INJ.
MUNYE OO FOGEEYAY EEDEYN LOO SOO JEEDIYAY (FAALLO).
Qore: Abucar S. Abubaker
Melbourne
Australia
rerhamar@hotmail.com
Waxaan dhowaan websiteyada ka aq ristey jawaab Inj Munye uu ka bixiyey
hadal uu Muqdisho kaga dhawaaqay wasiir ku xigeenka Badda iyo Dekedaha
Mudane Xersi Aadan Roble; hadal- kaasoo ahaa eedeyn loo soo jeediyey
injineerka xag maamulka maraakiibta iyo xag sumeynta badda somaliyeed
intaba.
Runtii, mudane Roble wuxuu noqday
mas'uulkii ugu horeyey oo ka tirsan Dawlada KMG ah uu ku soo biiro
somali badan oo aad ay uga soo horjee-daan had iyo jeerna ay ka qayliyaan
maamulka maraakiibtaas uu madax ka yahay Inj Munye iyo sunta lagu soo
shubo badda soomaaliyeed. Haddaba, waxaa ila gudboonaatey in aan faallo
ka bixiyo jawaabtaas oo Inj. Munye isaga difaacay eedeynta loo soo
jeediyey.
Marka u horeysa, maraakiibta
kalluumaysiga somaliyeed, ama maraakiibta "SHIFCO" waxay yihiin hanti
qaran waxayna ku qoran yihiin magaca Wasaa- rada Kallumaysiga iyo
Khayraadka Badda; laakin, tan iyo sanadkii 1981dii, maraakiibtaas waxaa
iska maamusha shakhsiyaad (somali-talyaani) oo ma jiraan wax cadeynayaa
in loo adeegsado dan guud. Waxay ka kooban yihiin 5 maraakiib
kalluumaysi ah oo midkiba tankiisu yahay 330, waxayna ku hab boon yihiin xagga
kallumaysiga badweynta (pesca ad alto mare),iyo hal mar kab weyn
(mother-ship) oo tankiisu yahay 3500 loona adeegsado xag sahay siinta
maraakiibta kalluumaysi iyo shiidal siintooda iyo qalabyada ay u baa-
han yihiin, iyo xag iibgeynta kallun ka intaba.
Mashruuca oo hirgalintiisa lala kaashaday
dawladaTalyaaniga, ma gaciisa hore wuxuu ahaa "SOMITFISH"; hase ahaatee,
sanadkii 1987dii ma- gacaas waxaa loo beddeley "SHIFCO" maamulkiisina
waxaana loo xilsaarey Inj. Munye oo ilaa imminka isagaa mas'uul ka ah
ayadoo raggii la wareegay xukunka dalka sanadkii 1991dii iyagoo ka
sareysiinaya dantooda gaarka ah tan guud, ayaa waxay Inj. Munye u
cusboonaysiiyeen magacaabidii ee Maa- reeye Guud mashruuca; run ahaan,
Inj. Munye wuu yaqaan sida loola ma-caamalo madaxda. Hase ahaatee, su'aasha
oo jawaab loo la'yahay ilaa had- da waxay tahay halka ay ka dambeysay
faa'idada maraakiibta sanadihi 1987 dii iyo 1990kii oo lagu qiyaaso
malaayin oo dollarka Mareekanka.
Haddaba, isagoo uu ka faa'idaystey
magacaabidaa cusub iyo dhibaatadii xag ga siyaasada oo ay ka dambeysay
ayna sababisay dawlad la'aan iyo fowda waddanka gudihiisa, ayaa waxaa
Inj. Munye u suura gashey inuu u madax banaanaado maamulka maraakiibta iyo
weliba ka faa'idaysiga kaydka khayr- raadka badda somaliyeed; kaasoo,
run ahaan, uu ka mid ah tirarka uu ku tiigsan yahay dhaqaalaha dalka.
Hase ahaatee, dhamaadka sanadkii 1994tii wuxuu iska caabiyey qorshe lagu
doonaayey in lala wadaago maamulka isa- goo kaashaday dadaal uu galey
marxuum Dr Raajis oo madax ka ahaa urur- ka SNU oo ah urur ay leeyihiin
beesha rer banaadiriga.
Waxaa la wada ogsoon yahay, in ilaa waqti
dhow Inj. Munye uu ka mid ahaa madaxdii ururka SNU, maraakiibtana waxay
ku socdeen magacaas oo isaga dalad looga dhigay. Hase ahaatee, markii uu
furmay fadhigii oo dho waan lagu qabtey dalka Kenya ee dib u
heshiisiinta somaliyeed, Inj. Munye wuxuu ka mid noqday ururka Digil
iyo Mirifle wuxuna ku abtirsaday beesha ugu tiro badan degma-da Braawe oo
ah Tunnida. Imminkana aan u gudbo jawaabta uu ka bixiyey hadalkii wasiir
ku xigeenka Badda iyo Deke- daha. Hubaal, in waxyaalahaasoo dhan Inj.
