SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
DAAWO:- VIDEO: Muhammad: Legacy of a Prophet

Daabaco Boggan | Print


somalia
Filimada anshaxa xun, ruugidda Qaadka

iyo isticmaalka Daroogadu Saamayn intee le'eg Bay ku Leeyihiin Faafidda Cudurka AIDSKA ee Soomaaliya.. Guji...
AIDS-ka iyo ETHIOPIA
»AIDS-ka inta Qabta: 1.5 million
»AIDS inta u dhimatay: 120,000
»AIDS Inta uu agoomeeyey: 720,000
Xarunta Maraykanka u qaabilsan ka hortagga Cudurada ee loo yaqaan CDC, oo soo xiganeysey  hay'ada UNAIDS, ayaa sheegtay in dalka Ethiopia tirada dadka qaba cudurka AIDS-ka in ay tahay 1.2 million oo qof, waxaana cudurkaas u dhintay qiyaastii 120,000, waxaana AIDS-ku agoomeeyey 720,000 oo carruur ah. Waxaana la qiyaasayaa tirada Itoobiyaanka ee Cudurka AIDS-ka qabta sannadka 2008 in ay gaari doonaan 1.8 million oo qof.
Hirut SemuXiriirka ka dhexeeya AIDS-ka Itoobiya iyo Ganacsiga: Akhri: Warbixin Gaar ah: Itoobiya - ganacsiga  Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji

zenaweShan ciidamada Itoobiya oo kufsaday gabar Soomaaliyeed Akhri...

abdirsaqQoraalkii  uu C/Risaaq Xaaji Xuseen  2002  Ka Qoray Faragelinta ay Itoobiya Ku Hayso Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya, kaas oo ku aadan arrimaha Maanta taagan.. Akhri


GOGOLDHIGGA GANACSIGA

(DURUUS TAXANE AH) 

QAYBTII 2AAD EE GANACSIGA IS-KAASHATO

nayruus

Qaybtii: 1aad...

FAA’IIDO-DARROOYINKA GANACSIGA IS-KAASHATO 

Ganacsiga Is-kaashatadu wuxuu sidoo kale leeyahay faa’iido-darrooyin ay mid yihiin kuwaan soo-socda: 

Wuxuu maamulku ka dhexeeyaa Is-kaashatada  

Maamulka iyo koontoroolidda ganacsigu wuxuu ka dhexeeyaa Is-kaashatada oo dhan taasoo abuuri karta wareer maamuleed. Maamulka ganacsi ee ka dhexeeya Is-kaashatada wuxuu sababi karaa go’aannada oo dib-u-dhac uu ku yimaado, sababtuna waxay tahay, waxaa dhici karta in uu mid Is-kaashatada ka mid ah uu soo dib dhaco ama uu meel ku maqanaado. Inta badan doodaha qaar waa laga dheeraadaa si uusan khilaaf u soo dhex-galin Is-kaashatada.

Jiritaankiisu wuu kooban yahay

Ganacsiga Is-kaashatadu jiritaankiisu wuu kooban yahay, wuxuuna ku xiran yahay: 
 

  1. Dhimashada mid ka mid ah Is-kaashatada.
  2. Musallafidda mid ka mid ah Is-kaashatada.
  3. Haddii mid ka mid ah Is-kaashatadu ka baxo.
  4. Hawl-gabka mid ka mid ah Is-kaashatada.

     kh. Ku soo biiridda mid kale Is-kaashatada.

  1. Haddii uu waasho mid ka mid ah Is-kaashatada.
  2. Haddii Is-kaashatadu ku heshiiyaan in ay bur-buriyaan ganacsiga.

    Laakiin, dhibaato kale haddii ay ku timaaddo ganacsiga waxba u dhimi mayso sii-soco-shadiisa.

