Ardayda Soomaaliyeed ee
Sweden
Qalinjabin iyo xafladayn
Qalinkii
Maxamed Xirsi (Abdibashi)
abdibashir@hotmail.com

Dhalinyaradii ka soo qeeyb gashay xaflada

Qaar ka mid ah dhalinyaradi ka soo qeeyb gashay xaflada ardeyda
dhameeysay dugsiyada sare.

Qaar ka mid ah, gabdhihii dhameeyey dugsiyada sare.

Wiilashii ka soo qeeyb galeen xaflada.


Dhalinyaradii oo soo bandhigaayan ruwaayada.

Sh. Bashiir iyo dhalinyarada oo daawanaayan barnaamishka socdo.

Qaar ka mid ah dhalinyaradii oo isku dhibaayan calankii soomaaliya.

Sh. Bashir oo hadalka u qeeybinaayo dhalinyarada.

Dhalinyaradii ka baxday dugsiyada sare wadankan Sweden.

Sacdiya Hirsi, Sagal Cumar iyo Ahmed Shukri oo ka mid ah
dhalinyarada diiwan gelineyso ka soo qeeyb galayaasha.

Sh. Bashir oo u hambalyeeynaayo dhalinyaradii ka
baxday dugsiyada sare sanadka 2005 |
Xaflad loogu hambalyeynayey ardayda
Soomaaliyeed ee ka qalinjabisay dugsiyada sare ayaa lagu dhigay magaalada
Stockholm ee caasimadda Sweden. Xafladdaas oo dhacday 10 juun 2005 waxaa soo
qabanqaabiyey ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee lagu magacaabo ”shabakadda
mustaqbalka dhalinyarada”. Magacooda oo af Iswiidhisha ah marka la soo
gaabiyana waxaa lagu naanaysaa ”NUF”.

Cabdicasiiis Cilmi oo ka hadlay wax qabadka ururka
NUF

Sh. Bashir Aman oo gubaabinaayo ka soo qeeyb
galayaasha xaflada.

