morocco ilaa Indonesia: Q.3aad
Qaybta: 1aad | 2aad | 3aad

Dowlada FKMG Ah Ee Soomaaliya oo Indhaha Ka Laabatay Ceelasha Shidaalka Ee Ay Kenya Ka Baarayso Xadka Soomaaliya... Akhri

oil
Kenya ma Badda Soomaaliyeed ayey Shidaal Ka Qodaneysaa?
Dawladda Kenya ayaa dardar gelisey baaritanka batroolka ay ka wado xeebta, waxaana soo baxay warar tibaaxaya
Akhri



Itoobiyaan baaraya laba nin oo Soomaali. Muqdisho. AFP - Jan 13, 2006


Taangi Itoobiyaan ah oo taagan garoonka muqdisho - AFP - Dec 2006

NEWSARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA

:::QUIXTAR:::
Lacag
Soomaalida Deggan Woqooyiga Ameerika Maxay Kala Kulmeen "Quixtar"... Guji
:::SOMALIDA KENYA & POOL:::

Soomaalida Deggan Nairobi Maxay Kala Kulmeen "Pool"

Waa "Quixtarka Kenya" Guji

Weerar lala Beegsaday Ciidamada Itoobiya ku sugan Wasaaradii Hore ee Gaashaandhigga...

May 22, 2007: Waxaa weerar lala beegsaday ciidamda Itoobiya ee ku sugan wasaaraddii hore ee Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho, halkaas oo laga maqlayey madaafiic culus oo ka dhacaysa. Weli lama oga khasaaraha halkaas ka dhacay.

Madaxweyne ku xigeenka DGPL oo sheegay in ay Shirka Xamar ku tegayaan maamul ahaan (Puntland) -  Dhegeyso.

Madaxweyne kuxigeenka DGPL oo la hadlaayey warbaahinta Puntland ayaa sheegey in shirka Muqdisho qaabka loo dhigay uu yahay mid  Koonfurta loogu talo galay. Waxana uu intaas ku daray in shirka Muqdisho laga siin doono tiro ayna ku tegayaan Puntland ahaan. Dhegeyso....


Qarax miino oo Subaxnimadii Isniintii ka dhacay degmada Dayniile.

Aroornimadii Isniintii ayaa ciidamo kolonyo Ethiopian ah oo marayey inta u dahxeyso Kulliyadii hore ee Jaalle Siyaad iyo wasaaradii gaashaandhiga lala beegsaday qarax miino oo sida la sheegay wadada dhinaceeda lagu aasay.

Warku wuxuu intaa ku darayaan in qaraxaasi uusan gaysan khasaare, isla markaana ay ka badbaadeen gaadiidkii iyo ciidankii Ethiopianka ahaaba ciidamada iyada oo uu qaraxaasi dhaawac ka soo gaaray hal ruux inkastoo rasaas xoogan ay fureen ciidamada Ethiopia uu ku geeriyooday qof rayid ah oo wadada mareysay.

Askarta Ethiopia ayaa halkaa ka wateen nin la sheegay in lagu tuhmay in uu ka ku luglahaa falka qaraxaasi sidoo kale waxay ka xaysteen dadkii xiligii qaraxa dhacayey ku sugnaa halkaa waxayna la aadeen dhanka taliskii ciidanka asluubta somaliyeed ee KM 7 oo ay ku sii jeedeen.

Goobjoogayaal ka tirsanaa dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxaha falkan geystay ay xalay oo dhan ku mashquulsanaa dhigista miinadan oo ay dhigeen goob qashin qub ah, iyadoo lagu arkay goobta fiilooyinkii loo adeegsanayey qaraxa.

Qaraxyada ka dhacaya magaalada Muqdisho ayaa maalmahan noqday kuwo si taxan u dhaca iyadoo digniinno culus loo jeedinayo shaqsiyaadka ka danbeeya iyo dadka guryahooda la hor dhigayo oo la sheegu in gurigii wax lagu ag qarxiyo ay dowlada FKMG si toos ah ula warteegeyso.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666/002521653623
May 22, 2007

