Dagaalka Somalia waa uu sii kordhayaa ,xalna waa uu adkaaday!!

W/D:Muxyadiin Axmed Rooble | Nairobi,Kenya
Email: muhudin01@yahoo.com
(Mareykanka oo Somalia ku tilmaamay
Meesha saddexaad ee uu Mareykanka ka wado Dagaalka ka dhanka ah
Argagixisada,)
Warbixin dheer oo ay Qortay
Jariirada Time
Qeydtii 1aad
Meyd Askari Ethiopian ah oo ay jeedayaan Caruur AFP
Wali Rajada lama laalikaro waana macquul in nabad ay dib uga hirgasho
Somalia laakiin xiligan Somalia waxaa ka muuqata rajo la
liidikaro,Wadanka iyo meesha aan ka hadlayo waa Somalia,waxaana asiibay
Dhib aad u daran,Ciidamada Ethiopia ee ku soo duulay wadanka Somalia
Bishii December waxa ay dileen oo ay laayiin Kumanaan Somali ah,iyadoo
kumanaan Guryahoodii islamarkaasana ay ku barakaceyn Qeybaha kale ee
dalka ee wax sidaas u baaran aan dhaamiin Xaalada Caasimada Somalia ee
Muqdisho ,dhibkaas oo dhan inta badan horay uma uusan jirin oo waxa ay
noqdeen kuwo la soo kacay ama la yimid Imaanshaha Askarta Ethiopia ee
Muqdisho ,waxa uuma dhibka umuuqdaa mid ka sii daran kuwii hore ee
Muqdisho ka dhicijiray Muqdishana waxa ay gashay Sanadkii 17dii ee
dagaalo iyo Colaado ay ka jiraan.
Sidoo kale waxaa ka dilaacay Muqdisho oo Dagaalada ka socda ay
dhaliyiin Dhibaato Bini aadnimo iyadoo Boqolaal kun oo dad ay ka
barakaceyn Caasimada islamarkaasna Qaarkood ay ka smaeynsteen
Duleedka Magaalada uu dadka ka Holcayo ee Muqdisho Xerooyin ay ku
noolaadaan maadaama ay iska soo hayaameen Guryahoodii Muqdisho oo
Bartilmaameydsi u noqday Hoobiyayaal iyo madaafiic waaweyn oo lagu
duqeeyay.
dad Qaxaya Sawir AFP
Dagaalada waa ay sii socdaan,Xabadana waxaa sii kordhaya Dhibaatada ay
ugeysaneyso dadka Shacabka ah Ee Reer Muqdisho,Laakiin Ra'iisul
Wasaaraha Ethiopia Meles Zenawi waxa uu sheegay Bishii August ee lasoo
dhaafay waxa uu sheegay in dagaalkii uu dhamaaday islamarkaasna
Xasiloonida ay dib usoo laabaneyso,Washington Waxa ay dirtay Tiro ka
tirsan Ciidama Gaarka ah ee howlgalada si ay gacan uga geystaan
Daagaalada Ethiopia ay wado,kuwaas oo lagu yeeray Kuwo Gacan ka
geysanaya gacan ku dhigista Dowlada Somalia.
Dowlada kmg ah ee somalia waxa ay umuuqatay mid iskudayeeso inay sameyso
Geedi Socodnabadeed oo dalka dib luugu dajiyo,taas oo haddii ay
suurtagalilaheyd ay Hay'ada Gargaarka ee Qaramada midoobay iyo kuwa kale
suurtagal u ahaalaheyd in ay caawiyaan dad aad u farabadan oo Somali ah
kuwaas oo ay dhibweyn ka heysto dhanka Nolosha iyo caafimaadka,mar
ahaantaasna somalia ka dhigilaheyd mid wax la qeybsada Dunida inteeda
kale,Iyadoo ku beerilaheyd Gacansiga Caalamiga ah ee Aduunka ,kuwaas oo
ay hormuudka u yihiin Shirkadaha Maalgalinta ee Chineha ,taas oo somalia
ka hirgalin alheyd Hormnar Dhanka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha ah,taas oo
sanado badan oo horseeday Dagaalo iyo colaado ka jiray somalia kadib dib
unu soo beereneyso Dunida marka kale Somalia.
