WARAYSI MADAXWEYNAHA
JABUUTI: DOWLADAHA SHISHEEYE FARAHA HAKALA BAXAAN ARIMAHA SOOMAALIDA.

Fahad
Yaasiin Xaaji Daahir
fahadsom@hotmail.com
:::WARAYSIGII FAHAD:::
Agoosto
11, 2005
Waraysigan oo dhinacyo
badan taabanayan waxaa la qaaday kadib markii la iclaamiyey natiijadii
doorashada ee dalka Jabuuti.

Ismaaciil Cumar Geelle & Fahad Yaasiin | Jabuuti |
Somalitalk:
Axsaabtii Mucaaradka waxay sheegeen iney shuruudo ku xireen doorashada si’ay uga
qayb-galaan tartanka, adinkuse aad diideen shuruudahaas. Hadaba sidee ayaad hada
kadib ula macaamali doontaa?
Geelle:
Runtii, markii horeba wax la fahmi karo ma’aysan keenin, waana ka xumahay iney
hadana shuruudahaas wali sheegayaan. Wixii hada ka danbeeyana waxaan ula
macaamalayaa sida aan dalka oo dhan ula dhaqmo, waxaan jecelahay in wixii
horumarka dalka ah aan iska kaashanno, aanna ilowno wixii horay u dhacay oo
dhan.
Somalitalk: Jabuuti waxaa ku sugan
ciidamo caalami ah oo sheegaya iney ilaalinayaan isu socodka waxa loogu yeero
argagixisada, hadaba ma jiraan dhaq-dhaqaaq la taaban-karo oo ay arkeen?
Geelle: Arintaas waa mid u gaar ah
hay’adaha ay khusayso, munaasbna ma’ahan inaan warbaahinta galino.
Somalitalk: Kaalma intee le’eg ayaad
ka sugaysaa dalalka Carabta, maadaam aad galayso xili cusub oo lixsano ah?
Geelle: Carabtu waa dad aanu waalalo
nahay, mana kala maaranno, waxaana rajaynayaa iney wax weyn u tari karaan umadda
Jabuuti.
Somalitalk: Intee le’egyahay
xiriirka aad la leedahay dowladda Itoobiya?
Geelle: Aad buu u fiicanyahay, waan
wada shaqaynaa, jaar-baan nahay, waa isku xiranahay, oo miinaagoodii baan nahay,
dadkeenuna wuu is dhex-socdaa habeen iyo maalin. Marwalba dhanka nabada iyo wax
wada qabsiga ayaanu ka shaqaynaa.
Somalitalk: Arimaha Soomaalida
aragti midaysan miyaad ka leedihiin mise khilaaf ayaa jira?
Geelle: Intii Nairobi la joogay
waxayba wax ku suuragaleen markii aan meel iska dhignay wixii anaga noo
dhaxeeyey, ee aan arinta Soomaaliya ku midownay ayey wax waliba suuragaleen.
Somalitalk: Lixsano oo danbe ayaad
dalka Jabuuti Madaxweyne usii’ahaan-doontaa, maxaa ugu muhumsan ee aad shacabka
Soomaaliyeed u qaban-doontaa?
Geelle: Wallaahi umada Soomaaliyeed
iney dowladeedii soo ceshato ayaan qalbiga ka doonaynaa, dadka R/Jabuutina
sidaas ayey heegan u yihiin, ilaa iyo carta lama kala furin geedigii.
Waxaan jecelnahay dadka
Soomaaliyeed, gaar-ahaan inta madaxda u ah ee la doortay iney iska dhigaan
arimaha shakhsiga ah, iska dhigaan qabyaalada, ayna arkaan waxa uu u
baahan-yahay wadanku, wuxuu maanta wadanku u baahan-yahay nin naftiisa u hibeeya
oo u hura, wuxuu u baahanyahay nin walaalkiis iyo islaan-tiisa ka taga, dalku
wuxuu u baahanyahay nin usoo baxa. Madax cayn-kaas ah haddii la helayo anagu
diyaar baanu u nahay inaan isgarab-taagno oon lashaqayno, sidii aan isugu soo
dhawayn karnana inaan isugu soo dhawayno.
