Geedi Shaambowgii Mareykanka oo laga guuleystay
“Gabayga
Yeeraya,Guuxaan Baxaaya iyo Gurbaankan Reer Buushaa lagu Guurihaa”
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Geedi
Shaambow ama Geedi Baabow, waxa uu ahaa nin si weyn looga yaqaanay
dhulka ay degan yihiin Beelaha Digil iyo Mirifle gaar ahaan Buurta loo
yaqaano Buur Hakaba oo uu deganaa, waxa uuna ahaa nin si weyn u cadaadin
jiray dadka deegaankaas, waxa uuna ahaa in si weyn looga cabsan jiray,
isagoo duulaamo ku qaadi jiray deegaanada ku dhow dhow, halkaas oo uu ka
gaysan jiray xasuuq iyo baaba’, xitaa waxa uu gaaray in marka qofka
aqalgalayo in Haweenayda uu Geedi Shaambow haysan jiray todobo maalmood,
kadibna uu ku wareejin jiray ninkii qabay, waxa uu ahaa nin xitaa markay
beeraha baxaan marka afar meelood loo dhigo saddex meelood qaadan jiray,
xitaa xoolaha sidaas oo kale qayb badan ayuu ku lahaa, waxayna
arritaaasi dhibaato ku keenay dadka deegaanka, waxayna xaaladdaas ku soo
jiraan, ayaa maalmin maalmaha ka mid ah, nin iyo haweenay ku heshiiyey
in ay is guursadaan ayaa gabadhii waxay ku tiri ninkii “Maxaa iga
guursaneysaa waxaa iga dambeeya Geedi Baabow”, wiilkii oo u
laab-qaboojinaya gabadhii ayaa wacad ku maray in jirkeeda uusan Geedi
Baabow far saari doonin, waxaana dhacday in wiilkaasi uu abaabulay
dhallinyaro fara badan, waxaana dhacday in Geedi Baabow xukunkiisii
halkaas looga tuuray."
Maalinkii Geedi Baabow xukunka laga tuuray ayaa la sheegay in
deegaanadaasi ay ka da’een roob fiican, waxayna dadkii degeen Barwaaqo
iyagoo ka baxay xukunkii Geedi Baabow ee foosha xumaa."
Waxaa jirta qiso kale oo tan ku dhow kana dhacday deegaano ka mid ah
dhulka Soomaaliyeed, ilaa iyo hadda lama oga sida ay run u sii tahay,
waxayna qisaddaasi ahayd qisaddii Dheg-Dheer. waxayna Haweenay iyana si
aad ah looga cabsan jiray waxayna deegaanka ku haysay dhibaato nooc
kasta ah, waxayna gaartay heer ay dadka ay qalato, dadkuna waxay
ahaayeen kuwo marka ay maqlaan Dheg-Dheer aad u walwala cabsi weynna ku
beeranto, waxaana laga qaxay deegaano fara badan oo hoos imaan jiray
Dheg-Dheer, waxayna dadku ka carareen in ay dhibaato ka soo gaartay
Dheg-Dheer, waxay muddo ku jiraan xukunka Dheg-Dheer ayaa maalintii
dambe dadka deegaanka tashadeen, waxayna ku heshiiyeen in ay iska
qabtaan Dheg-Dheer, waxayna taasi keentay in xukunkii Dheg-Dheer laga
taqluso, maalintii ay dhimatay ayay dadku isagu yimaadeen meel fagaare
ah, waxayna ku qayliyeen “Dheg-Dheer dhimatay….Roobeey…..Roobeey.
Dhulkii waa barwaaqo”."
8-dii sano ee ugu dambeysay dalka Mareykanka waxa uu xukunkiisa
gacanta u galay nin la yiraahdo George W. Bush,oo ka soo jeeda xisbiga
Jamhuuriga dadka qaarkiis ayaa ku tilmaamay xukunkaas mid la mid ah
kuwii Dheg-Dheer iyo Geedi-Baabow, waayo dhinacyo badan ayay isaga mid
yihiin, dadkii aad ayay u naceen, waxa uuna necbaanshihii ugu darnaa ka
yimid dadkii horey u doortay, waayo waxa uu ku hogaamiyey dagaalo aysan
raali ka aheyn iyo waliba in uu burburiyo dhaqaalihii dalka Mareykanka,
waxayna dadku ay abaabuleen banaanbaxyo waaweyn oo ay iga soo horjeedaan
Maamulka Bush gaar ahaan duulaamaddii uu ku qaaday wadamada Ciraaq iyo
Afgaanistaan.
