
Dadkii dhibaatada kasoo gaartey Badgariirka | Sawirka
| VOA
|
Qaramada Midoobey oo Adduunka ugu Baaqday In $13 million oo Gargaar
Degdeg ah lala Gaaro Dadkii ku Tabaaloobay Aafada Badgariirka Soomaaliya
Haya'dda Qaramada Midoobey (QM) ayaa adduunka ugu baaqday in mucaawino
degdeg ah lala gaaro 54,000 oo Soomaali ah oo ku tabaaloobey aafadii
badgariirka ee ku habsatey xeebaha Soomaaliya ee kulaalaya badweynta Hindiya.
Waxana ay QM shaaca ka qaaday in dadkaas tabaalaysan ee Soomaalida ah ay u
baahan yihiin gargaar degdeg ah oo kabadan $13 million oo doolar.
Afhayeenka barnaamijka Horumarinta ee QM ee Soomaaliya, Sandra Macharia,
ayaa VOA Arbacadii (Jan 5) u sheegtay in meelaha ay ku dhacday aafada
badgariirku ay uga sii horeeeyeen abaaro xoolihii xaalufiyey iyo daadad
qaaday intii xoolahii ka haray, kaddibna ay badgariirku sii kordhiyeye
dhibkii awalba dadkaas haystey.
Shiinaha oo Dadkii ay Saamaysay Aafada Badgariirka Soomaaliya ugu Deeqay $100,000 oo Doolar
- Tarjumada SomaliTalk.com | Jan 5, 2005
Dawladda Shiinaha ayaa mucaawino degdeg ah u fidisay dadkii Soomaaliyeed
ee ku tabaaloobey aafadii badgariirka, mucaawinadaas oo ah $100,000 oo
doolarka Maraykanka ah, taas oo loogu dhiibey DFKMG ee Soomaaliya, sida ay
shaaca ka qaaday safaarada Shiinahu ku leeyahay Nairobi, Kenya.
Safiirka Shiinaha u fadhiya Nairobi, Guo Chongli, ayaa mucaawinadaas
waxaa uu maalintii Talaadada (Jan 4) u dhiibey Madaxweynaha DFKMG,
Cabdullaahi Yuusuf Axmed, oo jooga Nairobi, isuna diyaarinaya in uu ku
laabto Soomaaliya.
Cabdullaahi Yuusuf waxa uu sheegay in uu dhambaal tacsiyadan ah ka helay
madaxweynaha dalka Shiinaha, Hu Jintao, kaas oo ahaa dhambal noociisa ah kii
ugu horeeyey kaddib aafadii badgariirka ee saamaynta weyn ku yeelatay
Soomaaliya.
"Aad ayaan ugu mahad celineynaa dawlada Shiinaha iyo madaxweynaha
Shiinaha qudhiisa" ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf oo intaas ku daray in uu
rajaynayo in xiriirkii mudada dheer soo jirey ee labada dal uu sii socon
doono.
"Shiinuhu waa dawladii ugu horeysey ee mucaawino lacageed nasiisa.
Saxiibka rasmiga ah waa saaxiibka xilliga baahidu jiro. Dadka Soomaaliyeed
weligood ma hilmaami doonaan Shiinaha oo had iyo jeer caawino la garab
taagan mar kasta oo Soomaalida ay dhibaato soo wajahdo" ayuu yiri
cabdullaahi Yuusuf.
Madaxweynaha Soomaaliya waxa uu xaqiijiyey siyaasadii hore ee Soomaaliya
ee ku aadanayd Shiinaha inay sideedii tahay, taas oo uu yiri in Soomaaliya
taageersan tahay hal-wadan-oo-Shiine ah, asaga oo yiri Shiinuhu aadduunka
waa ka hal wadan, Taiwana waa qayb Shiinaha ka mid ah oo aan sinaba looga
goyn karin, "Soomaaliya weligeed ma bedeli doonto meesha ay ka taagnayd
arintaas", ayuu yiri Cabdullaahi yuusuf.
Dhankiisa waxa uu Safiirka Shiinahu, Guo Chongli, tacsi uu ka wadey
Dawlada iyo dadka Shiinaha u diray Soomaaliya oo ah dalka ay Afrika ee
dhibaatada ugu weyni ka soo gaartey aafadii badgariirku.
"Waxaan rajayneynaa in caawinaadani ay wax tarto dadka Soomaaliyeed ee ay
dhibaatadu saamaysa si ay uga gudbaan dhibaatada, dibna ugu dhistaan
guryohooda" ayuu yiri Safiirku.
ISHA WARKA:
http://www.fmprc.gov.cn/chn/