Munye ay ka tahay dadaal si uu halkii uu ka sii wado maamulka
maraakiibta, ama haddii kale waxba loo raacan markii lagama maarmaan ay
noqoto wareejinta xilka uu haayo.
Sida la wada ogsoon yahay, Inj. Munye
wuxuu hadalkaas ku tilmaamay mid sal iyo raad toona lehayn iyo in lagu fududaaday
ku dhawaaqidiisa, ama la -gu degdegay, wuxuuna ku candacooday inuu
badbaadiyey hanti qaran iyo in ayan ku jirin dad ajnabi ah oo looga
daneeyo maraakiibta iyadoo dham- maan shaqaalaha ka shaqeeya ay yihiin somali
ah, mushaharka ay qaataan lagu biilo qoysas somaliyeed. Hase yeeshee,
Injineerku wuxuu ka meemee- ray rmeeray waxyaalihii aasaasiga u ahaa
wasiir ku xigeenka oo ku eedeyay Inj. Munye in dan gaar ah uu adeegsado
maraakiibta dawlada kuwaasoo ay suura galiyeen in badda somaliyeed uu
ka soo saaro kalluun qiimo leh uuna iibgeeyo dibedda isagoo heshiis
ganacsi ah la leh shirkad talyaani ah oo la yiraahdo "Panapesca", iyo inuu
shaqada ka eriyey shaqaale somali oo horey uga soo shaqeyn jirey
shirkadda "SHIFCO" kuna beddeley kuwo talyaani ah, iyo in uu beddeley
magaca shirkada "SHIFCO"........ Wuxuu kaloo wasiir ku xigeenka ku
eedeeyey Inj. Munye in sun cusub uu ku soo shubay badda so- maliyeed.
Waxaa xusuus mudan in lixda maraakiib
oo ay leedahay ay ka badbaadeen burburkii dagaal kii sokeeye ee sanadkii
1991dii; hase ahaatee, ma jirto cid loogu mahad noqo badbaadintaa Ilaah
mooye. Waqtiga xaadirka ah xaalada ay haatan ku sugan yihiin
maraakiibtaas waxay tahay mid laga deyriya aya- xaaladaas ay ugu wacan
tahay muddada dheer ay soo shaqeeyeen oo ku qii mo (depreciation) ku
yimid iyo hagaajin la'aan. Hubaal, in 15kii sano oo im minka laga soo
gudubnay si xad dhaaf ah oo aan ku habboonayn damiirka looga
faa'idaystey maraakiibtaas iyo khayraadka badda somaliyeed, maxaa
yeeley, sanadkiiba kalluun qiimo leh oo lagu qiyaasay ilaa 10-12 kun
"tons" ayaa laga soo saaraa baddaas; kaluunkaasoo oo leh noocyo kala
duwan oo aad looga jeceyl yahay qaarada Europe, waxaa shirkadda ka soo
galaa lacag farabadan oo aan la ogeyn meesha ay aado;xaqiiqdii kalluunka
laga soo saa ro badda somaliyeed wuxuu yahay kan ugu fiican haddii loo
eego kalluunka ay shirkada "Panapesca" soo galiso dalka Talyaaniga oo ma
jiraan kalluun uu tartami kara xagga dhadhanka.
Nasiibdarro, tan iyo sanadkii 1991dii
dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo dakhli- goodaba waxay noqdeen arrimo u
gaar ah Inj. Munye iyo ragga talyaaniga ah oo la shaqeeya (oo aan jirin
cid kale ku shaqo leh ) kaddib markii shirka- da "SHIFCO" laga eriyey
raggii raggii u dhashey somali oo hawlwadeeno ka ahaayeen maraakiibta
iyo xafiiska ay shirkadda ku lehayd magaalada Muq-disho dagaalka
ka hor. Raggaas oo sabab la'aan looga eriyey shaqada bed- delkoodana la
keeney dad ajnabi ah, waxaa ka mid ahaa Mohamed Hussen Macow oo ahaa
kabtankii uu badbaadiyey Inj. Munye iyo xubno ka tirsanaa qoyskiisa oo
ay ku xayirnaayeen xeebta Braawe markii uu soo xoogeystey dagaalkii
Muqdisho. Hubaal, in ujeeddada laga lahaa erinta raggaas waxay ahayd in
la qariyo oo mugdi la galiyo dakhliga maraakiibta oo wax soosaar-
kooda uu kordhaayey, waayan dambe,maalinba maalinta ay ka dambeyso
ayadoo isla markaasna uu kordhayey dalabaadka kalluunka ha ahaadeen kuwo
loo dhoofiyo Europe iyo kuwo loo iibgeeyo Khaliijka.