Qaar ka mid ah dadka ka qaxay
Muqdisho Sawir AFP
Rajada laakiin hadda waxa ay gashay Mugdi bishan Octobar oo kaleya
,TFG,UGU Horeentiiba waxaa soo wajahday dhibaatooyin dhanka Qabaa'ilada
ah,iyadoo sare ay usiikaceyn Dagaalkii iyo khilaafaadkii Qabaa'ilada
Somaliada u dhaxeeyay ,taas oo xitaa aakharkii ak dhexaloosantahay
Labadii Masuul ee ugu sareysay Dowlada KMG ah ee Somalia ee C/laahi
Yuusuf Axmed oo ah madaxweynaha Somalia iyo Ra'iisulwasaare Geedi oo
kasoo kala jeeda labada Qabaa'il ee waaweyn ee Daarood iyo Hawiye oo
xifaaltanweyn ka dhaxeeyo .
Bishan aan ku jirno hadda Dagaal u dhaxeeyaMilitry-ga Ethiopia ee
jooga Muqdisho iyo Xoogag Somali ah oo kasoo horjeeda Ethiopia ayaa
ka qarxay Muqdisho oo ah Caasimada Somalia ,taas oo sare usii
kicisay marka dhibaatooyinka Dadka Qaxootiga ah iyo kuwa
barakacaya,iyadoo dadka soo xasuusisya Dagaalkii Muqdisho ka dhacay
sanadkii 1993 ee u dhaxeeyay Dagaalhanadii Somalida iyo ciidankii
Maricanka ee meydkooda lagu jeeday Wadooyinka Muqdisho,iyadoo Askar
Ethiopiana ahna markale Meykooda Ay Ciyaalka iyo haweenka ku
jeejeedeyn Wadooyinka Muqdisho,kuwaas oo ku dhintay Gacanta Kooxaha
la dagaalamayay,inkastoo Ethiopiaka Qudhooda ay xasuuqeyn Shacab
badan oo reer Muqdisho ah kuwaas oo ay maafeec ugu tagtay Goobahii
ay ku sugnaayeen ,waxa uuna dagaalka somalia noqday mid isku badala
Sida dagaalada ka jira Ciraaq oo ay ku sugan yihiin Ciidamo uu
horkacayo Maricanka.
Caruur ay caro ka muuqato oo ku soo
xuumayMeydka askari ethiopian ah Afp
Labada dagaal ee ka jira Somalia iyo Ciraaq waxaa u dhaxeeya Labo
Farqi,kida koowaad oo xumeyneysa kana sii dareysa xaalada Somalia
waxa ay tahay Dhibaatada Gaarka ah eek u saleysan Muradana Dowladaha
Geeska Afrika iyo Ogalaansha loo ogolaanayo in Ethiopia ay sii
joogta somalia islamarkaasna aysan ka bixin,inta uu socday Dagaalka
Muqdisho ee lagu hoobtay ,Xoghayaha Guud Qaramada Midoobay Ban ki
moon ayaa xusay in Golaha Amaanka ee Jamciyada Quruumaha Ka dhaxeysa
aysan Ciidamo u direyn Somalia Xiligan Dhibaatada Sii xoogeysaneysa
ay ka jirto Somalia Awgeed,isaga oo muujiyay Rajo Xumada ku aadan in
Somalia loo diro Ciidamo ka socda Un-ka oo soo Afjara Haysashada
Somalia ee Ethiopia oo askarteyda la rumeysanyahay inay Xasuuqeyn
Shacab badan oo Somalia ah.
