Hoos u dhaca dollarka mareykanka iyo welwelka aduunweynaha
C/risaq Maxamed Xuseen
University of Gävle-Sweden
habdirisak@hotmail.com
Waxaa in muddo ahba aad iyo aad hoos ugu dhacaayey qiimaha dollarka
mareykanka. Iyadoo weliba la saadaaliyey inuu hoos u dhacaasi sii socon
doono.Arintaas oo aad wewel ugu abuurtay aduunweynaha badankiis, gaar ahaan
wadamada horey u maray. Haddaba waxaan maqaalkan gaaban kaga hadli doonaa
arimaha ugu muhiimsan ee keenay hoos u dhaca dollarka iyo siyaabaha uu
saameyn ugu yeelan karo wadamada kale. Arimo dhowr ah ayaa oo isku xiran
ayaa keenay in sarifka dollarku uu aad hoos ugu dhaco.
Miisaanka dhaqaalaha Mareykanka
Si waddan dhaqaalahiisu uu hab hufan ugu shaqeeyo waa in ay ugu yaraan is
leég yihiin dakhliga wadanka soo gala iyo kharashka ka baxa. Basle waxaa aad
iyo aad u wanaagsan in dakhligu badan yahay si dhaqaalaha wadanku uu si
caafimaad qabta ugu shaqeeyo.Haddaba intii uu madaxtinimada mareykanka
qabtay George Bush waxaa cirka isku shareeray kharashkii dowlada mareykanka.
Kharashkaas oo aad iyo aad uga batay dakhligii dowlada soo gelayey, kaasoo
iminka gaaraya ilaa 427 billion oo dollar. Taas oo u dhiganta ilaa
boqolkiiba afar ( 4%) dhakhliga wadanka soo gala.
Umuurtani waxaa ay keentay in kalsoonidii lagu qabey lacagta dollarka ah ay
aad u yaraato. Xitaa waxaa meesha soo galay welwel ka yimid dhinaca
maalgeliyayaasha, kasoo ah ineyba shaki ka qabaan helitaanka lacagtooda
haddii ay mareykanka gashadaan. Maxaa yeelay dhaqaalaha mareykanka maanta
waa mid ku saleysan xagga deynta oo aan isagu isbixin karin.Sida sharciga
guud ee dhaqaaluhu yahay, haddii rabitaanka shey uu yaraado waxaa hoos u
dhaca qiimihiisa. Dollarkana maanta taas oo kale ayaa haysata. Inkastoo ay
dowladu balan qaaday iney isu miisaami doonto dhakhliga iyo kharashka
wadanka, haddana waa mid aad u adag iney suurto gasho wakhtiga dhow.
Ganacsiga dibada oo aan miisaaneyn:
Waxaa iyana xaalada dollarka sii fogeysey, Iyadoo aaney isu miisaaneyn
waxyaalaha uu mareykanku u iibgeeyo dibada iyo waxyaalaha uu soo iibsado.
Iyadoo wakhtigan xaadirka ah ay aad iyo aad u badan tahay waxyaalaha uu
dibada ka soo iibsado.
Labdaas arimood ee aan kor kusoo sheegnay ayaa saldhig u ah, hoos u dhaca
weyn ee ku yimid dollarka. Wadamo badan oo xiriir ganacsi la leh mareykanka
amaba ay hanti kaga jirto lacagta dollarka ayaa aad ugu welwelsan halka uu
ku dameyn doono dollarku. Tusaale ahaan wadamada jaban iyo shiinaha ayaa ku
hanjabey iney iibin doonaan hantidooda xagga dollarka ah si ay lacagtooda
ugala baxaan. Maxaa yeelay waxaa ay ka baqayaan inuu hoos udhac ku yimaado
hantidaas. Sidoo kale waxaa iyaguna welwel weyni soo foodsaaray wadamada
yurub, kuwaas oo ka baqaya in shirkadadhoodu la tartami waayaan kuwa
mareykanka. Sabatuna waxaa weeyaan iyadoo alaabta mareykanku ay raqiis ka
noqon doonto aduunka madaama uu dollarku jaban yahay hadda. Waxaa kaloo ay
ka welwel qabaan in dhaqaalaha wadamadooda oo aad ugu xiran mareykanka uu
saameyn ku yeesho doolarka qiimihiisu dhacay.
Taas waxaa kuu cadeyn kara iyadoo uu maalin dhoweyd wasiirka maaliyada ee
jarmalka oo lagu magacaabo Hans Eichel caddeeyey inuu wadankiisu aad iyo aad
uga walaacsan yahay hoos u dhaca ku yimid lacagta dollarka .
Si kastaba ha
ahaatee, hoos u dhaca dollarku dadka oo dhan dhibaato uma wada aha. Waxaa
jira shirkado iyo shakhsiyaad badan oo ay faaíido u tahay inuu dollarku
raqiis noqdo. Dadka ay faaìidadu ugu jirto waxaa ka mid ah kuwa doonaaya in
ay u safraan wadanka mareykanka. Waxaa kaloo iyana faaìidaya dadka si joogto
ah u iibsada alaabada mareykanka. Kolkaan eegno dhinaca soomaalida, gaar
ahaan soomaalida qurbaha ku nool oo ah isha ugu weyn ee ay wadankeenii
soomaaliya ay wax ka soo galaan. Hoos u dhaca dollarku faaíido weyn ayuu
inoo leeyahay, maxaa yeelay waxaan iibsanaa dollar kolkii aan lacag
xawileyno. Haddaba hadii dollarku raqiis yahay, waxaa kuu baaqaneysa
waxoogaa lacag ah.
Mahadsanidin
C/risaq Maxamed Xuseen
University of Gävle-Sweden
habdirisak@hotmail.com