Taariikhda Weriye Abdi Bari Atwan...
Isteerinka Qormada
maanta waxaan u leexinayaa magaalada London iyo saxafiga caanka ah
ee Adel Bari Atwan. Waa nin aan ka ibraahim ahaan aan aad u jeclahay
kartdiisa iyo sida wacan ee uu usoo bandhigo waxa uu aaminsahay bal
ila fiiri ninkan iyo taariikh nolaleedkiisa.
Abdel Bari Atwan..
Abdi Bari Atwan, waxa
uu dhashay taariikhdu marka ay aheed
February 17,
1950 wuxuuna ku dhashay xero Qaxooti
oo ku taal magaalada Gaza Strip, waana 2 sano kadib markii dadka
Yuhuuda ah lagu abuuray dhulka Falastiin. Waxa uuna ka mid yahay 11
caruur ah oo ay walaalo yihiin.
Dhanka waxbarasha iyo
shaqooyinkiisa..
Waxa uu D/Hoose iyo
Dhaxaba uu ku sooo dhameeyay xerada Qaxootiga ee uu ku dhashay,
kadibna waxa uu Dugsiga sare ku dhameeyay wadanka Jordan iyo
Masar.sanadkii 1967 ayuuna ka baxay Dugsiga sare isaga oo wali ah
Qaxooti.
Sanadkii 1970 waxa uu
ku biiray jaamacada Cairo Universaty waxa uuna ka bartay Saxaafada
sidoo kale waxa uu diyaariyay
English-
Arabic
translation . Isagoona helay
shahaadada Diploma-ha. Markii uu dhameeyay waxbarashada Jaamacadeed
waxa uu markii ugu horeesay uu ka shaqo bilaabay wargees la yiraahdo
Al.Balaagh ee dalka Libya ka soo baxa. Kadib waxa uu ka shaqo
bilaabay wargeeska Al.Madiina ee dalka Saudi Arabia laga
leeyahay.

wariye Abdel Bari
Atwan.. sawirka google search..
Sanadkii 1978 ilaa
maanta wax uu dagnyahay magaalada London, waxa kale uu ka soo
shaqeeyay wargeeska Al-Sharq Al-Awsat ee xaruntiisu tahay magaalada
London lakana leeyahay dalka Saudi Arabia.
Balse sanadkii 1989,
ilaa maanta waxa uu Tifaftire ka yahay wargeeska
al-Quds al-Arabi ee xaruntiisu tahay dalka England. Waxaana
markii ugu horeeysay wargeeskaasi aas aasay dad falastiiniyiin ah oo
a soo qaxay dalkaasi Falastiin dagana dalka England. Wargeeska
al-Quds al-Arabi oo ah wargees caan ka ahay aduun-ka gaar ahaan
wadamada carabta. Wargeesku waxa uu si aan xishood laheen inta badan
u dacaayadeeyaa taageerada madaxda carabta ee aan ganbashada laheen
ee ay u hayaan dalalka Israel iyo Mareekanka taasina waxa ay keentay
in dalal badan oo carbeed laga mamanuuuco aqriska wargeeska
al-Quds al-Arabi.
Abdel Bari Atwan waxa
uu ku caan baxay sida uu u difaaco Qadiyada dalkisa Falastiin iyo
guud ahaan shucuubta Carbeed ee u afduuban madaxdooda. Arrintaasi
waxa ay keentay in uu inta badan Taleefishadana caalamka intooda
caanka ah laga marti qaado si uu ooga hadlo arrimaha ku saabsan guud
ahaan Caalamka islaam-ka. Taleefishadana laga marti qaado waxaa ka
mid ah on
BBC World,
Sky News ,
CNN iyo Al.Jazeera.
Wareeysigii uu la
yeeshay Usama Bin laden.!!
Sanadkii 1996 ayuu
dalka Afghanistan ku tagay socdaal ujeedkiisa ahaa sidii uu ula
kulmo lahaa Usama Bin Laden. Safarkiisa iyo sida uu kula kulmay
Usama Bin laden way dheer tahay balse ugu danbeentii wuu la kulmay.
