Gabay
Yaa u
Garnaqi doona
Waxaan ku noolahay magaalada Nairobi ee
wadanka kenya, waxaan go'aansaday ka dib markaan arkay Dhibaatada loo
geystay zamzam iyo halka ay ku danbaysay. Waanakan gabaygii:
:::Yaa u
Garnaqi doona:::
Nimanyohow guyaal badan ma tirin gabayadaydiiy
Waantaan ka gaabsaday hadaan gaananaan jiraye
Geeraar markuu soo baxaan gole ka sheegaaye
Aan gorfeeyo caawana halkii gama'a ii diidey
Gar ilaahay hadii loo hadloo eexda laga guuro
Oo loo guntado xaajadaa uunka wada gaadhay
Oo odayo gadh caaddaa ah iyo culimo loo geeyo
Oo loo garwaaxsado tashiga golo la weyneeyey
Gabanta yar iyo Soomaaliland yaw garnaqi doona
Geyigaba idiinmay marteen guuldariyo ceebe
Amnestiga ma gaadheen waxaad talo ku goyseene
Gaaladu waxaad doonayseen gebi ma saarteene
Allaylehe gunnimo fool xun baad gegi la jiiftaane.
Afartaa gorfeeyaye bal aan soo gadaal celiyo
Gaadiid la kala xoogo iyo geel la kala qaado
Iyo geesiyaal la iska dilo gaasna lagu waayo
Gebagebo colaadeed halkay geydho ololayso
Gaalleef rag waa wada geyaa la isku gawraco'e
Ma gar baa haween iyo caruur gamas in loo qaado
Afartaa gorfeeyaye bal aan soo gadaal celiyo
Oday geesh u taliyaa inuu gabadh yar eedeeyo
Oo guuto loo waco inay faraha gaadhsiiso
iyadoo garaaba ah oo ilmada gabax ka siinaysa
Iyadoo galiilyoonaysa oo gocosho ooyeysa
Oo dhiiga gobo'daa hayaa labada low gaadho
Guddi eexataa waxa la yidhi goysay xadhigiiye
Odayaal guxuushaa ah iyo guurtidii golaha
Gaashaanle iyo xaakimkii talada goynaayey
Goobta kama maqnayn lagu wanjalay geenyadii bariye
Sidii gaal xajkii lagu arkay baad wada ganaaxdeene
Haday godob laxaad lihi fadhiday gabadha reerkooda
Ay goosashada kula neceen gooni isu taagga
gurboodka iyo caruuraha maxaa loo gar qabateeyey
Dhaqankii maxaa loo ganbiyey la isla garanaayey
Mise gobanimada waa nacdeen gun iyo xaalkeede
Axmednaasir Cabdi Geele
axmedlibaax@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Kulaabo bogga
www.SomaliTalk.com
|