Go’aanadii Jabuuti: “Waa i Jiid aan ku Jiidee”
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
26-kii Bishan ayaa dalka Jabuuti waxaa lagu saxiixay heshiis ay wada gaareen
Dowladda Federaalka iyo Isbahaysiga Dib u Xoreynta Soomaaliya garabka uu
hogaamiyo Sheekh Shariif, heshiiskaan oo dhowr marxalood soo galay dhowr marna
uu dib u dhac ku yimid ayaad moodaa in ay shacabka Soomaaliyeed ku kala qaybsan
yihiin, qaar si taxadar leh ayay u soo dhaweeyeen, halka kuwo kalana ay sheegeen
in uu yahay heshiis qabyo ah oo aan dhameystirneyn.
Aragtiyo aan ka soo uruurinay qaar ka mid ah dadweynaha Magaalada Muqdisho ayaa
tibaaxaya in heshiiska dhaqan geli karo marka ay Dowladda Itoobiya si cad uga
hadasho oo qaadato qodobada khuseeya, “basle inta Itoobiya ay ka aamusan tahay
heshiiskaasi u maleyn mayo in uu dhaqangeliyo” ayuu yiri mid ka mid ah dadweyne
aan kula kulmay goob lagu Qaxweeyo, mid kale ayaa isna soo booday oo yiri “Dib u
raaca hadaladii ka soo yeeray Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Meles Zenawi oo yiri
‘labada qolo ee heshiiska ku saxiixday jabuuti ma jiro mid si cad u fulin kara
heshiiskaasi’, waxaadna halkaasi ka dhedhensan kartaa in dhinaca Dowladda
hogaanka loo hayo, halka kooxaha Mucaaradka cod buuxa ku fulin Karin heshiis
walba oo la gaaro, ka soo qaad 19-kii bishii Agoosto oo ahaa waqtigii uu dib u
dhaca ku yimid shirka wixii ka dambeeyey waxaa ka dhacay Soomaaliya dagaalo aad
u qaraar oo ay wadeen kooxaha ka soo horjeeda shirka Jabuuti oo iyagu ku doodaya
in aan heshiis lala geli Karin nin gurigaaga haysta ilaa uu kaaga baxo marka
hore”, nin kale oo dhinac fadhiyey ninkaa sidaa u hadlay ayaa isna yiri “dhamaan
kooxaha ka dagaalamaya Soomaaliya waa kuwo ka soo horjeeda in dalka ay ku
sugnaadaan ciidamo shisheeye nooc kasta oo ay ahaadaan, waxayna caddeeyeen in ay
dagaalka sii wadi doonaan ilaa wadanka uu ka baxo askariga ugu dambeeya ee
shisheeye ah, marka waxaan shirkaa wixii ka soo baxay u arkayaa I jiid aan ku
jiidee waa gacmo daalis”.
Haddaba inkastoo ay kala qaybsanaan soo kala dhex gashay dhamaan kooxaha diimeed
ee dagaalka kula jira ciidamada Shisheeye ayaa haddana waxay ka mideysan yihiin
in dalka gebi ahaanba laga saaro ciidamada Shisheeye, haddii aan soo qaadano
Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah, waxay u qaybsameen dhowr kooxood, waxayna
kooxi isku magacowday Mujaahidiinta Maxkamadaha Islaamiga ah ee ka madaxbanaan
isbahaysiga Jabuuti iyo Asmara, waxayna sheegeen in ay dagaalka wadi doonaan
ilaa wadanka ay ka baxaan ciidamada shisheeye, koox kale oo iyana ku doodeysa in
taageersan yihiin go’aanadii shirkii Sanca oo ilaa iyo haatan aan ka hadlin
go’aanadii ka soo baxay shirkii Jabuuti waxayna kuwani ka kooban yihiin raggii
ka tirsanaan jiray Maxaakiimta Islaamiga, sidoo kale waxaa jira koox iyana
taageersan Isbahaysiga garabka Asmara, waxayna dhawaan ku dhawaaqeen in ay
bedeleen hogaankii Maxaakiimta Islaamiga ah, waxayna iyana sheegeen in ay
dagaalka sii wadi doonaa, waxaa kale oo jira koox iyana la magac baxday Jabha
Islaamiya, waxayna mas’uuliyiintoodu sheegeen in ay ka soo horjeedaan in wax
heshiis ah lala galo Dowladda Federaalka iyo Itoobiya, waxayna tibaaxeen in ay
isku dhaarsadeen in ay dagaalka sii kululeen doonaan, waxaa intaa sii dheer
Ururka Al-Shabaab ayaa isna afhayeenkiisa Sheekh Mukhtaar Roobow uu dhowr jeer
ku celceliyey in hadafk ay u dagaalamayaan uu yahay ku dhaqanka shareecadda
Islaamka iyo suulilnta Munkarka, waxa uuna sheegay in dagaalka ay sii labalaabi
doonaan tan iyo intay ciidamada shisheeye ka baxayaan gudaha dalka Soomaaliya,
waxaa iyana khilaaf hareeray Dowladda Federaalka kaas oo sababay in uu hakad ku
yimaado hawlihii Dowladda, waxa uuna khilaafku sii xoogeystay markii ay iska hor
yimaadeen gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed waana
midda keentay in golayaasha dowladda looga waco Magaalada Nairobi oo ilaa iyo
hadda aan la ogeyn waxyaabaha la isugu yeeray.
Aragtida dadweynaha haddii aan u soo laabano, waxay qaarkood leeyihiin “Shrika
Jabuuti waa laga yaabaa in ay qodobo ka mid ah hirgalaan balse qodobada qaarkood
way adag tahay sidii ay ku hirgali lahaayeen, waayo Itoobiya ma dooneyso in ay
ka baxdo gudaha dalka Soomaaliya, inkastoo ciidamadeeda ay khasaare badan soo
gaaray, haddana waxay ku sii adkeysaneysaa in ay sii joogeyso Soomaaliya,
waxayna ku hamineysaa in ay qayb ka noqoto ciidamada nabad ilaalinta” qayb kale
oo dadweynaha ka tirsan ayaa leh “Sheekh Shariif meel uu ka soo laabto ma joogo,
waana midda keentay in uu heshiis la galo Dowladda Federaalka oo aan awood u
laheyn in ay fuliso go’aanada ay gaarto balse hogaanka loo hayo”.
Isku soo wada duuboo, aragtida dadweynaha ayaa ku soo biyo shubaneysa in
go’aanada Jabuuti ka soo baxay shaki badan ay ku jiraan, isla markaana
dadweynuhu ay tilmaamayaan in ay yihiin kuwo aan wax badan la fileyn. Waxayna
aragtida dadku soo biyo shubaneysaa in shirkii Jabuuti noqday i Jiid aan ku
jiidee waa gacmo daalis.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Xeeladaha Tuugsiga ee Magaalada Muqdisho..
Akhri..
Faafin: SomaliTalk.com | Oct 28, 2008 |