Arrima ugu yaabka badan ee uu sheegay waxa ka mid ahay nolashada
adag ee uu soo arkay isaga oo xitaa mudo afar maalin ah ku soo
noolaa jawi adag oo aad u qaboow kana hooseeya ebar ama Zero.
(sub-zero temperatures)

Abdi Bari oo Usama Bin Laden oo wada taagan.
Sida badan marka uu
Fariin soo diro Usama Bin Laden waxa laga Casumaa Taleefishan-ka
Al.Jaziira. marka uu hadalyana waxa uu magaca Usama Bin Laden ka
hormariyaa darajada Shiekh taasi oo muujineeysa sida uu ugu muujiyo
in uu u hayo ixtiraam.
Fikaradihiisa dhanka
Siyaasada.
· Buugiisa "The
Secret History of al-Qa'ida", waxa uu ku leeyahay "Aniga ma ayidayo
ama sina kuma Taageerayo Ajandaha ururuka Al.Qa'ida ee ku aadan
waxyeeleenta shucuubta aanan waxba galabsan ee reer Galbeedka ah".
Atwan inkasta si dadbadan uu u taageero Al.Qa'iada haddana sida
muuqata waxa uu istimaalayaa siyaad ah in uusan taageero u heen
ururka Al.Qa'ide marka ay arrintu tahay waxyeeleenta dadka aan waxba
galabsan sida Qaraxyada lagu waxyeeleeynayo. Maxaa yeelay Atwan waa
nin heesta Dhalashada wadanka England ee uu ku noolyahay.
· Markii uu socday
dagaalkii Gacanka Carbeed "
Kuwait war", wargeeska al-Quds al-Arabi waxa kor u sii kacday
sumcada uu bulshada carabta ku dhaxleeyahay si gaarana waxa uu ooga
hadlay markii dowlada Mareekanka ay soo faragalisay arrinta, dhanka
kale wargeeska marna ma uusan ka hadlin duulaankii dowlada Iraq ay
ku soo qaaday dalka Kuwait.
-
Markii Mareekanka uu duulaanka ku soo qaaday
dalka Iraq Atwan waxa uu yiri "Sadaam tiirka toogashada ayuu
tagi doonaa, maxaa yeelay waxa uu dhisan Iraq Nadiif ah oo aan
Sunni iyo Shiica intaba aysan ka jirin [ Iraq without
sectarianism]" .
-
June 27, 2007 mar uu wareeysi siinayay
ANB TV lagana leeyahay dalka lubnaan, waxa uu yiri "Haddii
Gantaalada Iran ay Duqeeyaan dalka Israel Alle idinkii, waxa aan
aadi doonaa Barxada
Trafalgar Square halkaas ayaana
damaashaad ku sameen lahaa". Marka uu sidan u hadlayo kuma
qaldana maxaa yeelay markii uu dhashay ilaa maanta dalkiisa
Falastiin waxa gumeeysanaya Cadowga Yahuuda.
-
Sanadguuradii shanaad ee weerarkii lagu qaaday
dalka Mareekanka
New York
9/11 waxa uu yiri "Dhacdadii 11
September waxa ay na xasuusineeysaa dhamaadka Boqortooyada ama
awooda dowlada Mareekanka, maxaa yeelay dhamaan dowlada walba
awood inta isbida kibirtana waxaa iska cad in ay bur-bureeyso".
Abdi Bari Atwan waa
nin ujeedka iyo waxa uu aaminsanyahay aan la gaban, inta badan marka
uu hadlayo aad ayaa u qayliyaa hadalkiisana ma ahan iska hadla ee
macluumaad iyo wax badan oo kaa maaqan ayaad ka fahmeeysaa marka aad
hadalkiisa dhuuxdo.
halkan ka fiiri sheekada dhax martay Abti Bari iyo Usama Bin Laden
iyada oo ku qoran afka carabiga..
waraysi ay la yeelatay Usama Bin Laden shabakada Al.Jazeera.
qoraal uu ka qoray Jihaadka iyo dhibka uu ku hayo reer Galbeedka iyo
Israel