Qaar ka mid ah dad lagu xasuuqay Muqdisho AP Midowga Afrika oo horay u balanqaaday Askar Nabadilaalineed oo
gaarayay 8,000 kun oo askar ayaa hadda laga helay 1,600 oo Uganda
Ka socda,waxa ayna Midowga Afrika umuuqdaan kuwo ay niyad jabinayaan
Meydadka Askarta Ethiopia ee calaqan Wadooyinka Muqdisho
islmarkaasna Gacanta u galay Haween iyo Caruur careysan oo aad u
nicib Ethiopia islamarkaasna Ehiladoodii ay ku waayeen Duulaanka
Ethiopia ay somalia kusoo qaatay .
mid ka mid ah Dadka Muqdisho ay ku
xasuuqeyn Ciidamada Ethiopia AFP
Qeybtii Labaad
Waxaa jira labo Sababood oo si dag dag ah usoo muuqanaya Mida koowaad waxa
ay tahay Dhibaatada Xiisadaha Bini'aadninimo ee ka jira Muqdisho oo noqday
kuwo la mid ah kuwo ka aloosan Gobolka Darfur ee wadanka Sudan ,Jamciyada
Qaruumaha ka dhaxeysa waxa war ay soosaartay ay ku sheegtay in 1.5 million
oo qof ay ubaahanyahiin Gargaar Aadanimo oo dag dah ah ,iyadoo Gargaarkaas
ay heleyn tiro aad uga yartatirada u baahneed kuwaas poo gaaraya 60,000 oo
qof ay sheegeen ,somaliana waxa ay tahay meel leh istiraajiidiyad Muhiim
ah.
Askar Ethiopian ah oo dhexmareysa Muqdisho Google/Baaris Mid kale oo jirta ayaa noqoneysa Brcad badeeda Somalia ee ka qowleysta
Xeebaha Somalia kuwaas oo si toos ah uweerara Maraakiibta Bagaashka wada iyo
kuwo kaluumeysiga ee kasoo dhaqaaqa Suez Canal ,iyagoo sburcadaas ay
isticmaalaan Madaafiic waaweyn oo dhibgeysta.
Khilaafaadka Somalia ee ay sii qarxiyeen Ethiopia askarta ay u dirtay
Somalia iyo Kooxda Dowlada oo hadda aan u muuqan kuwo awood buuran leh
maadaama ay howgalada fuliyaan Ethiopia iyo kooxaha Mucaaradka ee Beesha
Caalamka ay sheegto inya dabada ka riixeyso Dowlada Eritrea ayaa sidoo
kale noqotay mid sii huresa dhibaatada iyo daaalada Gobolka ka aloosan taas
oo xariir la leh Muranka dhanka Xadka ee u dhaxeeya Ethiopia iyo Eritrea.
Bush iyo Meles oo u muuqda kuwo ku faraxsan Dhibaatada Somalia afp
Todobaadkii lasoo dhafay Ban Ki moon oo ah Xoghayaha Guud ee Qaramada midoobay
ayaa muujiyay Walaacooda ku aaan Dagaalada ii xoogeysanaya ee la xaira Muranada
dhaxka Xadka ee Ethiopia iyo Eritrea ,Iyadoona Afhayeenka White House ee wadanka
Maricanka looga taliyo Sean McCormack ugu baaqay Eritrea iyo Ethiopia in ay dib
uga baxaan Goobaha la isku hayo ee xadka islamarkaasna laga hortago oo la
joojiyo Dagaal kale oo dhiig uu ku daado.
Muhiimada ugu weyn ee Maricanka waa Somalia aakharkii Noqota in laga waayo
fursado kasta oo keeni kara in Ay hoy u noqoto Argagixisada caalamiga ah waxa uu
ku tilmaamo ,waxa ayna somalia aheyd Guri Ay ku hoydaan Kooxaha Xariirka la leh
Al-Qaeda taniyo wixii ka dambeeyay 1990 xiligaas oo ay burburtay Dowladii
Somalia ayuu sheegay mid ka mid ah diplumaasiyiinta Reer Galbeedka.