Khilaaf soo kala dhex gala Is-kaashatada

Mar kasta oo Is-kaashatadu badato waxaa bata khilaafaadkooda. Waxaana soo food saara dhibaatooyin ay suurta-gal tahay, in ay sababaan khilaafaadka iyo murannada soo kala dhex gala. Mararka qaar waxaa murannadooda lagu xalliyaa wooteyn cod dheeri ah. Haddii ay codadkoodu sinnaadaana waxaa la raadiyaa dad kale oo aala-biitar (arbitration) ka noqda. Hannaanka iyo qaababka lagu xalliyo khilaafaadka Is-kaashatada waxay ku qeexan yihiin xeeraraka Is-kaashatada. Si looga fogaado is-faham waaga iyo khilaafaadka, waa in marka hore la diyaariyaa heshiis qoraal ah oo koobaya quxuuqda, waajibaadka iyo wax walba oo muhiim u ah shaqadooda, iyagoo kaashanaya dadka sharci-yaqaankaa.

Deynta oo aan xad lahayan

Deynta lagu yeesho Is-kaashatada ma lahan xad, sababtuna waxay tahay, haddii lacagta lagu yeesho Is-kaashatada ay ka badato hantida ganacsiga ugu jirta, waxaa deyntaas looga qaadayaa amarka maxkamadda hantida qof walba oo Is-kaashatada ka mid ah gaar u leeyahay, si deynta lagu leeyahay loogu bixiyo. Kolka dadka hantida badan leh way ka fogaadaan in ay ku biiraan ganacsiga Is-kaashatada, iyagoo ka baqaya in hadhawto hantidooda gaarkaa looga qaado deyn lagu yeesho shirkadda. Laakiin shirkadda saamileeyda, deynta lagu yeesho xad ayey leeyahay, waxayna ku kooban tahay oo kaliya ilaa inta uu maal-galiyey qof walba oo ka mid ah shirkaddda. Haddii deynta lagu yeesho ay ka badato hantida ku jirta ganacsiga, hantidooda gaarkaa laga qaadi maayo.  

HESHIISKA IS-KAASHATADA GANACSI

Is-kaashatadu waa muhiin in ay galaan heshiis Af ah ama mid qoraal ah (Oral or written agreement), waxaana fiican in ay galaan heshiis qoraal ah (Partnership deed/ articles of partnership) oo ay wada sixiixaan, kuna galaan in ay sameeyaan ganacsi ujeeddadiisu tahay in ay ka helaan faa’iido. Waxaa habboon in heshiiskaas uu diyaariyo qof sharci-yaqaana. Sababta loogu baahan yahay in ay galaan heshiis qoraala waxaa weeye, in hadhawto gadaal loogu laabto qodobada heshiiska marka uu khilaaf yimaado. 

   Marka ay heshiiska wada galayaan Is-kaashatadu, waa in la qeexaa arrimahaan soo sodca: 

  1. Magaca shirkadda.
  2. Goobta ganacsiga.
  3. Nooca ganacsiga.
  4. Magaca iyo cinwaanka qof walba oo Is-kaashatada ka mid ah.
  5. Tirada lacageed ee qof walba ku maal-galinayo ganacsiga.
  6. Inta uu soconayo ganacsigaas.
  7. Saami-qaybsiga Is-kaashatada.
  8. Hannaanka lagu aqbalo qofkii raba in uu ku soo biiro Is-kaashatada.
  9. Xuquuqda, waajibaadka iyo deymaha xubnaha Is-kaashatada.
  10. Saxiixa awooda Jeegagga.
  11. Dulsaarta deymaha.
  12. Deynta ay Is-kaashatadu soo qaadato .
  13. Deynta Is-kaashatada laga qaato.
  14. Hannaanka hanti-oofsadka.
  15. Qodobada mushaaraadka Is-kaashatada.
  16. Qodobada gunnooyinka Is-kaashatada.

   Qodobada kor ku qoran ma ahan dhammaan qodobada ay Is-kaashatadu ku heshiiyaan, haddii ay jiraan qodobo intaas ka dheeri ah waa lagu dari karaa. 

XUQUUQDA IS-KAASHATADA GANACSI

Is-kaashatdu waxay ku leeyihiin xuquuq ganacsigooda, taasoo ah: 

Wuxuu xaq u leeyahay qof walba in uu helo saamiga uu ku leeyahay faa’iidada shirkadda 

Qof kasta oo xubin ka ah Is-kaashatada wuxuu xaq u leeyahay in uu helo qaybta kaga soo aadda faa’iidada soo gasha shirkadda. Faa’iidadaasi waxaa laga yaabaa in ay ku salaysan tahay saamiga lacagtii uu kolkii hore maal-gashaday ama in ay noqoto qaabab kale, hadba siduu ahaa heshiiskii hore ee ay galeen Is-kaashatadu.

Wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato maamulka shirkadda

Qof kasta oo ka mid ah Is-kaashatada wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato maamulka shirkadda, iyadoon la eegeyn hantida uu maal- galiyey iyo qaybta uu saami ahaan uga helayo faa’iidada soo xaroota. Kolka heshiiska la wada galayo waxaa la qeexaa xubnaha Is-kaashatada sida ay uga qayb-qaadanayaan maamulka shirkadda, dadka ka qayb-qaadanaya iyo kuwa aan ka qayb-qaadanayn. Haddii ay ku qeexan tahay heshiiska in uu ka qayb-qaato maamulka wuxuu xaq u leeyahay in uu ka qayb-qaato.

Wuxuu xaq u leeyahay in uu taladiisa dhiibto

Qof kasta oo ka mid ah Is-kaashatada wuxuu xaq u leeyahay in uu taladiisa ka dhiibto arrimaha ganacsiga. Haddii talooyinku ay bataan, go’aanka waxaa lagu gaaraa iyadoo la qaadanayo talada inta badan.

Wuxuu xaq u leeyahay in aan ganacsiga laga saarin

Qof kasta oo ka mid ah Is-kaashatada wuxuu xaq u leeyahay in aan laga saarin ururka. Kaliya waxaa looga saari karaa qof Is-kaashatada markii loo cuskanayo qodobo ku dhignaa heshiiskii markii hore la kala galay, waxaana shardi ah haddii qof la cayrinayo in ay ahaato mid ku salaysan caddaalad, waafaqsana heshiiskii hore.

Wuxuu xaq u leeyahay in uu raasummaalkiisa iyo faa’iidadiisa dib loo celiyo

Haddii mid ka mid ah Is-kaashatada uu waasho ama dhinto ama hawl-gab noqdo, qofka dhaxalkiisa iska leh wuxuu xaq u leeyahay in uu raasummaalkiisa iyo faa’iidadiisaba dib loogu celiyo.

Qofna xaq uma lahan in uu ku soo biiriyo qof cusub Is-kaashatada

Ma jiro ruux xaq u leh in uu ku soo biiriyo Is-kaashatada qof kale, iyadoo aysan oggolaan Is-kaashatada inteeda kale. Kaliya waxaa lagu soo galin karaa haddii uu jirey xeer hore oo qeexaya arrintaas. 

CASHARKA IYO SETIMAANKA DAMBE 

Waxaad Setimaanka dambe la socon doontaan Qaybo kale oo ka mid ah Cutubkaan oo shaarraxaya; Waajibaadka Is-kaashatada ganacsi iyo Faraqa u dhexeeya bur-burka heshiiska Is-kaashatada ganacsi iyo bur-burka ganacsigooda. 

Qaybtii: 1aad...

Qoraha: S. Nayruus

Goobta: Karachi, Pakistan

E-mail-ka: snayruus@hotmail.com iyo nayruus@gmail.com

Mobile-ka: +92-345-8118910.  

ILAHA XOG-URURINTA 

  • A practical Introduction to Business    By: Koontz and Fulmer
  • Accounting- The basis for business decisions  By: Meigs, Williams, Haka & Buttner.
  • Strategic Management – Concepts and Cases  By: Fred R. David.
  • Business Research Methods     By: Emory.
  • An Integrated Approach to Business Studies    By: Bruce R. Jewell
  • Business Accounting     By:  Frank Wood & Alan Sangster.
  • Business Law       By: Ronald A. Anderson.
  • Financial Management of the Small Firms   By: Walker W. Pitty.
  • Principles of Commerce and New Management  By: M. A. Khalid.
  • The Business – Problems and Solutions    By: Skatler.
  • Qaamuuska Af-Soomaliga     By: Keenadiid. 
     

Afeef: Aragtida qoraalkanw axaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 4, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com