Waraysigii
Radio Xorriyo: Nin Goob Joog ahaa Xasuuqii Qabridaharre
GABAY
KU SOCDA CALI MAXAMED GEEDDI... (Siciid Xaaji Axmed)
GEEDDI IYO GEF-TAARIIKHEEDKIISA:::
»XUSUUSIN: XIRIIRKA TAARIIKHEED EE SOOMAALIYA iyo XABASHA
»Waan
baahanahay Baqtiga looma Cuno |
Mutafa
»FAHAD
YAASIIN TALO IGA HOO | Jama Abdilahi
Suleiman
»Geeddi:
Haddii Somaliland Go’do waxba kama Qabno; Madaxda Puntland: Wuxuu Aabbe (korneylku)
Qabo baan Qabnaa
| C/waaxid
»Tiisa
daryeela tu kale ku dara! | Ikraam
»Jawaabihii Prof.
Geedi dad bay jinni waalan ku rideen !! | Ducaale
»Warqad
furan kuna socota M/weyne C/llahi & Ra'iisal Wasaare Geedi
| C/lahi
»CAR
WAA NINKA AASSA MEYDKA (QABRIDAHARE) | Hereri
»QABRIDAHAR
: MAGAALO LABA CADOW LEH, KEEBAY LA DARISTAA
»Jawaabta
ninka sida sawiradda habla dhabanka u haysta Fahad Yaasiin
»GEEDIYOOW
SOOMAALI GEFBAAD KA GASHAY | Hereri
»Fahadow:
Geeddi ma Zenaawi baa Eryi Kara Mise Cabdillaahi Yuusuf? | Cabdi
»Maxammed
Ibraahin: Geedi in lagaga Mudaharaado Belgium
»Madaxweynuhu
Isagaa naga Yaqaan Ra’iisulwasaarihiisa | C/Waaxid
»Jufada
Jawhar Markay Jaahwareenaan Maxay Itobiya ugu Cararaan
»Madaxweyne C/Laahi Xilka Ka Qaado
Cali Max'ed Geedi fahad
WARAR:::
Nov 19, 2005: Madaxweynaha DFKMG ee
Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa
ka dalbaday maamulka Puntland in aysan
Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi... [Eeg
halkan]
Nov 19, 2005: Xubnaha labada gole ee ku
sugan magaalada Muqdisho ayaa Hotel Saxafi ku yeeshay kulan lagu soo dhisay
guddi ay kamid yihiin Xildhibaanada kala ah Shariif Saalax, Avv. Xasan Dhimbil,
Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni-boqor) & C/fataax Rashiid kaddib markii kulankaas
laga akhriyey warqad lag asoo daabacay SomaliTalk oo ah tii uu Fahad Yaasiin u
diray Madaxweynaha DFKMG, warqadaas oo kaga ilmaysiisay qaar kamid ah
xildhibaanada... [Eeg halkan]
Nov 18, 2005: Cali Maxamed Geeddi ayaa
gaarey dalka Talyaaniga, isagoo kasoo kicitimay Belgium. Markii uu gaarey
magaalada Roma waxa uu dad la kulmay u sheegay in wax iska bedeleen socdaalkii u
qorshaysnaa ee ahaa in uu Talyaaniga booqasho ku joogi lahaa dhawr maalmood,
laakiin uu war degdeg ah ka helay Jawhar ah in uu dhaqso ugu laabto, sida uu
sheegay si uu uga qayb galo dib u heshiisiinta ay xubnaha ku sugan Muqdisho ku
imanayaan magaalada Jawhar.
Nov 18, 2005: Cali Maxamed Geedi oo jooga
Belgium ayaa yiri: “Dowladdii Cabdiqaasim haddaanan been isu sheegeyn waxaa
dumiyey Ethiopia, mana ahan inaan annagu maanta isku dirno Ethiopia ee waa inaan
xiriir dhow la sameysanaa. Nin wadaad ah ayaa la weydiiyey Fandhicil ma xalaal
baa, mise waa xaaraan, wuxuu ku jawaabay sheegsheeggiisa ayaaba laga roon yahay.”
[Eeg halkan]
Nov 16, 2005: Cali M. Geedi oo gaarey Belgium
oo su'aal laga weydiiyey kala hadalka isaga iyo madaxweynaha ayaa yiri: Horta
qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka
dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda
arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi
baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo.
Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin.
[Eeg halkan]
Nov 16, 2005:
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay
hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi.
waxana uu yiri
“Ma aheyn in Ra’isul Wasaaruhu dhex galo arimo noocaas oo kale ah
oo ah mid u hiilinaya in Soomaaliya la googooyo” ayuu yiri Madaxweyne ku
xigeenka oo sheegay in la doonayo in ra’isul Wasaaruhu u raagelin ka bixiyo
hadalkaasi oo ah mid u keeni kara Dowladda Federaalka ah sumcad xumo. [Eeg
halkan].
Nov 16, 2005: Wafti
ka socdey dawladda Itoobiya oo maalmahaas joogey magaalada Jawhar ayaa
heshiisyo
kala saxiixday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Heshiiskaan ayaa waxaa la sheegay
in uu faa’iido ugu fadhiyo Dowladda Dowladda Itoobiya oo iyadu dooneysa in ay
isticmaasho qaar ka mid ah Dekedaha Soomaaliya.
Nov
15,
2005: Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame ayaa soo hor dhigay Golaha Baarlamaanka
(muqdisho) Mooshin uu ku leeyahay in Ra’isul Wasaare Geedi uu ku xadgudbay
axdigii Qaranka isla markaana uu galay khiyaano Qaran -
isagoo hadalka Ra’isul Wasaaraha ku tilmaamay mid ah khiyaano Qaran oo uu ka
galay bulshada Soomaaliyeed. [Eeg halkan..]
Nov 15, 2005: Waxaa
magaalada Qabridaharre ee dhulka Soomaalida xogga looga haysto lagu xasuuqay
maxaabiis ku xirnaa magaaladaas iyo dad rayid ah. [Eeg
halkan].. ama [HALKAN KA
DHEGEYSO FOCUS ON
AFRICA...]
Nov 13,
2005:
Ra’isul Wasaare
Cali Max’ed Geedi ayaa ka ambabaxay Garoonka Diyaara-daha ee Jowhar, waxan uu u
duulay Addis Ababa si uu ula sii kulmo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Miless
Zinawi, intii aan Geedi usii ambabixin dalka Belgium.
[Eeg
halkan..]
NOV 11, 2005: Cali Maxamed Geedi ayaa yiri "Dadka
iyo Dalalka Soomaaliyeed waxay maqnaan jireen waagii gobanimo doonka, laakiin
sidii gobannida dalku u qaatay, dalalka deriska iyaguna gobanimo ayey qaateen....
Dadkaasi waxay ka mid yihiin dawladaha deriskeena, gumeysina kuma hoos jiraan..."
[HALKAN
KA DHEGEYSO]
|