SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xeeladaha Tuugsiga ee Magaalada Muqdisho

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Mudo 18-sano ah Ayaa xaaladda Soomaaliya marba marka ka dambeysa sii xumaanayey, waxaana mudooyinkaasi dhacay dhacdooyin dadka Soomaaliyeed aad u dhibaateeyey. Dal marka uu ku dhaco dhibaato waxaa soo baxa dadaalo la doonayo in looga gudbo dhibaatada markaa jirta, balse Soomaaliya mudadii ay dhibaatada ka jirtay qof waliba waxa uu isku dayey in uu la yimaado farsamooyinka iyo xeelado uu markaa isagu u arkayo in looga gudbi karo waxa socda gaar ahaan nafsaddiisa, waxaa farsamooyinkaasi ka mid ah, Tuugsiga oo mudo fog Soomaaliya ka soo jiray.

Haddii aan dib u fiiriyo xiligii waqtigii Siyaad Barre, waxaa Ceel-Gaabta isugu tagi jiray dad markaasi soo bandhigi jiray barnaamijyo ay dadka wax uga qaadan jireen ama ay ku tuuksan jireen, sida majaajilo gaaban oo dadka looga qoslinayo si ay dhaqaale ugu helaan, haddaan u soo laabano xiligii dagaaladii sokeeye, waxaa soo baxay farsamooyin isugu jira kuwo xeeladeysan iyo kuwo qayaano ku dhisan, waxayna soo mareen isbedelo kala duwan, haddii aan xiligaan oo ay xaaladdu adag tahay dib u qooraansano, ha la yaabin haddii wiil yar oo dhallinyaro ah oo labisan dharkii Iskuulka Buugaagtiisiin wata uu ku yiraahdo “Walaal lacagtii aan baska ku raaci lahaa ma wato”, keliya waxaad si halhaleel ah u bixineysaa wixii markaas aad haysato adiga oo wiilkaa u fiirinaya in uu arday yahay, balse waxaa dhici karta in arrintu taa ka duwan oo uu Buugaagta iyo dharkaba u sito xeelad uu ku tuugsanayo.

Waxaad arki kartaa wiil dhallinyaro ah oo Lixdiisa lixaad u dhan yihiin oo haddana iska dhigana qof lixaadku wax ka maqan yihiin ama cuuryaan oo dhulka is dhigaya sidaa ku tuugsanaya, markii wax xooggaa lacag ahina u uruurto ayuu geesaha iska fiiriyo ayuu orod is gedinayaa oo maba ahan qofkii cuuryaanka ahaa, kadibna waxa uu tagayaa goob kale oo aan laga aqoonin, halkii ayuuna ka sii wadayaa xeeladihii tuugsiga.

Xeeladaha kale ee Tuuksiga waxaa ka mid ah, waxaad arkeysaa qof dhallinyaro ah oo sida uu u socdo dhulka isku ridaya isagoo markaa iska yeelyeelaya qof suuxdin qaba ama cudurka qalalka, waxaa isku duwaya dadkii markaas soo gaara, in cabaar ah kadibna waxa uu iska dhigayaa mid soo naaxay markaa ayaa wax loo uruuriyaa sidaa uu magaaladiisa horey ugu sii galaa, waxaadna is leedahay marka uu soo naaxo, suuxdinta ayaaba dhab ka ahyd, markaad sii baartana waxaad ogaaneysaa in uusan wax suuxin ah qabin oo uu jilayo keliya, balse waa ay jiraan dad ay dhab ka tahay waxaan la oran karaa waxaaba batay kuwa iska yeelyeela.

Waxaa la yaab sidoo kale leh oo Tuugsiga loogu marmarsiyoodaa, adiga oo shaqo u ordaya ayaa waxaa kaa hor imaanay nin wata Burus, Kiyaawooyin, Biinso iyo wixii la mid ah, waxa uuna kugu oronayaa “Walaal shaqadii ayaan ka daahay mana haysto wax aan baabuur raac ka dhigto”, wixii aad awoodo fadlan haka baqaylin, inkastoo rag ku qaraabanaya la arkay.

Dhacdaba dhacday ka daran tahay, waxaa iigu yaab badnaa mar aan arkay laba Haween ah oo isku dhegan, muran xooggana uu ka dhex soconaya, dhegta ayaan u raariciyey mid ayaa waxay ku doodeysaa “Nayaa, labadan maalmood waad igu soo jeesatay miyaa oo intaad inankeyga ku soo shaqeysato ayaad dhabarka ii jeedineysaa, hadda isii wiilkeyga kibirkaba waa anigee” balse tii kale ayaa igu jawaabeysa “Alla Abaayo, ha degdegin waxbaa kuu soo waday ee labo maalmood oo kale iigu dar”, murankoodii waxa uu ku soo idlaaday in naagtii canugii laga qaato, gabar yar oo iyaga la socotay ayaa si hoose u weydiiyey waxa isku haystaa labada naagood, canugtii ayaa sidaan iigu warantay “Adeer, waxay isku haystaan ilmaha yar oo dhinacyada lagu dhegan yahay ayaa naagaha mid ka midi ahi dhashay, waxay ka kireysatay midda kale si ay ugu tuugsato oo ay wixii ay ku hesho wax uga keento, balse way ku booday oo dhowr maalmood wax uma soo taagin, xitaa wayba la dhuumatey iyana sidaas ayey u raadineysay maanta meeshaan ka heshay sidaas ayayna iskula dheganaayeen”.