Ethiopia ayaa ku soo dushay Somalia si ay u soo ajarto Xukunkii Maxkamadaha
Islaamiga ahaa ee ( U.I.C.) ku waas oo umuuqday kuwo sii fidaya Islamarkaasna
kasbaday kalsoonida in badan oo reer Muqdisho ah ,inkastoo muddo yar oo lix bil
ah oo maamulkooda uu jiray ay shaaciyiin Dagaal Jihaad ah oo ka dhan ah Ethiopia
ka hor inta aysan soo Galin Muqdisho,taas oo Ethiopia ay ugu heshay Marmarsiyo
ay beesha caalamka uga gado in ay qarka u saarantahay in lagu soo duulo.
Marka Kooxaha Mucaardaka Xiligan ,waxaa Ay yihiin kuwo aan ka marneyn
Muqdisho,Faragalinta Maricankankana waxa ay tahay mid cad oo lagu taageerayo
Askarta Ethiopia ,Qaar ka mid ah Diyaaradaha Maricanka ayaan Gantaalo ku
garacaay labo mar Goobo ku yaal koofurta Somalia oo looga cabsi qabay inay ku
dhuumaaleysanayaan Kooxaha Maxkamadaha Bishii January ,waxa ay sidoo kale
maraakiibta Dagaalka ee Maricankanka ayaa weeraray Goobo kale oo ku yaal Putland
halkaas oo la sheegay inay ku sugnaayeen Xoogaga Maxkamadaha bishii June.
Sarkaal sare oo Marican ah ayaa sheegay In somalia ay tahy goobta Saddexaad
ee maricanka kawado dagaalka ka dhanka ah Argagixisada iyadoo ay ka
horeeyana Afghnistan iyo Ciraaq oo kale ah ,Boqolaal Islaamiyiin Carab ah
ayuu Usaama ku seeyay Amar inay tagaan Somalia si ay uga fuliyaan Dagaal
Jihaad ah.
Dulmilow Farxad ma arko Google/Baaritaan
Inkastoo warar kasoo baxay Duqeynta Maricanka ee Koofurta Somalia Bishii
junuary ay sheegayeen in Aadan Xaashi Ceerow oo ah mid ka mid ah Ragga uu
Maricanka doondoonayo islamarkaasna aad ugu adag Diinta Islaamka uu ku
dhaawacmay Dagaalkaas hadda waxaa warkaas wax kama jiraan ku tilmaamay
Ceerow waqti yar uu Codkiisa laga siidaayay Qalabka Warbaahinta isaga oo
oranaya"waa aan badqabaa mana dhaawacmin",isaga oo hadda hogaaminaya Dagaal
ka dhan ah Maricanka iyo Isbaheysigiisa islmarkaasna ku sugan sida Xogta ay
sheegeyso Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho.
Afwerki oo sameyn ku yeeshay Siyaasada
Somalia ,Meles muxuu dhaamidoonaa
Marka la isku Daro Faragalinta Maricanka iyo Ethiopia iyo Joogitaanka
Muqdisho Ceyrow iyo Rag kale waxa ay muujineysaa Su'aal la iskaweydiinkaro
Sida uu usoo afjarmayo Dagaalka Muqdisho,waxaase kuusoo baxeysa Islamarkiiba
in Xaalku uusan sahlaneynin Inkastoo Somalida ay nabada jeceshahay,haddana
Waxaa horboodaya Kooxo Awoodo leh oo aysan Shacabka iska maquuninkarin.
waxa dad badan oo aqoonyahano Somalli ah ka yaabiyaya Dagaalka uu sheegayo
Maricanka in uu ka dhanka yahay Argagixisada ee Somalia uu ka wado cida uu
kula jiro Ma shacabka ay Ethaiopia xasuuqday mise umad kale ayaa jirta oo
somalia ku dulnool.
Dhamaad
W/D:Muxyadiin Axmed Rooble
Nairobi ,Kenya
Email: saadaam_7@hotmail.com
Email: muhudin01@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 19, 2007
Xildhibaan
Gaani oo UNICEF ku eedeeyey ay Musuqmaasuqeyso $7 million oo doolar....
waxana uu yiri: "Hogaamiye kooxeedyada ka harey Soomaaliya waa Hay'adaha
Qaramada midoobey" Waraysi
Wiil Xijji Guranaya

READ HERE....


|