Dadka Dowladaha shisheeye ee
arinka Soomaalida soo galayana inaan ku niraahno udaayo Soomaalida arimahooda,
iyaga ayaa danahooda yaqaanee.
Marbaan is niraahdaa armaa
danbi nalaga jafayaa, laakiin waxaan leenahay Ilaahayoow intaas nagu filanee
naga khafiifi, oo dadkan isu soo dhaweey.
Somalitalk: Qaar badan oo
aqoon-yahan ah ayaa waxay rumaysan-yihiin kolkii aad iskudaygii Carta samayseen
ee uu misana fashilmay in Madaxweynaha Jabuuti iyo shacabka Jabuutiba ay ku
keentay iney ka niyad-jabaan xaalka Soomaalida. Taas maxaa ka jira?
Geelle: Hadduu niyad jab nagu dhacay
laba sanadood ma’anan fadhineen Nairobi, oo Safaarad aan bari hore xirnay dib
uguma aynan furneyn arinta Soomaalida aawadeed. Waxaan Nairobi dhignay wakiilkii
Soomaaliya, ilaa iyo hadda waa uu joogaa. Haddii aan niyad jabnay mar hore ayaan
iska soo laabmi lahayn, oo faraha ayaan ka qaadi-lahayn, niyad jab naga dheer,
inta aan noolnahay waxaan jecelnahay inaan sara-joogno, wax kale oo aan ku
filanahay garan-meyno haddii aynan walaalahayo is-garab-taagin.
Somalitalk: Saad ogtahay Barlamaanku
wuxuu dhawaan soo saaray go’aan lagu diidayo wadamada safka hore, hadaba
dowladda Jabuuti go’aankaas siday u aragtaa?
Geelle: Dowladda Soomaaliya ee la
doortay Madaxweynaheeda ayaa dalbaday. Barlamankiina gadaal ayuu kadiiday hadana
ka ogolaaday, oo waxay yiraahdeen waan doonaynaa ciidan, laakiin qaar kamid ah
ayaan diidaynaa.
Talada waxaa iskaleh umadda
Soomaaliyeed, waxaase lagama-maar-maan ah, haddii tan la diido in fikrad badiil
ah lakeeno, dalku miyuu u baahanyahay nabad? Dalku miyuu u baahanyahay inuu
dhismo? Dalku miyuu u baahanyahay in hubka oodhan la’iska dhigo?
Markaad eegto Muzanbiig, eed
eegto Laybeeriya, eed eegto Angola. Saaxad dhan inta lasoo tubay wixii hub ahaa
ayaa lagubay, Malaga helayaa hadaba Soomaali sidaas?
Dawladii lasameeyey say dooni
hanoqoto, cidday dooni ha’ubadnaato, dadka ninkii nabad galin-karo unbaa dowlad
dhisi kara, marka nabad mala keenayaa? Waxaa la yiri dadka hubka halaga guro,
masoconeyso ayey dhaheen. Waxaan niri ciidankii hore ee Soomaaliya hala’abaabulo
oo isagii hala soo bixiyo, maya ayaa la yiri, wax kalana lama keenayo.
Dowladdii Maraykankana waxay
tiri: Cid ciidan geyneyso majirto. Maxay iyadu u diidaysaa? Waxay taagantahay
wixii Soomaaliya 92 kii ka dhacay, kolka askari shisheeya ah oo yimaada oo qori
sitaa waa mamnuuc bay yiraahdeen. Maxaa lagu badalayaa marka? Cid badiil
keeneysa ma’aragtay? Waanu ka xunahay arintaas.
Somalitalk: Maxaa fariin ah oo aad
faraysaa Shacabka Soomaaliyeed?
Geelle: Shacaka Soomaaliyeed
dhibaato badan inuu ku jiro waan ognahay, sumuud ayuuna ku jiraa. Waxaan
jecelnahay inaan tusno sida aan u garab-taaganahay. Dadka Soomaaliyeed ee
dibadda u baxayna waxaan leeyahay, dalkoodii yaanay iloobin, dhaqaalahana intaa
ay soo diraan ayaa lagu nool-yahayee hasii adkeeyaan ayaan leenahay.
|