SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Mid ka mid ah Nabadoonada Gobolka Sanaag oo ka hadla Xadhigii Nabadoon Cabdi Faarax Cilmi ay kula Kaceen Maamulka Puntland

Bosaaso:- Nabadoonada Gobolka Sanaag ayaa si kulul uga hadalay Xadhigii loo gaystay nabadoon Cabdi Faarax Cilmi oo ay dhawaan xidheen Booliska Maamulka Puntland, Nabadoonada ayaa xadhigaasi ku til maamay mid sharciga Gees marsan.

Nabadoon Maxamuud Xasan Maxamed oo ka mid ah Nabdoonada ugu caansan Gobolka Sanaag ayaa sheegay inay Maamulka Puntland ku gafeen xadhiga Nabadoonkaasi ee ay dhawaan Xidheen, waxa uu sheegay Nabadoonkaasi in si Sharci daro ah Gurigiisa looga kaxeeyay isaga oo aan waxba la Su'aalin la geeyay Jeelka.

Nabadoon Maxmuud Xasan Maxamed oo nala soo xidhiidhay ayaa shaaca ka qaaday inay Nabadoonada Gobolka Sanaag dhawaan shir Deg Deg ah ka yeelan doonaan Tacadigaasi lagu kacay Nabadoonka,waxa uu sheegay inay Maamulka Puntland in badan ay ku soo dheereeyeen Nabadoonada Gobolka Sanaag, Balse arinkaasi dhawaan wax laga qaban doono.


Nabadoon Maxamuud Xasan Maxamed

Nabadoonka ayaa sidoo kale ka hadlay Doorka ay Maamulka Puntland ka ciyaaraan Gobolka Sanaag oo uu sheegay inay ka Gaabiyeen oo aanay waxa shaqo ah ku lahayn Talada Gobolka Sanaag isaga oo farta ku fiiqay inay Talada Gobolka Gacanta Nabadoonada Ku jirto.

Waxa uu dhaleeceeyay Hadafka ay Maamulka Puntland ka leeyihiin Gobolka Sanaag oo uu sheegay inay kula wareegayaan Qori dable,iyaga oo doonaya inay Colaad ka huriyaan Gobolkaasi oo haatan ah mid Nabdoon.

Hadalka Nabadoonka ayaa ku soo aadaya xili ay dhawaan Xidheen Maamulka Puntland Nabadoon Cabdi Faarax Cilmi,iyaga oo ku eedeeyay inuu maleegayay ciidamo ka dhan ah Maamulka Puntlnd oo fadhiisinkoodu yahay Magaalada sida wayn loo Ilaaliyo ee Majiyahan, Waa sida ay Hadala u dhigeen maamulka Puntland.

Nabadoon Cabdi Farax ayaa haatan dib u helay Xoriyadiisii isaga oo haatan Jooga Guriga uu ka Degan yahay Magaalada Bosaaso,waxana jira Shirar Goos Goos oo ay Arintaasi kaga Xaajoonayaan Waxgarada Deegaanka Sanaag.

Jaamac Ayaanle Feyte
Somalitalk.com/Bosaaso
Feyte37@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | March 10, 2008

oilPuntland oo Wada Dastuur Cusub oo Xasaasi ah....?
Waxaa beryahan Puntland si xawli ah uga socda qorshe ballaaran oo ay madaxda Puntland ku doonayaan in ay ku dhaqan geliyaan "Dastuur Cusub ee Puntland" loo sameeyo 2008. Dastuurkaas oo u muuqda mid si cad u kala faquuqaya Soomaalida, gaar ahaan xagga... Akhri...

bosaso

hargeysaSomaliland oo Xaqiijisay in Xiriir Dhexmaray Shirkadda Batroolka ee Lundin Oil: Waa maxay xiriirka ka dhexeeya Lundin iy Africa oil Akhri

DEKEDDA BOOSAASO OO AY KU SOO FOOL LEEYIIN LABO DOONYOOD OO HUB SIDA....

Doonyahaas oo hubka ka soo raraya dalka Yemen ayaa waxaa wararku tibaaxeen in ay.... Akhri...

yusuf vs Nuur CaddeMa Dhabaa In Khilaaf  Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha DFKMG Yuusuf Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde...

Booliiska Federaalka Australia oo Baaritaan Xooggan ku haya Shirkado Macdanta ka Baarta Dunida Saddexaad.. Akhri...

Cali Maxamed Geeddi oo Lacagtii uu Qaatay Guri kaga iibsadey Los Angeles, USA.. Jariidada The Independent ayaa shaaca ka qaaday in magangelyo USA laga siiyey Geeddi oo uu... Akhri

nuur caddeKulan Ku Saabsan Batroolka oo Addis Ababa uga socda Yusuf, Cadde Muuse & Nuur Cadde: G/Sare Nuur Cadde Ma aqbali Doonaa heshiiska Range iyadoo aan Baarlamaanka Baydhabo ansixin Sharciga Batrool DFKMG.. Akhri...

cise dholawaaWaraysiyo Ku saabsan Qaraxyadii ka dhacay Boosaaso: Raadiyaha Australia ee SBS ayaa waraysi ku saabsan qaraxyadii Boosaaso waxa uu la yeeshay Maamulaha Cisbitaalka Boosaaso, duqa Magaalada Boosaaso iyo tifatiraha wargeys ka soo baxa Boosaaso... Guji

oilShirkadihii Shiidaalka oo Maalgelin toos ah ku samaynaya Cabudhinta Shacabka Puntland. Warbixinta ka akhri halkan...

Sawiro: Bannaanbaxii ugu weynaa oo ka dhacay London, UK Jan 16, 2008


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com