Xujada Muqdisho Furaheeda Asmara Ma-yaalaa
Xaalka xun ee Xamar ka jiro, xiqdiga Milis-Sanaawi,
xerga-dhigida Asaasi-Afooriqi, xikmad-yarada reer-Muqdisho , xad-gudubka
Al-Shabaab, Xisaab-xumida Col Cadullahi Yusuf, Xumbo cuskiga Col Xasan
Daahir Aweys iyo xil-xumida hogaamiyayaasha Soomaaliyeed intaba waa
hal-xiraale .
Shirki Muqdisho waxaa lagu soo gabgabeeyay
Dib-u-heshiisiin dambe laysugu imaan maayo,waa talo xumo la kordhabay,
waa hagardaamo hor-leh, waa guul loogu magac-daray "waa socon weynay ee
aan orodno".
Awalba, hadafka shirkaa ma fogayn,waana mid ay dabada
ka riixayeen dowlada dana gaar ah ka leh dalkeena iyo iyada oo shirkaa
uu ka maqnaa Somaali waxay ku dhiban tahay oo ah kuraas qeybsi,
sideedana Kuraas qaybsi laguma soo darin ajandaha shirki Muqdisho, waayo
kuraasta laysku haysto waxaa ku fadhiyo si ku-meel-gaar ah
qaban-qaabiyayaashi shirka oo iyaga ah rag ay General Gabre iyo safiirka
dowlada Maraykanka u fadhiyo magaalada Nayroobi gadaal ka fadhiyaan,
xorna aanan u ahayn ficilkooda iyo qowlkoodaba .
War iyo dhamaantiis, Heesihii xerada gaadiidka waa
la-soo gaba-gabeeyay ,hadal-haynta Somaalida waxay maanta doorabiinka ku
haysaa abaabulka ka socdo caasumada Ariteree ee Asmara iyo u
tafaxaydashada shir kale oo ay isugu yimaadaan Soomali diidan ,si xoog
lehna uga soo horjeedo DFKM iyo maanxiiskeeda mugdiga geliyay jirataanki
ummadda Soomaaliyeed.
Hogaamiyayaasha Asmara isugu yimid howlaha hor yaal
ma fara yare, waa in ay horta wax walba ka hor dhistaan dallad mideyso
,dalladaas ha ahaato jabhad, ha ahaato xisbi ,ha ahaato maxaakimti oo la
shaandheeyo, lana balaariyo ,yeelatana hogaamiya la yaqaan.
Hadafka lagu dhawaaqay ee shirka Asmara waa mid ay
ummadda Soomaliyeed intooda badan isku waafaqsan-yihiin, hadafkaasna waa
in dalkeena laga xoreeyo gumaysiga madow, dulmigana laga dul qaado
ummaddeena Ilaahey idinkiis ,laakin ummadda Soomaaliyeed wax garadkeeda
iyo tala-raaceedaba waxay haddana ka midaysan yihiin, shaki weyn oo ay
ka qabaan kooxahan Asmara isugu tegay sidi ay uga gudbi lahaayeen
caqabada ugu weyn ee hortaal oo iyada ah cudurki soomalida dhulka soo
dhigay ee ahaa kuraas qeybsi, ilaalinta maslaxad gurrcaan oo shakhsi ah
iyo aniga aan noqdo hogaamiyihiina iyo waa aniga oo reerkayga reerkaaga
ka fiican ,taasoo asaxaabta Asmara ay maanta u dheer-tahay Muqdisho oo
aanan diyaar u ahayn soo dhoweynta hogaamiya aanan sal adag ku lahayn
magaalda Muqdisho oo iyada hore loo waayay ruux furo xujadeeda.
Shirka Asmaro waxaa hubaal ah in ay ka soo
qaybgalayaan wejiyaal aad loogu yaqaan Soomalida dhaxdeeda, dowrar kala
duwanna ka soo ciyaaray siyaasada Soomalida tan iyo 1960 iyo muddadi
burburka hareereyay waddankeena, ilaa haddeer oo aanan gacanta lagu hayn
xal mideyn karo ummaddeena, soona celin karo kala danbaynti iyo sharciga
oo lagu dhaqmo,laakin markaan hoos u dhigno, Asxaabta Asmaro waxaa hor
yaal Su'aal ay adagtahay ka jawaabideeda waqtigan xaadirkaa waxayna
tahay, waayo shakhsiga ay iyaga ku mideysnaan karaan, gacantana ku
haayo furihi Muqdisho iyo quluubta reer Muqdisho oo aanan la kala
soocin, si sahlana u hanan karo guud ahaan quluubta ummadda
Soomaaliyeed. su'aashan jawaabteeda waxaan u daynaynaa gunaanadka
shirkooda, waxaansa qeybta dambe ee hadalkeena ku soo qaadanaynaa ka
faalaynta qaabkee ayey kooxdan Asmaro meel isugu keeni karaan, siyaasad
ay soo wada dhoweyn karaan Caalamka iyo ummadda Sooomaaliyeed guud ahaan
iyo gaar ahaan dadyowga reer Muqdisho.
