Xeeladaha Tuugsiga ee Magaalada Muqdisho
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
Mudo 18-sano ah Ayaa xaaladda Soomaaliya marba marka ka dambeysa sii
xumaanayey, waxaana mudooyinkaasi dhacay dhacdooyin dadka Soomaaliyeed aad u
dhibaateeyey. Dal marka uu ku dhaco dhibaato waxaa soo baxa dadaalo la doonayo
in looga gudbo dhibaatada markaa jirta, balse Soomaaliya mudadii ay dhibaatada
ka jirtay qof waliba waxa uu isku dayey in uu la yimaado farsamooyinka iyo
xeelado uu markaa isagu u arkayo in looga gudbi karo waxa socda gaar ahaan
nafsaddiisa, waxaa farsamooyinkaasi ka mid ah, Tuugsiga oo mudo fog Soomaaliya
ka soo jiray.
Haddii aan dib u fiiriyo xiligii waqtigii Siyaad Barre, waxaa Ceel-Gaabta isugu
tagi jiray dad markaasi soo bandhigi jiray barnaamijyo ay dadka wax uga qaadan
jireen ama ay ku tuuksan jireen, sida majaajilo gaaban oo dadka looga qoslinayo
si ay dhaqaale ugu helaan, haddaan u soo laabano xiligii dagaaladii sokeeye,
waxaa soo baxay farsamooyin isugu jira kuwo xeeladeysan iyo kuwo qayaano ku
dhisan, waxayna soo mareen isbedelo kala duwan, haddii aan xiligaan oo ay
xaaladdu adag tahay dib u qooraansano, ha la yaabin haddii wiil yar oo
dhallinyaro ah oo labisan dharkii Iskuulka Buugaagtiisiin wata uu ku yiraahdo
“Walaal lacagtii aan baska ku raaci lahaa ma wato”, keliya waxaad si halhaleel
ah u bixineysaa wixii markaas aad haysato adiga oo wiilkaa u fiirinaya in uu
arday yahay, balse waxaa dhici karta in arrintu taa ka duwan oo uu Buugaagta iyo
dharkaba u sito xeelad uu ku tuugsanayo.
Waxaad arki kartaa wiil dhallinyaro ah oo Lixdiisa lixaad u dhan yihiin oo
haddana iska dhigana qof lixaadku wax ka maqan yihiin ama cuuryaan oo dhulka is
dhigaya sidaa ku tuugsanaya, markii wax xooggaa lacag ahina u uruurto ayuu
geesaha iska fiiriyo ayuu orod is gedinayaa oo maba ahan qofkii cuuryaanka ahaa,
kadibna waxa uu tagayaa goob kale oo aan laga aqoonin, halkii ayuuna ka sii
wadayaa xeeladihii tuugsiga.
Xeeladaha kale ee Tuuksiga waxaa ka mid ah, waxaad arkeysaa qof dhallinyaro ah
oo sida uu u socdo dhulka isku ridaya isagoo markaa iska yeelyeelaya qof suuxdin
qaba ama cudurka qalalka, waxaa isku duwaya dadkii markaas soo gaara, in cabaar
ah kadibna waxa uu iska dhigayaa mid soo naaxay markaa ayaa wax loo uruuriyaa
sidaa uu magaaladiisa horey ugu sii galaa, waxaadna is leedahay marka uu soo
naaxo, suuxdinta ayaaba dhab ka ahyd, markaad sii baartana waxaad ogaaneysaa in
uusan wax suuxin ah qabin oo uu jilayo keliya, balse waa ay jiraan dad ay dhab
ka tahay waxaan la oran karaa waxaaba batay kuwa iska yeelyeela.
Waxaa la yaab sidoo kale leh oo Tuugsiga loogu marmarsiyoodaa, adiga oo shaqo u
ordaya ayaa waxaa kaa hor imaanay nin wata Burus, Kiyaawooyin, Biinso iyo wixii
la mid ah, waxa uuna kugu oronayaa “Walaal shaqadii ayaan ka daahay mana haysto
wax aan baabuur raac ka dhigto”, wixii aad awoodo fadlan haka baqaylin, inkastoo
rag ku qaraabanaya la arkay.