Cabdibashir oo jeedinaayo su’aalo kedis ah.
|
NUF waa urur dhalinyaro oo ay xubnihiisu
kor u dhaafayaan 300 xubnood, kana dhisan magaalada Stockholm ee caasimadda
ah. Waxaa hogaamiya dhalinyaro ku kacaantay dalka Sweden oo ka qaatay
dhaqanka reer Iswiidhan intii ugu fiicnayd. Waxaan ula jeedaa dhaqanka
intiisa ugu fiican; dhinaca tacliinta iyo dhinaca maamulka ama maaraynta
ururada. Waa arday kuwooda ugu waaweyni ay hadda uun ka qalin jabiyeen
jaamacadaha dalkan, intooda badanina ay ku dhexjiraan iskuullada hoose,
dhexe iyo sare. Waxay isku guubaabiyaan waxbarashada, waxaanay leeyihiin
maalmo layska caawiyo tacliinta iskuulada. Dhinaca maaraynta ururadana waxay
hirgeliyeen ururkan NUF oo ah mid u nadaamsan sida ururada waaweyn ee dalka
Iswiidhan loo maamulo. Waxay leeyihiin xeer qoran, qorshe sanadeed qoran,
wixii sanadihii hore qabsoomay oo qoran, diiwaan xubinimo oo hufan iyo
maamul sanad walba la doorto. Dhinaca kale waa dhalinyaro aad u tixgelisa
dhaqanka iyo diinta islaamka oo waxqabadkooda ugu badan ku jeheeya kobcinta
aqoonta diinta islaamka.
Haddaba xafladdan loogu talo galay u
hambalyeynta ardayda Soomaaliyeed ee ka qalin jabisay dugsiyada sare waxaa
loo soo agaasimay si heer sare ah. Tabaabusheheeda waxaa la sii bilaabay
dhawr bilood ka hor. Waxaana ururka NUF gacan ku siiyey hirgeliddeeda
Iskuulka Al-azhar ee ka jira Stockholm iyo ururka ay isku bahaystaan ururada
Soomaaliyeed ee Iswiidhan oo lagu magacaabo ”ururka Isbahaysiga ummadda
Soomaaliyeed iyo weliba urur islaami ah oo ka dhisan magaalada Stockholm.
Xafladdu waxay ku bilaabantahay
diiwaangelinta dadkii soo gelayey oo la filayey in ay noqon doonaa ilaa 150
qof. Habase ahaatee waxaa kala joogsan waayey dadkii ku xaroonayey qaacadii
lagu ballamay kuwaas oo goosanayey kaarka ka qayb gelidda. Markii tiradii ay
kor u dhaaftay 200 oo qof ayey maamulkii xafladdu ku qasbanaadeen in ay
cuntadii iyo cabitaankii lagu talo galay soo kordhiyaan iyaga oo ka
dalbanayey meherado ku fiican adeega xafladaha noocan oo kale ah.
Barnaamijkii lagu talogalay waxaa
daadihinayey Eng Xuseen Salaad Dheelas waxaana ka mid ahaa su’aalo kedis ah,
muxaadaro ku saabsan quruxda af soomaaliga, riwaayad, muxaadaro ku baxday
afka ingiriiska oo ka hadlaysay qaxootinimada, muxaadaro guubaabo ah iyo u
hambalyeynta ardayda qalinjebisay. Waxaa intaas dheeraa soo dhaweyntii ka
qaybgalayaasha, warbixino ku saabsan ururada iska kaashaday xafladdan iyo
casho aad u macaanayd oo laga haqab beelay. Al-xamdullillaah.
Barmaamishkii oo uu hogaaminayey Xuseen
Salad wuxuu u dhacay sida tan:
- Furitaankii xafladda waxaa lagu soo
dhaweeyey guddoomiyaha ururka NUF mudane Axmed Faarax oo soo dhaweeyey
ka qaybgalayaasha sharafta leh isla markaana u hambalyeeyey ardayda
qalinjebisay ee iyaga lagu maamuusayey xafladdan.
- Waxaa ku xigay su’aalo kedis ah oo uu
soo jeediyey Cabdibashiir (M. Xirsi). Su’aalahaasi waxay isugu jireen,
diini, suugaan, soomaaliya iyo Sweden.
- ”quruxda
af soomaaliga” ayuu ahaa muxaadaradii saddexaad ee laga soo jeediyey oo
uu ku wadhwadhay Eng Xuseen salaad.
- Emigration and
educatin wuxuu ahaa muxaadaro lagu soo jeediyey afka ingiriisiga oo uu
soo jeediyey aqoonyahan lagu magacaabo; Cabdiraxmaan Mukhtaar.
-
Haddana waxaa fagaaraha u
soo baxay koox soo bandhigtay riwaayad cajiib ah oo ku saabsanayd
kobcinta afka hooyo, habka macallinimo ee haboon. Riwaayadaas waxaa kala
metelayey:
-
Cabdibashiir oo ku
metelayey: Macalin Cabdullahi
-
Sacdiya Xirsi oo ku
metelaysay: Ardayad Caasho
-
Axmed Faarax oo ku
metelayey: Arday Guuleed
-
fardowsa xasan oo ku
metelaysay: Fahmo oo ka timid Birminghamn
-
Xuseen Salaad oo ku
metelayey: Oday Cawaale oo Soomaaliya jooga oo la kulamaya Caasho
iyo Guuleed oo af soomaaligu ku adagyahay.
-
Farxiya Xuseen:
ardayada
-
Idil Maxamed: ardayad
-
Laila Axmed: Ardayad
-
Siciido Axmed: ardayad
-
Axmed Siraj: Arday
- Cabdulqaadir Salaad
(Loonge) oo ah xoghayaha warfaafinta ee ururka Isbahaysiga umadda
soomaaliyeed ayaa ka warbixiyey Isbahaysiga, dhalinyaradana u soo
jeediyey guubaabo.
-
Sidoo kale Sheekh
Cabdulqaadir Sheekh Maxamed oo ka soo socday ururka midawga muslimiinta
(Islamska förbundet I Jäva) ayaa u soo baxay minbarka si uu dhalinyarada
ugu guubaabiyo waxbarashada iyo kaalinta ay bulshada ku leeyihiin ee
badnaan.
-
Cabdicasiis Cilmi oo xubin
ka ah ururka NUF ee xafladda soo qabanqaabiyey iyo Axmed Suldan Siraj oo
isaguna ka tirsan maamulka ururka ayaa sharraxaad ka bixiyey ururka NUF,
waxqabadkiisa iyo taariikhdiisa intaba. Dhalinyaradaasi waxay
warbixintooda ku soo bandhigeen qalab casri ah oo maqal iyo muuqaalba
leh.
- Haddana waxaa hadal
Isu soo taagay Sheekh Bashiir Ammaan Cali oo ah maamulaha iskuulka al-azhar
ee ku yaal magaalada Stockholm. Sheekh Bashiir oo ah macalinka xagga
diinta ee dhalinyarada xafladda joogtay badankooda ayaa si xeeldheer u
guubaabiyey dhalinyarada. In sharafta soomaalinimada iyo xoojinta
islaamnimada qof waliba xil iska saaro ayuu aad ugu nuuxnuuxsaday.
Hadalkaas sheekhu wuxuu geliyey dadkii xafladda joogay qiiro, waxaana
kala gu’iwaayey sacab taageero ah.
- Ugu dambayntii
waxaa loo yeedhay in ay fagaaraha u soo baxayaan dhalinyaradii
qalinjabisay intii ka joogtay. Waxaa kor isa soo safay 7 gabdhood iyo 5
will oo qaarkood xidhnaayeen koofiyadihii qalin jebinta. Dadkii xafladda
joogay ayaa sacab iyo hambalyo cod leh ku soo dhaweeyey, waxaana loogu
duceeyey inay noqdaan kuwii dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba anfaca.
Sidoo kale waxaa loo qaaday heesta calanka soomaaliyeed ee “Soomaaliyeey
toosoo, toosoo isku tiirsada eey”. Dhammaan ardaydaas waxaa hadiyad
ahaan loogu ballan qaaday in DOON la saaro oo lagu soo wareejoyo
gasiiradaha magaalada Stockholm. Xafladdiina waxay ku soo gabagabawday
farxad iyo qosol.
Qalinkii Maxamed Xirsi (Abdibashi)
abdibashir@hotmail.com
Faafin:SomaliTalk.com | June 19,2005
Waxaa
qoraalka somalitalk soo gaarsiiyey
Abdiaziz
Elmi Yusuf
abdiaziz_2000@hotmail.com
MINNEAPOLIS::::
Arday Soomaaliyeed oo reer
Minnsota ah oo Ku Guuleystey Tartankii Microsoft ee
Lagu Qabtay New York.. Guji..
|