Soomaaliya iyo Sannadihii 1997-1998


Haamaha Sunta: Waa kuwaa...
Jariidad kasoo baxda dalka Talyaaniga oo lagu magcaabo Famiglia Cristiana ayaa daabacday qoraalo xiriir ah oo si waadax ah u faahfaahinaya eedaymo la xiriira sunta lagu duugay Soomaaliya oo ay jariidadu magcawday labada shirkadood ee kala ah Achair Partners (Swiss), iyo  Progresso (Italian). Baaritaankaas jariidada waxaa ka dambeeyey in European Green Party ay warbaahinta u soo bandhigeen isla mar ahaantaasna ay baarlamaanka Yurub u gudbiyeen nuqullo kamid ah heshiis ay kala saxiixdeen labadaas shirkadood iyo nin matalayey "madaxweynihii maamulkii Muqdisho markaas" Cali Mahdi Maxamed, heshiiskaas oo ahaa in Soomaaliya lagu duugo sun [toxic waste] miisaankeedu dhan yahay 10 million tonnes, taas oo looga beedeshey $80 million oo doolar. Ilaa xilligaas wixii ka dambeeyey Cali Mahdi waxa uu diidanaa in uu arintaas ka hadlo, in kasta oo baarlamaanka Talyaanigu baaritaan dambe oo uu sameeyey uu ku cadeeyey in heshiiskaasi dhacay. Heshiiskaasi wuxuu dhacay December 1991, waxaana Cali Mahdi Maxamed "maamulkisii" u saxiixay "Wasiirkiisii Caafimaadka" Nuur Cilmi CUsmaan ( Nur Elmy Osman ). Waxaana qorshuhu ahaa in sannadkiiba Soomaaliya lagu duugo sun miisan keedu dhan yahay 500,000 tons.

Talyaaniga: Xukuumadii Gumeysatey Itoobiya Shanta sano (1936-1941)

Dalalka Afrika waxay soo mareen xilli ay hoos galeen gumeystayaashii reer Yurub, arrintaas Itoobiya kama badbaadin, waxayna ahayd Talyaaniga dawladdii Itoobiya gumeysiga ku haysatey muddo shan sano ah (1936-1941). Dad badan ayaa is weydiiya: Maxaa loo yiraahdaa Itoobiya waa dalka keliya ee aan Afrika laga gumeysan. Arrintaas xeeldheerayaal Soomaaliyeed waxay kaga jawaabeen: Gumeystayaashii reer Yurub waxay db u gocdeen warqad uu Boqor Menelek u diray dawladaha reer Yurub 1891, warqaddaas oo Muujisay in "markii quwadihii Masiixiyiintu ay u soo hiilin waayeen Itoobiya in xeebta ay ka qabsadeen Muslimiin". Taas ayaa loo malaynayaa in ay dhalisay in Itoobiya lagu abaal mariyey laba arrimood oo ah: In la siiyo dhul Muslimiintu leeyihiin si ay gumeysto, iyo in aan taariikhda buugaagta reer Yurub lagu qorin in la Itoobiya uu Talyaanigu gumeystey, oo marka laga hadlayo xilligii uu Talyaanigu Gumeystey Itoobiya ee shanta sano ahayd in la yiraahdo waa: shan sano oo militari faashiiste ah haystey Itoobiya. Sababtaas ayaa keenta in buugaagta Itoobiya lagu qoro, haddiiba la qoro taraiikhdaas, sidan: "five-year military occupation of Ethiopia by fascists". Taas oo lagu xoojiyo oraahda ah: Itoobiya waxay ku faraxsan tahay in ay tahay dalka keliya ee Afrika ee aan la gumeysan: "Ethiopia proudly claims to be 'the only African country that has never been colonized'". Halkii xaqiiqada laga qori lahaa: Ethiopia was colonized by Italy for five years (1936-1941) - ama (Italy colonized Ethiopia for five years).

Talyaaniga: Waa Shardi in Itoobiya ay Ciidameeda Kala Baxdo Soomaaliya
.Shacabka Reer Uganda oo ka hor yimid in Ciidamadooda sii..
.Holland: Bannaanbax looga Soo horjeedey Ciidamada Itoobiya
.Wafdi ka socda Talyaaniga oo soo gaarey Muqdisho..
.DFKMG oo ergay u direysa Boqortooyada sucuudiga..
Wararkii oo dhan ka akhri halkan... May 20

Xildhibaan Ka Fakaday Itoobiya
fikruXildhibaan kasoo jeeda gobolka Galbeedka Itoobiya ee Benishangul Gumuz ayaa ka fakaday Itoobiya, magan-gelyo siyaasadeedna weydiistey dalka.. Akhri


Bayaan: Guddida nabadgalyada Somaliland oo ku xadgudubtay xuquuqda iyo xoriyadaha muwaadiniinta
Bayaan ka soo baxay Ururka Shuro-net... Akhri... May 19

Ciidamada ONLF oo qabsadey Magalaada Qalaafe.
Ciidamada Itoobiya oo gubey Tuulada Laasoole dad shacab ahna ku laayay... Akhri.... May 19

Kooxo burcad ah oo dil iyo dhac u geystay dad rakaab ah oo saarnaa gaari u socday Shalaanbood

Culuma'udiinka Gobolka Nugaal oo ku dhaliilay maamulka Puntland...
in aysan dan iyo heela-toona ka lahayn dadka u dhimanaya cudurka shuban biyoodka.... AKhri...


BintiBinti Jeylaani waxay u baahan tahay Gargaar deg deg ah.
Binti oo ay buro aad u weyn ka soo baxday afka, waxay ka soo jeeda qoys sabool ah oo waxba aan heysan, waxayna u baahan tahay in lala gaaro gargaar . Akhri



 


 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com