Dhacdaba dhacday ka daran tahay, waxaa iigu yaab badnaa mar aan arkay laba
Haween ah oo isku dhegan, muran xooggana uu ka dhex soconaya, dhegta ayaan u
raariciyey mid ayaa waxay ku doodeysaa “Nayaa, labadan maalmood waad igu soo
jeesatay miyaa oo intaad inankeyga ku soo shaqeysato ayaad dhabarka ii
jeedineysaa, hadda isii wiilkeyga kibirkaba waa anigee” balse tii kale ayaa igu
jawaabeysa “Alla Abaayo, ha degdegin waxbaa kuu soo waday ee labo maalmood oo
kale iigu dar”, murankoodii waxa uu ku soo idlaaday in naagtii canugii laga
qaato, gabar yar oo iyaga la socotay ayaa si hoose u weydiiyey waxa isku haystaa
labada naagood, canugtii ayaa sidaan iigu warantay “Adeer, waxay isku haystaan
ilmaha yar oo dhinacyada lagu dhegan yahay ayaa naagaha mid ka midi ahi dhashay,
waxay ka kireysatay midda kale si ay ugu tuugsato oo ay wixii ay ku hesho wax
uga keento, balse way ku booday oo dhowr maalmood wax uma soo taagin, xitaa
wayba la dhuumatey iyana sidaas ayey u raadineysay maanta meeshaan ka heshay
sidaas ayayna iskula dheganaayeen”.
Subax kasta la yaabkiisu wataa, waxaad arkeysaa wadaad ah oo labiska sunnaddu ka
muuqato, kutubna sita ayaa kaa hor imaanaya, waxa uu ku leeyahay waxaan nahay
koox xer ah oo degan Masjid hebel, waxaana nahaysta duruufo, dhowr maalmood afka
wax ma saarin, marka wallaalow waxaad nagu tari karto nagu caawi, bin aadam
qalbi jilicsan markuu hadalkaa maqlo wuxuu awoodo ayuu faraqa ugu shubayaa, hase
yeeshee arrinkaasi waxa uu hadda noqday mid lagu qaraabto, inkastoo xiliyadii
hore qaabkaasi daacad u badnaa, balse akhristow adna ha u diidin (Allaa Og),
keliya middaan ka faaloonayo waxay tahay in aan iftiimiyo farsamooyinka qaabta
daran ee lagu Tuugsanayo, inkastoo sadaqadu wanaagsan tahay oo aad ka helieysid
ajar fara badan, u niyowso sidaa, balse Soomaalida maalmahan dambe beentooda
ayaa xerada ka baxday.
Haddaan intaa uga gudubno farsamooyinka Tuugsida Xeeladda ku dhisan, waxaa sidoo
kale jira mid Qayaano ku dhisan, tusaale aan u qaadano, adiga oo iska socda ayaa
qof kaa hor imaanayaa, kadibna gees ayuu kuula baxayaa, inta uu jeebka gacanta
geliyo ayuu ka soo saarayaa Silsilad Dahab ah oo kaa yaabineysa quruxdeeda,
markiiba isaga oo calaacal ku daraya ayuu kugu leeyahay “War ninyahow carruurta
ayaa iga baahan meel aan saacaddaan la aado Silsiladaanna ma lahan, ee walaalow
igala wareeg, waxaad ii garatana I sii, markaan sidaas ku leeyahayna waxaan
doonayaa inaan ka dhowrsado inaad Tuugsado dadka ama aan u gacan hoorsado”,
adiga oo jilicsanaanta ka muuqata qofka fiirinaya, ayaa laga yaabaa inaad u
dabacdo oo aad ka iibiyo Kantiinkii, intaas kaama harayo ee dhaar ayuu kow
siinayaa, lacagta marka uu gacanta ku dhigana sidii nin daacad ayuu duceynayaa,
balse markaad adna suuqa la tagto ayaad ogaaneysaa in wixii ay yihiin Bug ama
Bulukaati
Waa dhacdooyin kaa yaabinaya xeeladaha tuugsiga waxa aekeysaa adigoo bas
saara ayaa daaqada gaariga waxaa soo istaagaya wiil wata warqad ay ku qoran
tahay dhowr eray oo ah “ walaal waxaan ahay qof dhagool; ah ee ii kaalmeey”
Xaqiiqdii markiiba waxa aad hayso ayaa siineysaa hase yeeshee markaad u dhabo
gasho waxaa ogaaneysaa in wiilka uusan dhagool ahayn ,
waxaa sidoo kale jirta in aad arkeyso Wiil yar oo sita qaar ka mid ah qalabka
Caseeyaasha sida Buraasha iyo wixii la mid ah, kaas oo ku dhahaya “Adeer waxaan
doonayaa in aan shaqeysto oo aan Baalashle noqdo ee intaan ayaan haystaaye wax
iigu dar”, markaad dhowr kun siiso si uu alaabta ka dhiman waxay uga gooyso waxa
uga iibsado ayaad waxaad arkeysaa maalin kale isaga oo weli halkii Buraash oo
mar kale kugu oronaya hadalkiiyoo kale.
Isku soo wada xooriyoo, waxaa 18 sano la bartay Farsamo cusub oo lagu
tuugsanayo oo xitaa Islaamnimada meel kaga dhacaya maadaama ay intooda badan
saldhig u yihiin been in la sheego, inkastoo duruufo ku qasbi kara ay jiraan
xiligaan.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Maxay tahay sababta
Itoobiya Goloyaasha Dowladda ugu rareyso Nairobi.. Akhri...
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 16, 2008
|