Ma caawin kartaa binti jeylaani ::: Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka iyo Yurub oo deeq lacageed tii ugu horeysay soo gaarsiiyay gabar Soomaaliyeed oo la ildaran buro afkeeda qarisay
Binti Jeylani Maxamed waa gabar ka soo jeedo qeys sabool ah waxeyna degan tahay baadiyaha owdheegle iyada oo yar ayey kuftay dabdeedna nabarkii ayaa ku cuslaaday oo koritaankeedii la jaanqaaday ilaa uu ka noqday nabar weyn oo buro oo kale ah waxaa la kulmay dad ka mid ahaa kuwii ka qaxay dagaaladii muqdisho ka dhacay waxeyna u sheegeen in gabadhaani ay u baahan tahay in la geeyo meel isbitaal ah arintaa ayaa algu dhiiri geliyey sidaa ayeyna magaalada muqdisho ooaysan cidna ka garaneyn ku soo gaadhay aabaheed Jelani ma raaco gawaarida oo wuxuu ka jecel yahay in uu lugeeyo waana cid iska danyar ah .
Binti Jeylaani oo xanuunsaneysa ayaa iminka ku jirta isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho, waxeyna u baahan tahay inay hesho daryeel caafimaad si ay u hesho qaliin looga sameeyey dhinaca faruurta, waxaana jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka dibadiisa iyo ganacasatada Soomaaliyeed loogu baaqayaa inay wax taraan si gabadhaas xaaladeeda caafimaad wax looga qabto.
Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666 /
002521653623
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka
iyo Yurub oo deeq lacageed tii ugu horeysay soo gaarsiiyay gabar Soomaaliyeed oo
la ildaran buro afkeeda qarisay...
Kaalmooyin kala duwan ayaa la soo gaarsiiyey maanta Markii ugu horeysay Binti
Jeylaani oo ah gabar Soomaaliyeed oo la ildaran buro uga soo baxday afka gaar
ahaan Carabka Hoostiisa taasoo gudihiisa waxba looga qaban waayey, iyadoo xubno
ka tirsan jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku kala nool Maraykanka iyo yurub ay
noqdeen kuwii ugu hooreeyey ee deeqdaasi lacageed u soo diray taasoo la doonayo
in wax looga qabto xaaladeeda caafimaad.
Dadaalka loogu jiro in gabadhaasi wax loogu qabto ayay sheegeen jaaliyadaha
Soomaaliyeed ee ku nool dalalka Maraykanka, Ingiriiska, Norway, Finland, Canada,
Sweden, Holland in ay diyaar u yihiin wax u qabashada Gabdhaas iyo iney gacan ka
geystaan.
Binti Jaylaani oo ah 17 jir xaalad adag ku sugan una baahan in wax loo qabto,
ayaa ku ildaran Magaalada Muqdisho gaar ahaan isbitaalka Banaadir, waxaana dadka
deeqdaas soo gaarsiiyay Gabadhaas ka mid ah qof magaciisa ku soo gaabiyey
Qaandaay oo ku nool dalka Ingiriiska, Daahir Maxamed Mahdi Ingiriiska, C/naasir
Xasan Geele Sweden, Iimaam Cabdi Maxamed Norway, Omar Siidoow Omar Maraykanka.
Waana deeqdii ugu horaysay ee la soo gaarsiiyo Binti jeylaani lana soo marsiiyo
Xafiiska web-dayniile iyo qaranimo, waxaana deeqdaasi gudoonsiiyay Cabdixakiin
Cilmi Xasan oo ka mid ah ah howlwadeen ka tirsan Xafiiska Muqdisho.
Dhinaca kale, gabadhaan ayaan weli helin wax daryeel ah, waxeyna ehaladeeda
shacabka Soomaaliyeed ka codsadeen inay ku kaalmeeyaan sidii gabadhaas ay u heli
laheyd gar-gaar caafimaad oo dalka dibadiisa ah.

Gabadhaan xanuunsaneysa ayaa iminka ku jirta isbitaalka Banaadir ee Magaalada
Muqdisho, waxeyna u baahan tahay inay hesho daryeel caafimaad si ay u hesho
qaliin looga sameeyey dhinaca faruurta, waxaana jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku
dhaqan dalka dibadiisa iyo ganacasatada Soomaaliyeed loogu baaqayaa inay wax
taraan si gabadhaas xaaladeeda caafimaad wax looga qabto.
Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)
xuurshe114@hotmail.com
Muqdisho-Somalia
Tel:002521-5573321
SomaliTalk.com | May 30, 2007


|