Bal dib u qooraanso waxa ka dhacay dalka Ciraaq gaar ahaan Xabsiga
Abu-Gharib iyo waliba wadanka Afgaanistaan, waxaana la soo bandhigay
sawiro ay dadku aad uga argagaxaan aadka uga xumaadaan, waxaana dhowr
jeer Madaxweyne Bush laga codsaday in uu xukunka isaga dego, hase
yeeshee waxa uu ku adkeystay in uu Mareykanka gaarsiin doono horumar iyo
dimuquraadiyad, balse taasi bedelkeeda waxay noqotay in xitaa
dhaqaalihii Mareykanka uu hoos u dhac ku yimaado."
Lo’ Kinsida, waa Lo’ door joog ah, waxayna isku raacdaan tiro badan
oo koox koox ah, Lo’daasi marka uu Libaax damco in uu wax ka cuno isagoo
aysan wax cabsi ah gelin cidna ka walwalsaneyn ayuu midkuu doono iska
cunaa, walibana hortooda ayuu ku cunaa, maalin kale haddii uu soo baahda
sidaas ayuu yeelaa, xaqiiqdii marka la fiiriyo 8-dii sano ee Busha uu
xukumayey Bush, waxaana dhihi karnaa dunida waxay ahayd Lo’ Kinsidaas,
waxayna Soomaaliya ka mid ahayd Lo’daas marba maalin la qasho, mudadaasi
waa uu na saameeyey xukunkii Bush, iyadoo Soomaaliya oo aan cidna looga
baqaneyn sidii la doonayo laga sameeyey xitaa waxaa loo soo adeegsaday
gacan kale gaar ahaan kuwa Itoobiya oo uu Mareykanku dabada ka riixayo,
maanta markii laga guuleystay Busha iyo Xulufadiisii, waxaad moodaa in
Soomaaliya neef yar ka fuqday, hase yeeshee nin odey ah ayaa igu yiri
“Waa dameer iyo labadiisa dhegood” oo uu ula jeeday in aysan waxba is
dhaamin Bush iyo Obama, nin waayeel ah oo isna ka muuqato carro ayaa
sidaan fikirkiisa ku saleynaya “Naartu meel qabow ma lahan” oo isna uu
ku fasiray in Bush iyo Obama ay yihiin laba nin oo danaha Mareykan
fulinaya, “Ka daroo dibi dhal” “Kud ka guur oo qanjre u guur) sidaasna
waxaa fikirkooda ku saleynaya Soomaalida badankeed."
Guusha uu gaaray Obama iyadoo si weyn looga soo dhaweeyey adduunka
gaar ahaan Afrika, haddana waxaa laga dhursugayaa waxa uu Obama la
yimaado masraxa Caalamka, waxaana dabaal-dega ka socda Mareykanka iyo
Caalamka intiisa kale ka dhigan yahay sida muuqata oraahdii ahayd
“Dheg-Dheer dhimatay dhulkii nabad” oo u dhiganta “in Busha iyo
xulafiisii meesha ka baxeen”, waxayse dadku hadalkaa ku darayaan in
Obama uusan raacin wadadii Geedi-Shaabow (Busha iyo xulafadiisa) Waxan
ku soo gabagabeynayaa “Gabayga yeeraya , Guuxaan baxaaya iyo Gurbaankan
Geedi Shaamboowaa lagu Guurihaa “….Gabayga Yeeraya , Guuxaan Baxaaya iyo
Gurbaankan Reer Buushaaa lagu Guurihaa
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Go'aanadii Jabuuti:
"Waa i Jiid aan ku Jiidee"...
Akhri...