Midda kale, go'aanade Inj. Munye uu qaatey
sanooyinka dambe waxaa ka mid ahaa beddilaad uu ku rogay xeerki u
degsanaa qorida baxrida soma- lida; haddaba, natiijada waxay noqotey in
dhammaan baxrida somalida oo ay saaran yihiin maraakiibta
kalluumaysiga laga dafiro xuquuq badan sida badbaadin-dhaawac, xuquuq la
xiriira dhamaadka kontract shaqada, abaal- marin la xiriir wareejinta
kalluunka, IWM. Markii u dambeysay mushaharka la siiyo baxriga somali
wuxuu ahaa 200 boqol US dollar bishiiba isagoo uu maalintii shaqeey 18
saacadood oo nasasho lehayn, laga bilaabo qorax soo bax ilaa habeenkii
markii saacadu tahay 12kii (real exploitation).
Xaqiiqdii, haddii laysu geeyo
mushaharooyinka ay qaataantaan dhammaan shaqaalaha somali oo saaran 5
maraakiib kalluumaysi oo tiradooda tahay ilaa iyo 200 ruux, waa ka yer
yahay kan uu qaato nin dhalashadiisu tahay talyaani oo la taliye u ah
Inj. Munye. Ninkaas oo isaga iyo walaalkiisa laga soo dhoofiyey dalka
Somalia sanadkii 1985tii xatooyo xoolo dadweyne dar- teed, isku darka (mushahar,
gunno, iyo abaalmarin) uu ka qaato shirkada "SHIFCO" wuxuu gaaraa ilaa
iyo 12 kun US dollar bishiiba; intaa waxaa u dheer 50 karton oo kalluun
ah oo loo oggol yahay inuu la wareego dham- maadka xilliga kallumuaysi
oo sida caadadu tahay uu socdo muddo ay u dhexeysa 75-90 beri.
Haddaba, waxaa yaab leh indha adeega Inj.Munye
oo mar kasta uu ku can- dacoodo in maraakiibta kalluumaysiga somaliyeed
looga daneeyo shaqaale somali oo kelia iyo qoysaskooda!!! Intaa waxaa
dheer, in badanaa in baxriga somali naa laga dhaco labada boqol dollar
uu qaato. Tusaale, in sanadkii te- gey, shaqaalaha somali waxaa laga
jarey laba bilood mushahar kaddib mar-kii Inj.Munye uu ka qayb galay
fadhigii dib u heshiisiinta somalyeed oo lagu soo doortey xildhibaan.
Taasina micnaheeda waxay tahay in dhamaan waxii kharaj ahaa oo Inj.
Munye uu kaga baxay muddadii uu joogay dalka Kenya ay bixiyeen baxrida
somaliyeed oo saaran 5 maraakiib kalluumaysi!!!!
Ugu dambeystii, waxaa xusuus mudan in
shaqaale badan oo somali ah ayna ka mid ahaayeen raggii ka shaqeyn jirey
mashruuca kalluumaysi muddo ka hor inta Inj. Munye uu la wareegin
maamulkiisa, waxay u dhinteen dhaawac yo ka soo gaarey shaqada; hase
ahaatee, ilaa hadda lama soo sheegin wax raalli galin ah oo loo aqoonsaday
qoysaskii iyo caruurtii shaqaalahaas ay ka geeriyodeen. Runtii,
arrintaas iyo kuwo kale oo had iyo jeer ay ka cabadaan baxrida somalida
intooda badan waxay marqaati-kac ay u yihiin dhibaatada oo aan loo
dulqaadan karin oo baxridaas ay kala kulanto Inj. Munye; nasiib- darro,
ilaa hadda aan la hayn waddanka gudihiisa sharci oo loola tiigsado
injineerka oo aad moodid inuu ku tunti kalsoonidii ummadda somaliyeed.
Waxaa hal qabsi ah ee la yiraahdaa in beyntu ay leedahay lugo gaagaaban.
Haddaba, aan aragno ilaa intee ay socon doonto beynta oo Inj. Munye uu
adeegsado si jawaab uga bixiyo eedeynta loo soo jeediyo!!
Qore: Abucar S. Abubaker
Melbourne
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 12, 2004
SUNTA KU DUUGAN
SOOMAALIYA::: Hordhac |
1aad |
2aad |
3aad |
4aad |
5aad |
6aad |
7aad |
8aad |
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com
|