Shaki kuma jiro in Soomaalidu u baahantahay inay hesho dib u heshiisiin
buuxda ayna tahay Madaxweynaha iyo Raysal wasaaraha cida ay la gudboontahay
tahay ee laa doonayo inay bilaabaan hawshaas af iyo adinba laakiin, waxaa is
waydiin mudan Qabqablayaasha iyo Ra’iisul Barlamaanka ay ka “dhex-hadlayaan”
ma yihiin qaar doonaya in soomaaliya dowlad noqoto oo lahelo amaan iyo kala
dambayn, dhibaatada jirtana la soo afjaro oo shacabka soomaaliyeed
xuquuqdooda bini’aadminimo ugu yaraan helaan, mudp 15sano oo dagaal sokeya
ah ka gadaal? Jawaabta arintaa waxaa u daayeey walaalkay Fahad Yaasiisn
Xaaji Daahir.. qoraaga maqaalkii Khudabdii Madaxweynaha.
Marka aan ka soo qaadno in madaxweynu khudbadaa tanaasulka iyo toobad keenka
ahayd ee aad u diyaarisay akhriyo, waxaa la hubaa in qab-qablayaasha
Gurracan ee dhiiga umada ku mamamay ay markiiba u akhrisanayaan si khalad ah
ayana u qaadaan doonaan in madaxweynahu Niyad jabay, oo isa soo dhiibay waxa
hadalkaas ka yeersiiyeyna uu yahay baqdin uu malayshiyadooda ka baqayo.. iyo
tanaasul loo sameeyey inay fal dambiyadoodii halkii ka sii wadaan.
Isku soo duuboo, yaasiinoow Khudbadaadii mala awaalka ahayd waa la xafidayaa
ilaa laga helayo cidii ku haboonayd ee loo akhriyi lahaa, mana aha cidii la
maqashiin doonaa …..Qabqablayaal dagaal, Isbaaroolayaal ah oo Dekado iyo
ayrboodho ay ummada ku gumaystaan u furanyihii, Xaafado iyo Degmooyin
masaakiini degan tahayna cashuuro sharci daro ah ka qaada, Aqonyahanada,
culuma’uudiinta iyo Saraakiisha ummadana ugaadhsi ku laynaya hantidii
dadweynaha iyo dowladana xoog ku haysta oo doonaya in sidaa lagu sii jiro oo
aan weligeedba dowlada Soomaaliya layiraahdo oo asaageed is garab taagta la
helin.
Ugu dambayn Fahad waad mahadsanid, wanaaga aad Soomaliya la jeceshayna waa
mid cid waliba aragto laakiin ogoow sidii Raisul wasaare Geedi ku maahmaahay
Hashu haday maqaarka diidayso meelo dal daloolay ka eegtaa….waxaana oran
lahaa ”Qabqable Qaran ma doonayee Haku qasaarin Qowlka kii Qurxoon”
Abdul Raxmaan Xariiri
Saudi Arabia
Xariri@hotmail.com
SomaliTalk.com | Saudi Arabia | August 1, 2005

URL:
www.SomaliTalk.com/fahad
Kulaabo bogga www.SomaliTalk.com