Gudoomiyaha G/Nugaal iyo Sh. C/Nuur Faarax oo si kulul uga hadlay Burcad
Badeedda...
- Gudoomiyaha Gobolka Nugaal (Cabdi Xirsi Cali): Musharaxiinta lama soo gali karaan Hubka waaween
Magaalada Garoowe.
- Gudoomiyaha Gudiga Amniga Gobolka Nugaal ee Dhanka Shacabka (C-Qaadir
Nuur Faarax): Burcada Berriga iyo
Bada shacabka waa in ay ka hor tagaan waxaa ku jirta Noloshooda.
Shir ay isgu yimadeen Gudiga Amniga Gobolka Nugaal ee dhanka Shacabka, Gudoomiyaha
Gobolka Nugaal, Agaasimayaasha Wasaaradaha Amniga iyo Arimaha Gudaha ayaa waxaa
lagu qabtay Xarunta Gobolka Nugaal, shirkaa ayaa waxaa ay kaga hadleen
mas'uuliyiintaa iskugu yimi sidii wax looga qaban lahaa Amniga guud ahaan
Gobolka Nugaal aydoo baryanhaan ay culees ka sareen sidii wax looga qaban lahaa
Burcada ku soo badanaysa Gobolka Nugaal Gaar ahaan magaalada Garoowe oo ay ku
soo Qabqabteen Dhalinyaro badan oo gali jirtay Wadada waxaana howgaladaa gacanta
ku hayaan Gudiga Amniga Gobolka Nugaal oo ay soo xusheen Shacabka Gobolka gacan
siiyeen Hay,adahii ku howlanaa Amaanka ay ka tageereen Dhaqaalaha ay u baahan
yihiin, Hay,adahaa ayaa waxaa ka mida Boliska, Ciidamada xabsiga iyo Dhanka
shacabka oo ay abaabul u sameeyeen si ay ula shaqeeyaan Hay,adaha Amniga ka
shaqeynaya, gudigaan ayaa waxa uu shaqeynayey mudo 3 Bilood ah mudadaa ay
shaqeynayeen ayaa waxaa laga dareemayaa Amniga Magaalada Garoowe in uu soo
hagaagayo.
Shirkaa ka dhacay Xarunta Gobolka oo ku soo aaday xili ay Xabado ka dhacayeen Magaalada Garoowe habeenadaan oo ay ridayaan Dhalinyaro
ku hubaysan Qoryaha gacanta lagu qaato oo u dhaca Isdaba jooga kuwaas sida la
sheegay ay u badan yihiin burcada badeed.ayaa waxaa ka hadlay Gudoomiyaha
Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali oo gudoominayay shirka ayaa saxaafada uga
warbixiyay waxyaabihii ay kawada hadleen iyo Go,aamadii ay ka soo sareen.
Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdi Xirsi Cali
burcadii lagu soo Qabtay wadada
Gudoomiyaha ayaa ugu horeentii ka war bixiyay Amniga guud oo uu ku tilmaamay in
wax weyn laga qabtay gaar ahaan Burcadii wadooyinka gali jirtay, Gudoomiyaha
waxaa kaloo uu ka hadlay sidii loo wajahi lahaa Burcad badeeda Culeeska ku haya
Gobolka guud ahaan gaar ahaan Magaalada Garoowe, Gudoomiyaha waxaa kaloo uu
kahadlay in ay u sheegayaan oo go,aan ay ka soo sareen Musharaxiinta in ay lasoo
galikarin Hubka Magaalada Garoowe oo uu culees badan ka imaan karo xiliga
Tartanka Madaxtinimada DGPL oo ay ka hartay mudo gaaban hubkana looga reebi
doono Dhanka Bari magaalada Sunijiif, Dhanka Koonfureed Magaalada kalabayr oo
ciidamada la gayn doono, Gudoomiyaha ayaa ka warbixiya sida wanaagsan oo ay ula
shaqeeyeen Gudiga Amniga oo ay iska soo dhex xuleen Shacabka Gobolka Nugaal ayna
Ciidamada u Saxiixeen Nabadoonadu Cidii Dambi samaynaysa oo lagu dilo Howlaha
Amniga in aan la,is weydiin.
Waxaa isagana ka hadlay Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax oo ah Gudoomiyahay Gudiga
Amniga Gobolkq Nugaal ee Dhanka Shacabka oo sheegay in arimaha Burcad badeeda
iyo Guud ahaan Dambiyada Burcada in ay ka towbad keenaan kuwa ku jira Xaraanta
hadii ay ka kaaftoomi wayaan lagu qaado dambigooda ayna ka hor tagaan fasaadka
ay ku hayaan Shacbka si wada jira ay ugu hortagaan Noloshooda ayaa ku jirta oo
culumada ay ka sheegeen Masaajidada iyo Goobaha la,isugu yimaado.
Gudoomiyaha Gudiga Amniga Dhanaka Shacabka Sheekh C-Qaadir Nuur Faarax