Garoowe: Xukuumadda Puntland oo ku cadaadinaysa Qaramada midoobay in deeqaha gobollada Sool iyo Sanaag lasoo mariyo Puntland.
- Friday, November 18, 2005 at 08:27
  

Garoowe(AllPuntland)- Magaalada Garoowe waxaa kulamo kala duwan ku yeelanayay shalay illaa xalay xubno sar sare oo katirsan qaramada midoobay iyo madaxwayne kuxigeenka dawlad goboleedka Puntland waxayna kawada hadlayeen deeqaha lasiiyo gobollada Sool iyo Sanaag ee haatan mara maamulka labaxay Somaliland.

Shirkaan ayaa waxaa yeeshay uqaybsanaha deeqaha qaramada midoobay Maxwell Gylarad iyo sargaal sare oo ka tirsan hay'adda UNDP oo lagu magacaabo Apala iyo madaxwayne kuxigeenka Puntland Xasan Daahir Af-Qurac.

Wasiirka warfaafinta dawlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/risaaq Yaasiin C/le Geesood ayaa AllPuntland uxaqiijiyay in shirarkaasi u dhexeeyay qaramada midoobay iyo madaxwayne kuxigeenka Puntland xoogga lagu saarayay qaramada midoobay inay Puntland usoo weeciso deeqaha ay gobolada Sool iyo Sanaag usoo marsiiso Somaliland.

Maxwell Gylard iyo Apala ayaa naf ahaantooda soo bandhigay qorshayaal kala duwan oo ka hortaagan inay si dhaqsa ah ugu dhawaaqaan inay Puntland soo mariyaan deeqaha lasiiyo gobollada Sool iyo Sanaag.

Md: Geesood ayaa tilmaamay inaan arintaasi wax go'aan ah aysan wali kasoo bixin hase ahaatee shirarka arintaasi laga leeyahay ay sii socon doonto maalmaha foodda inagu soo haya.

Golaha wasiirada oo maalintii shalay ahayd shir ku yeeshay magaalada Garoowena waxay mawqif cad iska taageen arinta kusaabsan deeqaha gobollada Sool iyo Sanaag ee lamariyo Somaliland taasoo ay ku tilmaameen wax aan caqliga gali karayn.

Ma ahan markii koowaad ee Qaramada midoobay iyo Puntland ay ka hadlaan arimaha deeqaha lasoo gaarsiiyo gobollada Sool iyo Sanaag.

Horay waxaa u jiray cabashooyin ay soo gubiyeen dad ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag ee Puntland , kuwaasoo tilmaamay inaysan maamulka labaxay Somaliland si habsami ah usoo gaarsiin deeqdii loogu talo galay gobollada Sool iyo Sanaag.

CCC Farayaamo

AllPuntland

ISHA: Xuquuqda qoraalkaas waxaa leh qoraaga ku saxiixan