Subax kasta la yaabkiisu wataa, waxaad arkeysaa wadaad ah oo labiska sunnaddu ka muuqato, kutubna sita ayaa kaa hor imaanaya, waxa uu ku leeyahay waxaan nahay koox xer ah oo degan Masjid hebel, waxaana nahaysta duruufo, dhowr maalmood afka wax ma saarin, marka wallaalow waxaad nagu tari karto nagu caawi, bin aadam qalbi jilicsan markuu hadalkaa maqlo wuxuu awoodo ayuu faraqa ugu shubayaa, hase yeeshee arrinkaasi waxa uu hadda noqday mid lagu qaraabto, inkastoo xiliyadii hore qaabkaasi daacad u badnaa, balse akhristow adna ha u diidin (Allaa Og), keliya middaan ka faaloonayo waxay tahay in aan iftiimiyo farsamooyinka qaabta daran ee lagu Tuugsanayo, inkastoo sadaqadu wanaagsan tahay oo aad ka helieysid ajar fara badan, u niyowso sidaa, balse Soomaalida maalmahan dambe beentooda ayaa xerada ka baxday.

Haddaan intaa uga gudubno farsamooyinka Tuugsida Xeeladda ku dhisan, waxaa sidoo kale jira mid Qayaano ku dhisan, tusaale aan u qaadano, adiga oo iska socda ayaa qof kaa hor imaanayaa, kadibna gees ayuu kuula baxayaa, inta uu jeebka gacanta geliyo ayuu ka soo saarayaa Silsilad Dahab ah oo kaa yaabineysa quruxdeeda, markiiba isaga oo calaacal ku daraya ayuu kugu leeyahay “War ninyahow carruurta ayaa iga baahan meel aan saacaddaan la aado Silsiladaanna ma lahan, ee walaalow igala wareeg, waxaad ii garatana I sii, markaan sidaas ku leeyahayna waxaan doonayaa inaan ka dhowrsado inaad Tuugsado dadka ama aan u gacan hoorsado”, adiga oo jilicsanaanta ka muuqata qofka fiirinaya, ayaa laga yaabaa inaad u dabacdo oo aad ka iibiyo Kantiinkii, intaas kaama harayo ee dhaar ayuu kow siinayaa, lacagta marka uu gacanta ku dhigana sidii nin daacad ayuu duceynayaa, balse markaad adna suuqa la tagto ayaad ogaaneysaa in wixii ay yihiin Bug ama Bulukaati

Waa dhacdooyin kaa yaabinaya xeeladaha tuugsiga waxa aekeysaa adigoo bas saara ayaa daaqada gaariga waxaa soo istaagaya wiil wata warqad ay ku qoran tahay dhowr eray oo ah “ walaal waxaan ahay qof dhagool; ah ee ii kaalmeey” Xaqiiqdii markiiba waxa aad hayso ayaa siineysaa hase yeeshee markaad u dhabo gasho waxaa ogaaneysaa in wiilka uusan dhagool ahayn ,

waxaa sidoo kale jirta in aad arkeyso Wiil yar oo sita qaar ka mid ah qalabka Caseeyaasha sida Buraasha iyo wixii la mid ah, kaas oo ku dhahaya “Adeer waxaan doonayaa in aan shaqeysto oo aan Baalashle noqdo ee intaan ayaan haystaaye wax iigu dar”, markaad dhowr kun siiso si uu alaabta ka dhiman waxay uga gooyso waxa uga iibsado ayaad waxaad arkeysaa maalin kale isaga oo weli halkii Buraash oo mar kale kugu oronaya hadalkiiyoo kale.

Isku soo wada xooriyoo, waxaa 18 sano la bartay Farsamo cusub oo lagu tuugsanayo oo xitaa Islaamnimada meel kaga dhacaya maadaama ay intooda badan saldhig u yihiin been in la sheego, inkastoo duruufo ku qasbi kara ay jiraan xiligaan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Maxay tahay sababta Itoobiya Goloyaasha Dowladda ugu rareyso Nairobi.. Akhri...

Faafin: SomaliTalk.com |  Oct 16, 2008

BAARID | SEARCH


"Markabka sida Taangiyada iyo hubka waxaan ka rabnaa Madax-furasho gaareysa $35 Milyan oo Doolar"
sidaas waxaa yiri nin u hadlay burcadda..  iyo Markab laga leeyahay Japan oo laga qaatay $2 million Akhri... Sept 28

yusufPuntland oo Ganafka ku Dhufatay Heshiiska DFKMG La Gashay Shirkadaha Batroolka Wasiirka Tamarta DGPL ayaa waxba kama jiraan ka dhigay heshiiskii Eng. Kaanje la soo galay shirkadaha KEC iyo Medco Akhri Aug 22


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS