Muxuu Abwaan Abshir Bacadle ka yiri
Maqaalkii Khudbaddii
Madaxweynaha
Abshir
Bacadle oo ka mid ah waxgaradka iyo Abwaanada Soomaaliyeed ayaa markii uu
aqriyay qormadii halku dhiggeedu ahaa
Khudbaddii Madaxweynaha
ayuu nala soo xiriiray si uu uga dhiibto aragtidiisa, wuxuuna yiri.
“dhab ahaantii saaxiibkayga Fahad waa qoraa aan
runtii oran karo ma aha nin caadi ah oo qof kasta oo Soomaali ah wixii niyadda
ku haysa ay jecleyd inuu ku hadlo C/llaahi Yuusuf ayuu soo qoray, waana nin
wixii uu odoroso inta badan ay soo baxaan”.
Hadaan ka hadlo khudbaddii madaxweynaha markii
aan aqriska ku bilaabay oo weliba aan meel dhexe marayo ayaan markiiba
go’aansaday in aan ka mid noqdo dadka madaxweynaha la shaqaynayo oo qolo kasta
oo ka soo horjeeda aan aniguna ka soo horjeesto, waxaa ii soo baxday inay
habboontahay in Soomaalidu ay cafis ka dalbaan Madaxweynaha oo ay yiraahdaan mar
haddii aad soo tanaasushay annagana waan tanaasulnay, waxaa ii soo baxday in
dadkii dowlad diidka ahaa aysan heli doonin geed dambe oo ay ku gambadaan, waxaa
igu soo dhacday in Soomaali Qabyaalad ka faani doonto mar haddii C/llaahi Yuusuf
Qabyaalad diiday.
Waxaa igu soo dhacday in Isbaarada si sahal ah
loo qaadi doono maxaa yeelay shakigii jiray oo ahaa in C/llaahi Yuusuf uu soo
duulayo ayaa meesha ka baxday, markaa waxaa ii soo baxday ragii ku fekerayay ha
iska kala dirin mooryaanta waad u baahan tahaye ay u muuqatay in cabsi dagaal uu
dhamaaday sidaasna ay isbaaradii ku qaadeen ,
Intii aan akhrinayay khudbadii Madaxweynaha
waxaan galay jawi farxadeed waxaana ii sawirmay in caqabao badan oo nagu hor
gudban ay meesha markiiba ka baxeen (waa intii aan akhrinayay khudbaddii
Madaxweynaha oo aan weli gaarin gunaanadkii)
balse markii aan gaaray gabagabadii maqaalka
ayaa waxaa ii soo baxday in xaalku sidaan mooday aysan ahayn, mana rajo dhiginee
waxaa ii sawirmay mar kale in la heli doono dad badan oo C/llaahi Yuusuf ku
dhiirigelin doono in uu taladaan qaato, iyagoo u sawi doona sida dadkii
akhristay dhamaantood ay ugu farxeen, taasoo shalay keentay in wargayska
ayaamaha la waayo laguna kala iibsado ilaa 5 kun oo shillin, haddii uu
talaabadaa qaatana wuxuu nooqn doono sidii Anwar Saadaadkii mar qura Tal’abiib
ka dagay iyadoo Carab iyo Israa’ill ay is neceb yihiin)
Muqdisho, Soomaaliya
Halkan ka akrhi Maqaalkii
Khudbadii Madaxweynaha
|