Gunta qoraalkaan marka aan u daadegno
,wararka hor dhaca ah ee laga helayo ilo lagu kalsoonaan karo, waxay
tilmaamayaan in uu magaalada Asmaro ka socdo qabanqaabo xoog leh oo
loogu jiro diyaar-garaynta ajandaha shirka iyo gunaandkiisa iyo sidi
looga dhigi lahaa mid ay aqbali karaan dowladaha aad ugu howlan
faragelinta arrimaha gaarka ah ee ummadda Soomaaliyeed ,isla markaana
abuuri kara xabashada oo si dhaqsi leh uga hilfa qaatado waddankeena.
iyada oo dhinaca kale la leeyahay reer Asmara iyo madaxa dalka Aritree
waxay aad ugu dhowaadeen isku afgarashada shakhsigi ay u magacaabi
lahaayeen hogaamiyaha fulinta go'aanada ay rabaan in ay kaga dhawaaqaan
shirkooda.
Isku waafaqsanaanta ruuxa noqon doono hogaamiyaha
bahda Asmara, waxay dad badan iska weydiinayaan Reer Asmaro degdeg ka
hor, ma iska weydiiyeen maxay Odayaasha Hawiya iyo kooxda Al-Shabaab u
qaadaceen shirkooda iyada oo la hubo Odayaasha Hawiya iyo kooxda
Al-Shabaab in ay iyaga yihiin kuwa dagaalka xoogan ku haayo kooxda ay
reer Asmara rabaan in ay ka eryaan ku fadhiga kuraasta Soomaaliyeed oo
ay gadaal ka taagan yihiin dabaabado ay leeyahiin rejiimka ka taliyo
dalka Xabashida(Tigree) .
Halkan waxaa ka soo baxayo xisaab cad oo aanan
qarsanayn, reer Asmarana ku leh, maxaakimta qeybta Asmaro idin la
joogto ,taageero balaaran kuma laho magaalada Muqdisho haddii aan hoos
fog u fiirino qaadacaada kaga timid kooxda Al-Shabaab iyo Odayaashi
Hawiya oo aanan Soomalida loo tilmaamayn iyaga xoogooda yuu mathalaa iyo
diidmada iyo canbaaraynta kaga imaaneyso DFKM iyo tageerayaasheeda oo
aanan iyagana Soomalida loo tilamaamayn xoogooda yey mathalaan iyo ilaa
intee ayey aad u rajeynayaan fashil uu ku dhamaado shirka Asmara sidi uu
shirkoodaba ugu dhamaaday Soomaliyeey toosa oo aanan toosnaan ka danbayn
.
Asmara lagama rabo Col Xasan Daahir,Ceerow madaxa
kooxda Al-Shabaab iyo Xasan Turki iyada oo la doonayo in taa lagu
kasbado dalalka reer gabeedka oo Ameerikaan ku jiro, dhinaca kalana la
rabo in Itoobiya afkeeda looga ilaalsho Asmaro waxaa ku shirayo madaxda
kooxihi argagagixisada ,haddaba waa su'aal kalee haddii la kala
dhantaalo maxaakimti, lagana tago kuwooda xoog iyo taageero adag ku
lahaay Muqdisho, sow falkan maahan in reer Asmaro ay qorshahooda ku
darsadeen dagaal ay kala horyimaadaan Xabashi iyo koox ka mid ah kooxaha
dagaalka kala soo horjeedo xabashida naf'ahaanteeda magaalada Muqdisho.
Asxaabta Asmaro xaqiiqada kaliya ee shirkooda ku
guulaysan karo waa iyaga oo meel isugu keena danaha kuwa rabo in uu
shirkooda guulaysto iyo kuwa rabo in uu shirkooda fashilmo oo iyaga
geddigood ah Soomali u ooman dalkooda oo dego, dibna u soo ceshto
karaamadiisa iyo dolwad kala hagta umuurahooda., taana ma'ahan mid ku
imaan karto isku soo bood iyo kooxa isugu yimaado gogol u gaar ah iyaga
oo looga arrinsado arrin ka dhaxeyso ummadda Soomaliyeed oo dhan..
Iyadana, xaqiiqada aad u qaraar waa in aynan kooxdan
Asmaro shirkooda kaga biya dhalin doonin iyaga oo ah koox is-bar taqaan
oo u taagan kaliya ka adkaashada kooxda kale ee iyaga isi siiyay awoodi
Soomaaliyeed oo iyaga gadaal kaga jiro dabaabadaha xabashida.
Xujada Muqdisho gaar ahaan iyo tan Soomaaliyeed guud
ahaan waxaa furi karo oo kaliya ruuxi, shakhsigi iyo kooxdi ka soo
shaqayso dhigida googol loo dhan yahay oo dhaxdeeda la soo dhigo dood
fudadayso meel isugu keenida danaha ummadda Soomaaliyeed guud ahaan iyo
qaab abuuri karo wada shaqayn dhax-marto dowladaha danaha ka leh
dalkeena iyo ummaddeena, iyada oo aanan lagu xadgubin xuquuqda danaha
ummadda Soomaaliyeed.03/09/2007
Abdallah Moallim Mahamud
(Cabdullahi Siyaasi)
Moallem10@hotmail.com
Asmara
Iyo Ragga Ku Shirayo Waa Laba Qaawan Isma Qaado,
Kitaabka Ilaahey La'aantiis. Akhri
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan