GOGOLDHIGGA
GANACSIGA
(DURUUS
TAXANE
AH)
CUTUBKA
4AAD
GANACSI
IS-KAASHATO
DULUCDA
CUTUBKA

Marka
aad
akhriso
cutubkaan
waxaad
fahmi
doontaa
mawduucyadaan
soo-socda:
-
Ganacsiga
Is-kaashato,
faa’iidadiisa
iyo
faa’iido-darradiisa.
-
Heshiiska
is-kaashatada
ganacsi
dhex
mara.
-
Xuquuqda
iyo
waajibaadka
Is-kaashatada
ganacsi.
-
Faraqa
u
dhexeeya
bur-burka
heshiiska
Is-kaashatada
ganacsi
iyo
bur-burka
ganacsigooda.
Ganacsi
Is-kaashato
waa
ganacsi
ay ku
dan-wadaagaan
labo ama
in ka
badan oo
dad ah,
oo gala
heshiis
qoraal
ah ama
mid
hadal
ah,
ujeeddadooduna
tahay in
ay
ganacsadaan
si ay u
helaan
faa’iido.
Ganacsiga
Is-kaashato
wuxuu
ugu
yaraan
ka
bilaamaa
labo (2)
qof, ugu
badnaana
waxay ku
xiran
tahay
hadba
dal
kasta
qaanuunka
uga
daggan
tirada
ugu
sarreysa
ee
Is-kaashatada.
Tusaale,
waddanka
Pakistan,
Is-kaashatadu
kama
badnaan
karto
taban
(10)
qof,
haddii
ay ku
dan-wadaagaan
ganacsi
Bangi,
haddii-se
Is-kaashatadu
ku
dan-wadaagto
ganacsi
aan
Bangi
ahayn
tiradoodu
kama
badnaan
karto
labaatan
(20)
qof.
Waddanka
Soomaaliya,
ganacsi
ahaan
way ka
jirtaa
Is-kaashatooyin
fara
badan oo
dan-wadaag
ku ah
ganacsiyo
kala
duwan,
laakiin
qaanuun
ahaan ma
jiro
imminka
xeer
qeexaya
tirada
ugu
badan ee
Is-kaashato
oo
ganacsi
ku
dan-wadaagi
karta.
Ganacsiga
Is-kaashato
waa
midka
labaad
ee
qaab-urureedyada
ganacsi.
Wuxuu ka
ballaaran
yahay,
ka hanti
badan
yahay,
kana
shaqaale
badan
yahay
ganacsiga
halka
qof
(Sole
Proprietorship)
leeyahay.
Wuxuu
dhanka
kale ka
yar
yahay;
ballac
ahaan,
hanti
ahaan
iyo
shaqaale
ahaanba
shirkadda
Saamileeyda
(Joint
Stock
Company).
Kolka
ganacsiga
Is-kaashato
waa meel
dhaxaad
kaasoo
ka weyn
dhan
walbaba
ganacsiga
halka
qof
leeyahay
kana yar
dhan
walbaba
ganacsiga
shirkadda
Saamileey.
ARRIMAHA
ASAASIGA
U AH
GANACSI
IS-KAASHATO
- Ugu yaraan waa in ay ganacsiga ku dan-wadaagaan laba qof.
- Waa in ay Is-kaashatadu gashaa heshiis Af ah ama mid Qoraal ah.
- Waa in uu yahay ganacsi waxa lagu shuraakoobay.
- Waa in uu ganacsigu yahay mid faa’diido in laga helo loo abuurey.
Kh)Waa
in
ay
jirtaa
is
aamin
ka
dhexeeya
Is-kaashatada
si
uu
mid
walba
mid
kale
wakiil
uga
noqdo
oo,
mid
walba
hawlaha
ganacsiga
wadi
karo
isagoo
wakiil
ka
ah
kuwa
kale.
FAA’IIDOOYINKA
GANACSIGA
IS-KAASHATO
Ganacsiga
Is-kaashatadu
wuxuu
leeyahay
faa’iidooyinkaan
soo-socda:
Si
fudud
ayaa loo
asaasi
karaa
Ganacsiga
Is-kaashato,
sida kan
halka
qof
leeyahay
oo kale,
si fudud
ayaa loo
asaasi
karaa.
Ma jirto
shuruuc
iyo
qawaaniin
adag oo
ka
baxsan
Is-kaashatada
oo ku
lug leh
asaaska
ganacsigooda.
Kaliya
wuxuu ku
xiran
yahay
iyagoo
isu-yimaada,
heshiis
gala,
deetana
ganacsiga
bilaaba.
Waxaa
lagu
bilaabaa
raasummaal
badan
Raasummaalka
ay
Is-kaashatadu
ku
bilaabaan
ganacsigooda
aad ayuu
uga
badan
yahay
kan lagu
bilaabo
ganacsiga
uu halka
qof
leeyahay.
Raasummaalku
wuxuu
bataa
mar
kasta oo
ay
badato
Is-kaashatadu,
dhanka
kale,
raasummaalka
ganacsiga
hal qofi
leeyahay
wuxuu ku
kooban
yahay
hal qof.
Talo iyo
xifad
isku
xiran
Soomaalidu
waxay
tiraahdaa;
“Is-kaashato
ma
kufto”.
Waxay
kaloo
tiraahdaa
“Gacmo
wadajir
bay wax
ku
gooyaan”.
Waa run,
sababta
oo ah,
qof
walba oo
Is-kaashatada
ka mid
ah wuxuu
leeyahay;
xirfad,
waayo-aragnimo,
awood
iyo
aqoon u
gaara.
Wuxuuna
qof
walba oo
ka mid
ah
Is-kaashatada
maankiisa
ku
biiriyaa
horumarinta
ganacsigaas,
taasoo
suurta
galin
karta in
uu
ganacsigaas
gaaro
liibaan
waarta.
Faa’iidadaas
way ka
maqantahay
ganacsiga
halka
qof
leeyahay.
Wuxuu
soo
jiitaa
deyn-bixiye-yaasha
Ganacsiga
Is-kaashatadu
wuxuu
aad u
soo
jiitaa
haayadaha
deynta
bixiya,
sababta
oo ah,
haayadaha
deynta
bixiya
haddii
lacagta
ay ku
leeyihiin
Is-kaashatada
ka
badato
hantida
ganacsiga
ugu
jirta,
waxay
deyn-tooda
ka
magtaan
hantida
gaark ah
uu u
leeyahay
mid
waliba
oo
Is-kaashatada
ka mid
ah.
Sidaas
darteed
haayadaha
deynta
bixiya
wal-wal
kama
qabaan
helitaanka
deyn-tooda.
Ku
biirinta
shaqalaha
xirfadda
leh
Is-kaashatada
Haddii
mid ka
mid ah
shaqaalaha
ka
shaqeeya
shirkadda
Is-kaashatada
loo arko
in uu
yahay
shaqaale
aqoon,
xirfad
iyo
hawl-karnimo
badan oo
socod-siinta
shirkadda
kaalin
libaax
ka
qaata,
waxaa
loo
dallacsiiyaa
in uu ka
mid
noqdo
Is-kaashatada,
isagoon
wax
raasummaal
ah ku
darsan,
si uusan
meel
kale u
aadin.
Si
fudud
ayaa
lagu
baabi’in
karaa
Ganasiga
Is-kaashatada
waxaa
sahala
in la
bur-buriyo
ama la
joojiyo,
sababta
oo ah,
uma
baahna
joojintiisu
shuruuc
iyo
qawaaniin
adag.
Kaliya
waxay ku
xiran
tahay
joojintiisu
Is-kaashatada
oo ku
heshiisa
in ay
joojiyaan,
laakiin
shirkadda
saamileeyda
in la
joojiyo
ama la
baabi’iyo
aad ayey
u adag
tahay,
waxaana
ku baxa
joojinteeda
waqti
iyo
lacag.
CUDUR-DAAR
Waxaan
Akhriste-yaasha
sharafta
leh uga
cudur-daaranayaa
dib-u-dhaca
ku yimid
casharradii
Barashada
Ganacsiga
ee aad
sida
tooska
ah
halkaan
ugala
socon
jirteen,
anigoo
rajaynaya,
in hadda
wixii ka
dambeeya
aan
idinkugu
soo
gudbin
doono si
talan-taalli
ah
asbuuc
walba,
haddii
Alle
Qadaro.
CASHARKA
IYO
SETIMAANKA
DAMBE
Waxaad
Setimaanka
dambe la
socon
doontaan
Qaybo
kale oo
ka mid
ah
Cutubkaan
oo
shaarraxaya;
faa’iido-darrada
Is-kaashatada
ganacsi,
Heshiiska
is-kaashatada
ganacsi
dhex
mara iyo
Xuquuqda
Is-kaashatada
ganacs..
Qoraha: S.
Nayruus
Goobta: Karachi,
Pakistan
E-mail-ka: snayruus@hotmail.com
iyo
nayruus@gmail.com
Mobile-ka: +92-345-8118910.
ILAHA
XOG-URURINTA
-
A
practical
Introduction
to
Business
By:
Koontz
and
Fulmer
-
Accounting-
The
basis
for
business
decisions By:
Meigs,
Williams,
Haka
&
Buttner.
-
Business
Research
Methods
By:
Emory.
-
An
Integrated
Approach
to
Business
Studies
By:
Bruce
R.
Jewell
-
Business
Accounting By:
Frank
Wood
&
Alan
Sangster.
-
Business
Law
By:
Ronald
A.
Anderson.
-
Financial
Management
of
the
Small
Firms By:
Walker
W.
Pitty.
-
Principles
of
Commerce
and
New
Management By:
M.
A.
Khalid.
Strategic
Management
–
Concepts
and
Cases By:
Fred
R.
David.
-
The
Business
–
Problems
and
Solutions
By:
Skatler.